Horta yaa dib noo dhigay? W/Q:Ibraahiim Cismaan Afrax

Horta yaa dib noo dhigay?

Ummad jecel in ay noqdaan kuwa ugu sarreeya dunida (san ku neeflohoo idil) haddana oraahohoodu ay saluugayaan siyaabihii lagu noqon lahaa tabtaas ama si u dhaw. Dad doonaya in ay wanaag helaan misana saadsanaya shar. Waa duul markay hadlayaan soo tufaya dacar, daxal iyo carun. Haddiise hadallo taban uu afkoodu soo tebiyo mar kasta, laabtooda iyo maankooda maxaa ku jira?

Ku dhawaad 30 sano ayey dalka iyo dadkuba ku sugnaayeen marxalado kala duwan. Waase amar Ilaahey’e sow afafkeenna iyo addimadeennu sabab umeysan aheyn wixii dhacay? Dabcan haa! Laakiin tabaha inoogu wacan baa lagu kala aragti duwanyahay.

Markad qof Soomaali ah weydiiso “dalku inuu burburo, asaagii ka haro, dadku ku baaba’aan colaad, tahriib iyo abaarba, qaarkoodna ay u qaxaan dalal shisheeye, maxaa u sabab ah?”. Meel dheer lagama jeriyo war-celinta oo waa sidan “Qab-qable, ganacasato, wadaaddo iyo siyaasiyiin qarriban baa qar inaga tuuray”.  Hagaag, kuwaasi waxay  ka qeyb qaateen falalkii aanu isku dabar jarnay. Yeelay, Hase ahaatee dad kale e oo aanad rumeysaneyn baa jira kuwaas oo  laga yaabo inaad adigu ku jirto.

Haddii qolyaha gummaaday ee gammaariyay calanka, ciidda iyo umaddeenna aad ogaatay aan ku baro kooxda kale. Ka bax haddaad ku jirto (sida aniga oo kale). Haddiise aad hore ugu jirin, ka duceyso inaad kamid noqoto. Una Alle-bari kuwa ku jira ee wali u haysta in ay saxanyihiin. Iyagoo eedda saaraya dhiggooda kale. Laakiinse aan garwaaqsaneyn in ay iyagu eex dhinac isla mariyeen.

cid walba ee rajo xumo muujisay, filaneysana sanadba sanadka ka dambeeya in la galayo mugdi iyo maqaar-saar waxay qeyb ka yihiin kuwa dib inoo dhigay.  Ogowse shar iyo kheyr wixii aan rajeyno oo aan filanno ayaanu heleynaa. Wax wanaagsan adigoo rajeynaya hel ama waay. Iyo wax xun (shar) filo oo ha kugu habsadaan kee baa wacan?

Dadka Islaamka ah waxa lagu waajibiyey Iney wax wanaagsan rajeeyaan oo ay sammaan la yimaadaan. Bal ila akhri oo macneheeda ila dhuux aayadda boqol iyo tobnaad (110) ee suuradda Kahfi:

     فَمَنْ كَانَ يَرْجُوا لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَالِحًا

Oo macneheedu yahay “qofkii ahaaday mid rajaynaya la kulanka Rabigiisa, ha sameeyo shaqo wanaagsan (camalka wanaagsanna waa in uu ahaado mid Nabi Muxammed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee looga dayanayo, iyo mid Alle dartiis loo sameynayo)”. Inkastoo aayaddan ay ka warrameyso la kulanka Eebbe haddane waxay culimadu u daliishadaan baabka rajada. Eebbe wuxu Sidoo kale ku yiri aayadda 53-aad ee suuradda Zumar:

ﻻ ﺗَﻘْﻨَﻄُﻮﺍ ﻣِﻦ ﺭَّﺣْﻤَﺔِ ﺍﻟﻠَّﻪِ

“Haka quusanina raxmada / naxariistiisa Ilaahey”. Waxaad dareemeysaa in had iyo gooraale qofka muslimka ah laga doonayo in uusan ka niyad jabin baraaraha xitaa haddii lagu suganyahay marxalad dhib iyo masiibo ah.

Dhan kale ayaan jecleystay in aan wax kaa tuso’e ila soco. Carruurta aad dhashay ama aad Alle ka rajeyneyso in uu kugu manneysto maxaad jeclaan laheyd in ay noqdaan? Dabcan waxad markasta ugu duceyn laheyd inuu Ilaahey kaaga dhigo baarriyaal. Balse dhulkii ay ku noolaan lahaayeen (Soomaaliya) maxaa kuu diiday in aad nabad, horumar iyo caddaalad aad u rajeyso? Xitaa haddii dadka hoggaanka dalka haya aad u aragto kuwo aan xil gudan Karin, miyaad u quuri kari waysay duco laabta kasoo go’day?

Ugu dambeyntii, Soomaaliyeey waxan rajeyno ama aan filanno waa sadkeenna ee hala ogaado. Qofka xilka haya ama iskusoo sharraxa yeynaan xagxagan, qabiil yeynaan ku qiimeyn ee kuu doono ha ahaado’e aynu ugu duceyno in uu Rabbi la garab galo. Si gaar ah jiilka hadda jooga waxan kula talinayaa in ay saadiyaan, sawirtaanna xasillooni, sinnaan iyo barwaaqo si kuwa ka dambeeya ay ugu nagaadaan riyadaas oo rumowday.

W/Q:Ibraahiim Cismaan Afrax

Boorama, Awdal, Soomaaliya

SHEEKOOYIN