ILA TALI WALAAL: BY Mohamed Musa Sh Noor

Nor1

  WAY DIIDDAY!

Magacayga waa Cali, waxaa jiray xiriir muddo kooban inaga dhaxeeyay Gabar aan aad u jeclaa una jeclahay ilaa hadda,  waxaa dhacday in aan usoo bandhigto Guur, balse waa iga diidday oo waxay ii sheegtay in aysan wali diyaar ahayn, xaqiiqdii diidmadaas ima aysan galin in aan gabadha dib uga gurto maxaa yeelay waxaan ogaa  baahida iyo jacyalka aan u qabo, waxaana ku taamayay in aan sugo waqtiga ku haboon ee ay diyaar noqon karto, muddo ayaa kasoo wareegtay, waxaa dhacday in xiisihii aan u qabay uu yaraaday, balse taas macnaheeda ma ahayn in aan gabadha nacay ama aanan doonaynba,ee waxay ahayd in aan ka raja dhigay xageeda sugitaanka oo iga batay ayaana sabab u ahaa.

Waayadan dambe waxaa dhacday in ay igula hadasho hadalo muujinaya in ay xilligan diyaar tahay, hadana mar labaad oo aan u sheegtay damacayga ku aaddan  guurkeeda ayay igu tiri “adiga uma qalantid in aad I guursato diyaarna kuuma ihi” waan ka yara aamusay maalmo, waxaan hadana arkay in uu ku jiro damac ay iigu soo dhawaanayso, xitaa waxay gaartay in sawiradayda ay ka dhigato fcbook profilkeeda, taas macnaheeda ma loo fasiran karaa in ay gabadhu markan diyaar ii tahay oo aan mar saddexaad guurka u bandhigan karo? ila tali Mmusa

TALADA AAN SIIYAY: wax badan ayaa la adroosay waxa ay dhab ahaan dumarka u rabaan balse ilaa hadda cid si sax ah u sheegta waa la la’ yahay, in dumarka loo soo bandhigto guur waa wax fudud, in ay kaa aqbalaan ama kaa diidaana waa dhici kartaa, balse adiga raga ah ee doonaya in uu gabadhaas guursado waxaan kugula talin lahaa in marka hore aad xiriirka waqti badan galiso oo gabadha dhinac walba aad kasoo marto, haddaad aragto dumar wax diidaya waa in aysan bislayn, dumarka raga ay u bisil yihiin waxba kama diidaan, marka walaalkey caliyow waxaan ku oran lahaa shaqo badan ayaa ka dhiman xiriirkaaga, gabadhana way ku tusisaya ama way kuu bidhaamisay saan saanta ah in wax uun dareen ah ay kuu hayso, balse ay kaa doonayso wali in aad shaqo badan ku bixiso hanashada qalbigeeda, marka waxaan ku oran lahaa gabadha waqti sii xagaaga ah, iskuna day in aad saarto culays ka badan midka hadda saaran ee ku aaddan xiriirkaaga.

Dumar waa jacayl ragna waa mas’uuliyad, dhabta marka laga hadlana, masuuliyadda hanashadeeda adiga ayay ku saarantahay, sidaa darteed, ma ahan in ay kuu muuqataa oo kaliya sababta ay u aqbali la’dahay guurkaaga ee dadaal ku bixi in iyada ay noqoto midda u jajaban doonistaada dhan walbe.

 

  XAASKIISA HORE AYAA WALI QUUSAN LA’!

Waxaan ahay Xaas leh laba caruur ah, ninka I qaba aad ayuu ii jecelyahay runtiina waxaanu nahay qoys faraxsan, balse waxaa jira hal dhib taas oo aan dumar ahaan dareemayo, waana dhib iga haysta xaaskiisa hore oo u dhashay hal Wiil.

Inta aanu is guursan ninkayga oo xiriirkeena uu jiray waan ogaa in ay wali daba ordayso isaguna uu aad u xushmeeyo, waana u sheegay ninkayga markaas in haddii uu doonayo uu soo ceshan karo xaaskiisa hore anigana uu iska key fasaxo, wuxuu ku dhaartay in uusan doonayn qoftaas, mar dambana uusan damacsanayn in ay noloshiisa ka mid noqoto, sidaa darteed uu doonayo guurkayga anigana aan sidii ku aqbalay.

Maalinta aan is guursanay ilaa hadda waa ay ka hari la’dahay ninkayga mar walba waa ay soo wacdaa, iyada oo ula hadasha si aanan I farax galin isaguna waxaan dareemayaa in uu xageeda u jilicsan yahay oo uusan sida haboon iga leexo uusan u dhahayn, mar walba oo aan kusoo qaado oo dhaho maad iska dhicisid naagtan, wuxuu iigu jawaabaa “qoftan ma ahan qof waligeed iga go’aysa waa wiilkayga hooyadiisa mana doonayo in aan xumeeyo, balse balanta ayaa ah in aysan xaas ii noqonayn”.

Aniga dumar ahaan balanta uu ii qaaday kuma qanacsani, dhowr jeer oo aan isku dayay in aan la hadlo naagtaasana waxay hadal iigu soo gaabisay, in ninkan aniga oo aan jirin uu iyada nin u ahaa, duni iga horaysayna ogaashaheeda aan waqti isaga lumin, gurigaygana aan ku ekaado maadaam aysan gurigayga imaan, aad ayaan u dhakafaarsanahay, waa hooyo dhakafaarsan, ila tali Mmusa.

TALADA AAN SIIYAY HOOYO DHAKAFAARSAN:  waa wax dhaca oo iska caadi ah, adigana dumar ayaa tahay xaqna waad u leedahay inta aad dareentay sidaas, balse taas ma ahan in ay saamayn ku yeelato nolosha gurigaada, ma ahan in aad dareentaa kalsooni darro, wax walba waa calaf , qaddar ayayna wax walba ku dhacaan, sidaa darteed waxaan kugula talin lahaa in aad dareenkaaga u jeediso hanashada qoyskaaga qaasatan ninkaaga waajibka ku saarana aad gudataa, iska hilmaantaa xaaskiisa hore iyo arrimaheeda, haddii uu ninkaagu si wanaagsan kuula dhaqmo, waxa aad xaq u leedahayna uu ku siiyo, ma ahan in aad buuq kale ku furtaa, waa runtiisa in xaaskiisa hore aysan waligood kala go’ayn, maxaa yeelay Owlaad ayaa ka dhaxaysa, sidaa darteed, waa in aadan ku mashquulin xaalka arrimo aan arrimahaaga ahayn, buuqa maskaxda ah ee kugu furana  waa mid aan adiga ku qusayn runtii, waajibkaaga gudo.

 

 

  WAQTI INOOMA HAYO

Waxaan ahay hooyo Da’ yar oo dhawaan dhashay Wiil, ninkayga waa nin shaqo badan mashquukiisa ayaa aad u badan safakriisana ma yara, waxaan dareemay in uu shaqadiisa aad u jecelyahay in ka badan inta uu qoyskiisa jecel yahay, dhib kale oo aan isaga ka sheeganayo ma jirto, balse waxaa igu jira dareen ah in baahi badan aan u qabno aniga iyo wiilkayga yar, mar walba oo aan u sheego in uu waqti na siiyana, wuxuu igu dhahaa, samirka badi walaashey, waala khayrayaa, runtii baahi badan ayaan dareemayaa, ma aqan wax kale oo aan sameeyo waa hooyo cidlaysan.

TALADA AAN SIIYAY HOOYO CIDLAYSAN: Been kuuma sheegayo cilladdaas aniga xitaa waan qabaa, waxaan ahay nin mashquul badan, waana dareensanahay in kuwa I jecel ee qoyskayga ah ay baahidaas oo kale dareemayaan, hooyo cidlaysan, waxaan ku dhihi lahaa dareensii oo kaliya in shaqada iyo qoyskaba ay muhiim wada yihiin,  baahida xaaskiisa iyo cunugiisana ay yihiin kuwa waaraya ee uu barri u baahan yahay ee aysan shaqadu waareen, wax la lunsho dad ayaa ugu xun, sidaa darteed ha lumin qoyskaaga ku dheh adiga oo si mas’uuliyadaysan oo ka baxsan cadaadis iyo caga juglayn wax ugu sheegaya.

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

ekisyare@hotmail,com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN