Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda Q2AAD?W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda Q2AAD?

Dalmar iyo socotada la socotaba waxay aad ula yaabeen buuqa iyo sawaxanka dadka. Dalmar waxa uu aadka ula yaabay waxaa ka mida tira-badnida dadka is dhex yaacaayo. Rabtaan cusub ma lahan cabsidii kobtiilaga yimid, Hu’ga dadku gashan yahay ee kala midabyada duwan waa ku indha daraandaray,lama koobi karo waxyaabaha badan ee soo jiitay Dalmar gaar ahaantiisa.

Wiilkii yaraa ee Dalmar, waa fekeray oo fekeray oo talo gorfeeyey dhulka xardhay, ka shaqaysiiyey maskaxdiisa, talo rogrogeed ka dib waxaa usoo baxay, oo uu go’aansaday inuu ka haro qaafiladdaan iyo socdaalkii dheeraa ee uu soo maray oo uusan dib ugu laaban meesha hawsha badnayd ee rafaadka badan uu kala kulmay. Waxaa madaxiisu diiddanaa ku noqoshada noloshii “Joogsi laayda” aheyd,kadeedkii iyo kadlihii aan nasiinada iyo bajiimada lahayn adkaa, socdaalka dheer ee dib u laabashada,cabsidii iyo argagixii badnaa ee nolosha miyiga ee kaga imanayey,dadka iyo dugaaggaba, kuwaasoo uu maankiisu uu xasuusinayey   in Geelu leeyahay Nacab badan oo dad iyo dugaagba leh, “Geela waxaa leh cidda uu mooradeeda ku xerooda”.Waa tii geel jiruhu ku heesayey.

  • Xalaal iyo xoog
  • Suu ku xero galo
  • Midna kuma xuma!

 Halka dar kalena ku heesaan kolka  colaada  uu keeno laga hadlayo:

  • Meel xabbado badan
  • Oo rag ku xarbiyey
  • Oo Xinjiri taal
  • Xayaad ololaay.

Taas oow Dalmar waxay ahayd mid uu ku hurday kuna soo toosayey inuu yahay dirir iyo dagaal u joog, sidoo kalena in geelu u baahan yahay cudud rageed oo cadawyada ka dhacsan karta, haddii kale maalin cad indhahoo shantaa ayuu xero kale u wareegaa, sidaas waxaa kol walba soo tufaayay, Colaada ka curataa   dadka xoolaha dhaqatada dhexdooda ayaaba u badan Ceel iyo Xoolo la kala qaaday, Dalmar arrintaasi murug iyo werwer ayay ku ahayd, mana ku qanacsanayn inuu noloshaa dib ugu laabto.

Dalmar wuxuu goostay go’aanka aaneey cidi la wadaagin ee ah ku negaashaha dunidaan aragtida kobaad ku cajabisay. Waxuuse muddo ka fekeraayay qaabkii uu isaga qarin lahaa ama uga dhuuman lahaa Odayada iyo dhallinyarada uu is lahaa waa ku jajuubaayaan oo kama baxsan kartid ee raadso meelaad ka gasho, Laakiin tan lafteedaa farsamo ka rabtay.

Ugu dambeyntii waxuu helay tabtii uu ku sii joogi lahaa ugana mid noqon lahaa dadkaas meel walba tuuran . waxa aadka u cajabiyay ayaa ahaa waa meelaan la isku mashquuleyn oo la kala socdo uun. Waxaase jiray waxyaabo badan uuna xisaabta ku darsan oo dib ugu soo baxay, kuwaas oo ahaa qaabka dadkaan faraha badan u kala hoyahaayaan kolka habeen la gaaro, maha uu u xaajo tegayo kolka ay qabato, sida loo kala shaqeysto, waxa la cuno oo ku wada cusub isaga. Isaga waxa uun ay ka aheyd duni barwaaqeedkaan dhankaaga ka raac,Selbiyaadka kalese xisaabta kuma darin iyo meeshu ineey rabto gacan qabasho iyo cid ku hagta oo ku tusta tubta loogu noolaado mahaan.Dalmar waxay isaga la aheyd suuqa uu joogo in la seexan karo , isaga maba ka fekereyn guri iyo meel la galo , maxaa yeelay horeba uma soo baran oo waxuu seexan jiray bowd yar oo mooradada geela ku dhabar yaal, meel loo kor tagaana waxay u aheyd duurka uun.

Dalmar waa kaa ka haray Safarkii uu la yimid!! Sidii uu marba meel u fadhiisanayay, ugana kacaayay ayaa gabalkii ku dumay. dadkii badnaa oo xoonsanaana waa kaa sidii kolba koox uga tegeysay oo loo sii kala yar-yaraanayay is arkay isagoo meel cidlaa taagan.Hoheey iyo hoheey..waheey iyo weheey.. Kolkii hore waxaa ka muuqday dhiiranaan buuxda, markaanse waxaa madaxiisa buuxiyay cabsi la xiriirta goobtaan lagu cidleeyay.

Goobtii looga kala tegey ayuu in yar ka soo dhaqaaqay. Waxuu soo gaaray baalooyin tixan oo waddada ku dhinac yaal kuwaas oo wada ifaayo, waddadii ayuu midig u sii raacay.Waxuu meelaan ka fogeyn ka maqlay cod iyo muran ilmeed . Waddadii toosneyd ee uu ku socday ayuu bidix uga leexday isagoo raacaayo halka codka ka yeeraayo, wax badan intaanu soconba waa kaa ku yimid tobaneeyo ilmo kala da’ rooroon oo goobta ku ciyaaraayo. Waa soo dul istaagyay , iyaga dareen kama gelin qofkaan soo dul istaagay, waxay aaminsanaayeen “Mukulaal mininkeeda joogto..Miciya libaaxeey leedahay”.Dalmarse waa kaa fiigtaalka ah. Ilmaha iyo dhallinyarada uu u yimid koox dhulkeey fadhiyeen kooxda kalena iyagoo taagan ayay indhaha ka haayeen kooxda fadhiday,waxayna ku dhawaaqaayeen ereyadaan :

  • Quful sideed             Quful naar
  • Darab masaamiir     Darab naar
  • Qum qum yaa           Abuu Dooli…

Waxaa indhahiisa qabteen qof istaagayo oo qof indhaha laga haayo madaxa kub ka siinayo,kadibna indhaha la wada furo, kii madaxa kub laga siiyay ayaa qof tilmaamayo, hadduu saxo kooxdii taagneyd ayaa fadhiisaneyo, kooxdii fadhiday waxay u baxayeen showr magac bixindhexdooda ah.Waxaas dhacaayo Dalmar waxba kama yaqaan mana garanin xeeshooda, waa kaas dhabannada heysta.Waa kaa noqday”Lax dhukani abaar moog” Waxuuba garan la’ yahay ereyada lagu hadlaayo ineey yihiin Af Soomaali iyo in kale?Waxa la samehaayo micnahooda waaba garan la’yahay. Axmed Dheere oo ahaa kaabaha ciyaalka ayaa u soo istaagay kolkii ay ciyaarta xoogaa u socotay ,waxaana dhex maray wadahadalkaan:

Axmed Dheere: Magacaa?

Dalmar: Dalmar

Axmed dheere: Inteed ka timid?

Dalmar: Silsiloon

Axmed Dheere: Haye, hadda mahaan yaad ka taqaan?

Dalmar: Cidna

Markii hadalku intaas maraayo waxaa  buulaan  iyo  sawaxan billaabay  dhallinyaradii oo ku soo xoontey Axmed dheere iyo Dalmar dhegaysanayey  weydiimahooda iyo warcelintooda,   markaasay billaabeen inuu mid  weliba   talo iyo aragti ka dhiibto,  xaalka Dalmar.

La soco Qaybaha  kale

Waxaa qoray: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN