ILLEEN MARWO AYAY AHAYD!

Nor1

ILLEEN MARWO AYAY AHAYD!

 

Waxaa jiray mar walba dareen aan kuu hayo maalin walba marka aad soo marto waddada uu ku yaal dukaanka aan wax ka gado, waxay ii ahayd aragtida aan sheedha kaa eegto mid aanan ka dhargin oo inta aad ka mirqaysid waxaan ahaa mid kugusii dhaygaga!

Xaqiiqdii dareenka aan kuu hayo aad ayuu u waynaa mar walba, haddii aad su’aal iga waydiiso sababta aad ku galabsatay dareenkan oo dhan, ma ahan mid aan jawaab u helayo goorta uu bilowdayna ma aqaan mana tilmaami karo, waxaan arkay uun aniga oo mar walba aragaaga u riyaaqo, si tartiib ah ayuu ku bilowday dareenkan  wuuna sii baahayay maalin walba oo gudaha ayuu usii talaabayay.

Waxay ahayd riyadayda in  aan mar uun kuula kulmo waji ka waji,  si ugu yaraan aan uga helo jawaab suaalaha ay xubnahayga is waydiiyaan ee ah maka dhargi karnaa aragtida qoftan! taas oo runtii igu noqotay hal xiraale jawaab loo waayay, balse aan la sugayay waqtiga ku haboon, waana ogaa in maalin ay noqotaba ay imaan doonto maalin aad isoo hor istaagto, balse, waxaa mar walba igu taagnaa su’aal ah siduu noqon doonaa jawiga, xaalad nuucee ah ayaysa kugusoo hor istaagi doontaa? maskaxdayda waa ku daashay isku cel celinta su’aalahaas, waxayna doorbidday in ay jawaabahaas u dayso waqtiga maadaama uu isagu ahaa midka igu dhalshay dareenkan cajiibka ah.

Wax la sugaba wuu yimid waqtigii la sugayay ee aragtidaada ahayd, waxaana dhacday markii aan ku arkay oo waji ka waji aan kuu arkay in aan ka cabsoodo kulankaaga, waa yaab! oo ruxi lahaa hammiga aragtidaada wax badan ayuu ii furi doonaa oo maanta aad soo hor istaagtay, oo hadana ka cabsanaya la kulankaaga oo dhan, kaaga daranee kuu qaba dareen ruuxi ah soo cajab maahan in uu  cabsi iyo aragagax ka qaaday aragtidii uu u hamuun qabay isna lahaa marka aad taas heshid waxaa kuu furmaya albaabo badan.

Nasiib wanaag, baahidii aragtida aan u qabay maalintaa waxay noqotay mid soo gunaanadmatay, balse waxaa meeshaas kasoo dhex baxay hammi ah, in aan aad ugu xiisoonahay la kulankaaga, maadaama aan ka cabsaday kulanka oo aan isku maslaxeeyay in waqtigaas aanan u diyaarsanayn in aan kula kulmo.

Aduunyo  waa middaas hamiga badan oo maalinba meel iga sii tuurta! shalay waxay iga ahayd mar uun maad muuqeeda ku ildoogsatid oo ka dharagtid, markii aad maanta muuqaal ahaan ii hortimidna waxaa igu dhashay hammi ah la kulankaaga, inkastoo  aad ila kulantay hadana aan ka baqay kulankaaga oo aanan kuu sheegan wixii aan doonayay, waxaana la oran karaa aragti ahaan hammigii ku saabsanaa muuqaaga in uu ii hirgalay, balse waxaa su’aal ka taagnayd kulankaaga taas oo cabsi aan la ogayn meel ay ka timid igu beertay!

Wax waqtigu marba dhinac iila jaleeco oo aan marba wax ku fakaro waxaa ii suura gashay kulankii aan kaa codsaday, kaas oo runtii ii ahaa mid igu adag hadduu ii hir galana aan is lahaa dunida oo dhan haafkeed ayaa hanatay, nasiib wanaag misana waan ku guulaystay hammigii ahaa in aan kula kulmo kaana dhaadhacsho muraadka aan kaa lahaa, taas oo aan runtii u arkay nin ku guulaystay kadib markii aan kaa dhigtay mid u diyaarsan qaabka aan rabo, balse, maxaa dhacay kulankaagi kadib? Waxaa igu dhashay hammi kale oo ah in aan kula wadaago jacayl ku dhisan raxmad, misna waxaa I gashay cabsi ah haddaan toos kuugu soo bandhigto in aan wax badan oo aan hadda kaa helay aan kaa waayo.

Aduunyo waaa middaas mar walba meel igasii tuurayso, darraad muuqeeda ayuu ahaa, shalayna kulankeeda, maantana kulankii kadib waa muujinta jacaylkeeda oo runti igu noqotay wax aan ku dhiran waayo, oo maxaan la cabsanaya marba haddii aan meeshan soo gaaray? Waa su’aal kale oo aan is wadiiyay, waxaan fakaraba waxaa igu dhashay in aan is qarxiyo wax walba ha igu dhacaan, dhimashad hal mar ka badan ma dhadhaminayo nin dhintana uguma horeeyo.

Go’aan ayaan qaatay ah, in aan Rag iska dhigo oo kuu bandhigto waxa aan ahay iyo dareenka aan kuu hayo, igu diid ama igu yeel, waana geesinimo aanan is lahayn waad yeelan kartaa, jawaabta aad isiisayna waxay ahayd mid igu beertay in aan waddo fiican soo maray kadib markii aad ii muujisay in aad iga aqbashay, waxaana noqday runtii Geesi ka gun gaaray hammigiisii ku bilowday aragtida, maantana u madlan ka gun gaaridda jacaylkiisa, una sii gudbiyo heer guri la wada yagleelo.

Wax aan sidaa ku jiraba, maraxlado  badan oo kala duwanna aan kula soo maro, waxaa la gaaray xiligii aan kuu soo bandhigan lahaa in aad ooridayda noqoto, taas oo runtii ahayd saldhiga dhan ee noloshayda aan ku hammiyo, waxayna ii ahayd riyadayda oo rumowday.

Aragtidaada shalay baahi badan ayaan u qabay, waxaa iigu xigay kulankaaga oo aan dhib badan kasoo maray, waxaa iigu xigay in aan si dul mar ah kuu fahamsiiyo in dareenka aan kuu qabo uu dhaafsiisan yahay  aragti iyo kulan oo uu igu jiro hammi ah in aan ku jecelahay, waan sii gudbay oo maanta waxaa I hortaagan su’a ah sida aan kuugu sheegan lahaa in aad noqoto ooridayda aan ku hammin jiray nolol ahaan, si aad u noqotid riyadan soo bilaabatay tan iyo markii aan kasoo baxay wiilnimada, oo aan usoo gudbay raganimada micanaha tan iyo maalintii uu igu dhashay hammiga ah in aan guri yeesho, waa su’aal kale oo taagan oo igu adag qaabka aan u wajihi lahaa waqtiga ayaasa wixii cuslaada loo daayaa, isaga ayaana kala fududayn doono labada dhinac dhinaca ay rabto ha u dhacdo howshan, balse, maxaa dhacay ayaantan muuqaaga ma hayee? sidee wax u jiraan maxaa keenay gaagaabsiga aanan kugu aqoon ee waayadan, ma anigaa wax dhib ah kuu gaystay mase xagayga ayaad ka aragtay gaabis, mise waxaa is tiri kan waqti ayuu kaa luminayaa oo ma ahan nin soo socdo.

Su’aalahaas oo dhan waan is waydiinayay balse, waxbaa jira waxa jirase waa soo muuqan doonaan,xilli ay noqotaba, anigana go’aankayga wuu cadyahay markan, oo waxaan go’aansaday in aan banaanka is keeno oo  waxa aan rabo soo bandhigto, taas oo tilmaan u noqon doonto safarkan dhirirka badan ee noloshayda aad ku yeelatay halka uu ku furan doono!

Adiga oo waayadan lagu arga ayaad kasoo muuqatay habeen meel makiinad ahayd oo lagu suubsan jiray cajiinka, ishayda marka ay ku qabatay marka hore waan farxay oo jawi kale ayaan galay, hadana qayb xubnahayga ka mid ah ayaa kicisay Alarm ah in xaalku uusan fiicnayna kadib markii ay soo qabsatay dareenka xubnahaaga kale, jawaabta aan wajigaaga ka arkayna waxay ahayd mid u badashay la yaab wajigayga! oo maxaa dhacay? maxaa amusiyay faraxaddii lagu yaqiin kulankan oo kale? alaylahee wax baa jira waxa jirase saacan iima dhaafaan, waa in aan iska soo gaba gabeeyaa murugtan igu cusub, ma u dul qaadan karo murug kale midda aan soo maray ha iigu ekaato isku buuq, markii aan aragtidaada ugu horeysa arkay wixii aan kala kulmay.

Shalay haddii ay igu jirtay cabsi aragaaga ah, kadibna kulankaaga, kadibna u sheegashada jacylkayga, markan waxaa igu dhagan in aan kuu sheegto guurkayga si aan usoo gunaanado silsiladdan taxanaha ku noqotay dareenka noloshayda, waxaana go’aansaday in aan hortaada ka dhaho “gacaliso muddo waan soo jiitamayay waxaana la gaaray halkii aan ku furan lahaa safarkayga dhirirka badnaa ee wajiyada badan yeelanayay mar walba, maxaa ka qabtaa markan in aad noqoto xaaskayga nolosha, micnaha haddaan ku guursado?

Jawaabta ay bixisay ayaa noqotay inta eray afkeeda kasoo bixin, in ay hoos u rogmatay muujisayna muuqaal uu ka muuqdo tiiraanyo la igu quusinayo, isla markiiba waan dareemay in xaaladdu aysan ahayn mid u hiilinaysa dhankayga, waxaasa ka war sugayay xiliga ay afka kala qaadi doonto taas oo noqotay in ay tiraahdo,” walaal aniga marwo ayaan u ahay hebel” kaas oo aan aqiin, isla waqtigii ay kasii dhamaanaysay kalimaddaas afkeeda waxaan ahaa mid miyirikiisa nuuc kale noqday, halkii aan ka sheegtay jacaylka guurka ku salaysan ayaa wuxuu isku badalay in aan isla markiiba kusoo gunaanado.

“Shlay muuqaaga ayaa ii ahaa quruxuda aan isha ku doogsado, markii aan arkayna waxaan ka cabsaday in aan kulankaaga waayo,kulankaaga markii aan helayna, waxaan ka cabsaday in aan kuu qeexo dareenkayga ku dhisan jacaylka, markii uu Allah igasoo fududayayna waxaa I galay hammi ah, in aan marwo kaa dhigto, markii aan usoo maryo gurtay in aan maankaaga taa ku shubana, maxaa ii xigay? in aad igu tidhaa marwo masu’uul leh ayaan ahay!

Hadda maadaama aan ku jeclaaday waxaa ii muuqata in aanan masuulkaaga noqonayn, waxaana ka cabsanayaa in aan aragaaga mar dambe u xiiso, meel iigama kaa banana, mar hore ayayse ahayd in aan maankayga ku dhibciso in aanan masuulkaaga ahayn, maxaa intan oo dhan maaganayd oo miriqdaada loo waayay? ma waxay ahayd in aad igu sii badiso murugada I haysay ? jaawabta ii soo baxdayna waxay noqotay in ay morwo ahayd gabadhu.

 

W/Q Mohamed Musa Shiikh noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN