HORUMARKU WAA HORTAADA. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

HORUMARKU WAA HORTAADA.

Horumar marka macna ahaan la kala dhigo wuxuu noqonaya horey oo aad u socoto, adiga oo tiigsanaya wax Nafci u leh noloshaada kana fogaanaya Qatar walba ama wax kasta oo gadaal kuu soo celin kara, taas oo qaabka loo wajahaya fahamkeeda lagu kala duwan yahay mar walba.

Qaabka horumarka loo raadinayo ama loo gaarayo mar walba waa lagu kala duwanaanayaa, maxaa yeelay kala duwanaashaheena dhanka Dabeecadda iyo Dhaqanka ah, waa midka saldhiga u noqonaya in aan dhinacya kala duwan ka kala eegno arrimahaas aan wada tiigsanayno ee uu qof walba u ooman yahay.

Qofku wuu maarayn karaa tiisa shaqsiyadeed, balse Nafci badan ma yeelan karto mana ahan mid meel dheer gaarsiin karta, ama ma ahan mid uu Muraayad uu naftiisa ku arko u noqon karto, haddii si guud ahaaneed uusan horumarkaas  uusan ula gaarin Umaddiisa.

Wax walba oo si wada jir ah aan u gaarno waa midda u sahlaysa qof walba in uu Muraayadda wajigiisa si qaas ah ugu eego, Caalamkana looga arko, sababta uu heerkaas ama sidaas ku gaarayna waa Wadajirka, ma jirto horumar lagu gaaro Gacan bidixayn ama Caddaalad darro, horumarka wuxuu ku yimaadaa in si wadajir ah loogu wada jiro Dheefta iyo dheef la’aantaba.

Balse marka qolo walba ay tiraahdo waxayga gooni hala iigu sooco, markaas ma jirayso horumar guud, ee waxaa jiri kara horumar gaar ahaaneed oo ku kooban qolo gaar ah, kaas oo aan noqon Karin mid astaan u noqda Umadda oo dhan.

Hadaba waxaa wanaagsan in aan is waydiino qaabka aan horumar ku gaari karno, maxaasa saldhig u ah in la gaaro horumarka? maadaama baahidiisa ay tahay mid aan si wada jir ah ugu baahanahay, doonanayna in aan kula tartano asaageena Nolosha Dunida.

Waxaan jeclaan lahaa in aan dhowr tilmaamood bixiyo, taas oo aan u arkay in ay tahay Waddada guusha looga gaari karo Caqabadaha Nolosha ee ku hor gudban gaaritaanka hadafkaas aan tiigsanayno ee ah horumarka nolosheena, waxaana saldhig uga dhigi doonaa dhowr qodob aan fartooda xoogaa waaweenayn doono.

CADDAALAD: caddaaladda waa qodobka koowaad ee ugu muhiimsan Nolosha noole walba oo dunidan korkeeda ku neefsada, ha ahaadaan Dad iyo Dugaag iyo Degaanba, caddaaladda sida Neefta ay muhiim ugu tahay jiritaankeena nololeed ayay muhiim ugu tahay Nolosha.

Nafta Aadanaha waa mid Damac badan oo baahideeda aysan lahayn Xaddi ay ku istaagto, taas oo hadda wax aan Bani aadam ahaan ka qaban karno aysan jirin, balse ugu yaraan aan koontarooli karno ama xakamayn karno, waa inteena uu nasiibku saacido.

Caddaalad halka aysan ka jirin waa meel aysan Nolol ka jirin, xitaa haddii ay dhacdo in ay Nolol ka jirto halkaa, waa meel mar walba Musiibo badan oo dhibaatooyinka ay ku badan yihiin,  tilmaantaas aan soo baxshey ee ah in wax nolol u eg ay ka jiri karaan Gayiga Caddaalad darrada, balse musiibadiisu ay badantahay, waxaa la oran karaa waa midda gayigeena ka jirto, taas oo sida muuqato ilaa hadda aanan ku baraarugsanayn.

Musiibada ay noo sababtay Caddalad darrada ma ahan oo kaliya mid ku habsatay dadkeena kaliya, ee waa mid saamayn kusii yeelatay wax walba oo ku dul neefsada Gayigeena Soomaaliyeed, sidaa darteed qodobkaas koowaad ee caddalad darrada inta aan ka saxayno way taagnaanaysa, wayna kasii daraysaa Musiibada ina dul taal, ee maalinba maalinta ka dambaysa Wajiga cusub la soo baxaysa, saamaynta ay yeelanaysana ay sii ballaaranayso.

ARAGTIDA DHEER:  laga yaabee in aragti dheer uu qofku shaqsi ahaan u yeelan karo, balse mid ayaa wanaagsan in lagu baraarugo, taas oo ah, Saldhiga Nolosha waa hogaan, hadii inta hogaanka sheegata ay ka arradan yihiin dhanka Aragtida , taas waxay la mid tahay in Umadda oo dhan ay wada noqoto umad wada indha la’  Indha ayaga oo leh ayay hadana Araga Gudaha ka arradan yihin, oo ma lahan Fikir ah, waxaan haddii aan samayno maxaa inooga imaan kara? ama qasaarada iyo faaiidadiisa tee baa badan? Cirib dambeedkiisase muxuu noqon karaa? waa middaas Cabirka guud ee aan ka hadlayo.

DANTA GUUD : fahamka danta guud ee la isla fahmo waxay qayb wayn ku leedahay gaaridda horumarka nolosha, baahida dadka ama inta wada nool iyaga oo kala duwan ayay hadana mar walba yeelan karaan dan guud oo ka wada dhaxaysa, sida tan Deegaanka iyo difaaca naftooda iyo waxyaabaha kale ee ku yimaada horumarka nolosha, ama wax kasta oo aan looga maarmayn in wadajir lagu gaaro.

Xaqiiqda marka laga hadlo Danta guud waxay kasoo bilaabataa Guriga ay labada qof kuwada nool yihiin, tusaala gaaban Ninka iyo marwadiisa iyada uu Qof walba leeyahay damiciisa ku aaddan Nolosha dhinac walbaba, ayay hadana muujiyaan ama danta ku qasabtaa in uu qof walba Tanaasul la yimaado, oo mar walba dhinaca guud uu ka door bido dhiniciisa u qaaska ah, taas oo haddii uusan samayn ay meesha ka baxayso wadajirkooda, marka wadajirkooda la waayana waxaa meesha ka baxa jiritaankooda Qoysnimo, taas oo ugu dambayntii qof walba ku kalafita in uu halkii uu kasoo bilaabay Nolosha uu dib ugu laabto, oo mar labaad uu soo galo baadi goob ku aaddan Hagidda noloshiisa.

Dhabta marka laga hadlo in mar walba gadaal aad wax kasoo bilowdid ma ahan wax sahlan, tusaala gaaban waxaa kuugu filan adigan aqrinayo qoraalkan noloshaada sida ay ahayd muddooyin ka hor, ma u laaban lahayd wanaag iyo khayrba waxay ahayd?  hubaal waxaa ah in aad ka door bidi lahayd in aad horey usii dhaqaaqdo oo dunida dhinacyadeeda kale dhab u wajahdo, maadama Noloshu safar tahay.

DAGANAAN: maadama noloshu caqabada badantahay, caqabadahaas oo ka dhasha kala duwanaanteena iyo damaceena ku aaddan Baahida uu qof walba tabanayo ayaa ah midda keenta in qofku u yeelan waayo Dulqaad ku aaddan waxa uu doonayo iyo Caqabadaha ka hor yimaada.

Sida badan waxaanu aaminsanahay in wax walba ay Waqti leeyihiin, hadana ma nihin kuwa u diyaarsan in ay si dagan u sugtaan waxa ka maqan, waxaa kaloo taas soo raaca in uu jiro Fudayd mar walba ku addan jawaab celinta falalka naga dhaca hubisiimo la’aan.

Umadda marka ay meel kuwada nooshahay mar walba is qabashadooda ama is khilaafkoodu wuu jirayaa, balse waxaa haboon in daganaan ay jirto, taas oo la oran karo waxay qayb wayn ka qaadataa xalintaa caqabadahaas ka dhex dhaca umaddaas wada nool, sidaa darteed in daganaan la muujiyaa micnaheeda waa in hubsiimo la helay, inta badan oo wax la hubsadaana, waa inta badan oo ay yaraataa dhibaatada dhacdo iyo Musiibada ka dhalato.

DULQAAD: dulqaad wax badan kagama duwana Erayga ka koreeya (DAGANAAN) ee aan isticmaalay marka laga reebo dhawaqa, balse waxaa la oran karaa wuu ka saamayn badan yahay deganaanta, qofka in uusan dag dagin wuu samayn karaa, balse marka uu hubsado Ficilka dhacay inta uu xanuun ahaan u gaysto naftiisa ayaa lagu eegaa jawaab celintiisa ku aaddan ficilkaas dhacay dulqaadka uu u yeesho.

Nolosha waa mid ka kooban Dhib iyo Dheef, dheefta waxba inagama dhibto, sheegiddeedana inaguma badna, balse waxa inoo daran oo uu qof walba ka cararayo ama la qaylsho ayaa ah Dhibaatada, dhibka marka uu kugu dhaco waxaa wanaagsan in aad leedahay garasho ah sababta uu kuugu dhacay, sida badana dhibaatada marka ay nagu dhacdo iskagama keen dhacdo sabab la’aan, ee waa mid ku timaada ama ka dhalata Afcaasheena, sidaa darteed maadaama dhib iyo dheefba in aan ku noolaano ay tahay marinka nolosheena ama Qaddarta Rabi xagiisa laga qaddaray, waxaa wanaagsan in aan muujino Dulqaad.

Dulqaadka diinteen waa lagu amaanay oo tusaalooyin badan oo nalagu barayo ayaa ku yimid dulqaadka, kuwaas oo marna nalagu tusay in la imtixaanay Anbiyadii Alle iyo tusaalooyin kale oo badan, hadaba inta Qodob ee aan soo sheegay ayaa la oran karaa waxay naga caawin karayaan in aan horey u socono oo wajahano waddooyinka dhibka badan ee nagu sugaya Dariiqa adag ee Nolosha aan u marno.

Sidaa darteed waxaa la gudboon qof walba haddii uu doonayo In uu gaaro horumar nololeed in uu marka hore eego hortiisa waxa yaalo oo iska hor qaadaa wax kasta oo dhibaato u noqon karo sii socodkiisa Nolosha.

Inta badan oo uu qofku ku daddaalaa xaar xaaridda ama nadiifinta Waddada noloshiisa, waxay taas ka dhigantahay in uu Umadda la wadaagay wax wanaagsan oo qiima u yeelan kara shaqsiyaddiisa guud iyo middda Umadda uu la noolyahay.

Qof dhinacyada eegaya ee doonaya in uu socdo, hubaal in uusan socodkiisu noqon karayn Socod toosan, waxaa kaloo hubaal ah in uu qofkaas Halis ugu jiro mar walba in uu ku dhaco Hog, taas oo Natiijada ka dhalata ay noqon karto in uusan soconba ama socodkiisu uu hakado.

Hourmarka gaariddiisu waa mid  leh Imtixaanaad fara badan, Dulqaadka ayaana saldhiga koowaad u ah maadaama aan aniga ugu dambaysiiyay, balse taas macnaheeda ma ahan in dulqaadka uu yimaado marka wax walba oo dhici lahaa ay dhacaan, dulqaadka qofka waa in uu qayb ka noqdaa Qorshe maalmeedkiisa Nolosha.

Qofku marka uu Dunida usoo baxo Subax walba ama Maalin walba, waa in uu ku tala galaa in uu la kulmi karo wanaag iyo xumaanba, dulqaadkeedana uu yeeshaa, inta badan oo naftaada aad xakamaysid kuna xakamaysid dulqaadka, waa inta badan oo ay noloshaadu hagaagto.

Hadaba tusaalooyinka gaar ahaaneed ee aan tusalaaha uga dhigay qofka shaqsiga ah micnaheeda yaan loo fahmin in aysan ahayn tusalaaha guud, marka qof aan ka hadlayo waxay la mid tahay guud ahaan umadda oo dhan, sidaa darteed fahamkeenu ha ahaado mid biya dhiciisu uu noqdo Nolosha guud iyo horumarkeeda.

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN