Herar waa xidid ee xigto ma aha! W/Q: Garaad-Yoonis Gajoome

12208868_919337454788923_4676498261175659459_n

Herar waa xidid ee xigto ma aha!

 

Haddiii aad la xidid tahay Herar maha macnaheedu in aad la walaalo la tahay hererida oo dhan , haddii se aad qabto inan soomali ah waxa aad la xidid tahay dad isku isir aad tihiin.

Waxa aan uu ga socdaa ninka ama siyaasiga reer soomlilaan ee idhaahda waxa aanu walaalo nahay itoobiya isaga oo mooganayn wixii inna dhex maray Itoobiya, maha maanta in uu idhaa somliland waa la walaalo, inaga oo diin iyo dadnimo inna faraysaana ayna jirin.

Waxa aan u socdaa Wasiirka arimaha gudaha Somliland marna ah Shaqaaleha ummadda reer soomaaliland Cali Warancadde. Isaga oo aan ka fikirin dhibta uu hadalkiisu u gaysan karo ummadda Somlilaan oo had iyo jeer ku gafa dad ay wax innaga dhaxeeyaan dawlad ay wax innaga dhexeeyaan ; hadda soomaali oo dhan ayaa isa sudhan , macnaheedu waa hatagin hana joogin waxaana u sabab ah siyaasiyiinta dangaradka ah ee danta bulshada aan u fiirsan dhan kastaba ha joogee. Waran-caadde illaa Dawladdii Riyale waan aqaanay laakiin sidan kumaan aqoon , oo marmarka aan la kaftamayo wasiirka(Shaqalaha ummadda) waxa aan idhaa “Malahayga Riyaale mikirifoonka waa ka ilaalin jiray isaga oo isla yaanu dhaawicin ummadda reer soomaalilaan:” Haddaba haddii laga ilaalin jiray Maxaa la gudboon Siiraanyo?

Horta ma ogola in somlilaan la yaso oo aan lagu sheegin dawlad ismaamuli karayn ; in isaguna uu dawlad dhan ee somaliya ah uu xaqiro waa mid aan habboonayn, siyaasadda iyo dublamaasiyadda aan meel ka soo galin. waxa aan daawaday dood habeen ay ku wada jireen Cali-Guray, Cali-mareexaan iyo Cali Warancadde, waxa aan ka sii xasuustaa in uu Xamar Cay iyo deedifaybn u jeedinayey Warancadde halka uu Cali-Guray isaguna uu lahaa ummadda soomali waan u diirnaxayaa oo dad isku mid ah ayaanu nahay, Cali-guray isaga oo aan ka tagayn macnaha soomaalinimo ay u samaynayso ayuu cali-guray uu gu hal celiyey “Reer Somalilaan halka u dan ah iyaga ayaa lagala tashanayaa, habaar iyo cayna innagama istaahisho dadka reer Muqdisho “.

Haddii manta lay yidhahaa cali Warancadde la dardaaran , waxa aan u jeedin lahaa hadal maalin ka soo baxay wasiirka Warfaafinta ee Cukuse. “Hadalka aan odhanayo waxa aan u fiirsadaa in uu dhibaato u keenayo wiilka koofur jooga , in bandanna waan iska hubiyaa hadaladayda bulshada kala fogaynaya”

Mid habboon weeyaan in aad ka fikirtaa ummadda aad xil u hayso hadalkaagu dhib ma ku keeni karaa. Muwaadiniinta jooga koonfur iyo ardayda ka dhoofta Muqdisho saamayn ma ku yeelan kartaa?

Horraantii sannadkan 2015 ayaa waxa aan booqosho ku tegay Berbera waxa aan joogay muddo dhan shan cisho , waxa aan isku beeggannay maalmihii wafti uu Madaxwayne Siilaanyo hoggaaminayey oo haamaha shiidaalka ayaa la furayey , waxa waftigaa ku jiray wasiirro badan . Laakiin si lama filaan aha ayaan ku arkay aniga oo bada u dabaal tegay wasiir Warancadde oo xeebta fadhiya, waa cabbaaro labadiib duhurnimo; halka uu fadhiyo waxa u yaalla kuraas cadcad iyo dalad uu hadhsanayey , halka ay askartii ilaaladu ay cadceeda iyo hanfiga kulaylka leh ay fadhiyaan. Runtii kumaan baydhin laakiin asxaab kale way ku baydhay, waxa aan diiday sida uu u dhaqmayo wasiirku . Bini aadan nimada wanaagsan waxay ay ka bilaabantaa dadka kugu agdhadhow .

Haddii uu Wasiirku waayo cid tidhaahda waar bal isku xishood oo hadaladaada u fiirso iga wallee heega ayuu goosanayaa oo dadka reer Soomalilanna caqabad ayey ku noqonaysaa . Waxa aanu Xajka ku tagnaa Baasaaboorlka Soomaaliya , waxa aanu waxbarasho ku tagnaa shahaadada soomaaliya , ganacsadayaasha inta aan sidan Baasaaboor Itoobiyaan waxay isticmaalaan baasaaboorka Soomaaliya .

Haddaba in uu wasiirku intaas oo faa’ido isaga oo ka fiirsanaya in uu dadkiisa hoos u eeogo oo u fiirsado mayeyna ahayn?

Goorsheegtu waxa ay ahayd cabaaro todobadii fiidnimo , shaqaale waxa aan ka ahaa Farmasii aan in mudda ah ka shaqaynayey . Aniga oo iska dhex fadhiya ayaa waxa ii soo galay Oday tay xidhan oo aad u la laaya . Inta uu ii warramay ayuu ii sheegay in wiil yar ka xanuunsanayo oo oof ay hayso. Kadib, waxa aan u sheegay in uu qaadanayo daawo oofta iyo naqaska ka jarta , waxyar kadib aya uu haddan ii tabiyey in wiilku xumad saayida ah la il daran yahay ; haddana waxa aan uu gu daray tii xumadda . Markii aan qarashka xisaabiyey , ayaa uu igu yidhi; “ Gabadhaydii baa ila socota ee aan ka soo qaado lacagta “ Haye ayaan ku jawaabay oo waa iga baxay ka dib waa igu soo noqday . waxa uu ii igu yidhi inta aanu lacagta ii dhiibin labaatan doller ayaan hayaa maxaa baaqi ii soo nqonaya waan u shegay baaqigii , markii aan u habeeyey ayaa uu ii dhiibay Boqol dollar , isla markiiba waa dhaqaaqay oo waan ka daba qayliyey . inta uu igu soo noqday ayuu igu jawaabay “ Gabdha ayaa xaamilo ah oo lacagta way isku qaladday” . Inta uu lacagtii iga qaaday ayuu baxay isaga oo xataa taydii haysta oo daawooyinkii uun igag agtagay . Sug, sug shaw waa iska tagay sidiibuu lacagtuu ula baxay . Waxa aan muuddo dhawayd maqlay in uu ninkii Musharax xildhibaan Hargaysa ka yahay; waxaanan ku ogaaday wiil uu sidaa ku dhacay ayaan ninkii iiga shekeeyey, oo maalin sida uu u raadinayey maqaaxi uu fadhiyo una camiran oo musharxda la hayo uu gu galay ; haddab tuuggu tay waa xidhan karaan. oo waaban baratay anigu se bulshada qayb ka mid ah may baran bal u fiirso ninka sidaa ummadda fardi fardi u xadaya iyada oo bandanna ka warran.

Maxaa kaaga baxay?

Talada adiga ayaan kaaga hadhayaa, laakiin waxa habboon in intaa wax ka badan lays nici karin oo qofka soomaliga waa soomaali , wixii ehlul qubuurku isku gaystay waa in aynu innagu xalkeeda keennaa yeynaan ka dhigan daaquud aynu had iyo jeer hadal hayno. Siyaasiga maanta ma eegayo danaha bulshada ee tiisaya yaa kala roon , bulshooy tashada oo idinka go’aansada sidaad u noolaan lahaydeeen.

 

W/Q: Garaad-Yoonis Gajoome

Yoonis1951@hotmail.com

SHEEKOOYIN