I D A H A W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

I D A H A

Waxay kamid yihiin boqortooyada noolaha (Animal Kingdom). Bahda lafdhabarleyda ah (Chordata). Gaar ahaan bahda naasleyda (Mammalia). Iduhu waxay Ku jiraan bahweynta Qanjaafileyda ama se raafyarta (Artiodactyla). Gaar ahaan qoyska hoose ee laba suulleyda (Bovide). Kaas oo ay kuwada jiraan riyaha iyo iduhu. Bahda cilmiga saynisku waxa ay ugu yeedhaan (Ovis). Iduhu waxay ka mid yihiin meesiyada ay soomaalidu dhaqato . Asal ahaan waxay kasoo jeedaan qaaradaha Aasiya iyo yurub. Luuqadda ingiriisida waxaa looyaqaannaa (Sheeps), halka afka carabidana loogu yeedho: (ضَأْن).

Afka Soomaaliga waxa aynu u naqaannaa Ido. Labkoodda waxaa loo yaqaannaa Wan, dheddiggoodana Lax. Marka ay yaryar yihiin idaha waxaa loogu yeedhaa Naylo, Kuwa la dhufaanay waxaa looyiqaannaa Qoble, Tumay, Bohon iyo Malooli. laxdu markay wan doonayso waxa la yidhaahdaa: way osleysaa. Wanka isagoo dhufaanan laxaha saartana Mallooli. Midka taranta xun woodhaq ayaa loogu yeedhaa. Subaga laga shiilo baruurta idaha waxaa looyiqaannaa Codcod. Laxda neef walba jaqo waxaa loo yiqaannaa Hebed wanka bilaa geesaha ahna Seenyo. xerooyinkinka idaha iyo maqasha waxaa looyiqaanaa : Xero, edeg iyo qalwo. Wannanka ayaa badanaa ka weyn laxaha sidoo kale waxay leeyihiin laba gees oo gaagaaban (Horns).

Qoomiyadda soomaalidu waxay caan Ku tahay oo dhulkooda ka soo jeeda idaha leh qoorta madaw (Somali Black head). Dibka dheer iyo badhida weyn (Fat rump), inkasta oo waayaahan danbe laga xaday oo lagu beeray dalal kale oo caalamka ka mid ah. Magacyada ay soomaalidu idaha ugu yeedhaan waxaa kamid ah: Dayl, Dayr-raac, Marso, Galaal, Calan, Gabbal, Gorod, Gaashaan, Dharo, Birdhi iyo Gabar. Cimrigoodu waxa uu gaadhaa 10 illaa 12 sanno, dhererkooduna 1.3 sentimir, halka uu Culayska jidhkooduna gaadho 45-68 kiiloo.

Heerkulka jidhkoodu waxa uu u dhaxeeyaa 38-39 digrii. Sidoo kale Waxa ay leeyihiin 56 hiddo-side iyo 32 ilkood. idaha sidkoodu waxa uu gaadhaa shan bilood ama se 152 maalmood. badanaa waxay dhalaan hal ilme, marmar iyo dhifna Mataano. kuwaas oo ku qaangaadha 6-8 bilood. Waxay wax quutaan maalintii (Diurnal). Iyagoo quuta waxyaabaha kasoo jeeda dhirta sida: cawska iyo caleemaha dhirta (Herbivore), waxay biyaha ku cabbaan faruuryaha, iyagoo biyo la’aan kara toddobaad. Iduhu waxay kamid yihiin noolaha leh dhiigga diirran (warm blooded) iyo sidoo kale Kuwa leh afarta caloolood (Ruminants), kuwaas oo soo calyo ceshada ama se calanaqsada. Waxay kamid yihiin noolaha uu Eebbe qur’aanka ku sheegay.

Adduunka waxaa laga helaa illaa 10 jaad oo ido ah (Breeds), kuwaas oo ku kala duwan dhanka, miisaanka, dhogora iyo dhererka. Iduhu waxay ka mid yihiin xoolaha aynu sida joogtada ah u manaafacaadsano, faa’iidooyinka aynu ka helno waxaa kamid ah: Caano, Hilib, Subag, Lacag, Harag, Dhogor iyo Digadood oo loo adeegsado falashada beeraha. bulshada soomaalidu waxa ay aad u amaanaan badhida idaha oo ay aaminsan yihiin inay xanuunno badan u tahay ka hortag iyo daawo. Ugu danbayntii idaha adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa hal bilyan oo neef, iyagoo qaaradda ugu badan ee laga helaana ay tahay ustareeliya oo uga faa’iidaysta dhanka dhogorta (wool production).

W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

Mayeedhaan Magazine.

dribraahimm@gmail.com.

 

 

SHEEKOOYIN