Hodannimada Dalalka Muslimka. WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

dahab

                                           Hodannimada Dalalka Muslimka

Qabta 2aad

 

 

Calaamada hodantinnimada

Tan kale, qof hodan ah, siday dawladaha galbeedu u yiraahdaan inay ayagu hodan yihiin, dayn ma qaato, oo markuu wax rabo jeebkuu inta gacanta geliyo lacagtiisa ku gataa, ee dayn bangi kama raadsado siday dadkooda iyo dawladohooduba ku nool yihiin.

Ummadda Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam

Ibnu Hishaam إبن هشام\ wuxuu wariyay inuu Khabbaab bin Arat خباب بن أرت\ yiri:

“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa salaad tukaday oo ku dheeraaday. Markaasey waxay yiraahdeen:

“Rasuulka Ilaahayow, ma waxaad tukatay salaad aadan tukan jirin?”

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“أجل! إنها صلآة رغبة ورهبة. إني سألت الله عز وجل فيها ثللاثا, فأعطاني إثنتين ومنعني واحدة. سألته

أن لايهلك أمتي بسنت فأعطانيها, وسألته أن لا يصلط عليهم عدو من غيرهم, فأعطانيها. وسألته أن لا

يذيق بعضهم بأس بعض فمنعنيها.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Haa, waana salaad wax ku doonid iyo cabsiba. Ilaahay, Cazza wa Jalla الله عزوجل\ , waxaan dhexdeeda ku weydiistay saddex arrimood, markaasuu labana i siiyey, midna iga reebay. Waxaan weydiistay inuusan ummaddeyda abaar guud oo wada saameysa ku halaagin, wuuna i siiyey oo iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan ummaaddeyda cadaw aaan ayaga ahayn uusan ku sallidin, waana iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan qaarkood qaarka kale la dagaallamin oo ay xarbigooda iyo xooggooda dhedhensiiyaan, waana iga reebay.”

Lafdiga Muslim مسلم\ oo uu imam Al Nawawii الإمام النووي\ sharxayana waa sidatan:

“ان الله قد زوى لى الأرض ف أ ريت مشارقها ومغاربها وان أمتى سيبلغ ملكها مازوى لى منها وأعطيت

الكنزين الأحمر والأبيض” أما زوى فمعناه جمع وهذا الحديث فيه معج ا زت ظاهرة وقد وقعت كلها بحمد الله كما أخبر به

صلى الله عليه و سلم قال العلماء الم ا رد بالكنزين الذهب والفضة والم ا رد كنزى كسرى وقيصر ملكى الع ا رق الشام فيه اشارة

إلى أن ملك هذه الأمة يكون معظم امتداده فى جهتى المشرق والمغرب وهكذا وقع وأما فى جهتى الجنوب والشمال فقليل

بالنسبة إلى المشرق والمغرب وصلوات الله وسلامه على رسوله الصادق الذى لاينطق عن الهوى ان هو الاوحى يوحى قوله

صلى الله عليه و سلم ” فيستبيح بيضتهم ” أى جماعتهم وأصلهم والبيضه أيضا العز و

الملك قوله ” سبحانه وتعالى وانى قد أعطيتك لأمتك أن لاأهلكهم بسنة عامة ” أى لاأهلكهم بقحط يعمهم بل ان

وقع قحط فيكون فى ناحية يسيرة بالنسبة إلى باقى بلاد الاسلام فلله الحمد والشكر على جميع نعمه ] 2890 [ قوله صلى

الله عليه و سلم ” سألت ربى ثلاثا فأعطانى اثنتين إلى آخره ” هذا أيضا من المعج ا زت الظاهرة ] 2892

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ilaahay الله\ wuxuu ii soo koobay adduunka oo idil tanoo ah mucjizo loo jeedo, waxayna u dhabowday xamdiga Ilaahayالله siduu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u sheegay -, markasaan waxaan arakay qorrax kasoo bexeeda iyo qorrax u dheceedaba, Boqortooyada ummaddayduna waxay gaaraysaa intaas adduunka la iiga soo koobay. Waxaana la i siiyay furayaasha labada kanzi, oo kala ah dahabka iyo qalinka. Culummaduna waxay yiraahdeen: ujeedaduna waa labada kanzi ee Kisraa كسرى\ boqorka Faaris فارس\ ee Ciraaq العراق\

iyo Qaysar قيصر\ boqorka Roomaanka ee Al Shaam الشام\ . Xadiithkaan wuxuu kaloo sheegayaa inay boqortooyada ummaddaani u fidayso dhanka qorrax kasoo bax sida dhacdayba ilaa ay gaartay Indonesia iyo dhanka qorrax u dhac siday u dhacdayba ilaa ay ka gaartay Mauritania iyo Sbaaniya -.

Muslimiintuna way ku yar yihiin oo ummaddoodu uma fidin xagga koofur iyo waqooyi. Allaahumma اللهم\ Salli Calaa Sayyidinaa Muxammadin wa Calaa Aali Sayyidinaa Muxammadin wa Sallim tasliiman kathiiran midka runlowga ah oo aan hawadiisa ka hadlin, balse waa waxyi loo waxyoodo.

Hadalka “Fa yastabiixa baytahum فيستبيح بيضتهم ” macnihiisu waxaa weeye: jamaacadooda iyo midnimadooda. Baydah بيضة\ waxaa kaloo la yiraahdaa Cizziga العز\ iyo boqortooyada.

 

“Waxaanna ummaddaada kuu siiyay inaanan ku halligin abaar dhammaantood wada saamaysa, oo hadday abaari gobol dawladda islaamka ka mid ah ka dhacdo, gobollo kale oo barwaaqo ah ayaa usoo gurmanaya, mahaddana Ilaahayالله ayaa iska leh dhammaan nicmooyinka uu na siiyay.”

Ilaahayالله saddex ayaan waydiistay oo laba ayuu i siiyayna waxay ka mid tahay mucjizaatka muuqda.”

Sidaasuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam in ka badan kun afar boqol oo sano ka hor noo sheegay inay boqortooyada islaamku gaarayso qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhaca adduunkaan, tiradooduna ku yiraaneyso waqooyi oo ah yurub iyo ameerika iyo koofur oo ah Australiya iyo New Zeland.

Sidoo kale in maalka dahabka iyo qalinkaba ummaddiisa la siiyay oo aan waqooyiga iyo koofurta la siin oo laga soo xayuubiyay. Wa Allaahu aclamu والله أعلم\ .

Wikipedia: dhaqaalaha dalalka qaarkood

Kitaabka Encyclopaedia Wikipedia, oo laga helo inetrnetka (en.wikipedia.org/wiki) markuu saboolnimada ameerika ka hadlayo wuxuu dhigay:

“Boqolkiiba toddoba iyo toban ee dadka ameerikaanku waxay ku noolaayeen saboolnimo inta u dhexeysay kun sagaal boqol sagaal iyo sagaashanka ilaa laba kun iyo labada, waana saboolnimada labaad ee ugu sarreysa dalalka dakhligoodu sarreeyo oo la yiraahdo COED. Guud ahaan maraykanku wuxuu ku jiraa meesha lix iyo tobnaad ee saboolnimada adduunka (the USA ranks 16th on the Human Poverty index), dalalkaasna waxaa un maraykanka ka saboolsan Irland iyo Talyaaniga. Sanad kasta laba iyo toban ilaa shan iyo toban boqolkiiba ee dadweynaha maraykanku waa sabool. Markaas marka muddo toban sano ah la soo qaato boqolkiiba afartan ee dadka maraykanku waxay saboolnimo ku nool yihiin ugu yaraan hal sano. Dadkaas saboolka ahna waa dadka shaqeeya. Saboolnimaduna waxay ugu badan tahay dadka da’doodu ka yartahay toddoba iyo toban iyo sideed iyo toban sano. Sanadka laba kun iyo kow dhallinyarada maraykanka ah ee saboolka ah waxay ahaayeen kuwa ugu badan dalalka hormaray oo idil, waxayna ahaayeen boqolkiiba qiyaas shan iyo toban oo dadka da’daas ah oo dhan iyo boqolkiiba soddon dadka maraykanka ah madow oo ku nool inta ku nool ka hoos dakhliga saboolnimada lagu qiyaaso.

Heerka nolosha ee dadka ku nool boqolkiiba tobanka ugu hooseeya ee maraykanku wuu ka hooseeyaa heerka nolosha ee dhammaan dalalka warshadaha ku hormaray intaan ka ahayn ingiriiska oo leh heerka ugu hooseeya ee caruurta saboolka ah. Sanadka laba kun iyo lix caruurta aan qaan gaarin ee maraykanka ee saboolka ah waxay ahayd boqolkiiba laba iyo labaatan, tanoo ah heerka ugu sarreeya ee dalalka hormaray.” Waa intaas warka kasoo qaadannay.

 

La soco qaybta 3aad Arbacada soo socoto insha allah

W/Q Dr Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN