Hodannimada Dalalka Muslimka. WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

 

dahab

 

 

 Hodannimada Dalalka Muslimka

Qaybtii 7aad

 

Madaxwayne Bush iyo madaxwayne Obama

Anigu waxaan TV-ga ka fiirsaday, waana kaddib markay USA ku duushay Ciraaq العراق\ , madaxweyne Bush oo leh:

“The economy of this country is based on oil, and we need it now.”

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Dhaqaalaha dalkaanu wuxuu ku dhisan yahay saliid, hadda ayaanna u baahannahay.”

Waxaan kaloo u jeeday madaxweyne Obama oo leh:

“The economy of this country is based on oil, and we need it now.”

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Dhaqaalaha dalkaanu wuxuu ku dhisan yahay saliid, hadda ayaanna u baahannahay.”

Waxa batroolka iyo gaaska dabiiciga ah laga sameeyo

Batroolka ay dawladaha galbeed dalkooda soo geliyaan looma isticmaalo shidaal keli ah, wuxuuse asaas u yahay oo ku dhisan qaybo waaweyn oo dhaqaalaha iyo shaqaalaha dalalkooda.

Batroolka waxaa laga sameeyaa, marka la warshdeeyo kaddib, gaadiidka la raaco, dayuuradaha, maraakiibta, guryaha, mataaca guryaha yaalla sida qaboojiyaha iyo frigideerka iyo komputerka iyo makiinadaha dharka dhaqa iyo kuwa qallajiya.

Waxaa laga sameeyaa saacadaha, kabaha, dharka. Laamiga dariiqyada la saaro waa gufarka kasoo hara marka batroolka la sifeeyo.

Taasu waxay ku timid ayaadoo intaasba iyo inta kaloo aan maalin walba ku isticmaalno oo hubku ku jiro waxaa laga sameeyaa maadada la yiraahdo blastik, blastikadana waxaa laga keenaa oo laga dhaliyaa batroolka iyo gaaska dabiiciga ah.

Marka wax kastoo blaastik ka sameysan waxaa laga keenay batroolka. Marka haddii batrool la waayo warshadaas oo idil way xirmayaan, shaqaalohoodoo idilna waxay kusoo dhacayaan shaqo la’aan. Canshuurtii warshadahaas iyo shaqaalahaasba laga heli jirayna way go’ayaan.

 

Dukaammaday wax ka gadin jireen waa la xirayaa. Markaasuu dhaqaaluhu dumayaa. Marka, batroolka iyo lacagta dawladaha lehba ayaa waxay yihiin matoorka iyo asaaska dhaqaalaha dawladaha galbeed, oo haddii batrool la waayo waxay dalalka galbeed ee krishtaanka ahi ku noqonayaa saboolnimadoodii asliga ahayd. Taasaa xarbiyada ay dalalka carabta iyo afrikaanka ku qaadayaan u sabab ah.

Kaydka batroolka adduunka

Batroolka adduunkaan waa dhammaanayaa, in kastoo uusan mar wada dhammaanayn, dalalkoo idilna uusan mar ka wada dhammaanayn.

Dr. Sobroto wuxuu ii sheegay waxaa ka mid ah in inta u dhexeysa sanadyada laba kun labaatan ilaa laba kun konton qiyaas uu batroolku dalalka qaarkood ka dhammaan doono, oo uu markaas shan iyo konton ilaa shan iyo lixdan batroolka adduunka o idil kusoo harayo sucuudiga oo keli ah.

Taas macneheedu waxaa weeye in dhaqaalaha adduunkoo idili uu ku xirmi doono dhaqaalaha sucuudiga oo keli ah.

Waxay kaloo taasu keeneysaa inay dawladaha reer galbeed ee krishtaanka ahi ciidammadooda militari sucuudiga si xoog leh u gayn doonaan, xukunkeedana ay gacanta ku dhigayaan si toos ah ama si dadbanba, ayagoo aan noloshooda ku aaminayn xattaa dawlad daba dhilif u ah, cabsi ay ka qabaan inay caruurtoodu caana waayaan. Dawladahaasu say batroolka ku helaan waxba la hari mayaan.

USA batrool waa ka dhammaaday: aqoonyahannada maraykanka

Maanta waa isniin ay taarukhduna tahay lix iyo tobanka bisha Thuu Al Qacdah ذوالقعدة\ ee sanadka kun afar boqol iyo sideed iyo labaatanka Hijriga, una dhiganta lix iyo labaatanka bisha Novembar laba kun iyo toddoba.

Raadiyaha la yiraahdo WAMU oo ka hadla FM 88.5 (oo cinwaankiisa compiyuutarku yahay: “WAMU.ORG” doodda oo qoranna halkaas laga dalban karo ama 1800-871-7072) waxaa iska leh jaamacadda American University ee ku taalla Washington D.C. magaalo madaxda dalka maraykanka.

Raadiyuhu wuxuu leeyahay barnaamij la yiraahdo Diana Rehm Shawoo la sii daayo subax walba markay saacaddu tahay afar saac ee barqada ah 10:00 a.m. Barnaamijkaasu wuxuu keenaa oo ka dooda mawduuca laga hadlayo dad takhassuskoodu yahay iyo dadka oo telefoon usoo dira oo su’aalo waydiiyay ama faallo ku dara.

Maalinta isniinaad ee ay taariikhduna tahay lix iyo tobanka bisha Thuu Al Qacdahذوالقعدة ee sanadka kun afar boqol iyo sideed iyo labaatanka Hijriga, una dhiganta lix iyo labaatanka bisha Novembar laba kun iyo toddoba waxaan anigoo jooga guriga wiilkayga ee ku yaalla magaalada Winchester ee gobolka Virginia, ka dhegeystay barnaamijkaas raadiyaha, mawduucuna wuxuu ahaa: “Oil production forecast: some industry experts are forecasting global oil production to plateau by 2012. We’ll talk about oil supply and demand forecasts and their implications for both

 

global security and climate change. Guests: (1) Matt Simmons, chair, Simmons &Co. International, a specialized energy investment banking firm and author of “Twilight in the Desert: The Coming Saudi Oil Shock and the World Economy.” (2) David Kirsch, manager, market intelligence service, PFC, Energy, an energy consulting Firm. (3) Larry Chorn, chief economist, Platts, an energy and commodities information division of McGraw-Hill. (4) Mike Toman, director environment, energy, and economic development program at the Rand Corporation.”

Intaas macnohoodu waxaa weeye:

“Odorosid soo saarka saliidda. Qaar ka mid ah khubarada ku shaqo leh oo arrinkaan ku xeel dheer waxay odoroseen in tirada saliidda la soo saaro ay meesheeda ugu sarreysa gaari doonto sanadka laba kun laba iyo toban (waana mar ay hadda ka hareen shan sano), kaddibna ay hoos u dhici doonto oo ay sii yaraanayso. Waxaan ka hadlaynnaa odorosidda soo saarka iyo baahida saliidda iyo siday u saameyn doonaan nabadgelyada adduunka iyo “environment” oo ay cimiladu ka mid tahay. Waxaa marti ah oo ka hadlaya (1) Matt Simmons, chair, Simmons &Co. International, a specialized energy investment banking firm and author of “Twilight in the Desert: The Coming Saudi Oil Shock and the World Economy.” (2) David Kirsch, manager, market intelligence service, PFC, Energy, an energy consulting Firm. (3) Larry Chorn, chief economist, Platts, an energy and commodities information division of McGraw-Hill. (4) Mike Toman, director environment, energy, and economic development program at the Rand Corporation.”

Waxay raggaasu yiraahdeen waxaa ka mid ah:

*-Maanta waxaa lasoo saaraa shan iyo sideetan malyan oo fuusto maalin walba.

*-Meesha ugu sarreysa soo saaridda oo la gaari doono waa boqol malyan oo fuusto maalin walba oo la gaari doono laba kun iyo laba iyo toban. Kaddibna halkaas ayay muddo ku sugnaanaysaa oo ay hadana hoos u dhacaysaa.

*-Dalalka uu soo saarkooda saliiddu hoos u dhici doono waxaa ka mid ah maraykanka.

*-Baahida saliidda loo qabana way sii kordhaysaa, gaar ahaan maraykanka Shiinaha, Mexico, Afrika.

*-Soo saaridda korontada waxaa loo isticmaali karaa dhuxusha, dhuxusha oo saliid laga dhigana waa qaali cimiladana uma fiicna.

*-Meesha ugu sarreysa ee saliidda la soo saaro hadda ayaaba la gaaray, kaddibna sii xoog leh oo qulqulato ah ayay hoos ugu dhacaysaa, taasoo sabab u noqon doonta inay nolosheennu si xoog leh oo dhib badan oo xad dhaaf ah oo qulqulato ah hoos ugu dhacdo oo u xumaato shan ilaa tobanka sano oo soo socda. Hadderba soo saaridda saliiddu hoos ayay u dhacday.

-Marka saliidda adduunka laga soo saaro saddex meelood loo qaybiyo laba qaybood waxay ku jirtaa oo laga soo saaraa dalal aan annaga saaxiib nala ahayn.

*-Waxaa loo baahan yahay laba ilaa afar malyan oo fuusto ah oo maalin walba inta hadda lasoo saaro lagu daro.

*-Dalka keli ah oo inta maqnaanaysa saliidda markuu soo saarku hoos u dhoco kabi karana waa Sucuudiga

*-Soo saaridda saliiddu way badanaysay shan iyo tobanka sano oo u dambeysay, nolosha ceelashaasna waxay ku dhow dahay dhammaad.

*-Markay meesha ugu sarreysa gaarto soo saariduu intee sanay meeshaas sarreysa ku sugnaanaysaa intayan hoos u dhicin?”

 

Warka khubaradaasu waxay taageereysa warkuu Madaxweynaha marakykanku sanadkaan laba kun iyo toddoba dhexdiisa ka yiri oo ah in toban sano gudeheeda, waana ilaa laba kun iyo toddoba iyo tobanka, saliidda gaadiidka loo isticmaalu boqolkiiba labaatan la dhimo. Warka khubaradaasu waa cad yahay inay nolosha marakanka iyo dalalka galbeedba ay aad u xumaanayso oo ay qulqulato geleyso shanta ilaa tobanka sano oo soo socota, markay saliidda la haysto yaraato oo hoos u dhacdo.

Ameerika batroolka laga soo saari jiray waa ka dhammaaday, waxaana haray in yar oo dhagax ku hoos jirta, waana midka la yiraahdo “Shale gas”, oo habka “fracking” lagu soo saaro, shacbiguna kasoo horjeedo, isagoo habkaasu biyahana sumeeyo, dhul gariirna sababo.

Korontada nukleaarka lagu dhaliyo

Maadaama uu batroolku gabagabo yahay, ayay dawladaha reer galbeed ee krishtaanka ahi waxay ayaamahaan bilaabeen, siday ugu dhawaaqeen dawladaha maraykanka iyo ingiriisku, xoojinta dhismaha korontada lagu dhaliyo xoogga nukleaarka. Isla markaasna waxay dawladahaasu si xoog leh u hortaagan yihiin oo u diidan yihiin inay dawladaha kale xoogga nukeaarka samaystaan oo ay sidaas koronto ku helaan!

DHAMAAD

WQ/: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

 

SHEEKOOYIN