Hodannimada Dalalka Muslimka. W/Q Dr Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

dahab

Hodannimada Dalalka Muslimka

 

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره

الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد

Ilaahayالله ayaa rizqiga qaybiyay

Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ wuxuu Aayadda lixaad ee Suuratu Dhaahaa سورة طه\ noogu sheegay inay ciidda hoosteeda khayraad ku jiraan uu Isagu iska leeyahay, wuxuuna yiri:

} لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي األَْأرضِ وَمَا بَأينَهُمَا وَمَا تَ أ حتَ الثَّرَى ) 6 ) {

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Isagaana iska leh waxa Samaawaatka dhexdooda ku jira iyo waxa arliga dhexdiisa ku jira iyo inta labadoodaas dhexdooda ku jira iyo waxa ciidda hoosteeda ku jiraba.”

Ciidda hoosteedana waxaa ku jira macaadiin uu batroolku ka mid yahay iyo gaaska dabiiciga ah, iyo dahab iyo qalin iyo waxa la midka ahba.

Ilaahay Tacaalaaالله تعالى wuxuu Aayadaha sagaalaad iyo tobanaad ee Suuratu Fussilat سورة

فصلت\ ku yiri:

}قُ أ ل أَئِنَّكُأم لَتَ أ كفُرُونَ بِالَّذِي خَلَقَ األَْأرضَ فِي يَأومَأينِ وَتَ أ جعَلُونَ لَهُ أَأندَادًا ذَلِكَ رَبُّ األعَالَمِ ينَ ) 9( وَجَعَلَ فِيهَا

رَوَاسِيَ مِ أ ن فَأوقِهَا وَبَارَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَا أَأقوَاتَهَا فِي أَأربَعَةِ أَيَّامٍ سَوَاءً لِلسَّائِلِينَ ) 10 ) {

Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:

“Waxaad tiraahdaa: “Ma waxaad ku gaaloobaysaan Midka ku abuuray arliga laba maalmood dhexdooda, oo ah axad iyo isniin, oo aad markaas u samynaysaan asnaam aad la caabudaan?”(9)Kaddibna arliga dhexdiisa dhigay buuro culus oo xasiliya oo arliga kor saaran, arliga dhexdiisana barakeeyey, kuna barakeeyey wuxuu ku abuuray dhexdeeda oo ah bado iyo wabiyo iyo geedo iyo miro. Markaas kaddibna quudadkeeda u qadaray. Al Xasan الحسن\ iyo Muqaatil مقاتل\ waxay yiraahdeen:

“Wuxuu arliga u qaybiyay arzaaqda addoommadiisa iyo xoolahaba.”

Cikrimah عكرمة\ iyo Al Ddaxxaak الضحاك\ waxay ayaguna yiraahdeen:

“Wuxuu dal walba u qadaray oo siiyay rizqi uusan dal kale siinin, si ay u kala gataan oo isu dhaafsadaan oo u kala ganacsadaan, oo ay sidaas waxay ku noolaan lahaayeen ku kasbadaan, isagoo uu dalba waxa dalka kale yaalla ka gadanaya.”

2

Al Kalbii الكلبي\ wuxuu yiri:

“Wuxuu Ilaahayالله dadka dal deggan u qadaray meseggo iyo gallay, kuwa dal kale degganna wuxuu u qadaray kalluun, oo sidaasoo kale ayuu quudadkooda u qadaray.”

Wuxuuna Tacaalaa تعالى\ quudadkaas dalalka kala duwan oo adduunkaan u qadaray oo siiyay oo uu u qaybiyay afar maalmood guduhooda. Afartaas maalmood macnohoodu waxaa weeyey: “Wuxuu quudadka u qadaray laba maalmood oo kala ah maalinta talaadaad iyo maalinta arbacaad, oo marka lagu daro labada maalmood oo hore ee axadaad iyo isniin, isku noqonaya afar maalmood.”

Waana sidaas oo aan ziyaado iyo nuqsaan toona lahayn, taasoo ah jawaabta qofka weydiiya inta arliga iyo aqwaatta lagu abuuray(10).”

Markay ganacsato dalal kala duwan isu yimaadaan oo wax kala gadanayaan, ganacsiga ka sokow waxay ka wada hadlayaan umuurta dalalkooda iyo diimohoodaba, o sidaasay diinta islaamku ku faaftay.

Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ wuxuu Aayadda laba iyo tobnaad ee Suuratu Al Shuuraa سورة الشورى\

ku yiri:

} لَهُ مَقَالِيدُ السَّمَاوَاتِ وَاألَْأرضِ يَأبسُطُ الرِّأزقَ لِمَ أ ن يَشَاءُ وَيَأقدِرُ إِنَّهُ بِكُلِّ شَ أ يءٍ عَلِيمٌ ) 12 ) {

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Ilaahayالله wuxuu leeyahay oo u sugnaaday furayaasha rizqiga ku sugan Samaawaatka iyo arligaba, markaasuu cidduu doonana u waasaciyaa rizqiga oo uu wax badan ka siiyaa, cidduu doonana uu wax yar ka siiyaa. Isagu wax walba waa Midka ogsoon(12).”

3

Hodannimada Dalalka Muslinka

Ilaahayالله rizqiga iyo maalka addoommaadiisa wuu ugu kala roonaaday, wuxuuna u roonaaday carabta, oo uu siiyay maalka ugu badan ee adduunkaan.

Nabi Ibraahiim, Calayhissalaamu, markuu wiilkiisa Nabi Ismaaciil, Calayhissalaamu, oo ah aabaha carabta dhalay, iyo hooyadiis Haajar هاجر\ Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة\ dejiyay, wuu u Alleالله baryay, oo intuu xagga Kacbada, oo aan markaas dhisnayn, usoo jeestay, ayuu wuxuu yiri, siduu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa الله سبحانه وتعالى\ Aayadda toddoba iyo soddonaad ee Suuratu Ibraahiim سورة إبراهيم\ noogu sheegay:

}رَبَّنَا إِنِّي أَ أ سكَأنتُ مِ أ ن ذُرِّيَّتِي بِوَادٍ غَأيرِ ذِي زَأرعٍ عِأندَ بَأيتِكَ األمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُوا الصَّ لََةَ فَا أ ج عَ أ ل أَأفئِدَةً مِنَ النَّاسِ

تَ أ هوِي إِلَأيهِأم وَاأرزُأقهُأم مِنَ الثَّمَ اَ رتِ لَعَلَّهُأم يَ أ شكُرُونَ ) 37 ) {

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

Rabbiyow, waxaan caruurteyda qaarkeed dejiyay tog aan beero lahayn oo ah Gurigaaga Xurmada leh بيتك الحرام\ agtiisa ah, Rabbiyow inay Salaadda u oogaan, ee ka yeel quluubta dadka tii ayaga xaggooda u iilata, kana arzuq Miro, inay shukriyaan ayay mudanyihiine(37).”

La soco qaybta 2aad Arbacada soo socoto insha allah

W/Q Dr Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

 

SHEEKOOYIN