Horta yaa Abaal gala? hadduu jirase yaa guda?Q1AAD W/Q:Xuseen M.Cabdulle “Wadaad”

 

quotescover-jpg-52

Horta yaa Abaal gala? hadduu jirase yaa guda?Q1AAD.

 

Dahabo waxay aheyd qof aad u qurxoon sida ka muuqata magaceeda.Dhaldhalaalkeeduna maaheyn mid sadxiga uun ah Waxay laheyd astaamaha dadnimada iyo damiirka nool oo dhammiba.Kuwaas oo ah kuwa dadku kaga duwan yihiin waxa nool oo kale oo dhammiba.Marka aad si qoto dheer u eegtana waxaa kuu soo baxaayaba in maanta sideeduba naadir yahay.

Dahabo intii taqaaniba ama maqashayba waxay wada qireen ineey tahay deeqsiyad,ixtiraam qaddarin iyo soo dhaweyn wacan. Waxay aheyd midda ugu magaca dheer mandiqadeeda. Inta ay abaal ku leedahay ma yara, lamana xisaabin karo, waase haddii aadmi abaal leeyahay. Iyaduse waxay garwaaqsaneyd welina garwaaqsantahay falitaanka wanaagga inuu yahay waajib insaaniya, mana sugeyn in loo gudo, midse xisaabta uguma jirin abaal ka dhac inuu imaahaayo.Adduunyase waa wax kastaa ka filo..

Dahabo waxyaabaha lagu yaqaanay waxaa ka mida martisoorka socotada,soo dhaweynta iyo hoy siinta maatida iyo hawl u abuuridda dhibanaha aan aqoon meelow wax ka bilaabo, gargaaridda ardayda da’da yar.

Dalmar waxuu ahaa Canug yar oo agoona ,lana noolaa Hooyadii iyo Adeerkii Geelle oo hooyadii dumaalay geeridii Aabbihii kaddib. Halka ay ku noolaayeen waxay ahayd meel  nolosha aaney sahlaneyn.Reerku waxay ahaayeen reer leh xoogaa neefaf  geel ah,kaas oo dhibka loo maraayo iyo dheefta laga helaayo aaney isuba dhigmin, maxaa yeelay qofka geela leh,  laftiisa  waxaa ka mudan kana qaaya badan geela.

Sida lala socdo nolosha geel la jirnimada maahan mid fudud.Waa nolol orod, daal iyo rafaad miiran ah.Xerada waxaa laga baxaa waaga oon beryin waxaana lagu soo noqdaa iyadoo ay habeen tahay.Dalmarna waxuu ka mid ahaa dadka hawshoodu saas tahay ee Moorada Geelle saas uga jarmaadaayay intaanu soo raacin socotada.

Dalmar waxuu ku dhex jiray noloshaa kadeedka iyo rafaadka miiran, waa habeen bax inta aad  maqan tahayna hawshu waa ” Joogsi laay” arrinkaa waxaa garan karo qofkii xoolo la raacshay sida Dalmar oo kale.Mar waa daaqsin geey iskana daba soco uun inta  laga gaaro soo carraabintiisa.Mar waa horor dad iyo dugaag ka yureey.Mar waa Aroorin iyo waraabin.Mar waa Owrka doobaayo ka dhicin geela kale.Mar waa hal dhaleyso dhawrideeda iyo ka ilaalinta iney fool baxsato, mar waa baadi doonka midka lumay iyo dabagalkiisa.Lama koobi karo hawlaha hor yaal geel jiraha.Waa dhib aan dheef laheyn,mase ku dhacdid inaad tiraa geel jiraha.

Dalmar isagoo ku jiro noloshaa aan la cabbiri karin dhibkeeda ayuu maalin soo raacay,Odayo iyo dhallinyaro soo safar tegey.Socod dheer oo qaatay maalmo kaddib waxay yimaadeen halkii ujeedku ahaa.Dhammaantood maha ay yimideen waa ku cusbeed marka laga reebo Faarax oo laba kol hore yimid maahee.. Isagaana ahaa saciimka qaafilada.

Waxii rafaaad,daal iyo harraad badan la soo maraba waxaa dig la soo yiri Bartii dhammaadka safarka. Maha la yimid waa meel ka duwan maha laga yimid..”Waa Kaaf iyo kala dheeri”,

waa laba sheey aan muqaarano gelin.Waa Duni shidan,Ka duwan kana qurxoon.Waa dhulaan”Abaar iyo Aaran kala laheyn”.Waa dhul wada ifaayo habeen iyo maalin.Waa wada suuqyo cammiran.Waa wax aaney Dalmar iyo kuwa la socdo intooda badan Riyo ku arag.Waa Ammankaag iyo anfariir aaney fileyn…

 

 

Xuseen M.Cabdulle “Wadaad”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN