Iftiiminta WAAYIHII WARSAME W/D: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

WAAYIHII WARSAME

Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

Dhiganahaan WAAYIHII WARSAME waa qiso dhilan oo haddana dhigan, sidoo kalena dhab iyo dhalanteed-ba xambaarsan, lagana dheehan karo, sooyaallo kala duwan oo ku saabsan nolosha bulshadeenna soomaaliyeed. Waa dhacdo, qoraagu ku ebyey maantuujis iyo mu’allifid, ka waayo-warramaysa nolol ka billaabaneysa miyi, ilaa ay kugu sinto magaalo, sidoo kaalena uga sii gudbeysa dhulyow-shisheeye.

Waa qiso bar-billow iyo bar dhammaad-ba leh, waana il-cusub oo bulshada baraysa iney weli jiraan arrimo ka faalleyn u baahan. Qoraagu wuxuu si gacan_togaaleysi ah uga faalloonayaa wadaaddadii hore, kuwii dhexe iyo kuwa damboba. wuxuu si dul ka xaadis ah kuugu bidhaaminayaa sida aragtida diineed loogu kala fog-yahay, sidoo kalena waa sheeko ay ku hoos aasan_tahay kalagacayl qara weyn oo uu qoraagu hab-cilmiyeysan oo wajiyo badan leh u soo tebinayo.

WAAYIHIII WARSAME, waa sheeko aqristuhu uu la yeelanayo wada hadal inta uu dheehashadeeda ku guda jiro, maxaa yeelay, waxay ku dul-geynaysaa dhacdooyin kugu dhacay laftaada ama kuwa aad xasuusato goortii ay dhacayeen. Waa sheeko curis ah, balse, aad is leedahay; waa dhacdo dhab ah. Sheekada dhexdeeda waxa ku loollamaya aragtiyo aad u kala fog, haddana ay dani mideysay oo aan sinnaba u kala maarmin. Run ahaantii qisada ”WAAYIHII WARSAME” waxay ku baraysaa in waayaha adduunkuba ay yihiin kuwa u asteysan dhib iyo rafaad, haddana aan lagu ledeyn oo la isu daba-joogo. Sheekada waxa maankiisa ka shiilay qoraaga da’da yar Cali M Diini.

Waayihii Warsame, waa sheeko si’qoto-dheer uga faalloonaysa is-diiddooyinkii ka dhex-jiray bulshada soomaaliyeed meel iyo waa ay joogeenba. Aqristow adiga ayaa lagaa doonayaa inaad ka la soo baxdo dhacdada sheekadu ay tibineyso ee mucda iyo miidda leh. ”Shifo ku afsaar”. Waayihii Warsame Cali M Diini

W/D: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHEEKOOYIN