Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q4AAD W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52
Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q4AAD,Isagoo firka naxsan ilaa haddana aan fahmin ujeedka iyo sababta loo haysto, cida haysataa waxa ay tahay, Arkay askartii soo qabatey kuwa ka badan oo qaararka dhismaha iyo irdaha taagan, dad sii gelaya iyo kuwa sii baxaya, Bir dheer oo Kaabad weyn hoosta ku leh, Maro Buluug ahina lulaneyso, dad waraaqo sii sita iyo kuwa soo sita oo is hor iyo daba maraya, kuwa garduub u xiran oo la sii wado iyo kuwa la soo wado, baabuur soo gelaysa iyo kuwa baxaysa, isagoo yaab iyo anfariin ku jira, xaalkiisuna wareer iyo walaahooy yahay, cid uu la hadlana aan aqoon ayaa Dalmar oo ushuu watay laga reebay ayaa askarigii la joogey maahe mid kale u yimid.

Intuu Garabka gacan xooggan uga qabtey ayuu ula dhaqaaqay dhinaca Xafiiskii Dambibaareha ee wax laysku weydiiyo layskuna diiwaangelinayey(OB)Waxaana la soo joojiyay askariga Dambibaareha hortiisa, waxaana lagu billaabay weydiimihii

Dambibaare: Magacaa?
Dalmar: Anigaa..?
Dambibaare: Haahe Magacaa?
Dalmar: Ma aniga baa qofkaad la hadleyso?
Dambibaare: Ha is yeelyeeline waryaa magacaa baan ku iri?
Dalmar: Dalmar
Dambibaare: Sheeg saddexdaada magac?
Dalmar: Wagar!  maxaa laga rabaa magacyada kalena?
     
Dambibaare: Waxuu fiiriyay askarigii kale ee la joogay isagoo dhoolla cadeynayo ayuu yiri waa la rabaaye sheeg saddexdaada magac?
Dalmar: Waxuu dayay hareerihiisa..waxaa u muuqday dhawr askari oo meelaha taagtaagan qaarkoodna bistoolado u xiran yihiin, iyo askari kale oo uga muuqdo albaabka hortiisa qori Ak 47 ahna garabka u suran yahay,Dalmarse  ma oga waxa uu yahay waxaase u muuqday in meesha uuna si fudud bixi karin,Hal mar ayaa qabkiisii shuuqay,waxuu bilaabay indha maraanmar waase laga kala jaray hawlahaa uu ilbiriqsiga ku galay, waxaa soo booday Askarigii kale ee ee xafiiska keenay wax ka taagnaa waxuuna yiri: Waryaa waa lagu sugaa ee saddexdaada magac sheeg?
Dalmar markuu arkay inaan si fudud looga hareyn ayuu yiri:Dalmar Hareeri Dubbad.
Dambibaare: Meeqa Sano ayaad jirtaa?
Dalmar: xoogaa ayuu aamusay, hoosna fiiriyay,Waxuuna yiri ma anigaa?
Dambibaare: haahe dhaqso sheeg da’daada?
Dalmar: Ma garanayo .
Dambibaare: Inteed deggen tahay ood ka timid?
Dalmar: markaan si degen ayuu u yiri: SILSILOON.
Dambibaare: Aaway middidii aad wadatay aad ku dhaawacdeen gabadha?
Dalmar: Waa maxayna?
Dambibaare : Middidii aad ku wadatay galkaan kuu xiran aad ku weerarteen gabadha?
Dalmar: Waxuu garan waayay wax uu ku jawaabo..waa aamusyay..
Dambibaare: Askari kabbaha iyo suunka ka fur galka mididana ha taaban ku qabo maro, meel gaarana ku xereey isagana qolka 3aad ku xereey, hana lagu daro dadka caawa 12ka la kaxeynayo.
Askariga: lugta ayuu dhulka ku dhuftay gacanta midigna salaan ayuu ku saaray isaga oo si toosnaan ah u taagan ayuu yiri Haye Taliye. waxuuna toos u aaday Dalmar.
Askariga: Garabka ayuu qabtay Dalmar waxuuna ula dhaqaaqay qol yar oo meel laab ah ku yaal aanse ka fogeyn oobiga Waxuuna yiri fur suunka, kabahana bixi?
Dalmar: Isagoo yaaban wax uu ku hadlana garan la’ quusna joogo ayuu kabihii maqaarka ahaa bixiyay, suunkii iyo galkii middida oo is wato u taagay askarigii, Waxuuna weydiiyay: Usheeydii aad iga qaaddeen aaway?
Askariga: Iyadana waa laguu hayaa.
Dalmar:  Maxaanu bi’innay oo nala ka doonayaa?
Askariga: Gabadhaa dhaawacdeen,boorsada ka xoogteen,silsilladana ka goosateen ayaa laydinku heystaa. Dalmar waa kaa amankaagsan, welina waxa meesha ka socdo  iyo ereyada qaarkoodba isagoon garan ayaa la qadaanqadiyay laguna tuuray qol laba qof oo kale ay ku jiraan dibadda ayaana looga xiray.
– Maxbuuski 1aad ayaa su’aalo ku weeraray oo yiri: Adna inteed naga soo salaantay?
– Dalmar su’aashaas waxa ay u jeeddo ma garan , waase iska aamusay:
– Maxbuuski 2aad: naga daa yuuna noo soo dhawaan wasaqdiisa iyo injirtiisaba.
-Maxbuus 1aad: Waxaan qiyaasaa inuu yahay wiil dulman oo lagu soo khaldamay. 
Dalmar markii ay war ka waayeen waa kuwaa meeshoodii firaashka u yaallay iska fadhiya. Waxay sii wateen tartankii maaweelada ahaa ee u socday..Waa la heesayaa kolba qofaa hees bilaabayo weydiinayana kan kale heestaan yaa qaado sheeg? 
Maxbuuski 1aad: Ciyoow biyaha keen..ciddaa oomanee..Caweys iyo ciyaar dhaafee.. Yaa qaadahee miniid wax taqaanid?
Maxbuuski 2aad: Ma garanayo. ee waa maxay ereyada Ciyoow,Caweys?
Maxbuuski 2aad: Geelaaga markuu dararan yahay laba nin duugtaayee laba nin. Bal adiguna kaa sheeg.. yaa qaado?
Maxbuuski 1aad: Ma kasaayi, xitaa warkaan meesha ku jiro maba ahan ku oo la kasaayo. Afkoo la kasaayo sheeg adiga aniga camaleeti.
Maxbuuski 2aad: Waxaan ku weydiinayaa miyaad garaneysaa Masaar?
Maxbuuski 1aad: Laa .. Ani kaas waa maqli jiray: “Faas lee ma ohoo”?
Maxbuuski 1aad: Askartaan ani waxay  shalay i dhaafiyeen ma kasee?
Maxbuuski 2aad: Maya.
Maxbuuski 1aad: Ununka Mininkeyna shalay waxaa ka jiray Madax shub, waxaa  i dhaafay waxyaabo badan oo isku dhuuq ah, cambuulo galey  saliid iyo sokor lagu goosaaray, qumbo,sisin loos,shuushuumoow iyo laf laay.
Waxaa meesha ka dhacaayo Dalmar isaga waaba la yaaban yahay, dadkaan meesha lagu soo xireeyay ee iska baashaalayo..Isagana dhuuntaa kala go’an hadalna waaba ka soo bixi la’yahay.. Waxuu ka fikiraa: “caawa ha lagu daro dadka la kaxeynayo” .. intee loo kaxeyhaa? Yaa waaye kuwa lala kaxeyhaayo? Saaxiibkiis Axmed Dheere ma ku jiryaa? Maxaa lagu suubihaa? Waxaas iyo ka badan ayay maskaxdiisu ku hadaaqeysaa afkuse juuq iyo jaaq ma lahan. Jiif iyo joog ma karyo ,waxey maskaxda siihee uun iska sug xilliga lagu kaxeyn-doono.
 
Waxaa la garaacayaa guri albaabkiisa :KUB KUB KUB….KUB KUB KUB.. KUB
Guriga: Yaa waaye waxa saan u garaacaayo xiligaan? Cod neeftuurid iyo cabsi ka muuqato: Ununka waaye:
Guriga: Idinka yaa waaye?
Codkii neeftuuraayay: Ununka waaye!!.. Axmed askaraa wadatay.
Guriga: Askaraa waday aa?! bisinka iyo yaasiinaka. Albaabkii guriga ee ganjeellada ahaa ayaa fag la siiyay waa Axmed hooyadiis oo oohin ku dhufatay..aaaaaaaaaa….aaaaaaaaaaaa….aaaaaa. Raxmo soo kici Aabaha?
……..
La soco Qaybaha dambe
 Waxaa Qoray:
 Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
            
 
 
 
 
 
  

SHEEKOOYIN