Hodannimada Dalalka Muslimka. WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

dahab

 

 Hodannimada Dalalka Muslimka

Qaybtii 5aad

 

Dr. Sobrooto waa Nin Muslim ah oo fiican, sahlan oo waji furan, ayna sahlantay in lala xiriiro, waxaanna isku barannay shirarka dhex mara Danijirayaalka Carabta iyo OPEC, ama guud ahaanba shirarka ay dibloomaasiyyintu isugu yimaadaan, iyo afurrada bisha Ramadaan ay danijirayaalka muslinka ahi guryohooda isugu imaan jireen, iyo isaga gurigiisaba.

Waxaan Dr. Sobroto weydiiyay sababtay dawladahaas OPEC ka tirsan u dhici kartaa inay hadana daynsan yihiin iyo meeshay lacagtay batroolka ka helaan geeyaan, wuxuuna i siiyay oo gacanta ii geliyay daraasad uu ururkiisu sameeyey, warbixinna afkuu iga siiyay.

 

Wuxuu kaloo ii sheegay inay jirto daraasad labaad oo su’aashayda ka jawaabaysa, uusanse i siin karin, ayna u gaar tahay dawladaha xubinta ka ah OPEC oo keli ah, waxa ku qoranse qaarkood afkuu iiga sheegay.

Daraasadda koowaad waxa ku dhigan waxaa ka mid ah inta soo socota.

Sicirka fuustada batroolka ah

Sicirka fuustada batroolka ahi wuxuu ka kooban yahay afar qaybood oo kala ah:

(Kow) Soo saaridda dhulka laga soo saarayo kharajka ku baxa. Batroolka waxaa soo saara shirkado ay leeyihiin dawladaha krishtaanka ah ee galbeed, oo lacagteedana qaata, dadkeeduna uu shaqo ka helaa.

(Laba) Qaadidda batroolka lasoo saaray laga qaado dalka laga soo saaray, laguna qaado maraakiib loogu talaya galay oo booyado ah, oo geeya dalalka iyo qaaradaha gatay. Maraakiibtaasna waxaa iska leh shirkado ay leeyihiin dalalkaas krishtaanka ah, oo sidaas ku qaata lacagteeda, dadkeeduna uu shaqo ka helo.

(Saddex) Caymiska maraakiibtaas batroolka sida, oo caymis la’aan lama dhaqaajin karo. Maraakiibtaas waxaa inta badan caymisa shirkadda ingiriiska ah ee Lloyd of London, oo lacagteeda qaadata, dadkeeduna uu shaqo ka helo.

(Afar) Marka fuustada batroolka ah saddexdaas kharaj laga bixiyo waxaa soo haraya faa’iidada dalka batroolka iska leh.

Markaas aan Dr. Sobroto xafiiskiisa la fadhiyo sicirka fuustada batroolka ahi waa qiyaas sideed iyo toban doollar maraykanka ah. Markaan xisaabiyayna waxaa, tusaale ahaan, dawladda Sucuudiga usoo hartay qiyaas shan doollar oo faa’iido ah.

Dr. Sobroto xisaabtaas iguma diidin. Fuustada qiimaheeda intiisa kalena, oo ah saddex iyo toban doollar, waxaa qaatay dawladaha krishtaanka ah ee galbeed, oo sidaasay dawladda batroolkaba iska leh waxay ku yeelatay qiyaas rubuc lacagta fuustada.

Fiiro Gaar ah:Bishaa Muxarram محرم\ ee sanadka kun afar boqol sagaal iyo labaatan Hijriga, una dhiganta bisha jannaayo laba kun iyo sideed, ayna kasoo wareegatay in sanad ka yar daabicidda koowaad ee kitaabkaan, wuxuu qiimaha fuustada batroolka oo ceeriin kor u dhaafay boqol doollar oo maraykan ah. Unsada dahabka ahna waxay kor u dhaaftay boqol doollar oo maraykan ah.

 

Faa’iidada dawladaha fuustadaas soo gatay

Fuustadaas uu sucuudigu ka helay shan doollar, marka dalka Sweden la keeno markay ahayd kun sagaal boqol saddex iyo toddobaatan, sida ku dhigan daraasadduu Dr. Sobroto gacanta ii geliayay, waxay dawladda Sweden dekaddeeda uga qaadatay batroolkaas ceerinka ah shan iyo toddobaatan dollar oo canshuur ah.

 

Dawladda talyaaniguna waxay saaratay shan iyo lixdan doollar oo canshuur ah. Dawladda maraykankuna shan iyo afartan dollar oo canshuur ah.

Waxaa hubaal ah inay hadda canshuuraha ay dawladahaasu qaataan wax badanna intaas ka badan yihiin.

Lacagtaas canshuurta ah marka la isku daro waxaa laga sameeyaa miisaaniyadda dawladda dhexe ee dawladahaas, oo sidaasaa fuustadaas looga maal geliyaa wasaaradaha dalkaas ee beeraha, waxbarashada, arrimaha dibadda, gaashaandhigga, is gaarsiinta iyo kuwa la midka ahba.

Sidaasaa hormarka dawladahaas iyo dadkoodaba waxaa laga masruufaa canshuurta fuustadaas uu sucuudigu shan doollar ka helay.

Marka fuustadaas dekadda dalka yurub iyo ameerika oo soo gatay laga soo bixiyo, oo booyado lagu soo qaado, waxaa canshuur ka qaadanaya gobolkay dekaddu ku taallo gaadiidkuna dhex marayo, shaqana ka helaya, oo sidaasaa fuustadaasu ka qayb qaadataa shaqaalaynta iyo miisaaniyadda gobolkaas.

Marka fuustadaas la geeyo warshadda batroolka sifeysa, waxaa shaqo iyo canshuurba ka helaya gobolkaas iyo degmaday ku taallaba.

Kaddib marka la soo nadiifiyay fuustadaas batroolka ah waxaa la keenaya kaltanka shidaalka, halkaasoo ay dawladda hoose ee degmadu cansuur ka qaadanayso, ka qayb qaadanaysa miisaaniyaddeeda.

Canshuurahaas iyo canshuurta laga qaado shirkadaha batroolka iyo waxa ka yimaada ku nool iyo canshuuraha laga qaado shaqaalaha u shaqeeya ayayba miisaaniyadda dawladaha dhexe ee dawladaha galbeedku ka samaysan yihiin. Haddii fuustadaas la waayana intaasoo idil waa la waayayaa.

Madaxweynaha maraykanku, George W. Bush, wuxuu ku dhawaaqay inay tahay inay maraykanku boqolkiiba labaatan dhimaan toban sano gudeheeda ilaa laba kun iyo toddoba iyo tobanka batroolka ay ku isticmaalaan. Taas macneheedu waxaa weeye inuu khalkhal wayn geli doono, hadday taasu dhacdo, dhaqaalaha iyo nolol bulshadeedka maraykanka, oo khatarteeda leh.

Maalka dawladaha batroolka leh

Shanta doollar oo uu sucuudigu fuustada batroolka ka helay waxay isku noqoneysaa boqollaalo malyan oo doollar oo maalin walba ah, ayadoo uu sucuudigu soo saaro malaayiin fuusto maalin walba.

Dawladaha OPEC waxay lacagtay ka helaan batroolka dhigtaan bangiyada dawladaha galbeed ee krishtaanka ah, gaar ahaan bangiyada maraykanka.

 

Lacagtaas oo ah kumanyaal malaayiin oo doollar, banigiyada ay yaalliin waa laga amaahdaa, oo waxaa ka amaahda:

(kow) Dawladda dhexe ee maraykanka.

 

(Laba) Dawladda maraykanku waxay ka amaahisaa dawladaha kale oo daynta soo waydiista, sida ruushka markay Midowga Sovyeeti duntay, iyo kuwa kaloo badanba.

La soco qaybta 6aad

 

WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

 

 

SHEEKOOYIN