Heesta: Haba doorannina! Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Heesta: Haba doorannina!

 

Xildhibaan duciyo

Ammaan daahda iyo

Abaal dawyo badan

Aad degeshatide

Doc codeysigiyo

Dacwadaan tixgeli

 

Nin dantiisa qura

Dadaal goobayoo

Maatida dayacan

Aan daryeelinine

Jago doonadkaa

Haba dooranina!

 

Geesi daacadoo

Dar ALLIYO xaqiiq

Diin iyo xishood

Dadnimiyo dulqaad

Ku darsaday damiir

Noo doora kaas✔

 

Doogihii darraad

Waa dikaamayaan

Daaweey rabaan

Doqon sii damqiya

Oo dirsooc yaqaan

Haba doorinina!

 

Qabiil waa na dilay

Waana na la degee

Diirrane waddani

Daaddihiye guud

Doonaya midnimo

Noo doora kaas✔

 

Doorkanu xil helin

Ninka duulayee

Dibad aadayee

Xilli doorashada

Hadba soo degana

Haba doorinina!

 

Dalka iyo dadkiyo

Diintiyo sharciga

Mid daryeelayoo

Gobol iyo degmaba

Is ku duma dhammaan

Noo doora kaas✔

 

Dawladaha adduun

Ugu doobta weyn

Ama derisyadaan

Nimay daba socdaan

Ooy doonayaan

Haba dooranina!

 

Hawlaha dahsoon

Ee dab qaaqankaa

Dul iyo hoosya duluc

Dadban aasan dedan

Nin dersoo yaqaan

Noo doora kaas✔

 

Shacabkoo duruuf

La daalaadhacaya

Daaliduu qabiyo

Carruurtiisa Dubay

La dalxiisahana

Haba dooranina!

 

Deegaan wadaag

Midaan deris nahoo

Dabka iyo biyaha

Ka la doonanoo

Duul noo dhexayn

Noo doora kaas✔

 

Nin dammuumanoo

Xaajadaan dellegan

Daawga loo marayo

Dabcan aan aqoon

Oo na daaliyana

Haba doorinina!

 

Rag xil doonayana

Midba doodi hadal

Aflagaaddo daran

Midkaan doobbinine

Asluub deexanaya

Noo doora kaas✔

 

Dhammaad.

01/02/2017

 

Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN