HOOYO: dhib walboo dhaca wuu i saameeyaa! W/Q: Asiyo Abdirahman ‘Dawaarig’

HOOYO: dhib walboo dhaca wuu i saameeyaa!

Waxaan ku noolahay dal dhibaatooyin badan la soo darseen, kuwaas oo saameyn ku yeeeshay aadanaha, degaanka iyo noloshaba, aniguna waxaan ahay qof aad ugu nugul dhibka, oo saameynta ugu badan ee dhib walba oo dhaca aniga ayey i soo gaaraan.

Sidoo kale, ma helo marna deganaan iyo niyad xasillan, waayo maalinba marka dhibaato iga soo afjaranto ama i dhaafto mid ugub ah ayaa ii bilaabmata.

Waayihii dagaallada xoogganaa dalka ka dhaceen, waxaan ku waayay, aabbe, walaal, saygayga, wiilashaydii, gabdhahaygii, adeer, abti, iyo dhammaan ehelkayga badankiis, oo waxaan muddooyin la noola muragadii iyo tacsidii ehelkayga oo badankood dunida igu faaruqiyeen.

Waxaan dareemay cidlo iyo masuuliyad keligay ii taal, iyada oo ay adagtahay sidaan u gudan lahaaa, ayaan haddana waxaan go’aan ku gaaray, in qaado masuuliyaddaas, blse marna xasuustayda kama go’in dalka aan ku noolahay, in ammaankiisu adagyahay oo wax walbo ka dhici karaaan.

Waxaan billaabay gudashada waajibaadkii agoontii layga tagey korintooda, waxaan dhexda u xirtay in ay helaan quutal yowm iyo waxyaabaha la midka ah, een noloshu la’aantood socon karin.

Waxaan milicsaday nabad soo yar iftiimeysa taas oo rajo weyn i sii gelisay i siina hilmaamsiineysay murugooyinkii i soo maray. Agoontii ayaa ii koray waxbarashana iigu billaamatay ilaa heer qaarkood meel sare ii gaareen; rajadu wanaagsanaa!

Blse waa qadar Allee, waxaa mar qura ii furmay dhibaato cusub in kii wax ii bartay halmar aan ku waayay qarax weyn oo dhacay, halkaas waxaa igaga soo afjarmay qorshahaygii koowaad iyo rajadii nolosheenna. Anigoo taasi aad ii xanuujisay, ayaan isku hilmaansiiyay, inta ii hartay oo rajadaydii labaad ah, balse iyana ma noqon oo waxaa dhacday indhahaygii gabadhaydii yareyd in kufsi loo geystay, halkaas oo qudha lagaga jaray! Ma garan karo sababta waxaas iigu dhacayaaan, balse waxaan hubsaday, anoo horaba u ogaa, in dhibka ugu badan ee dalkeenna ka dhaco, in uu aniga mar walbo saameyn igu yeelanayo; Alle ayaan talo u dhiibtey.

F.G: Qisadan waxay ka turjumaysaa dhibaatada xooggan ee haysata hooyooyinka Soomaaliyeed.

W/Q: Asiyo Abdirahman Abdisamed (Dawaarig)

SHEEKOOYIN