Inantii Xaaraan Ku naax! W/Q; Ibraahin Maxamad Sheekh Cabdi.

 

pizap.com14589841021641

Inantii Xaaraan Ku naax!

Shan sanno ka hor, waxey ku noolaayeen guri yar oo ka kooban seddax qol oo Jiingad ah, haddana aad u ah bolol ah muddo dheer aan helin wax dayactir ah, waa guri hoos u degay kana gaaban guryaha kale ee ku ag yaallay. Aabbahood waxuu ahaa Muruqmaal ku xoogsada dhabarkiisa,  baqaarrada  wax ka rara kana dajiya raashinka iyo  allaabooyinka kala duwan, waana shaqo nin walba halka ay ka gasho ayuu rootigiisa kala soo baxaa, xoog xalaal ah iyo dhididkiisa ayuu ubadkiisa ku korinayey. Hooyadoodna waxey gadi jirtey caano waxayna ahaayeen reer nolosha  la legdamaya si wadajir ahna u dedaalaya siday ugu baahidooda u dabooli lahaayeen,  inkastoo hooyada diif iyo arrad ka muuqday waayaha noloshu keenay, oo sida haweenka kale  hu’ geedu uusan bilicsamayn,  duugna uu ahaa,  haddana  maahmah Soomaaliyeed ayaa tiraahda” Arrad waa dan, Uskagse waa doqoniimo oo inteeda  ayaa u ahayd nadiif. duruufaha noloshana kama marneyn meesha,  oo ma aysan ahayn  qoys dhinac walba isaga  dheelitiran, haddana  keligood maahoo waxaa jirey  Kumanaan qoys oo sidaa  ku nool” Ma qadaa ma dhergaan ah”  waxaana  arrintaa loo sababeynayey  shaqo xumada iyo dhaqaalaha dalka oo liita ilaa markaas ilaa haatan, qoyskii noloshan adag  ku noolaa ee  kacaa kufayey. waxaa ku soo kordhay  isbeddel dhan walba ah, shan sanno ka dib, haddaba  aqriste  maxaa isbaddelay?!

Marwadii aradneyd  ee  caanaha iibin jirtey hadda ma shaqeyso,  Lebiskeeduna waa kan ugu quruxda badan kuwa haweenku xirtaan,  tin iyo ciribna  dahab iyo walxaha haweenku isku qurxiyaan ayaa ka lusha, Odaygii aabbaha ahaa ee  muruqmaalka ahaa maanta wuxuu  ka mid noqday ciidanka dowladda, reerku ma noqon maalqabeen ee shaqada cusub, balse,  aabbaha ayaa keentay isbeddel dhinaca dhaqaalaha ah, Aabbihii reerku maanta waa taliye ka mid taliyaasha ciidanka. Wuxuuna mushaar ahaan u qaata 400$, waana labo xaasle, dhaley 12 caruur ah, oo qaarkooda gaarey marxalada waxbarashada sare, oo wuxuu ka dhiibaa jaamacadaha iyo dugsiyada sare. Waa dareemi kartaa sida uu u maareyn karo noloshooda, laakiin wax badan ayaa ku hoos qarsoon maareyntaas.

Aniga oo arrinkaas la yaaban, ayaa waxa isku taxalujiyey inaan u dhabbo galo sida aan u u ogaan lahaay  arrinka dhabta ah iyo sida  wax u jiraan,  iyo inaan ogaado  illaha rasmiga ah ee dhaqaalahaas intaas la eg uu ka helo aabbahaasi, labada qoys leh iyo 12ka carruurta ah ee aan ganacsadaha ahayn, dibaddana  dhaqaale kale  oo kaalmo ehel iyo awlaad ahi ka soo gelin.

Waxaa baaritaan sameeyaba, waxaan soo ogaadey in aabbaha uu ku shaqeysto musuqmaasuq iyo is daba marin. Odaygan waxa uu taliye ka yahay meel muhiim u ah bulshada soomaaliyeed. Maalin walbo waxaa u yimaada dad raba in loo fulliyo howlo, dadkas wax uma haggaagaan ilaa ey ka bixiyaan lacag laaluush ah, markaas ayey u suurtagashaa  in ey gaaraan hadafkoooda iyo baahidooda bulsho. Wuxuu kale oo baad ka qaada guryaha la dhisayo, xitaa haddii dayactir yar la gu sameynayo guriga, carrada iyo nuuriyadda gurigga lagu dhisayo dhulka lagu rogo ee ku yaalla bannaanka guriga, waxaa laga qaadaa lacag kiro ah oo dheeri ah. Wuxuu kaloo wax ka soo galaan mushaarka ciidanka, oo waxaa u saaran tiro ciidan ah, oo dheerad ah, kuna buuxsadey diiwaanka uu dawladda u gudbiyay. Saldhigga ciidankana waa rugta uu ka maareeyo awoodda uu ku tagrifalo, ugu yaraana  waxaa bishii soo gala,  dhaqaale kor u dhaafaya  10 jibaar mushaharkiisa  saxda ah.

Taliyihii xamaaliga ahaan jirey, wuxuu ka baxey noloshii adkeyd, askarta uu u taliyana waa wada baahan yihiin. Wuxuu dhistey guri aad u qurux badan, gabadhiisa  ugu weyn  carruurta, waxey ku tamashleynaysaa magaalada, qof garan  kara ama suureyn karaa ma jiro muuqaalkeeda oo nolol tii hore ka duwan ayey gashay, waabe tii oo midab kale yeelatey, dharkana ay gashatana looga so dhiibo meel ka baxsan gudaha dalka, gabadhii hore ee danyarta ahayd maaha, umana maleyneysid.

Waxey habeen walbo fadhiisataa mid ka mid ah hoteellada ugu qaalisan magaalada Muqdisho, iyada iyo asxaabteeda. Waxey ku casheeyaan lacag fara badan, markii loo keeno warqadda qaan sheegtada ah waxaa loo dhiiba ayada oo bixiso lacagta. Kaaga si darane, waxay wadataa gaari kuwa raaxada ah, oo  qiimihiisu yahay lacag dhan ilaa shan kun oo Doollarka Mareykanka ah.

Habeennada qaar, marka ey guriga ka soo caajisto, waxey jifataa hoteellada kuwooda ugu qaalisan, waxaana intaas oo dhan ka sii daran, marka ey dareento xanuunnada qaar. xitaa kuwooda caadiga ah, sida hargabka iyo wixii la halmaala, waxey caafimaad u aaddaa dalalka dariska na la ah, iyada oo wax walwal ah ka qabin qarashka iyo qiimaha daawada.

Anigoo weli  arrintii dhabbogalkeeda ku jira,  ayaan  waxaan maalin ayaan si kadis ah u la kulmey wiil ey aad is ku garanaya qoyska iyo gabadha taliyaha, wuxuu ii sheegey in ey ahaayeen daris, oo xitaa gurigooda iyo kiisa ey waxba u dhaxeynin. Wuxuu ii ga sheekaeyey qiso yar oo dhexmartey isaga iyo gabadha uu dhalay taliyaha wuxuu yiri; “Maalin ayaa xaflad la iga casuumey, waxaan fadhiyey hoolka ey ka socotey xafladdu, waxaan arkey qof aan wejigiisu igu cusbeyn mar aan dadka isha la sii raacay xafladda dhaxdeeda, haddaan is dhahay bal garo qofku kuu yahayna  waxaa dhacdey in  aan hore usoo saari waayey,  wejigani maaha mid  maanta iigu horreyso,  balse, waxaan dareemay isbeddelka muuqaalka,  midabka iyo weliba bilicda lagu larey ee  dhallanrogtey wejigaan aqaaney,  Maskaxda ayaan u direy  iney  raadiso oo  soo tebiso qofka uu yahay   muqaalkaan! waa  muuqaal aan arki jirey mise wa mid u u eg! weli waxaan si feejignaan iyo fakar ku jiro u sii fiirinayaa gabadh aan qaabka qosalka iyo af kala qaadkeeda aqoon jirey.

Maskaxda ayaa waxaan u direy raadin iyo baaritaan xargaha xasuus sidayaasha iyo unugyada celcelinta dhacdooyinka ayaa baadigoob ballaaran galay, iney helaan foolkan ay yaqaanan iyo faayahan dhoola caddeynaya, waxaan  rogay baallasha xasuusta maalmo badan, waxay maskaxdu orod iyo xawaare ku tegtay  waayihii aan soo maray badankooda. Waxay naftu is weydiinaysaa Waa tuma gabadhaan?! Waxaa baadigoob iyo baafin ka dib ii soo baxdey inantii yareyd ee aan dariska ahayn, oo midabka madaw lahaan jirtey.Haddaba waa ina  hubiyaa inay sax tahay  xasuusta aan helay  si aan arrinkaas u xaqiiyo inaan u tago oo waydiiyey ina ayaheeda ayaan go’aan ku gaarey. Waan u tagey gabadhii, waxaan ku dhahey “heblo soo ma tihid? “haa” ayey ii gu jawaabtey, ” oo miyaad ma i kaseysaa?!” ayey i gu tiri. “Maya, abbaayo, ee iga raali noqo” ayaan ku iri. Waan qosley, waxaa maskaxdayda is ka iri “walee ma tihid gabadhii aan aqaanay ee xabbada nacnaca ah ee lay siiyo aan u jebin jirey iguna farxi jirtey, adduunyooy waayo badan! Dad waa isbaddela!

Maaha gef iyo gardaro in saboolnimada laga baxo, waana arrin wanaagsan, adduunyadu waa geed harkii, waa hooskaa labada gelin ee hadba dhan u wareegaya, waxaa kale oo murti ayaa dhahaysa sidan: “Adduunyadu waa tiir ama Geed dheer,   fiida iyo fiinta kore waxaa ka saaran maalqabeenka, jirida iyo salka waxaa ka haysta saboolka,   aqoonyahanka xirfada leh maskaxeedna wuxuu haystaa dhexda, Tiirkaasi wuu is rogaa oo Afkii sare ayuu dhulka dhigtaa salkiina kor ayuu aadiyaa, markaasaa Saboolkii fiinta u baxaa, Maalqabeenkiina   jirida tagaa,   aqoonyahankuse iyo xirfadluhu halkiisii dhexe kama dego”

Dhacdooyinka isbeddelka nololeed wax badan ayaan usoo joognay, balse mida ayaanka iyo nasiibku keeno iyo mida xoogga lagu keena waxaa u dhaxeeya kala duwanaansho weyn.Hadda taliyehani maaha midiisu saboolnimo ka bax, waase nin helay fursad oo si qaldan uga faa’iidaystay, waa nin nasiibkii u hiiliyey ee siiyey fursada shaqo ee wanaagsan aan ku mahadin eebbe ee ka doorbiday sida gendiga inuu bulshada ku dul noolaado oo kuwa uu madaxda u yahay ee shaqada dowladda haya waa askartee iyo dadweynahaba labadaba ku tacadiyo.

Bal maxaad ka filan kartaa, Taliyaha taliyihiisa? Weydiimahaa ka dib ayaan xasuusteydii dib ugu soo laabtay, aniga oo yaabban, ayaan mar kale is weydiiyey Aabbe jacel gabadhiisa, hadduu oggolaaday in xoolaha ummadda taagta daran uga sidan ugu tagrifasho. Waa yaabe maxaa laga filan karaa nolosha madaxda kale ee dalka ka arrimisa?! sidey noqon kartaa, mar haddiiba taliye ciidan iyo gabadhiisu sidaan yihiin! Bal ka warrama wasiirrada iyo madaxda kale ee ka sii sarreysa?! “ Adduunyoow Xaalkaa ba’a?

W/Q; Ibraahin Maxamad Sheekh Cabdi

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.