Hubka Kuuriya iyo Hanjabaada Mareykanka W/Q: Cabdullaahi Nuur Colombo

Mareykanka Iyo Kuuriyada Waqooyi Dagaal Ka Dhex Qarxa Waxa uu Sababi karaa In Ay Isu Isticmaalaan Hubka Nukliyeerka, Kaasi Oo Aanan La Isticmaalin Illaa Xiligii Uu Dhamaaday Dagaalkii Labaad Ee Adduunka.
==============================================================

 

Sida warbaahinta caalamka ay tabinayso gaar ahaana kuwa Mareykankana ay aad u falanqeynayaan dalka Kuuriyada Waqooyi xukuumada ka talisa ayaa iyadoo iska dhega tireysa hanjabaada dalka Mareykanka iyo xulufadiisa iyo weliba baaqa Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sii wadaa ridista gantaalaha iyadoo maalintii jimcahii shalay gantaal ay riday dul marisay Hawada dalka Japan.

Dhinaca kalena Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaduna sheegtay in ay sii diyaargaroobayso kadib markii ay soo baxeen macluumaad dheeraad ah oo la xiriira tijaabooyin hor leh oo ay dhawaan samaysay dowladda Kuuriyada Waqooyi, iyada oo tijaabooyinkii ugu dambayeeyay uu ahaa bam sababi kara dhulgariir cabbirkiisa dhanyahay 6.3 darajo.

Xoghayaha difaaca Mareykanka James Mattis ayaa isagoo warfidiyeenka la hadlayey waxaa uu sheegay in halis kasta lagu wajihi doono talaabo militari oo aad u weyn.Ma jirto qof rajaynaya in uu dagaal dhaco, waana ay adagtahay in la malaysto in uu qarxo dagaal aanan waxbo la isu reeban. Mareykanka waxa uu qabaa in Kuuriyada Waqooyi aysan samayn doonin wax keena halista ah in uu dagaal qarxo.

Dagaal dhaca waxa uu sababi karaa in dhinacyada ay xitaa isu isticmaalaan hubka Nukliyeerka, kaasi oo aanan la isticmaalin illaa xiligii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka.Waxay u badantahay ayaa la leeyahay in dagaalka kadib uusan jiri doonin dal la yiraahdo Kuuriyada Waqooyi, balse qasaaraha ka dhashaa waxa uu noqon karaa mid aanan la qiyaasi karin. Waxaase laga yaabaa in xukuumadda Pyongyang ay fahmi karto halista heerkaas ah.

Dalka Japan Iyo kaalintiisa.

Bilowga dagaalka waxa uu noqon doonaa mid u dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo inta kale ee adduunka, gaar ahaan Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka oo isku dhinac ah.Waa ay adagtahay in lasii sheego kaalinta Japan haddii aanan iyada si toos ah loo weerarin, balse waxaa xusid mudan in ciidamo badan oo Mareykan ah ay halkaasi saldhig ku leeyihiin.

Mareykanka waxa uu taageero weydiisan doonaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo haddii la siin waayo, uu sidoo kale weydiisan doonaa xulafadiisa, balse lama sheegi karo dhab ahaan illaa heerka ay dagaalka la galayaan xulufada.Uma badna in taasi dhacdo, balse lama saadaalin karo waxa uu Shiinaha samayn doono haddii dagaal qarxo, mala oran karaa waxa uu u soo gurman doonaa Kuuriyada Waqooyi sidii dhacday dagaalkii labada Kuuriya ee dhacay Sannadihii 1950-aadkii?.

Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi waxaa ka dhaxeeya heshiis difaac oo qoto dheer, balse taas oo jirta haddana qasab ma ahan in Shiinaha uu dagaalka dhinac kasoo galo.Waqtigan la taaganyahay Kuuriyada Waqooyi waa quwad heysata hubka Nukliyeerka, intii muddo ahna waxa ay heysatay gantaalo dhexe oo Nukliyeerka ah.

Waxa hadda arrimaha uga sii daraya ayaa ah in Kuuriyada Waqooyi ay aad sare ugu qaadday hanjabaadda iyo halista ay ku hayso Mareykanka, iyo gooddiga ah isticmaalka hubkan.In la baabi’iyo awoodda Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi waa mid aan hadda suurtogal ahayn, balse waxaa mustaqbalka la samayn karaa in kaliya la xakameeyo.Waa ay adagtahay in la ogaado xawliga ay ku socoto farsamaynta hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, waxaase iska cad in maalin kasta ay u sii dhawaanayaan in ay dhamaystiraan hawsha samaynta gantaalada ridada dheer iyo hubka Nukliyeerka intuba.

Dhammaan dadaaladii dublamaasiyadeed ee la galay waxa ay ku salaysnaayeen in la tirtiro Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi, balse hadda waqtigan la taaganyahay ma cadda natiijada la doonayo in laga gaaro wadahalada.

Dhibka ugu badan waxa uu ka jiraa hoggaanka hadda ee Kuuriyada Waqooyi oo ah mid mayal adag.Shiinaha waxa uu ka mid yahay udub dhexaadka waxa socda oo dhan. Waa mar oo Shiinaha ma doonayo in Kuuriyada Waqooyi haysato Nukliyeerka, haddana mar kale ma doonayso in la baabi’iyo Kuuriyada Waqooyi.

Haddii la burburiyo Kuuriyada Waqooyi waxaa ka dhalanaya qaxooti aad u badan oo gala Shiinaha, waxaa kale oo ka dhalanaya midowga labada Kuuriya oo noqon kara meel Mareykanka saamaynta ugu badan ku leeyahay oo haddana iyaga daris la ah.In sidaasi ay dhacdo ayaa uga daran marka la barbar dhigo dal daris ah oo Nukliyeerka haysta.

Kuuriyada Waqooyi waa dal go’doon ah, garabka kaliya ee ay haysatana waa Shiinaha, sidaasi oo ay tahay tijaabooyinkii ay dhawaan samaysay waxa ay ahaayeen kuwa ka xishoodsiiyay Shiinaha, kana caraysiiyay Mareykanka.Shiinaha iyo Ruushka oo wada socda ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo Nukliyeerka looga mamnuucayo gacanka Kuuriya, laguna xalinayo dagaalkii labada Kuuriya Balse Kuuriyada Waqooyi wali lagama arag wax tixgalin ah oo ay u hayso qorshahan cusub.

W/Q: Cabdullaahi Nuur Colombo

 

SHEEKOOYIN