Hodannimada Dalalka Muslimka. WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

dahab

Hodannimada Dalalka Muslimka

Qaybtii 6aad

 

(Saddex) Dawladda maraykanu waxay ka amaahisaa Bangiga Adduunka oo dawlado galbeed iyo bariba sii amaahiya, sida talyaaniga iyo kuwo kaleba.

(Afar) Waxaa ka amaahda bangiyada kale ee maraykanka iyo dalal kaleba, oo sidaas ugu maal geliya dadkay macaamilada la leeyihiin, oo sidaas ku maal geliya mashaariicdooda dhaqaale, ha ahaadaan warshado iyo kuwo kaleba, ama ku gata guryo iyo gaadiid iyo waxay ku noolaan lahaayeenba, oo dul saar sii saarta, kana sii faa’iida.

(Shan) Waxaa ka amaahda shirkadaha maraykanka, ha ahaadaan kuwa waawayn oo dayuuradaha, maraakiibta, baabuurta ama hubkaba sameeya, ama kuwa dhexe oo kompuutarka ama thallaajada wax qaboojisa, ama hooteellada, ama wadooyinka waawayn oo dalka isku xira dhisa, ama ha ahaadaan jaamacadaha wax laga bartaba.

Sidaasuu dhaqaalaha dalalka krishtaanka ahi wuxuu ku dhisan yahay lacagta fuustadaas batroolka oo uu sucuudigu shanta doollar ka helay.

Taas ayaa u sabab ah inaan indheheenna ku aragno maalin walba dalalkaas oo hormaraya, oo meel walba dhismo cusubi ka socdo, oo shaqo cusub la abuurayo, degmooyin cusubna la wada dhisayo.

Dalalka batroolka leh oo laga keenayna, waxaan arkaynnaa inuu dhaqaalohoodu ama meeshiisa sanooyin taagan yahay ama uuba hoos u dhacayo, oo ay guryaha iyo waddooyinkooduba usii duugoobayaan, una sii jajabayaan, dadkooduna uu sabool usii noqonayo!

Wayba dhacday inay madax daladaha OPEC magaalada maraykanka ee New York yimaadeen inay lacagta bangiyadaas u tiillay wax uga qaataan ay doonayaan inay mashaariicda dalkooda ka so socota ku fuliyaan, oo lagu yiri inay lacagtoodu amaah ku maqan tahay, oo ay ayagoo fara maran dalkooda dib ugu laabteen.

Waxayba taasu ku dhacday boqorka Sucuudiga ee hore Boqor Fahd bin Cabdu Al Caziiz Aala Sacuud.

Intaas waxaa dheer inay dawladaha OPEC iyo raggooda maalka lehba ay shirkado, warshado iyo beero xoolo lagu dhaqdo ka iibsadaan dalalka galbeed ee krishtaanka ah oo ay sidaas hormarinta dhaqaalohooda dawr faccaal ah oo wax ku ool ah uga qaataan.

 

Daynta dalaka OPEC

Dr. Sobroto wuxuu igu yiri:

Dawladaha OPEC oo daynta lagu lahaana waxay sababtu ahayd:

(Kow) aydoo marka horeba mashaariicda loo samaynayo qiimohooda aad loo badiyo.

(Laba) Ayadoo lacagta doollarka ay dawladda maraykanku markay xoogaa joogtaba qiimo tirto, oo qofkay boqol doollar bangiga u tiillay uu konton lahaado, dawladday bangiga maraykanka ama kuwa yurub u taallo (saddex boqol oo bilyan) saddex boqol kun oo malyan oo dollar u tiillayna waxaa markaas ka lumaya nus lacagtaas oo waxaa u harayaa oo ay leeyihiin boqol iyo konton kun iyo shan boqol oo malyan sida dhacdayba, wixii boqol doollar joogayna ay in ka badan laba boqol oo doollar gaarayaan, marka lagu daro sicir bararka lacagta oo sanadkiiba lagu qiyaaso afar ilaa shan boqolkiiba, oo uu qofku sidaas laba goor ku khasaarayo.

(Saddex) Teknolojiyada mashaariicdaas oo la beddelo oo qaali sii noqta.

(Afar) musuqmaasuq labada dhinacba ah.

Bisha Muxarram محرم\ ee sanadka kun afar boqol sagaal iyo labaatan Hijriga, una dhiganta bisha jannaayo laba kun iyo isdeed, ayna kasoo wareegatay in sanad ka yar daabicidda koowaad ee kitaabkaan, qiimaha doollarka maraykanku aad ayuu hoos u dhacay, oo sanadkii lasoo dhaafay, tusaale ahaan, hal Euro wuxuu ahaa qiyaas hal doollar, maantana halkii Euro waa hal doollar iyo bar.

Taasuu waxay keentay khalkhal dhaqaale oo adduunkoo idil saameeya, ayadoo lacagta doollarka wax lagu kala gato. Markaasuu mashruuca dal laga waday hadduu boqol joogay wuxuu hadda noqonayaa laba boqol oo sidaasuusan doollarku u goyn wuxuu sanadkii hore goyn jiray.

Oo haddaan tusaale gaaban ku sheegno qofka baabuur kasoo gadanaya maraykanka iyo yurub wuxuu dawladahaasna u gadayaa ayagana baabuur.

Taasu waxay kaloo keentay inay dawladaha batroolka leh iyo kuwa dollarka kaydsadayba sida shiinaha iyo ruushka oo kale, doollarku si dhakhso badan gacantooda uga soo baxo oo uu dawladaha galbeed usoo wareego, gaar ahaan maraykanka.

Dhibaatadu waxay kaloo gaartay dadweynaha maraykanka laftiisa oo aan dibadda wax kasoo gadan karin ayadoo lacagtoodu qiimo beeshay, oo uu sidaas dadka saboolnimadu ku badatay.

Waxay kaloo keentay inuu si aad kor u koco qiimaha wax kasta oo batrool salka ku haya, sida korontada, baansiinka, waxa warshaduhu farsameeyaan, wax beeraha kasoo go’a, dakhliga dadkuna uusan kordhin oo markaas halkaas dhibaato ka timaaddo.

Habka dhaqaale ee dawladaha galbeed

Shirkadaha dalalka galbeed in badan lacagtooda ay leeyihiin kuma shaqaystaan, ee intay lacagtaas bangi dammaanad ahaan u dhigaan ayay bangiga lacagtay ku shaqaysanayaan ka amaahdaan.

 

Marka maalka dhaqaalaha dawladaha galbeed waa wada lacag ka dhalatay dayn laga qaatay bangiyada.

Bangiyada lacagta taallana waxaa u badan lacagta dawladaha batroolka leh.

Shirkaduhaasu ayaguna badeecadahay ka shaqeeyaan shirkadaha kalooy kasoo qaataan, waxay ayaguna ku shaqeeyaan amaah. Sidaasay hadday shirkadadi xumaato oo fallisto u noqoneysaa sida aqal udub dhexaadka laga siibay oo kale oo uu u dumayaa, ama tusbax furtay.

Waxaa intaas u dheer tabarrucaat boqollaalo malyan oo doollar ah oo ay dawladaha carabta ee batroolka lehi iyo ganacsatooduba ugu deeqaan hay’ado dalalka reer galbeed, gaar ahaan jaamacadaha iyo hay’ado kala duwanba ilaa ay malaayiin siiyeen “Zoo” oo ah xeryaha ugaarta la daawado lagu xannaaneeyo.

Sidoo kale bangiyada iyo warshadaha waawayn ee yurub iyo maraykanka waxaa wax ku leh ama wada leh oo sidaas dhaqaalaha dawladahaas u xoojiya dawlado ama maal qabeenno khaliija ka tirsan.

LA SOCO QAYBTA 7AAD ARBACADA DAMBE INSHA ALLAH  

WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

 

SHEEKOOYIN