Horta yaa abaalgala hadduu jirase yaa gudi? Q25AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Horta yaa abaalgala hadduu jirase yaa gudi? Q.25AAD

Xaaji Axmed, kolkii uu ka soo tegey reerkii uu soo booqday ee xididkiis , waxuu jac ku soo yiri waddadiisii dheereyd ee kolkii horeba uu sii qaaday. Wixii uu soo  kutubaba waxuu soo gaaray mininkiisii, oo ay wada joogaan Xaajiyadiisi garashada dheereyd ee Batuulo iyo Walaashiis Kutubo, waxuuna guriga soo galay iyagoo faraxsan oo qosol iyo kaftan isla miisaayo.Xaajiga kolkuu arkay farxadda ka muuqato iyo qosolka aad ayuu u farxay, waxaa gashay yididiilo fiican, maxaa yeelay; waxuu ka baqaayay walaashiis oo caro saaran tahay inuu u yimaad, kolkaasna ay ku adkaato inuu ku qanciyo arrinka uu kula soo heshiiyay seeddigiis Maxaad Cali.

Xaajiga kolkuu bariidiyay Bilcaamaha meesha fadhiyay, ayuu ku fadhiistay kursi agtooda yiilay, wuxuuna ku bilaabay wareysi guud, waxuuna yiri: waa saay xaalkiinu?

Waxaa kolkiiba jawaabtay Xaajiyo Batuuloo tiri: Xaaji nabad iyo kheyr, ee bal fadhiiso oo nasoba ,waxaa kaa muuqdo daale. Waana kacday kolkiiba iyadoo u quntay xagga jikada.

Kolkii intaas ay is dhaafsadeen Xaajiga iyo Xaajiyada ayaa hadalkii waxaa la wareegtay Kutubo oo tiri: Eeboow, bal xaad war ka heshay ciddi sida xaal yahay?

Maxaad Cali , xoogaa waa ka aamusyay oo kolkiiba jawaab lama soo boodin; Waxuu qabaa welwel aan yareyn oo la xiriiro qancinta walaashiis, cabbaar kolkuu aamusnaa iyadana aaney u celin su’aal kale ayuu yiri: Xaajiyoow, bal adiga ii warran bal waa sidaay xaalkaagu?

Kutubo: Aniga dhib ma qabo, waxaa uun i haayo welwelka canugga xiran iyo gabadha xagaas iiga dayacan uun.

Sheekada iyadoo intaas mareyso ayaa waxaa u timid Xaajiyo Batuulo la duuleyso miis gaaban, waxeyna dig soo siisay Xaaji Axmed iyo Kutubo dhexdooda, kolkiina way ka noqotay oo dushiisa soo saartay saxan fidsan oo ay saaran yihiin saddex bakeeri oo maran, Bakeeri dheer oo caano ku jiraan iyo Tarmuus dheer oo shaah ah. Waxeyna warkii ku billawday  Xaaji axmed iyadoo leh Xaaji ma kuu caddeyhaa, mise kan dambaad caddeysee?

Xaajiga intuunaba jawaabin, waxaa hadalkii boobtay Kutubo oo tiri: Batuulooy, Xaajigaaga lee maad weydiihee? kan 1aad iyo 2aad seey kala noqohaayaan?!!

Xaajiyo Batuuloo Qosleysaa leh: ee wah maad sugtidba adiga waan kuu soo socdaahe, weliba waxeey sii raacisay kaftan ah “Ma sugto meher ma leh”, deg deg dowr ma dhasho ee hadda ma kuu caddeeyaa abaayo mise adna kan dambaa caddeysee?

Waxaa meesha ka dhacay qosol iyo kaftan kooban oo weji furnaan leh, Xaajiga waxuu yiri ii caddeey aniga, Kutubana waxeey dalbatay caddeys garaw ah, Batuulana waxeey shubatay Shaah aan caddeysneyn, waana ag fadhiisatay.

Kutubo, kolkii ay kabatay Koobkii shaaha ahaa ee loo shubay ayay tiri: Abaayoow, shaahaan xaad ku dartay? Waa heer sare dhadhankiisa.

Xaajiyo Batuulo: Abaayo, ma ku cajabiyay?

Kutubo: haa, weliba si weyn baan ula dhacay.

Xaajiyo Batuulo: Waxaan ku daray alaabta kala ah: Heyl, Qarfe, Qalinfur, Zanjabiil, iyo Joos.

Kutubo: Maashaa allaah waaye.

Kolkii intaas la is dhaafsaday ayaa hadalkii waxaa la wareegay Xaaji Axmed, isagoo leh:

Abaay Kutubooy, waadigii i weydiiyay ciddi wixii aan xaalkooda ka haayo e,horta waa soo arkay cidda,gaar haan Raxmo iyo Adoogeed,waana fiicnaayeen,xoog xumaase ka muuqatay cidda,wax kaloo                                                                                                                                         cusubna ma la ii sheegin,xagga alaabtii maqneyd iyo Axmedba. Xaajiyooyse,waxaa ii muuqday in   mahaas lagaa rabay.

Kutubo: Odaygaas xunkaa wax ku fali maayee, eebooboow xaad iiga soo wedi weysay geberteyda.

Xaajiyo Batuuloo soo dhex gashoo tiri: Kutubooy, xeey tahay saad u hadlee, xaa looga soo wadaa , wallee Aabowgeed maahan?, Yaase u maqan haddii iyadana laga soo wado?

Kutubo: Useey u taallaa “Shurugiis ha raacee”.

Xaaji Axmed: Abbaayo Kutubaay, waxaa la yiraa”talo adaa ku nool”, waana soo arkay Xaajiga, dhibka heystaana ma yara, waa culeyskaad ogeyd oo mid kale lagu daray, mugga hee, adaa islaantiisi ah,Carrab iyo ilkana waa is qaniinaan, waxaa hee la rabaa inaad inta sabarto, dhexdana xirato odaygaaga dhinac istaagto, ununkana duco iyo waxaan idinku kabi karno idin raacino.

Kutubo intaaneey jawaabin waxaa hadashay Batuulo oo leh: Abaayooy Eeboowgaa waa runtiis, adduunkaana wax kastaa waa dhacaan,adiga iyo Xaajiga waxa uun hadda khilaafkiinu yahay                                                                                                                dhibaatooyinkaan dhacay,kuwaas oo khadar Rabbi ku dhacay, Mugga hee waxaa lagaa rabaa inaad sabarto, eebowgaa warkiisana maqasho.

Kutubo: Eeboow Axmed iyo Abbaayo Batuulo, horta aniga ma jecleyn inaan ku noqdo Odaygaas dabada ku wato Cali Gaabkaas xunkaa, laakiin aniga cid aan idinka aheyn ma lihi, warkiinana ma diidi karo, Odaygaasna ma rabo. Xaalku waa Ma caraa dhamid leh ma caanaa qubid leh.

Batuulo: Walaasheey, hee see waaye adiga, odayga waa Odaygaagii aad jecleyd ee Shaydaanka iska naar ee warka ku ekeey Ajiib uun.

Xaaji Axmed: Walaasheey Kutubo, waa kuu duceeyay, hortaada kheyr gadaashaada kheyr, wax ku dhibo ma aragtid, Ammuuraha taysiir. Mugga hee shaaha dhameyso isna diyaari hee waa  socoheynaahe.

Batuulo: Xaaji , adiga see camalna, waa maxaay is diyaari waa socoheynaahe? Kutubo, habeen dambe ayaa la hooyhaa, waa Aroosad Berri ayaa loo cillaan saaraa, ee warkaan aad hadda waddo naga jooji.

Kutubo hoos ayay u jeesatay iyadoo hoostana ka qosleyso, xishoodna ka muuqdo, una bogeyso warka Batuulo.

Xaaji Axmed: Yaa yaah , xeey tahay Batuulooy adna saad u warrameyso? dadkaan dad cusub maahan, gurigaana laga sugaa ee cawadana waa ineey u hoyataa mininkeeda.

Batuulo: Xaaji, bal adna is deji hadda waxaaba galay habeene berri galab nooga dhig, Abbaayana waa mahadsan tahay sida fiican ay noo aqbashay.Batuulo kolkii ay intaas tiri Xaaji Axmed, ayay haddana u jeesatay Kutubo iyadoo leh: Saas maahoo abbaayo, in cillaan laguu saaro illeen waxaa tahay aroos cusube, mise haddaad bexee?Kutubo waxaa ku adkaatay jawaabta ,waxaana galay xishood, waxeyna tiri: Abbaayo waa saad ku talisaan.

Oday Maxaad xaalkiisu waa laba bogleyn wuxuuna ka degi la’ sida xaal noqon doono, waxaa maskaxdiisa ka guuxeysa cidda iyo ilmaha meel ay biilkooda ka helaan haddii gunnada iyo mushaharku ka joogsadaan shaqona uu heli waayo, waxaa uu kala dooranayaa ma dhul bannaan oo uu hore u lahaay, dhulka sabarloogiisa maqanyahayna ku jiraad gaddaa, mase lo’ baadiyaha jirta oo Afartameeyo ah  eebboowgiis Siyaad Calina u haayo ayaad xaraashta oo Suuqa dukaan uga furtaa xaaska adigana meelahaas u shaqo doonataa.Dalkaan caddaalad xumadiisa iyo arag xumadiisa wiilkaagiina gardarrada lagu xirtey, adigiina  sabab la’aan shaqada lagaaga burshay, tuugii ku dhacayna cid kuu qabanaysaa jirin mayskaga dhooftaa oo dhul carbeed mayska aadaa? Talan iyo tashi ayaa madaxiisa qabsaday, habeenkanise uga wanaagsan habeennadii kale oo culeyskii xagga  seedigiis iyo xaaskiisa waa ka degay.

Kutubona waa garnaqsatey, waxaana usoo baxday hadalkii Batuullo ee ahaay, abbaay  ninkaag berrigaad  garab istaagi lahayd waaye ee maaha berrigaad cidleyn lahayd,  waxay gashay xasuus iyo waayo badan, waxaanay qirtey inay ku fududaatay inay ninkeeda baalmarto,  waxaa kale oo usoo baxday, Tuuggadii ku dhacday ka sakoow armeey naagtii maalintii aad jidka ku baratey shirqoolka wax ka ogeyd. Iyaduna dhankeeday talan iyo tashi ka gashay, laba kala bariday kala war la’

 

La soco qaybaha kale

Waxaa qoray:

Xuseen M:Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN