HAYB SOOCII LAKI Q2AAD W/Q: Cabdufitaax Maxamuud Cabdi(Dhegobaaf)

quotescover-JPG-54

HAYB SOOCII LAKI Q2AAD

Wax xaal sidaa ahaado ba , maalmo ka dib waxaan jidka isku baranay wiil aan daris noqonay markii dambe oo xaafadaheena ahaaday laakiin ku cusub xaafadda kana nadiif ah dhagartooda dhallinta kale , waxaa la oran jirey Axmed wuxu isoo bandhigay habeen habeennada ka mida inaan sheekaysano oo xiriir na dhex maro, anigoo baqdin igu jirto haddana ma jirin sabab aan ku diido ama ugu gacan saydho, waayo waa shaqsiga keliya ee iigu dhawaa ardeyda waan ogolaaday.

Runtii waayo marka waxaan heegan ugu jirey si aan bulshada uga mid noqdo, hammuuna aan u qabay , muddo kooban khadka line-ka ayaan ka wada hadlaynay, waan is fahanay axmed sheeko wadaagna waan noqney, wuxu ahaa mid aan ku nafisi jirey la hadalkiisa , mar mar dhoolacadayn aan iska waayey, Alle ayaa i baray ruuxa qalbiga wanaagsan. Xilli ay goor galabnimo ah ayuu isoo wacay Axmed wuxuu iga codsaday inaan kulano caawa makhribadii xiliguba ha koobnaado hadduu rabee. Waxaan ku iri hawraarsan walaal, waa inoo goorta iyo gurigayaga hortiisa, waxaan billaabay inaan is diyaariyo anigoo yididiilo igu jirto iyo xasilooni badan.

Markiiba wakhtigii waa is guray waxay gaadhay goor sheegtadu xilligii balanta, waxa soo dhacay telefanka guriga waan orday waan qabtay , mise waa Axmed salaan iyo xaal waraysi ka dib wuxu ii sheegay inuu ii imaan doono daqiiqado kooban ka dib , goorta waxaan dareemayey xiiso waan faraxsanaa runtii , hadal yaan idinku daaline waxaa soo garacay albaabka guriga Axmed, waan ka furay bannaanka ayaan wada fariisanay, anago si degan u sheekaysanayna , iyadoon waqti badan ka soo wareeginba mise mar qudha waxa na hareereyey afar wiil oo xaafadda ah oo mindiyo wata , runtii waan naxay markaan arkay kuwii dhuunti ii galay oo caawa aniga iyo nin islaamed meel cidlo ah naga helay , naftayda iyo tiisaba waan u baqay.

Waxay hadal iiga bilaabeen midgaan yahay xumi ma shaqadaasa billowday?. Naa ma heer kaasa maraysaa .? waxay ku hubaysnayeen mindiyo iyo ullo(Bakoorado) nasiib wanaag albaabka hore ee guriga ma xirnayn waan soo riixay uun markan ka so baxayey , hal mar intaan booday ban aqalka gudaha u galay aniga oo qaylinay, habeenka faro cidi leh baan kaga baxsaday kooxdan, nasiib wanaag wiilki waa ay garteen oo wax dhib saas ah umay geysan, aniga habeenkii oo dhan cabsi ma seexan iyo murugo waayo maan ogayn inay ninki dileen iyo in kale illaa aan subixii ka oggaaday inay faraha ka qadeen Axmed oo wax dhiba u gaysan .

isla habeenkaas waxaan go’aan saday inaan xiriirka u jaro wiilkan si naftayda iyo tiisuba u ammaan galaan, halkaana baabkiisi ayaan ku xiray, habeenka wixii ka dambeeyey waa si kordhay weerarkii iyo takoorki ay nagu hayeen dhallinta xaafaddu , hadda heer bay gaadheen ay aqalka nagu tuuryeeyaan awal guriga uun ban kaga magan gali jirnay, haddase maya ma jirto meel aan uga nasan karo cabbaarna ha ahaate.

Wax arrini sidaa ahaataba, waxaan maalin aniga oo guriga jooga igu timid gabadh aan saaxib hore ahayn , waan so dhoweeyey cabbaar wada sheekaysi ka dib waxay ii sheegatay in walaashed ka weyn la dhisi doono isbuucan gudahiisa , waxayna igu casuuntay xafladda Arooska, waan ka qaabilay inan imaan doono goobta hadii Alle idno, is diyaarin dheer ka dib waxaan casar hore ba aaday xafladii arooska, waxay ahayd meel aad loo qurxiyey dad badan joogaan, oo wada labisan, damaashaad iyo boggaadin ka dib, waxa la gaadhay xiligii aan qaban lahaa aqalka, hadda waa habeen xilli dambe Runtii goobta waxaan ku soo qaatay wakhi fiican oo i halmaansiiyey ciilki iyo murugadii badnaa aan qabay galinkii hore ee isla maalinki la soo dhaafay, xafladii waa soo idlaatay, qof walbana wuxuu beegsaday gurigiisi iyo baraduu ka yimid, aniga iyo gabadh aan iska ag dhoweyn xaafad ahaan waxa nala saaray baabuur na geeya guryahayagi maadaama ay habeen ahayd, aanana karin inaan kaligayo socono xiligaa dumarna aanu nahay, runtii gaadhi qurux badan buu ahaa intaan jidka soo soconay waxa ka baxaysay gudaha gaadhiga hees ay qaadaysay fanaanada nimco dareen waan xasuusta weli.

Muddo 15 daqiiqo ka dib, wuxu i hor keenay gaadhigii gurigayga hortiisa, isla markii aan dag damcay aniga oo u rajeeyey dareewalkii iyo inanti ku hadhay baabuurka habeen wacan , una mahadnaqay ayaan la kulanay dhagax meel uu ka yimid aanan garanayn gadhigii muraayada dambe iyo tan hore ba waa ka haleelay , markiiba waxa wadnaha ii dhaafay dareen xun , waxan garawsaday inay kuwii yihiin noloshayda lekedka ku noqday.

Madaxa intaan hoos u dhigay baan hal haleen u qaraacay albaabka guriga, isla markaa qaar indhahaygu waa qabteen dhagaxa tuurayey , nasiib wanaag goortiba waa la iga furay anigoo cabsi daran dareemaya ayaan galay guriga xilliga hooyo waa joogtay guriga , dhanka kale dareewalkiina wuu la cararay baaburkii iyo inantii saarayd ba, habeen ka waxaan ka qoomameeyey wax badan, alla maxa ku geeyey ba qabatay xafladda, alla maxa ninka kugu soo daray waaka gaadhigiisi caawa burburay adiga awadaaye.

Habeenki sidaas ayuu ku hoyaney murugo iyo ciil , hiirti waabari waxaan ku soo toosnay baabuur askar saaran tahay iyo darewalkii oo gadhigii oo bilaa muraayado ah wata, oo aqalka hortaagan , lama yaabin , waayo markiiba waan garowsaday inu yahay ninki gaadhiga lahaa kan ciidanka isoo kaxaystay , hooyo ayaa albaabka istaagtay oo tiri waa maxay walaal, maxaa dhacay .? wuxuu ugu jawaabay askari ka mida askartii meesha taagna � waxaan rabnaa gabadh la dhaho Laki ee gurigan degan waxaAna dacwad ka soo gudbiyey ninkan i ag taagan , marka walaal sida ugu dhakhsaha badan noogu yeedh inantaa ! Hadalkaas qudhayda waan maqlayey oo dhagahayga waa kusoo dhacay , waxaa dhankeygi u soo dhaqaaqdday hooyo oo i weydiisay “ Naa Lakiyeey hawshani ma arrintaa xalay sheegaysay baa ? waxaan ugu warceliyey ”Haa baan anna ugu jawaabay waan raacin ee iga daba imow hooyo” Ka dib waan soo baxay waana raacay , waxan tagnay saldhiga hoos yimaada xaafaddayada , halka waxaan ku xirnaa saacaddo hooyo waxay raadisay nin abtigay ahaa oo soo kaxaysay xiligii qadadii , waxay igu yimaadeen saldhiga , waxay ii wadeen cuno iyo biyo , ma joogin wakhtiga ninki meesha taliyaha ka ahaa , waayo duhur bay ahayd waxa loo sheegay inay galabtii soo noqdaan , marka goorta gartayda la gali doono.

Hooyo igama tagin, goobteedi shaqo way soo xirtay, waxay ila joogtaba waxaa yimid ninki dacwada ii qabay iyo taliyihi saldhiga oo wada socda , xafiiskii bay galeen hooyona wa ka daba gashay , buuq badan ka dib, Abti baa yimid meesha , wuxu ninki darewalka ahaa hadal kuso jaray gabadhan yar ee midgaanta ah darteed baa baaburkeygi cusbaa ciyaalo u jajabiyeen dhammaan khasaarihii isoo gaadhay ban ugu fadhiya , haddii kale halka bay igu xidhnaan ! mana sii deyn doono .

Runtii hadalka reerkayga iyo aniguba waan ka gubanay. laakin maxaan falin karnaa? waa waxba, waayo caddaalad maan helin, waxaana lay haystaa qaan aanan geeysan, waxaana layga rabaa magdhawga fal dambiyeed aniga layga galay, waan garanayey kuwa na soo shiiday habeenka qaar ka mida laakin maan sheegin, waayo dib baan u baqanayey wax aan isku halleeyo cid ama sharci ah ma jirin.

Isla mar kiiba hooyo ayaa tiri, igu duub aniga aya keenaya wax walba aad ka sheeganayso gabadhayda marka waa inaad adna ii fasaxda si aan u kaxayso ilmahayga , hawraarsan buu yiri ninki. haddii xoolahayga aad ii shubto waad kaxaysan karta gabadhaada dacwadana waan la noqon , hooyo ma ogalaan inaan saldhiga sii joogo waxay doontay lacagtii uu sheegtay ninku oo dhamayd 500$. Mudo kooban ka dib waa la isoo daayey guriga ayaan nimid aniga hooyo iyo abti waxaana dib ula midoobay qoyskeyaga.

Habeenkaas daal iyo murug badan ayaa ka muuqday wajigeeda , anigana habeenkaas oo dhan sidaydi , murugo iyo oohin baan ku qaatay iyo is ciil kaambi , saq dhexe ban kacay waan maydhay ka dib weyso qaatay waan tukaday labo ragcadood , alle ayaan baryey inuu dadkan iga dhax saaro meel dhaanta ii dhaafiyo ilaahayoow faraj iiga fur ayaan ku celcelshay, isla habeenki waxan go’aan saday inaan magaalada gabi ahaan isaga haajiro , subixii markii uu waagi baryey hooyo intii aanay shaqadii u bixin waxan u yeedhay walaalkey Ali oo kor iiga weyna isaga iyo hooyaba waxan la wadaagay oo u sheegay waxa qalbigayga ku jira ama aan damcsanahay , inaan daalay oo aanan xamili karayn takoor intaa ka badan , dadkana ay noloshayda caqabad ku yihiin , intaan adduunka uga tagi lahaa waxaa ii dhaanta oon dan biday inaan magaalada uga tago waan tahriibayaa ama aan kawada guurno meeshan ,waa go’aankeygi ugu dambeeyey haddaba la socda hooyo iyo walal labadaana mid soo gala .

Cabbaar waa ay aamusnaayeen , ka dib hooyo ayaa hadashay oo tiri ma hooyo adigoo inan yar ah inaad jidka cidlada ah kaligaa marto , hooyo wixii dhibkaaga aha anigaba waa ii dhibkayga ee wakhti yar isiiya waan ka guurayna magaaladan waxaan u gurayna dalka suudan oo ay qaraabadayda joogan halkaa , laakin ii dulqaata oo mudo yar isiiya si aan uga tabaabulshaysto magaaladan. ganascsigana u soo af meero , runtii hadalkaa walaal Cali iyo aniguba waan u riyaaqnay , waxaana dareeney in albaabkii xoriyada iyo guusha aannu afaafka iska taagney.

Sidii ballantu ahayd, bil ka dib , waan xir xirnayney waxaanu isu diyaariney safar gabi ahaan qoyskeeni koobna waxaa noo billaabmay inaan ka haajirno meeshan aanu kala kulunay xaqiraadda iyo dulmiga , waa 2013 bishii 5naad goortan ka baxnay magaalada Boosaaso oo aan kala kulanay nolol adag bahdilaad, faquuq , nacayb, takoor iyo xumaan fara badan, xaafadda aan daganayn dadka joogay waxay ahayeen kuwo I nacsiiyey isirka soomaal maxaad uga dhalatay! maxaa alle kaaga beeray dadkan sidaa qabyaallada ku ah? qabiilkase maxa alle usoo rogay ? ayaan had iyo goor is weydiin jirey , waxaan wacad ka qaaday nafteyda , inaanan sheegan Soomaali ! inaan guursan nin Soomaali ah ! oo aan beri ilmahayga la oran midgaa tihiin .

Waxaan   nafteyda kula dardaarmay, inaannay ku noolaan carruurtaydu calool xumo iyo urug u gaara , inaannay ka qoomamoon ilmahaygu maxay LAKI hooyo igu noqotay oo ii dhashay! si la mida sidaan u dareemay yaraanteydi intaa iyo ka bdan. Wax xaal sidaa ahaadaba safarkayagi waxaan ku guda jirnay laba maalmood, ka dib, waxan gaadhnay magaalada Tog-wajaale , waxan ka gudubnay xadka Ethiopia iyo Soomaaliya annaga oo u gudubnay dalka Ethiopia , wax walba waa dhammaayeen hooyo waxay waday oo bixinaysay lacag , taaso noo sahashay marida jidka si nadiifa ah oo xasiloon .

Waxaan galay addis Ababa goor hore oo subax ah , jawi kale oo degan baan dareemay ,wajigayga farxad baa u sugnaatay si weyn weliba xilligaa, inkastoo meesha soomaali badan joogtay haddana wax ba kuma darsan jirin anigu. Addis waxaan ku sugnayn muddo labo bilood meelahaas ah, waan ku dagnay xooga oo xasilnay , intaan ku sugnayn Addis ma maqal wax oraah ah oo dhagahaygu dhibsadaan , qaluubtayadana gubta …….

la soco qeybaha kale.

W/Q: Cabdifataax Maxamuud Cabdi( Dhegobaaf)

 

 

SHEEKOOYIN