Waxaa jira dad badan oo jecel midnimada ummadda, oo ay dhibeyso kala qeybsanaanta ummadda, islamarkaana taageersan fekerka kala qoqobka ummadda, laakiin marka aad si fiican ugu fiirsato, sababta ay labadaas arragti iskugu milmeen, waxaa kuu soo baxaaya inay tahay qab waynaan iyo quursi naceyb, waayoo marka qof reerkiisa ama maamul gobaleedkiisa wax laga sheego, waxaa kor u soo kacaaya qabkiisa, wuxuuna aaminaa in reerkiisa ama gobalkiisa la quursaday, markaa ayuu illaabaa muhimadi ka weyneyd oo aheyd midnimada ummadda, wuxuuna difaac u gelaa inuu taageero reerka iyo maamulka gobalkiisa, wuxuuna ku khasbaa hogaamiyaha reerka iyo hogaamiyaha maamulka; inay mudnaanta siiyaan arrimaha reerka iyo deegaanka, markaana waxaa billoowda kala fogaanta ummadda.
Maanta way yar tahay cabsida laga qabo in dagaal lagu qabsado deegaan, haddana waxaa jira dad weli ka shaki qaba inuu duulaan ku soo maqan yahay, waxaana u sabab ah hadalada ay dadka qaarkii ku hadaaqaan, oo ah in dib loogu laaban doono dagaaladi ahliga ahaa oo la soo maray, haddaladaas oo ay siyaasiyiinta qaarkood u adeegsadaan; ku kasbashada reerka ama hogaanka maamulka gobalka, musharaxiinta deegaanada waxay inta badan ololohooda siyaasada ku sheegaan, inay reerka iyo deegaanka ka difaaci doonaan cadow ama u soo dhicin doonaan xuquuq ka maqan, ha ahaato dhul ama mansab siyaasadeed iwm, waana sababta meel walba uu uga socdo halganka xaq doonka ah, mana jiro gumeyste lala dagaalsan yahay ama cadow shisheeye oo layska difaacaayo, balse degma walba waxay xuquuqdeeda ka dhacsaneysaa degmada ku xigta, ayadoo uu cadow shisheeye la kala safan yahay, waxaad maqleeysaa deegaan hebel waxaa isku haysta Keenya iyo Etoobiya, deegaan hebelna waxaa isku haysta Ugaandha iyo Etoobiya, mararka qaarkoodna; waxaad maqleysaa dad dhulka u kala qeybinaayo ciidamada shisheeye ee dalka jooga iyo dad kala taageersan ciidamada soogelootiga ah, marka laga soo tago kala duwanaanta ciidamada shisheeye iyo aragtida kala hormarinta taxa kala duwanaantooda, haddana waxaa jira aragti ka weyn oo ummadda ka maqan, taasoo ah inay fiicneyn inuu dalkaaga joogo askari shisheeye oo qori wata, ha ahaado dal saaxiib kula ah ama mid cadaawad idinka dhexeyso, ha ahaado dal Muslin ah ama mid aan Muslin aheyn, ma aha diyaarad military inay hawada dalkaaga soo dul marto, iskaba daa inay duqeysee, waxaan ku heesi jirnay:-
Diyaaradi hawadayada
Yay ku imaanin doolaan
Tuu damaaci keenana
Darandoori ugu fura.
Yaan berriga la daayicin
Loo nuglaan dad qalata
Duurka miino ugu xira
Dariiqyada la soo maro.
Wakhtiga hadda la joogana; waxaa jira kuwa duqeeya dadkeena xoola dhaqatada ah, laakiin dhibaatada na haysata maaha mid ay ku eedaysan yihiin hogaamiyaasha siyaasada ee waa mid ay ku eedaysan yihiin shacabka dalkeena, waayoo dal waxaa hogaamiya shacabkiisa, madaxdana waxay ku hogaamiyaan rabitaanka shacabkooda, balse annaga ma haysano shacab mideysan oo leh cod mideysan, taas ayaana keentay inay na hogaamiyaan madax aan laheyn cod mideysan, kala fogaanta shacabka ayaa dhasha madax ka fog oo aan isu soo dhawaan karin, waxaan kala garan la’ nahay kala duwanaanta qofka xun iyo aratida xun, waayoo qof xun waa layska qaban karaa, laakiin aragtida xun sida lagu qabto way adag tahay, sidaa daraadeed waxaa fiican inay shacabkeenu beddelaan; aragtida xun oo ay siyaasada ka aaminsan yihiin, markay aragtidaas wanaagsanaato, ayay dadka oo dhan kala garan doonaan hogaamiyaha xun iyo midka fiican, markaana waxaa sahlanaaneysa inay iska qabtaan qofka xun iyo inay garab istaagaan qofka fiican.