Howlaha laga rabo dowlad inee qabato maalinta calankeeda ka hor   iyo kadib!!

 

Maalinta_Calanka

Maalinta calanka somaliyeed waa maalin saameen weyn ku leh umada somaliyeed, waa maalin astaanta calanka umada somaliyeed ka dhex muuqanayo caalamka oo idil iyadoo ruux walba oo somaliya muujinaya   calankiisa buluuga  xidigta ku dhex jirta, maalintaan waxee   sidoo kale astaan u tahey   midnimada   umada somaliyeed, hadaba astaanta ee maalinta calanka   leedahey si loo dhooro waxa jira howla laga rabo inee dowlada   qabato, waxaana ka mid ah:

  • HIRGALINTA SIYAASADA CALANKA UMADA SOOMALIYEED “ IMPLEMENTATION OF NATIONAL FLAG POLICY”: maanta maamul goboleedyada kuma qasbano si sharci ah iyo si siyaasad ah inee u dabaal dagaan   maalinta calanka somaliyeed, balse waxa ku qasbayo inee u dabaal dagaan maalinta calanka somaliyeed ayaa ah anshaxiyada iyo damiirkooda oo wali  wadaninimo ku jirta, inkastoo runta marka la eego ee dhici karta in maamul goboleedyada iyo siyaasinta qaar maalintaan xurmeen waayaan sababo   la xariiro xariirkooda dowlada qaranka iyo dantooda oo tusta xurmeen la’aanta calanka, hadaba si looga hortago arimaha nuucaan ah dowlad waxaa laga raba inee   sameenso siyaasada iyo sharci difaacayo calanka kuna qasbaya in maamul gobaleedyada oo idil u dabaal dagaan maalinta calanka.
  • QEYBINTA CALANKA:   waxa jira dad fara badan oo jecel   maalintaan inee   xirtaan, kuna soo banaan baxaan calanka, hadaba dadka waxee isugu   jiraan kuwa awooda   gadashada calanka balse aan calanku ka agdhaween   iyo kuwa aan awoodin gadashada calanka, hadaba si caqabadahaan looga gudbo dowlada waxaa laga raba inee sameeso goobo laga qeybiyo calanka.

 

  • MUWAADINIMADA IN LA CALAMEEYO “ CITIZENSHIP FLAGING”: shaqsiga muwaadinka maanta muwaadin waxuu ku noqonaya   calanka umada somaliyeed, haduu wato calanka   waa lagu ixtiraamo, qodobkaan waxaa ku dhaqma dowlad wadankeeda ajaanib badan ku nool yihiin, balse wadankeena   mahadaama ee ajaanib badan ku nooleen mararka qaar qofka muwaadinka ayaa ajanibi okale loo la dhaqma sababa la xariiro nabad galyada iyo aqoonsiga shaqsiga, hadaba si arintaan u dhicin dowlada waxa laga raba maanta okale inee ku ixtiraamto muwaadinka calanka uu wato ileen qof calankii soo qaadey dowladiisa iyo wadankiisa dhib lama rabo.

 

  • BIDHAAMINTA CALANKA:  calanka inuu ka muuqda goob kasta oo isha muwaadinka qabato waxee astaan u tahey maalinta calanka iyo inee hirgashey   howshi lagu bidhaamiyey calanka, waxaa kaloo bidhaaminta calanka astaan u ah in calanka haduu duugoobo in laga dajiyo goobtaas oo ku duugoobey, calan kale oo cusubna la saaro, arimahaan waa howsha laga rabo dowlad maalinta calankeeda.

 

  • CALAMEENTA SHAQAALAHA SHACABKA:  shaqaalaha shacabka waa muuqa dowlada , waa meesha laga fiirinayo xamaasada iyo qadarinta dowlada ee siisey   maalinta calanka somaliyeed, shaqaalaha shacabka laga soo bilaabo madaxweynaha ilaa shaqsiga nadiifiya xafiiska waax degmo ayaa ah dadka la   eegayo sida   ee u qadariyeen maalinta calanka , haduu shaqsi walba ama shaqaalaha shacabka   qaar ee wataan calanka waxee saameen ku dhalineesa   muwaadinka caadiga ah iyo ajaanibta inee dareemaan   miisaanka maalinta calanka, hadaba si loo ilaaliyo astaanta iyo miisaanka maalinta   calanka somaliyeed waxaa haboon in dowlada calameeso shaqaalaha iyadoo siineesa shaqaalaha   caawimaad iyo dhiiro galin si maalinta calanka u gashtaan dharka calanka, waxaana cawimaada ka mid ah siinta lacag dheeraad ah si ee u gataan calanka, fasaxida iuo u faaxid shaqaalaha baabuurta dowlada si maalinta calanka loo muujiyo, ilaalinta shaqaalaha markee joogaan goobaha dabaal degyada, iwm.
  • DHOORIDA AMA KA WARQABKA   CALANKA MAQAN IYO CALAMEEYNTA WADDAMADA AJAANIBTA: maalinta calanka kalito maahan maalin looga dabaal dago wadanka waa maalin xitaa dalka dibadiisa looga dabaal dego, shaqsi walba oo somali ah maanta okale waa inoo u dabaal dega, hadaba waxaa jira dad xabsiyo ku jira aan u dabaal degi karin, waxa jiri kara calamo ku duugoobeyn goobo dalka ka baxsan kadib dayacaad owgeed, waxa kaloo jiri kara dowlado aan taagin calanka somaliya maanta balse hadii xariir lala sameeyo ka taagayo calanka wadankooda, intaas odhan waa hoola u baahan xal, ildheeri iyo ogaansho.
  • SAREEYSIINTA CALANKA QARANKA IYO KULMINTA CALAMADA MAAMUL GOBOLEEDYADA: sida fakirka wanaagsan sheegayo; maalinta calanka waa maalinta muujineesa   midnimada umada somaliyeed waayo maamul goboleedyada oo idil waxee u wada dabaal dagayaan maanta si isku mid ah calan hal muuq leh, hal hees leh iyo hal mansab ama maqaam leh, dhamaan mamul goboleedyada waxee sare   u qaadayaan calanka qaranka iyagoo hoos u dhigaya calan maamulkooda, dowlada dhexena( dowlada qaranka) waxee kulmineesa dhamaan calamada   dowlada goboleedyada kadibna ka sara marsiineesa calanka qaranka si midnimada umada somaliyeed u muuqato.

 

 

Mahadsanid,.

Cabdiqani   Cabdikarim Ahmed

Wiil soomaaliyeed

 

SHEEKOOYIN