Horta yaa abaalgala hadduu jirase yaa gudi? Q.23aad W/Q: Xuseen “WADAAD”

Horta yaa abaalgala hadduu jirase yaa gudi? Q.23aad

 

Wallee oday maxaad xaalkiisu ma dhib yara, tanna ma ugu biirtay? Oday Maxaad Cali, waa kaa gaddoon ka soo yiri, iyadoo mirif lagu yiri, waana kaa isagoo hareeraha dayin ka soo hadaafay goobtii uu dhuuniga ka raadsan jiray.

Waxuu billaabay in uu isla tallamo kaligiis. Yac, xaggee la iga heystaa? Habaarkaan intoow iiga yimid? Xaggeen u ciirsadaa?.

Odaygu isagoo su’aalahaas iyo kuwa kaleba ku tallamaya, ayaa maskaxdiisa waxaa qalaw ku soo yiri inuu maanta oo sabti ah la ballansanaa Xaaji Hilowle; hadda waqtigii waa tagyay, waa kaase xaggee loogu hagaagaa Xaaji Hilowle? Waxeey aheyd in ay xalliyaan mushkiladaha is biirsaday mid ka mida, taas oo aheyd arrinkii Sopraloogooyinka.

Oday Maxaad, waa kaas isagoo luudayo, lugaha jiidayo, socodku dhibayo, meel la saraana dhiig laheyn, talana farahiisa ka haadday, ayuu mininkiisi dib ugu soo noqday… Xaalkiisu waa (Xaajadu dhega la qabta ma lehe, xaggee buu u ciirsadaa, Xaggee buu u ciirsadaa?).

Guriga waxaa joogto waa Raxmo Yareey, oo aan maalmahaan waxbarashadeedi aadin, dhexdana u xiratay hawlaha adag ee guriga oo weliba ay keli ku noqotay. Aabbawgeed muggoow albaabka ka soo galayba, waxey ishiisa ka garatay in dhiillo cusub jirto. Alla inantu garasho wacanaa.

Raxmo Yareey, Iyadoo akhrisay wejiga aabbaheed, ayay haddana waxba weydiin. Kolleey waxey u egtahay iney diiddan tahay iney aabbaheed dib u damqiso iyadoo aan awoodin iney nabarrada ka dhaydo, waxeyse u diyaarisay baaldi biyo ah oo uu dhididka iyo cusbada jirkiisa ka muuqato isaga rogo, waxeyna u geysay musqusha, waxeyna ku tiri: Aabboow, biyo qubeesaan kuu geeyay musqusha. Waxuuna ugu jawaabay cod hoose, isagoo leh: Hayabo maandhaay. Musqul iyo qubeys miidaaba ka heysaa maanta. Xaalkiisu waa mid Rabbi ogyahay.

Oday Maxaad, waa kaa qolkiisi ku xaluushay, sariirtana isku tuuray, isagoon iska bixin dharkuu illanaa uu bannaanka uga yimid. Waxuuna billaabay inuu kaligii fikiro, isgoo geddicad u dul xooran sariirta moolladaa, indhahiisuna kor dayaayaan, lugta bidixna ku wato kobtii sandalka aheyd uu watay. Waxaa maskaxdiisa ka guuxayay hadallo badan oo isku dhexjiro, kala jeedda, isku soo jeeddaa. Wegerey weger! Ninkaan meeshayda la keenay xagguu ka yimid? Waa qolama? Maya maya! Tan dambe ka bood, armaaba leey maqlay! Yaan u la kaashtaa saan ugu noqon lahaa Hawsheydi? Ar adduunyaa! Adduunyooy Waalalleey, Adduunyooy xaalkaa ba’! Weyska xaal adduun adduun.

Maxaad, isagoo howsha isugu dhiiqdhiiqeyso ayay Raxmo Yareey albaabka jugjug ku soo siisay, waxeyna ku tiri: Aabboow, kaalay wax cun. Isagana waxaaba dhibaayo sheekada laga kala goyhaayo, waxuuna ku yiri: Maandhaay, qada ma karo haddee, adiga iska qadeey. Raxmo Yareey: Maya aabbe, waa noo daboolaa, hadhoow markaad adiga qadeysaan anna qadeyhaa. Oday Maxaad, jawaab dambe ka ma dabacelin Baarriyeey Raxmo. Waxuu dib u galay hawshiisi laga ka la gooyay, waa riyo soo jeed ah.  

Isagoo halkiisi weli yaal, ayaa albaabka guriga la soo garaacay, waxaana si degdeg ah u fureyso Raxmo. Waxaa ay albaabka ka furtay muggaan waa qof culus, isla markiibana waa u haanyootay, si fiicanna u soo dhaweysay,. Qofku waa abtigeed aaney muddo arag, waxuuna weydiiyay: See la yahay geberteey?

Raxmo: Waa la fiican yahay abti, ee idinka see tihiin? Ka warran hooyo? 

Abti Axmed: Waa la wada fiican yahay, Hooyana waa roon tahay, Axmed ma la soo daayay?

Raxmo: Maya abti, weli waa xiran yahay, ee Hooyo xey kuu soo raaci weysay?

Abti Axmed: Hooyo waa imaahee, Illaah idinkiis, ee Aabboow ma joogyaa? mise shaqoow jiraa?

Raxmo: Abti, waa joogyaa, xoogaa waa hurdaa aan u filaa ee, xoogaa bal naso abti.

Raxmo yareey, waa taa kolkiiba u kudday dhanka jikada, ulana soo roortay abtigeed koob dheer oo isbarmuuto ah, kolkeey miis yar u saartayna, waa taa isku sii deysay qolkii aabbaheed ku jiray, waxeyna indhaha qac ku siisay Aabbawgeed oo lug sariirta u saarantahay lugna u laalaaddo, kobina u illan tahay, indhahiisuna isku jiraan. Kolkeey xaalkaas aragtay, waxaa helay anfariir iyo yaab, waa si aaney ku baran aabbaheed. Waxeyna garan weysay si ay wax yeesho, kolkii dambese waxey ku dhiirratay iney kiciso, iyadoo si deggen u leh: aabboow, aabboow, aabboow.

Kolkii uu intas ku nuuxsan waayay ayay gacanta si tartiiba ugu taabatay iyadoo weli waddo ereyadeedii ahaa (aabboow, aabboow). Muggeey xoogaa ku celcelisay ayuu sidii qof sasay indhaha kala qaaday, meelahana daydayay.

 

La soco qaybaha kale

W/Q: Xuseen M. Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN