Horta kala dega! W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Horta kala dega

Bulsho meel wada deggan aadna isu jecel ayaa beri waxaa dhibay mas. Masku maalin walba qof ayuu ka cunaa. Qofkii uu qaniinana waa ay dhimataa oo marka uu masku qaniino qofka naf dhulka lama dhacdo. Bulshadii magaalada degganeyd waxay isugu yimaadeen kulan degdeg ah si ay uga arrinsadaan goodka ama maskaan dadkii dhameeyay. Bulshadu markii ay isu yimaadeen kulankoodii waxay ka soo saareen in maska la dilo oo uusan magaalada ku sii noolaan, isla markaana rag soo dila ayey u magacaabeen.

Raggii inay maska dilaan loo xilsaaray inta aysan shaqadooda ku dhaqaaqin ayaa maskii maqlay in go’aan mideysan laga gaaray isla markaana la dilayo. Maskii meel uu joogo lama arkee, magaaladii uu dadka ku dhammeyn jiray ayuu isaga baxay wuxuuna aaday magaalada ka bannaanka (duurka iyo howdka). Masku in muddo ah ayuu keymahaas duurka ah ku noolaa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa maskii arkay nin safar ah oo lunsan, isla markaana waxaa dhexmaray is wareysi. Maskii wuxuu yiri: ”Ninyohow! Maxaad aheyd” inteedse ka timid? Ninkii wuxuu yiri: waxaan ahaa socoto, waxaanna u safrayey magaaladaas, balse, waan lunsanahay oo hadda ma aqaanno meel ay iga xigto. Maskii wuxuu yiri: magaaladaas aniga ayaa aqaanna oo ku geynaya, balse, magaalo heblaayo oo aanan dhexmari karin ayaa ka sokeysa ee maxaa talo ah? Ninkii wuxuu yiri: ma aqaan wax talo ah! Masku wuxuu yiri: haddii aad i qarin karto aniga ayaa ku geynaya magaaladaas.

Ninkii wuxuu yiri: qandigaan (boorso) ayaan sitaa ee soo dhexgal sidaas ayaan kugu qaadayaaye. Maskii wuxuu yiri: maya! Taas ma yeeli karo, maxaa yeelay, waxaa suutagal ah; marka aan magaalada dhexmareyno in qandigaan loo arko in maal ku jiro isla markaana ay tuugo kaa dhacdo oo ay gacanta geliso aniguna aan sidaas ku fashilmo oo leygu dilo, maadaama ciil badan leyga qabo magaaladaas. Ninkii wuxuu yiri: haddaba maxaa xal ah oo aad heysaa? Maskii wuxuu yiri: ”Qoortaada ayaan isku duubayaa, ka dibna go’aaga iska hugo, markaasna ma jiri doonto cid i aragtaa. Anigana magaaladaan aan dakanada ka galay i dhaafsii adigana halkii aad u socotay ayaan ku geynayaa.

Ninkii taladaas ayuu qaatay isla markaana masku ninkii qoortiisa ayuu isku duubay. Magaaladii uu masku ka cabsanayey ayey tageen, isla markaana masku wuxuu ninkii ku yiri: luuqaas ka bax oo kaas kale ka laabo oo waddaas qaad. Markii uu in cabbaar ah hagayana ninkii wuxuu tegay magaaladii uu u socday. Ninku markii uu u dhawaaday magaalada ayuu ku yiri: waad mahadsan tahay masow, halkii aan rabayna waan imid adigana magaaladii aad ka cabsaneysay waan ku soo dhaafsiiyey ee mugga soo deg oo dhulka si nabad ah ku immaaw. Maskii wuxuu yiri: intii aan dad cunayey meel halbowle iiga dhaw oo dad laga cuni karo ma arkin ee sidee ayaan usoo degaa? Ninkii oo taladu ay ku ciirtay, aadna uga xummaday hadalka maska ka soo yeeray ayaa ku hadaaqay: wallee abaal kuuma gelin oo magaaladii aad ka baqeysay kuma soo dhaafsiin? Maskii wuxuu yiri: haah! Balse, abaal gudiddiisu waa abaaldarro.

Abaal nin galaa badan, nin gudaahuse yar ee is qibleey oo ashahaado waan ku cunayaa calaacalna waxba kuu tarimaayo. Ninkii wuxuu yiri: haddii ay sidaas tahay oo abaalkii aan kuu galay aad abaal darro iigu beddeleyso walba waqti isii si aan u helo cid noo kala garqaadda? Maskii wuxuu yiri: yaa noo kala garqaadaya? Ninkii wuxuu ku jawaabay: waxaa noo kala garqaadaya noolaha ugu horreeya ee aan aragno! Maskii wuxuu ku yiri: haye! Soo jeedintaas waan kaa aqbalay ee aniga oo qoorta kaaga duuban nagu raadi cid noo kala garqaadda. In yar markii ay socdeen ayaa waxay u tageen hal geel oo meel daaqeysa, isla markaana hashii ayey u gardhigteen.

Hashii waxay tiri: abaal gudowgiisu waa abaaldarro ee hore ii dhaafa. Ninkii ayaa ku yiri: Halyaheey maxaad sidaas u tiri? Hashii waxay ku jawaabtay: Wiilkaas soo socda ma u jeeddiin? Haah! Ayey hal mar ninki iyo maskii isla yiraahdeen! Hashii waxay ku tiri: wiilkaas waxaa lagu korshay caanaheyga, dhacaankeyga iyo dhuuxeyga ayuu ku dhammaaday inta uu jiro, korriinshihiisana aniga ayaa intiisa badan leh, usha uu watana marka uu ii yimaado aniga ayuu igu dhifanayaa, isla markaana canuggii ayaa intuu yimid hashii ku garaacay ushii uu watay. Intay yaabeen ayey ka tageen. Markii ay in cabbaar ah socdeen ayey haddana la kulmeen dammeer duq ah oo lug ka jaban meelna daaqaya, isla jeerkaasna dammeerki ayey u gardhigteen.

Dammeerkii wuxuu ku yiri: ”Abaal gudowgiisu waa abaaldarro ee iga taga”. Ninkii iyo maskii oo yabban! Ayaa waxay dammeerkii ku yiraahdeen: sidee ayaad ku ogaatay? Dammeerkii wuxuu yiri: nin ayaa i lahaan jiray. Markii aan caafimaad qabay oo aan xoogga lahaa ayuu i dhaansan jiray. Ilamaha ayaan la soo koriyey. Markii aan duqoobay ee haddana lug ka jabay ayuu xariggii igala baxay oo uu bannaanka isoo dhigay. Ima daaweeyo imana daryeelo, abaalkii aan u galayna wuxuu iigu beddelay abaaldarro ee hore ii dhaafa, sidii aad doontiinna is yeela. Ninki intuu quustay oo yaabay ayey ka tageen.

Maskii ayaa ninkii ku yiri: laba jeer ayaan waqti ku siiyay, labadii marna waan kaa gar helay ee is qibleey oo ashahaado aan ku cunee?. Ninkiina wuxuu ku yiri: ”Hal mar ayaa ii dhiman”. Tarta ii dhammeey oo hal mar oo kale ii oggolow inaan noole kale u gardhiganno? Maskii wuxuu yiri: haye! Ee na wad ogowna waa markii kuugu dambeysay oo haddii aad markaan ku hungowdo codsi kale kaama aqbali doono. Waa ay socdeen. Markii ay cabbaar socdeen ayaa waxay u tageen unreys, dabagaalle ama tukulush, isla markaana wixii ku dhacay ayey uga warrameen. Unreyskii wuxuu yiri: ”Gartiinna waan fahmay, balse, niman dagaashan uma ekideen, maxaa yeelay, waad is xambaarsan tihiin.

Wuxuu yiri: masow ninkaan gar ma u heysataa? Maskii wuxuu yiri: haah! Ninkii ayuu haddana ku yiri: maskaani ma kugu abaal dhacay? Ninkiina wuxuu ku jawaabay: haah! Dabagaallihii wuxuu yiri: haddaba inaan idiin kala garqaado diyaar ma u tihiin? Waxay cod mideysan ku yiraahdeen: haah! Markaas ayuu dabagaallihii yiri:

”Horta kala dega”. Masow dhulka imaad oo ninka qoortiisa ka soo deg si aan gartiinna u qaado? Maskii waa aqbalay soo jeedintaas, isla jeerkaasna waa ka soo degay ninkii wuxuuna yimid dhulka. Dabagaallihii wuxuu yiri: ninyohow! Maskii walleen dushaada kama degin? Ninkii wuxuu yiri: haah! Dabagaallihii wuxuu mar kale yiri: ulna sow ma heysatid? Ninkii wuxuu yiri: haah! Dabagaallihii wuxuu yiri: Maska madaxa ka jebi oo dil, isla markaana dabagaallihii godkiisa ayuu galay. Ninkiina inta ushiisa la soo baxay ayuu maskii dilay.

Abaal aad gashay haddii aad sugeysay in laguu gudo, ku quus-qaado ninkaan iyo maska, waxa dhexmaray!.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN