Higso Horumarkaaga! W/Q: Naciima Xasan Xuseen

guusha

Higso Horumarkaaga!

Waxaan shaki ku jirin, in qof kasta uu leeyahay awoodo ka la duwan, oo u suuragelinaysa, in uu hawlgeliyo kartidiisa, kana miradhaliyo maskaxdiisa; si uu cagta u saaro dhabbaha ku hagaajinayo halka uu rabo in uu higsado.

Hase yeeshee, waxay dadku ku ka la duwan yihiin qaab-fikirka nolosha, oo ah sida lagu gaarikaro yoolka, fursadaha uu qofka leeyahay, iyo waxyaabaha fududeyn kara xaqiijinka guusha.

Waxaase muhim ah inaad is garato, oo ay kuu baxsan yihiin heerka awooddaada fikir ay gaarsiisan tahay, iyo inaad is ka dhaadhiciso inaad gaari karto halka uu qof bashar ah gaaray. Talo iyo tallaabooyin:

 

  • In uu jiro rabitaan:

 

Rabitaanku waa halka uu ka billaabmo fulinta howl kasta ee laga rabo mirodhal; waayo wax aadan u baahneyn ama aadan u heyn abateet way adkaaneysaa, inaad horay u sii waddo ama aad guul ka gaarto.

 

  • Wax ka baro dadkii guuleystay:

 

Akhri taariikhda dadkii sameeyay horumarka, ee mugga ku yeeshay dunida.

Waayo casharrada ugu badan nolosha laga barto ayaa ah, in aad hesho cid tusaale kuu noqoto, oo aad uga dayato wax aad maaggantahay inaad sameyso.

 

  • U noolow riyooyinkaaga:

 

Inaad noqoto qof go’aan leh, aadna la timaaddo waxyaabihii kuu hirgelin lahaa fikirkaaga, waxay horseedayaan, in riyadaadu rumowdo oo ay noqoto mid si dhab ah waaqaca looga arko.

 

  • Fashalku waa billawga guusha:

 

Howl kasta oo lagu dhaqaaqo waxaa la gala kulmaa caqabado, caqabadkastana waxay leedahay xal iyo waliba hab looga gudbo, ha is dhiibin kolkii uu fashil kugu yimaado ama aad ka adkaan weydo caqabadda, ee arrinta dhan waliba ka fiiri oo daraasee waxa keenay guul darrada. Ogowna in guuldarradu tahay mid kamid ah waddooyinka guusha.

 

  • Yeelo ujeeddooyin cad cad:

 

Waa muhiim inaad leedahay ujeeddooyin kugu kallifay inaaf qabato howshan, oo aysan kaa noqon waa la qabtaye adiguna qabo. Waxa ugu badan ee lagu ambado waa inaad wakhtiga ku lumiso xaqiijinta wax aysan kuu caddeyn ujeeddada aad ka leedahay.

Waa hubaal in qof kasta higsan karo halka uu rabo, waase haddii uu helo waxyaabo ka caawiya gaarista yoolkiisa, haddana uu helo sahay dhiirra gelin ah oo uu ku meel maro, oo walibana la imaado dadaal iyo karti.

 

Farriin;

 

Ha is dhiibin, ha niyad jabin, oo ku adkow mabda’aaga. Is dhiirrageli oo is aqoonso, kuna kalsoonow naftaada, iskuna qanci inaad ka mid tahay dadka isbedelka keeni kara, ama soo kordhin kara wax cusub. Hadba inta aad is ka aaminto ayaad itaalkeeda leedahay.

 

W/Q: Naciima Xasan Xuseen

E-mail: asmaa891@hotmail.com

SHEEKOOYIN