Hodannimada Dalalka Muslimka. WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

dahab

  Hodannimada Dalalka Muslimka

Qaybta 4aad

Bogga internetka ee (www.Wikipedia.org) wuxu dhigay oo yiri:

“Guinea is richly endowed with minerals, possessing an estimated onethird of the world’s proven reserves of bauxite, more than 1.8 billion metric tons of high-grade iron, significant diamond and gold deposits, and an undetermined quantities of uranium.”

Haldalkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Guinea waxay hodan ka tahay oo la siiyay macaadin, ayadoo uu gacanteeda ku jiro qiyaas dalool ama marka saddex meelood loo qaybiyo meel kaydka adduunka ee la hubo ee macdanta bauxite. Waxay kaloo ay leedahay 1.8 billion metric tons oo birta saafinnimadeedu sarreyso, wax xusid muda oo badan oo ah dheeman iyo dahab kaydkooda, iyo in aan la tirokoobin oo uranium ah.” Waa intaas warkoodu.

Beeraha

Dalalka yurub iyo ameerika waxay ku yaalliin qaybta waqooyi ee adduunka, dalalkooduna way qabaw yihiin, oo waxaa ka dhaca bilaha qaarkood baraf oo bilo dhulka yaalla iyo dabaylo qabaw. Taas ayaana u sabab ah inay cunnaday u baahan yihiin ku beeran karaan oo keli oo goosan karaan mar keli ah sanadkiiba, una badan xilliga jiilaalka, in kastoo ay jirto kuwo qabowgana ku baxa oo jiilaalka la gurto.

Cunnada arligooda ka baxdana way kooban tahay, waxaana ugu badan bataatada iyo qamadiga iyo gallayda, oo meelaha qaarkood lagu beero.

Maantadaan aan joogno cunnada yurub iyo waqooyiga ameerika lagu cuno waxaa in badan looga keenaa dibadda, oo ayaga uma baxdo. Waxa cunnda lagu darsado oo macaaniya oo carfiyana dalalkooda kama baxaan. Fawaakihda la cunana inteeda badan dalalkooda qabow kama baxdo oo dibaddaa looga keenaa.

 

Gaajo

Qiimaha cunnada ee dalkaan maraykanka iyo yurubta galbeedba aad ayuu kor ugu kacay oo dadku intuu gadan waayay ayay gaajo saameysay dawladaha galbeed. Sanadkaan aan hadda joogno ee laba kun laba iyo toban siday dawladdu sheegtay lix iyo afartan malyan oo mareykan ah ayaa waxay ku nool yihiin “food stamp” oo cunno ah. Dalkana waxaa deggan saddex boqol oo malyan!

Nolol ku dhisan dayn

Dadka yurub iyo ameerika deggan waxay ku nool yihiin waa dayn, oo guryaha ay deggan yihiin, oo ay yiraahdaan annagaa iska leh, waxa iska leh bangiyada, oo korsaar ribo ah oo xoog leh saarta, oo gaartay heer inay bixiyaan korsaar ka badan qiimaha gurigaba, ayna ku bixiyaan ilaa soddon sano. Markay ribada iyo qiimaha gurigaas labaatan ama sodoon sano ku bixiyaan ayuu bangigu ku wareejinayaa oo gurigaas ayagu yeelanayaan. Hadday bil walba bixin waayaan inta laga doonayo inay bixiyaanna, ayadoo shaqada laga saaray, ama bukoodayba, guriga waa lagala wareegayaa, isagana dariiqaa la dhigayaa.

Gaadiidkay wataanna waa sidoo kale, oo waxaa iska leh bangiyada, oo hadduu lacagta bil walba loo qoondeeyey bixin waayo, gaadiidkaas waa lagala wareegayaa.

Guryohooda alaabta taalla iyo maacuunka yaallaba sidoo kale waa dayn ay bangiyadu leeyihiin, oo hadday bixin waayaan waa lagala wareegayaa oo laga ceshanayaa.

Dharka ay xiran yihiin iyo cunnada ay cunaanba iyo lacagta ay dugsiyada isaga bixiyaan oo wax ku bartaanba waa dayn korsaar saaran yahay.

Waxaaba jira shirkado ku takhasusay kasoo celinta guryaha iyo gaadiidka iyo mataaca guryahaba dadka dayntaas bixin waaya.

Qof hodan ah, siday ku andacoodaan inay yihiin, dayn ma qaato ee lacagtiisu wax ku gataa. Sanadkaan laba kun laba iyo toban daynta dawladda maraykanka lagu leeyahay waxay kor u dhaaftay saddex trillion oo dollar, oo kunkii billion waa hal trillion, kunkii malyanna waa hal balyan. Dayntaas inta u bandanna waxaa ku leh dawladaha shiinaha iyo sucuudiga iyo dawladaha kale ee khaliijka carabta.

Daynta qof walba oo maraykan ah lagu leeyahay qaarkeed

Televisioonka maraykanka MSN.Money boggiisa internetka wuxuu bogga (U.S.Debt Help.com) toddoba iyo labaatanka Disambar ee sanadka laba kun iyo toddoba kasoo guuriyay oo dhigay: “Qof kasta oo gobolka New Hampshire ee USA deggan waxaa lagu leeyahay lix iyo toban kun sideed boqol shan iyo afartan doollar oo dayn ah, gobolka Connecticut waa shan iyo toban kun saddex boqol afar iyo toban, Rhode Island waa afar iyo toban kun lix boqol saddex iyo afartan. Gobollada Mississipi iyo Washington DC iyo Okalhoma waxaa ayagana lagu kala leeyahay, waana kuwa ugu dayn yar, sideed kun afar boqol iyo labaatan, iyo sideed kun lix boqol shan iyo konton iyo sideed kun sideed boqol saddex iyo labaatan doollar oo dayn ah qofkiiba.

 

Daymahaas oo idil waa kuwa lagu galay Credit Cards oo wax lagu gatay ama cunno ama dhar, iwm., kumana jiraan daymanka loo qaatay gadashada guryaha iyo gaadiidka iyo wax barashada.

Da’da dadka daymanka qaatay iyo intay dayn qaateenna waa sidatan:

18-29 sano jir————-8.636,00 doollar.

30-39 sano jir————-16.298, 00 doollar.

40-49 sano jir————-18.659,00 doollar.

50-59 sano jir————-20.157,00 doollar.

60-69 sano jir————-15.964,00 doollar.

70 sano iyo ka badan—-6.500,00 doollar.

Mudadaas sanadka ka yar oo kasoo wareegatay daabacaadda koowaad ee kitaabkaan, markay lacagta bil walba laga doonayay bixin waayeen, waxaa guryohooda lagala wareegay malaayiin maraykan ah, taasoo ayaduna dhaqaalaha dalka gilgishay.

TV-iiga CNN wuxuu lixda disambar laba kun iyo toddoba barnaamijkiisa “Your money” ku sheegay inay fallisaaddu sanadkaas marka kii ka horreeyey loo fiiriyo ay boqolkiiba afartan kor u kacday.

Batroolka

Markuu sanadku ahaa kun sagaal boqol afar iyo sagaashanka waxaan ahaa Danjiraha Jaamacadda Dawladaha Carabta ee Qarammada Midoobay ee Vienna, dalka Austria.

Waagaas qalabka warbaahinta aduunku wuxuu ka hadli jiray daymanka lagu leeyahay Niijeeriya, Meksiko, Venezuela iyo kuwo kaleba oo isla markaasna ka tirsan Ururka Dawladaha Batroolka Dhoofiya ee OPEC.

Waxaan is weydiiyay siday dawladahaas hodanka ahi, oo maalin walba ay khasnadohooda soo galaan boqollaalo malyan oo doollar, ayagoo dhoofiya malaayiin fuusto oo batrool ah, ay u noqon karaan hadana kuwa dayn lagu leeyahay oo dayntii iska bixin waayay, ayna dawladaha yurub iyo ameerika u samaynayaan qorshahay dayntaas isaga gudi lahaayeen.

Xarunta OPEC waxay ku taalla Vienna, dalka Austria oo aan anigu markaas joogo. Markaasaan waxaan u tegay Dr. Sobroto, oo u dhashay dalka Indoneesiya, ahaana markaas Xogyaha Guud ee Ururka OPEC.

Dr. Sobroto wuxuu hore u ahaan jiray wasiirka batroolka ee Indoneesiya, kaddibna markay xilkaas OPEC mudadiisu u dhammaatay wuxuu noqday guddoomiyaha jaamacadda labaad ee dalkiisa, kaddibna wasiirka dhaqaalaha ee dalkiisa.

La soco qaybta 5aad arbacada dambe insha allah 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.