Hillowgii Walaalaha W/Q: Bile Cabdi Maxamed

Hillowgii Walaalaha W/Q: Bile Cabdi Maxamed

Waa nasiib badanahay haddiiba farriintaydii ku soo gaartay. Markiiba ma akhris ayaad ku billaawday? hagaag, walba kursi soo jiido, istaag kuma akhrin kartid’e illayn anigu ba fadhi baan ku qoray’e. Warqada rogrogidda badan ka daa waa intaa soo adiga oon akhrin dabayshu kaa daftaa oo debku kaa leefaa ama kaa jeexmataa’e. Waan dareemi karaa waxa aad ka dhex raadinayso warqadda adigon wali akhrin. Anna kama soo hilmaamin waxaas ee xarfaha dhexdooda ayaan kuugu soo qariyay ee tartiib u la soo bax.”

Alla igu oge aad baan kuugu hilloobay, erayadu ma cabbiri karaan sidaan u cidlooday u cabsaday oo aan u kaliyoobay markaad iga fogaatay. Ma xasuusataa subixii aad naga tageysay adiga oo carraysan waan kaa daba qayliyay balse ima maqal waan kaa soo daba orday, se waan ku soo gaari waayay ad-na gadaal iima soo eegin, marba haddaad xanaaqdid waa caadadaa, cadaawad kaama ahayn sidaa darteed anna xummaan kuuma arag. Hooyaday waxa ay dhashay adiga iyo aniga iyo saddex wiil oo kale labadeenna ayaa se nasiib u yeeshay mar inaan hal meel ku wada noolaanno, kuwa kale na waad ogtahay meelaha ay kala jiraan kaagama sheekaynayo xaaladda ay ku jiraan ad ba waad ogtahay. Adigu waxaad guursatay dhowr beri ka hor intaanan aqal galin, aad baan ugu farxay akhbaartaas annaga dhan qaasatan hooyo oo farxad la ilmaysay. Taasi farxad bay ahayd, waxaa se dabooshay oo ka sii darneed maalintii aad ka soo guurtay tuuladii uu arooskaagu ka dhacay ee aad go’aansatay inaan hal guri is la degno si aan isku weheshanno arooskayga na uga qayb qaadato. U malayn maayo inay na soo marayso maalin ka farxad badan dharaartaas aad noo soo guurtay. Waan xasuustaa dhammaan; anniga, carruurta, hooyo iyo deriska oon mid ka maqneyn ayaa soo dhoobannay albaabka gurigeenna si aan kuu soo dhowayno, waan xasuustaa waxaad ku labbisnayd dhar ka kooban midab kii aad jeclayd ee buluugga annaga xitaa is la buluuggaas ayaan ku xarragoonaynay maalintaa oo Hooyo ayaa noogu labbistay.

Maalintaa ka dib waxaa noo billaabatay nolol qaaya badan waxaan noqonnay qoys quwad weyn oo dadka tuulada iyo deris ku ba ka haybadaystaan. Cid indha quursi nagu eegta waa la waayay, aniga iyo adiga ayaa cidda hoggaanka u qabannay, laba gaashaanqaad oo midba midka kale far dheer yahay ayaan noqonnay xagga geesinnimada iyo garashada ba. Ma xasuusataa maalinkii cidda aan deriska ahayn nagu qabsan jireen boos (dhul) uu walaalkeen lahaa?” ee aan aroortii weerarka ba’an kaga qablaminnay waa naga tira badnaayeen se waan ka wad na fiicneyn. Duhurkii intaan la gaarin ba booskeennii gacantaan ku soo dhignay Alla xoog badnaynaa! Subaxaas subax taariikhda noo galay ayay ahayd. Intaa kuma harine kibir baa na sii qaaday oo wax na celiya ayaa la waayay. Bal haddaan xaqeennii dhacsannay maan joogno waa ba tii la ogaa wixii nagu dhacay, markii dadkii tuuladu u soo hiilliyeen ciddii aan ka adkaanay. Halkii aad nooga tagtay ayaan wali degannahay, qolkii aan is la seexan jirnay ayaan jiiftaa. Ma iga rummaaysanee in wali sariirtaadii halkii daaqadda hoosteeda ahayd kuu taallo iyadoo goglan ku na sugaysa. Wali eerihii aad taqaannay ayaa deris nala ah, ciddii kibirka badneed ma xasuusataa ee naga soo horjeedday? Maxaad u xasuusan wayday hadda ba waan maqlay inay deris kula tahay’e, ciddii wali halkii bay kaabiga nagu hayaan inta bateen oo bulaaleen ayaa dhulku qaadi la’yahay markii hora na waad ogayd intay tira dhammaayeen. Sidaa iiga tagtay daan-daansi iyo gardarro igama daayaan illayn cidlay igu heleene, maadaama aad iga wayneed adiga ayaa iiga sheekayn jiray muhiimadda uu leeyahay midab ka bulluugga ah iyo qiimihiisa waa na sababta aan ilaa iyo hadda u jecelahay buluugga. Waan maqlay sidaad nooga guurtay waad isbeddeshay dabci ahaan xitaa dookhaagii dharku waa isbedelay oo midab kii buluugga ahaa waad nacday oo dhar midabbo badan ayaad ku xarragootaa. Xitaa waan maqlay ciyaalkaaga uma oggolid inay xirtaan waad na garraacdaa kii xirta dhar baluug ah waa adduunyo!

Sidoo kale waan maqlay carruurtaada kuwa isoo booqda ama aad ii jecel inaad qol ku xirtid oo xorriyada ka qaaddid. Waan ku baryaa carruurteenna ha u ciqaabin qalad aan anigu kaa galay carruurtu dembi malahan marnaba aniga iga aarso aniga waxaad doonto igu sameey balse ubadka ha u ciqaabin darteey.

Aniga ba kuwa aan dhalay sidaa oo kale ayay kuu jecel yihiin kuu na soo booqdaan mar na xumaan uma arko waa aan ba ku dhiirri geliyaa inay ku soo salaamaan. Saacad walba waxay i waydiiyaan adeer goormuu soo noqonayaa? Aad baan u niyad jabaaa wax aan ugu jawaabo ayaa aan garan waayaa. Iga raalli noqo walal qaladkii aan kaa galay waan ka shallaayay ficilkaan kugu sameeyay ee foosha xumaa xaqiiqdii wax laga xumaado oo lagu ka la tago waa astaahishay. Shayddaan iyo kibir ayaa hoggaanka ii qabtay fudayd ayaa i qaaday balaayo ayaa ii calanwallaysay, waaya aragnimo la’aan ayaa i hodday. Fiicnaan lahayda maanta garaadka iyo aqoonta aan leeyahay haddan maalinkaa lahaan lahaa waxaas ma dhacayn waayo hadda waxaan ogaaday in aan kaligay ku noolaan karin tuuladdaan cadawgeennu ku badan yahay.

Wiligaa adiga ayaa iga dulqaad badnaa, geesisanaa iga na karti iyo jacayl badnaa sidaa darteed waxan rajeynayaa in aad maalin uun i saamixi doonto dib na u midoobi doonno annagoo cid shisheeye isku keen qasbin idamka Eebbe. Riyooyinkeenniina si wadajir ah baan u rumayn doonnaa, maalinkii hore haddaad adigu ii timid aniga na maalin kale ayaan kuu imaan doonaa ogoow.”

Caawa na hirkaan degay
Ma Hargeysa weyn baa
Howlaha iyo caashaqa
Ma ka galay halkaygii?”

W/Q: Bile Cabdi Maxamed

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.