ILA TALI WALAAL, BY Mohamed Musa Sh Noor

Nor1

  MA SAAXIIBTAY BAAN AAMINAA MISE NINKAYGA?

Waxaan ahay xaas leh saddex caruur ah, waxaa jirto gabar asxaabtayda ka mid ah oo mar walba iman jirtay xaafaddayda ina caawin jirtay, maadaam aan ilmooley ahaa, muddo kadib waxaan waayay gabadhii, maalmo kadib ayay iga soo wacday telkayga gacanta, waxayna ii sheegtay in ay jeclaan lahayd in ay ii timaado ama aan u tago si ay igala tashato arrimo cusleeyay,

Waan ka aqblay waxay igu ballamisay gurigeeda, waan u tagay waxaan arkay gabadhii oo Uur wayn leh, waan yaabay waxaan ku iri “naa caasho ileen waayadan maadama aad iga gambisatay farriin baa laguu diray micnaha uur baad yeelatay” kaftan iyo sheeko dheer kadib ayay iisoo bandhigtay arrin aan la cajaaibay taas oo ahayd in ninka sidan wax yeelay uu go’aansaday in uu furo, kana cararo nolosheeda.

Waxaan waydiiyay miyuusan lahayn cid lagu dacweeyo, waxay tiri wuu leeyahay, waana ku dacweeyay ciddiisana waxay isla garteen in la I biilo inta aan ka dhalayo, marka aan dhalana ay ilmahooda kafaala qaadan doonaan,waxayse iisii raacisya in arrinta cuslaysa ay tahay in ninka ay ilmaha u siddo uu yahay ninkayga, isla isagana uu yahay ninka furay ee ka cararay iyada.

Dareenkayga sida uu noqday Alle ayaa og ma ahan wax aan hadda halkan ku tilmaami karo, waan isaga soo tagay aniga oo la yaaban gabadha saaxiibtayda ah in ay maanta ilma u siddo ninkayga anigana aanan ka warqabin, waxaana goystay in aan ninkayga waydiiyo warka la sheegayo, markii uu shaqada ka yimid ayaan waydiiyay wuxuuna iigu jawaabay in warkaas uu yahay war aan jirin gabadhaas aan sheegayana uusan waligiis la jif iska daayee uusan xitaa meel la istaagin.

Inkiraaddiisa  waa mid mar walba taagan, gabadhiina waxay leedahay waa isaga cunuga aan sido aabihiis, yaan aaminaa waan jahwareersanahay? xitaa haddii uu isagu yahay aabha ilmahaas wax aan ka qaban karo ma lahan, balse waxaan la yaabanahay ayaa ah sababta uu u inkirayo haddii ay jirto arrintaa.

Xaalkaygu waa sidaa maxaa igula talin lahayd Mmusa?

 

 

TALADA AAN SIIYAY: war jiraaba cakaaruu iman, ma ahan horta wax la qarin karo Dad, waxaan ku oran lahaa iska sugo arrinta iyada ayaa soo baxaysa, teeda kale arrintaas si saamayn waa kuugu leedahay  maxaa yeelay waa qoyskaaga arrimihiisa, waxaana la doonayaa in si xeeladaysan aad u wajahdo adiga oo buuq kicin.

Balse khayaano walba uu Rag gaysto waxaa fududeeya Dumar, dhibanaha mar walba dhibanna waa dumarka, maxaa yeelay haddii hawaynaydaas ay garan lahayd in uu ninkaaga yahay adigana aad saaxiibteed tahay, dhibtka maanta labadiinaba idin haysta ma jireen. Marka waxaan ku oran lahaa waqti sii inta wax ka kala caddaan doonaan, kadibna go’aanka aad is leedahay naftaada wuu u wanaagsan yahay qaado.

 

MA KU KHALDANAHAY?

Waxaan ahay gabar lagu daray wiil ay ilma abti ahaayeen, wiilku wuxuu ku noolaa UK, aqal galkeena wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho, muddo kadib waxaa ugu tagay Ingariiska kadib markii uu ii dacwooday, wax noloshu socotaba maalin aniga oo hagaajinaya guriga ayaan waxaan ku arkay Qaanadda armaajadiisa Sawir gabar afrikaan ah iyo cunug yar iyo isaga oo isla sawiran, markii aan waydiiyayna wuxuu iigu jawaaby in aan Edeb daranahay loona baahanayn wax aan shaqadayda ahayn in aan galo, ma ku khaldanahay in haddii wax aan la yaabo aan waydiyo ninkayga, jawaabta uu isiiyayse ma tahay mid caddayn u ah in uu wax iga qarinayo? Maxaa dhihi lahayd talo yaqaan Mmusa?

TALADA AAN SIIYAY: xaq ayaad u leedhahay in aad ninkaaga waydiiyo wax walba oo kugu dhalsha la yaab ama Shaki, isagana xaq waxaa loogu leeyahay in uu ku siiyo jawaabta aad ka mudantahay, ma ahayn in uu sidaa kuugu jawaabo, haa waa la oran karaa jawaabta uu baxshay mid shaki badan sii abuuraysa, ugu dambyn taladayda waxaan kusoo gunaanadi lahaa, ha siin dareenkaaga arrimahaas ku aaddan sawirkaas, marba haddii qoyskaaga dhaqankiisa uu kuu nabad qabo, hana abuurin buuq iyo shaki qoyskiina ka dhex bilowda, nin walba waxa uu qarsado way qarsadaan, waa laga yaabaa in ay jirto sabab uusan doonayn in aad u ogaato arrimahaas, balse taas ha u arkin in aadan mudnayn ogaashiyaha wax walbe, waxaa jira wax badan oo aanan u wanaagsanayn dumarka in ay ka ogaadaan ragooda, sababa jira awgood.

MAXAAN SAMEEYAA?

Waxaan ahay xaas leh caruur uusan aabahood shaqayn, waa aniga qofka u dhaq dhaqaqa Qoyska, isaga shaqo ma haysto guriga ayuu dhex fadhiyaa sida badan mar marna meelaha ayuu soo wareegaa, mar walba oo aan dhaho ilmaha ama shaqada guriga igu caawina Qaylo ayuu la soo taagan yahay isaga oo igu canaanta in aan ahay qof amar ku taaglayn badan, sida aan is leeyahayna ma ihi qofkaas uu tilmaamayo, waan jeclahay ninkayga, hadana wuu I fahmi la’ yahay maxaan sameeya?

TALADA AAN SIIYAY:  way dhacdaa mana tihid tii ugu horaysay oo ay tan oo kale ku dhacdo, isku buuqa raga ku dhaco ayay ka mid tahay marka ay waayaan meel ay u ciirsadaan,  ragase isku mid maahan qaar ayaa garowsan marka ay kaalintooda kasoo bixi waayaan ku aaddan shaqada ama maaraynta qoyskooda, markaas ayay dhaxda u xirtaan bal in ay buuxshaan booska ay hooyada lahayd ayaga oo qabta shaqada guriga, qaarna waa sida ninka aad hadda tilmaamayso, waxaan dhihi lahaa marka arrinta u daji ninkaaga waxa uusan doonayna ha ku qasbin, adigana inta aad qaban karto qabo waa qoyskaaga, isaga ayaa laga rabaa in uu u garto waajibkiisa sida haboon, balse yuusan kuu arkin adiga qof jajuubaya oo uga faiiidaysanaya xaaladda shaqa xuma ee uu wajahayo, u Samir waa nin rag ah oo xaalad uusan jeclaysan dhex maquuro.

 

WAA HIV-POSITIVE

 

 

Dhawaan ayaan guursaday nin  horey usoo maray xaas kale oo aanan aqoon u lahayn, waxaan is qabnaa hada muddo laga joogo saddex bilood, runtii waa nin aad u qiima badan ina dareensiiyay waxa aan ahay iyo waxa aan u qalmo, inkastoo uu guurkeena cusub yahay hadana waxaa la dhihi karaa ilaa xad wuu I qanciyay dhan walba, ma ahan talada aan maanta doonayo mid ku saabsan dhibaato iga haysata xaga ninkayga.

Warar waxaa isoo gaaray sheegaya in ninka qabo xaaskiisa hore ay la xanuunsantahay xanuunak HIV   shaki I galay dartiisa ayaan u aaday una booqday xaaskiisa hore aniga oo doonaya in aan bal ogaado xaqiiqda dhabta ah iyo in arrintu ay saamayn ku leedahay ninkayga.

Waxay ii shegtay in isaga ay ka qaadday cudurkaas, sababtaas darteedna ay isaga furtay, anfariir xoog leh ayaa igu dhacay, waxaan ahay gabar 25 sano hadda sii galaysa oo doonaysa Mustaqbal wanaagsan nin aan isaga ahayn waligey labadayda lugood dhexdooda ma arag, hadda waxa la sheegayana ma ahan wax I farax galshay.

Isla markiiba waxaan ku cararay dhaqtar ii dhawaa kaas oo baaritaan igu sameeyay, nasiib wanaag natiijada soo baxday ayaa noqotay in aanan cudurkaas qabin, ninkayga ayaan waydiiyay bal in warkaas jiro iyo in kale, wuusa iiga dhaartay oo wuu inkiray in waxaa jiraan.

Waxaan ku noolahay shaki, dhaqtarkii aan u tagay markii uu iga waayay cudurka ayuu igu yiri saddex bil kadib u imow baaritaan kale si loo hubiyo in aad qabtid iyo in kale, muddadii markii ay dhamaatayna waan u tagay.

Wuxuu ii sheegay in aanan waxba qabin, aniga shaki ayaan la noolahay, ninkana waan jeclahay isagana wuu I jecelyahay, laakin wararka aan ka helayo xaaskiisa hore iyo dhamaan dadkii horey u yaqiin waxay caddaynayaan in cudurkaas lagu sheegay ninkayga, mar wlaba oo aan dhaho soo bax aan isi soo baarneena wuu iga diidaa .

Ma aqaan wallaahi wax aan sameeyo, dhowr jeer ayaan I fur iri, wuuna iga diiday, ma aqaan wax aan sameeyo cudurka ima hayo hadda oo Alle wuu iga bad baadshay hadduuba ninkayga qabay iyo haddii kalaba, nolosha in aan lasii wadaago ninkaas waa igu adagtahay, hadana waa nin aan laqi la’ahay oo waan jeclahay, maxaan sameeyaa?

TALADA AAN SIIYAY: marba haddii la sheegay wax dhibaato ku ah caafimaadkaaga ama jiritaankaagaba, isagana aad usoo bandhigtay in uu kugu raaco baaritaanka, taladayda waxay tahay ma jirto sabab  aad naftaada u haligto, maxaa yeelay ilallinta naftaada xil ayaa kaa saaran, waxaan kugula talin lahaa in ninkaas si kasta oo aad uga bixi karto noloshiisa aad uga baxdo, maxaa yeelay waxaad raadinaysay nolol farxadeed ma ahan nolol tiiraanyo oo silic u xuub siibata, isku day in aad ka dhaadhiciso oodan ka daalin in uu baaritaanka kuu raaco, inta ka horaysana ka fogow in aad la samayso wax galmo ah, haddii uu diido Nolol meesha kuuma taalo ee  ka lugee.

 

ILMAHA HORTOODA AYAY IGU GARAACDAA

Waxaan ahay Aabe dhawaan ka cuuryaamay qaarka dambe, xaaskayga ayaa shaqaysa, anigana waxaan kusoo aruuray guri joogto oo ilmahaas ayaan afka yac ka dhahaa,  ma lihi wax awood ah oo aan ku dhaq dhaqaaqo, nasiib wnaagse gacmaha ayaan wax ka qoraa sida aan fariirnta kuugu soo dirayba.

Dhibaatooyinka I haysta inta laguma soo koobi karo, waasa alle mahadii, waxaa jirto Bah dilaad xoogan oo aan kala kulmo xaaksayga waayadan dambe, kuwaas oo isugu jira qaylo iyo gacan qaad ay igula kacdo ilmaha hortooda, waxaa kaloo jirta in mar walba oo ay wax wayso ay aniga ila soo aaddo halka ay ka baxeen waxaas ay raadinaysay, marka aan ugu jawaabo in aanan ogayn oo aan ahay nin aan dhaq dhaqaaq badan samayn Karina indhaha ayay iiga candhuuftaa, runtii waxaan ahay Cuuryaan dhiban, waana ilmahayga hooyadood, samirkayga wuu badan yahay, hadana dareenkayga maalin walba wuu sii kacayaa, isla hadlaykaygana wuu badanayaa, maxaan sameeyaa?Aabe Cuuryaan ah

TALADA AAN SIIYAY: aad ayaan uga xumahay marka hore xaaladdaada, iska Samir Alle ayaa sidaa kuu qaddaray, insha allah waxaan rajaynayaa in wax badan ay kuu kala fududaan doonaan, Tan xaaska waxaan kaa dhihi lahaa samirkeeda sii badi maadaama hadalkaaga sida iiga muuqato aysan jirin wax dalbasho furiin ah oo ama nicid ay ku nacday xaaskaaga, isku day in aad u Caqli celiso, qaasatan xilliyada aad labadiina kaliga ku tihiin sariirta, waa xilliga ugu fiican ee wax laga dhaadhacsho Dumarka, waan hubaa in xaaskaaga aysan ku necbanayn balse uu jiro cadaadis dhanka xaaladaha ah iyo culaysayada kale ee ay wajahayso, u dulqaado xaaskaaga una caqli celi intaas ayaan ku oran lahaa.

 

ISMA BADDALAYO

Waxaan ahay 19 jir Gabar ah, waxaan jacayl daran u qaaday wiil abtigey dhalay, dhowr jeer ayaan dareenkayga xagiisa ku aaddan u qeexay, balse uma muuqdo nin usoo jeeda xagayga, hadal dhinac walba wax waan uga dayay, maxaan sameeyaa?

TALADA AAN SIIYAY: dadku marka ay doonayaan ama ay leeyihiin xiriir, mar walba rajada ay ka rajeeyaan xiriirkaas ayaa ah mid badan, waxaan ku oran lahaa in aad daacad u noqoto dareenkaaga una qeexdid qofka aad u haysid dareenkaas waa mid qayb ka qaadata in aad fahamto heerka aad ka taagantahay isla qofkaas mashquuliyay qalbigaada.

Waa wax laga wal walo lagana cabsado in qof aad dareen u haysid uusan sida aad mudatnahay ama ka filaysay kuula dhaqmin, balse isla dhaqankaas uu qofkaas kuu muujiyay ayaa ah mid tilmaan ka bixinaysa halka aad kusii jeeddid, gunaanadkayga ayaa ah qof aan kuusoo jeedin oo walib si cad aad wax ugu sheegtay in aysan kabaha kaaga dhamaan oo aad ka raadsato qof kale oo kaaga qiima badan kuuna qalmo.

 

 

WAXBA UMA QABAN KARO

Waxaan ahay nin dhalin yaro ah oo damac badan ay u qaadeen hablaha asaagiisa ah, dhibaatada jirta ayaa ah in aan u muuqdo nin caafimaad qabo marka muuqaal ahaan la I eego, balse dhabta sidaa maahan.

Waxaan ahay nin aan waxba ka qban Karin damaca gabadhaas qaaliga ah ee isoo damacday, waxaan ahay mid la tacaalayo caafimaadkiisa hoose, dhibaatada I haysata ayaa in mar walba oo aan damco in aan u sheego aan ka cabsado, sideen ugu sheegaa gabadhaas in aanan waxba u qaban Karin oo damaceeda ay igala laabato?

TALADA AAN SIIYAY: marka hore waan ku faraxsanahay in aad daacad tahay doonayna in aad qof lugoyso shaqsiyaddaadana dhaawacdo, ma ahan runtii wax fudud, xaalad adag ayaana dhexda uga jirtaa hadana ma ahan in ay kugu dhiiri galayso inkiridda waxa aad tahay iyo in aad ka been sheegto shaqsiyaddaada, si hoose ugu wac gabadha uguna sheeg in aad xanuunsantahay waayadana aadan awood u lahayn oofinta damaca dumarka, waxaan filaya in ay ku fahmi doonto.

 

HOOYADAY IIMA OGOLA

Waxaan ahay gabar 26 jir ah, wuxuu xiriir wanaagsan inaga dhaxeeyaa wiil xoogaa iga Da’ yar aad ayaan isku jecelnahay guur ayuu iisoo bandhigay, balse hooyaday ayaa diiddan in aan guursado nin iga yar, mar walba hooyadey ayaa taagan in nin iga wayn uu I dhaqi karo, haddii aan doonayo qoys bad baado oo jiritaankiisu dheryahay waa in aan wax la wadaagaa Raga iga wayn oo iga khibradda badan, anigana runtii jacyal daran ayaa Ii haya wiilkaas, waxaan aaaminsanahay in uu I dhaqan karo hadana cabsi ayaa igu jirta ah in hooyadey aysan wax wanaagsan iga horistaageen oo waxa ay sheegayso sababteeda ay jirto, marka waxaan ahay qof uu jawaab ka sugayo wiilka ay calmatay, hooyadeedna ay diidantahay guurka wiilkaas, maxaa igula talin lahayd?

TALADA AAN SIIYAY: fikradaha ay dadku ka kala qabaan dhanka Da’da mar walba waa kuw kala tagsan, hooyadaa waxay dareentay in xiriika wiilkaas kaala dhaxeeya in uusan meel dheer gaari Karin haddii uu xitaa guur u xuub siibto, maxaa yeelay waa wiil yar oo aan wali fahamsanayn qiimaha qoyska.

Waalidku mar walb waa mid waajibaadkiisu ay yihiin in uu ku siiyo talooyin ku aaddan waxa kuu wanaagsan balse go’aanka kama dambaysta ah wuxuu ka go’aa waa adiga iyo cidda uu xiriirka kaala dhaxeeyo, in aad hooyada dhowr su’aal oo ku saabsan xiriirka wiilkaa kaala dhaxeeya aad waydiiso, kadibna aad fakarka ula laabato lamaanahaaga si aad u ogaato heerka garashadiisa, markaas kadibna aad go’aan qaadato ayaan kugula talin lahaa. Balse mar walba waa in aadan ka gudbin waxa waalidkaa kuu yaboohayo.

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN