Indhaceel Daamey Raage iyo Weerarkii Talyaanigii Buuloburte, Maarso 27, 1916.

Indhaceel Daamey Raage iyo Weerarkii Talyaanigii Buuloburte, Maarso 27, 1916.

Qeybta 2-aad: Weerarka kaddib maxaa dhacay?

Xogta qoraalkan waxa aan ka soo guuriyay warbixin uu Abriil 18, 1916, Muqdisho ka diray ku-simihii maamulka gumeysiga Talyaaniga Jacopo Gasparini oo weerarka kaddib Buuloburte tagay. Warbixinta na waxaa loo diray Wasiirkii Mustacmaraadka Talyaaniga Prof. Ferdinando Martini.

Ku-simihii madaxa maamulka Talyaaniga Jacopo Gasparini oo Muqdisho ku sugnaa, markii akhbaarta weerarku ay Buuloburte ka soo gaartay, si degdeg ah ayuu usoo dhaqaaqay asaga oo ciidan wata, isla maqribkii ayuu na Mahaddaay soo gaaray. Mahaddaay waxaa joogay Ugaas Rooble Ugaas Warfaa iyo inta badan odayaashii Xawaadle, oo saldhigga Mahaddaay saddex maalin u joogay xallinta arrimo dhul la isku heystay. Ugaaska iyo odayaashu waxba kala ma socon wixii Buuloburte ka dhacay oo warka weerarku weli sooma gaarin Mahaddaay. Mr. Gasparini ayaa halkaas kula shiray oo siiyay warbixinta wixii saakay Buuloburte ka dhacay.

Waxa ay sheegeen in aaney waxba kala socon falkaas uu Indhaceel ku kacay, ayna sidii u dhowrayaan heshiiskii ay dowladda Talyaaniga la galeen ayagoo ku hadlaya magacooda iyo kan dadkoodaba. Waxa uu ku wargeliyay in ay dowladda Talyaanigu lafteedu tixgelineyso in ay Indhaceel iyo Xawaadle kala duwan yihiin. Waxaanu intaa ku daray ciddii ay ku caddaato in ay weerarka wax ka ogeyd in tallaabo laga qaadi doono. Isla fiidnimadii ayay odayaashii farriimo u direen reerihii Xawaadle, ayagoo uga digay weerarro la saadaalinayo in uu Indhaceel ku soo qaadi doono, kuna amray in ay isdifaac ku ekaadaan ilaa amar danbe. Ugaaska iyo Odayaashii Mahaddaay ayay ku sii nagaadeen.

Warkii weerarka oo aad loo buunbuuniyay ayaa si weyn ugu faafay degaanka, habeennimadiina soo gaaray Mahaddaay. Khabarkaas welwel xooggan ayuu dadka degaanka ku abuuray, si gaar ah waxa uu taabtay dadkii degganaa tuulooyinka dhaca waqooyiga Mahaddaay, daanta galbeedka ee webiga, kuwaas oo aaney weli xasuustooda ka go’in haarihii ay ku reebeen weerarradii lagu hayay ka hor imaatinkii dowladda Talyaaniga ee dhulkaas.

“Sidaa darteed” ayuu leeyahay Mr. Gasparini: “Halkii aan Buuloburte toos u aadi lahaa, maadaama halkaas ammaankii la sugay difaacana la adkeeyay, waxa aan lamahuraan u arkay in aan maalintii xigtay sii maro tuulooyinka ku yaalla daanta galbeed ee webiga ilaa Jalalaqsi, si aan xaaladda ugu kuurgalo iyo in aan dadka dejiyo oo aan ka qaado welwelka uu abuuray warkii soo gaaray.”

Maalintii Maarso 28, 1916, Gasparini ayaa baabuur ku maray galbeedka webiga, tuulo walba na dadku waxa ay iska beriyeeleen in aaney wax shaqo ah ku laheyn wixii dhacay iyo wax kasta oo Xawaadle khuseeya, difaac ayay na ku jireen oo dhammaan doomihii lagu soo gudbi karay inta ay webiga ka soo fureen, ayay ciidan waardiyo ah na dhigeen meelaha moolka yar ee webiga lug looga soo gudbi karo.

Tuulada Duurgoys waxaa joogay Wabarkii iyo odayadii beesha Baadicadde, kuwaas oo — sida uu Gasparini qoray — ka mid ahaa reeraha ugu daacadsan dowladda Talyaaniga. Wabarka ayaa amar ku bixiyay in ciidanku Jalalaqsi tagaan maalinta xigta, sidoo kale waxa uu farriimo u diray reerihii Baadicadde ee agagaarka ka dhowaa; reer Maamiye oo Burdheere degganaa iyo Ilaabe oo degganaa Siibaay ilaa Buuloburte, in ay heegan galaan si ay uga hortagaan cid bariga ka soo gudubta. Kaddibna Gasparini waxa uu usii gudbay Jalalaqsi.

Dhanka kale, Indhaceel markii uu Buuloburte ku jabay waxa uu habqankii ciidanka isugu ururiyay daanta bari ee webiga meel saacad socod Buuloburte waqooyi ka xigta, halkaas ayuu farriimo uga diray reerihii Xawaadle, waxa uu ka dalbaday in ay dagaalka ku soo biiraan, una sheegay in taasu tahay irridda kaliya ee u furan si ay uga badbaadaan ciqaabta dowladda Talyaaniga oo aan Xawaadle kala saari doonin. Reerihii Xawaadle waa ay wada qabtaan nimankii uu Indhaceel farriinta ugu dhiibay, Talyaaniga ayay na u gacangeliyeen, wax jawaab ah na uma celin Indhaceel.

Si kastaba ha ahaato e, Jalalaqsi dhiillo ayaa taallay kaddib markii uu soo gaaray war sheegaya in Ugaas Rooble iyo dhammaan odayaashii Xawaadle Mahaddaay lagu xiray. Xaalka ayaa se degay kaddib markii ay soo gaareen farriimihii Ugaaska iyo odayadu Mahaddaay ka soo direen iyo ballanqaadkii Talyaaniga ee ahaa in ay u kala soocan yihiin Xawaadle iyo Indhaceel. Markaas ayaa xoolihii loo qixiyay koonfurta Lafweyn, halka ciidankii lagu ururiyay Jalalaqsi si ay isaga difaacaan weerarka Indhaceel.

Gasparini waxa uu leeyahay: “Xogta aan ka helay Jalalaqsi waxa ay igu qancisay in aanan ciidanka Mahaddaay ka baxaya dhex marin dhulka Xawaadle, maadaama ay kicin karto cabsi ah in aan aargoosi u soconno, ay na dhici karto in ay reero badan waqooyi u hayaamaan, waayo soomaalidu waxa ay si weyn u rumeysan yihiin masuuliyad wadareedka reerka, si walba ammaan ma dareemeyn xataa kaddib markii gaareen farriimihii hoggaanka reerka iyo ballanqaadkii aan bixiyay.”

Sidaa darteed, ayay Gasparini iyo taliyihii ciidanka Talyaanigu go’aansadeen in ciidanka la mariyo galbeedka webiga ilaa Buuloburte, si kaddib markii ay halkaas tagaan wixii howlgal ah ee bariga laga fulinayo loo abaabulo.

Maalintii Maarso 28, 1916, maqribkii ayuu Gasparini dib ugu soo laabtay Mahaddaay mar kale na la kulmay odayaashii Xawaadle, maalintii xigtay na asaga, ciidankii, iyo guddoomiyihii Mahaddaay ayaa u anbabaxay Buuloburte. Jalalaqsi markii ay sii mareen waxaa saddex goobood waardiye ka hayay ciidanka Baadicadde, gaar ahaan reeraha Maamiye iyo Ilaabe.

Dadka tuulada Siibaay waxa ay sheegeen in subaxnimadii Indhaceel uu yimid Biyobax, uu na Siibaay usoo diray farriin hanjabaad ah haddii aaney waardiyaha ka qaadin meesha in uu gubi doono Siibaay, waxay ugu jawaabeen in ay rasaaseeyeen ninkii farriinta siday oo daanta bari ee webiga ka soo tannaagoonayay, waardiyihii na wey adkeysteen. Waxa ay masuulka Talyaaniga u sheegeen in ay aaney Indhaceel ka baqeyn oo ay iskaga filan yihiin, una oggolaan doonin in uu aaggooda ka soo gudbo webiga. Maqribnimadii ayay Gasparini iyo ciidankii uu watay gaareen Buuloburte oo markaas xaaladdu caadi ku soo laabatay.

Labadii maalin ee xigay 30 & 31 Maarso, Indhaceel iyo ciidankiisii waxa ay joogeen meel Biyobax barigeeda ah. Kaddib markii uu ku hungoobay in uu reerihii Xawaadle dagaalka soo geliyo, waxa uu dhacay dhowr boqol oo geel ah oo agagaarka daaqayay, ay na lahaayeen reero Cali Madaxweyne, Xawaadle ah, oo aan ayagu [Cali Madaxweyne] ilaa waqtigaas wax heshiis ah la gaarin dowladda Talyaaniga. Kaddib na waxa uu 100 halaad ka qaaday Sheekh Axmed Xalane oo ahaa sheekhii Xawaadle, oo asagu diiday in uu wax xiriir ah la yeesho Indhaceel.

Iftiimin: Dowladda Talyaanigu marka ay heshiis ka qortaan hoggaanka guud ee beesha, haddana waxa ay mid mid ula heshiin jireen reeraha ay beesha ka kooban tahay. Taas waxaa lagu micneyn karaa; maadaama uu reer walba heystay ciidan gaar u abaabulan, waxa ay ogaayeen in aaney wax walba oo reeraha quseeya in aaney kala xaajoon karin Ugaaska guud.

 Sandhool Guure laftiisa — hoggaamiyihii beesha Agoon Cabdalle ee uu Indhaceel ka dhashay — oo aan weerarka wax war ah ka heyn, isla markii uu ka warhelay waxa uu si degdeg ah warqad uu mowqifkiisa Indhaceel ka dhanka ah ku caddeynayo u qoray dowladdii Talyaaniga, waxaanu u sheegay in uu ciidankiisii sii diray ba, si ay ugu biiraan ciidanka Xawaadle ee Indhaceel ka soo horjeeda.

Marka xaalku halkaas marayo, Gasparini waxa uu leeyahay: “Waxa aan is tusay in ay siyaasad ahaan ku habboon tahay in ay Xawaadle ayagu Indhaceel weeraraan [oo ayaga la isku jebiyo]. Sidaa darteed ayaan ogeysiin u diray odayaasha Xawaadle in ay dhammaan ciidanka isugu keenaan Jalalaqsi agteeda, halkaas oo aan gaari doono galabnimada 1-da Abriil.”

Isla goortaas, maadaama ay Buuloburte soo gaareen 200 oo ciidan gurmad ah oo Mahaddaay laga soo diray, waxaa la isla gartay in ciidan Talyaani 300 oo askari ah oo uu wato korneylkii ciidanka heystay la dhigo bariga Buuloburte, si looga hortago in Indhaceel dibugurasho sameyn karo marka weerar lagu qaado.

Subaxnimadii 1-da Abriil, 1916, ayuu Gasparini ka soo anbabaxay Buuloburte. Markii uu Jalalaqsi soo gaaray waxaa lagu wargeliyay in ciidankii Xawaadle diyaar u yihiin in ay duullaan ku bixiyaan Indhaceel, oo asagu subaxnimadii u soo ruqaansaday agagaarka Burdheere. Sidoo kale ciidankii Baadicadde ayaa joogay Jalalaqsi, iyo ciidankii Gaaljecel oo ayagu iskood isu soo abaabulay, codsaday na in ay ka qeybgalaan weerarka ka dhanka ah Indhaceel.

Gasparini waxa uu leeyahay: “ Waxa aan guddoomiyay in ciidanka Xawaadle kaliya marka hore weerarka galaan, ciidanka Baadicadde na ku biiraan wixii raaca koobaad ka danbeeya. Waxaa ila qumanaatay in aanan ciidanka Gaaljecel u oggolaan dhulka Xawaadle, waayo waxa aan ka baqay aanooyin qabiil oo labadan reer u dhexeeyay dartood in ay halkaas colaad kale ka dhalato.”

Isla Maqribnimadii ba Xawaadle ayaa weeraray Indhaceel, halkaas 10 nin ayay labada dhinac isaga dileen; Indhaceel waxa uu dib ugu gurtay Biyobax halkaas oo 2-dii iyo 3-dii Abriil, 1916, mar kale lagu weeraray oo looga furtay badi xoolihii uu watay. Sidoo kale waxaa loo badinayaa in Indhaceel lug dhaawac ka soo gaaray, awr ayaana lagu qaaday markii ciidanku dib u guranayeen.

Indhaceel iyo ciidankiisii waxa ay ku guuleysteen in ay u baxsadaan dhanka bari, ayaga oo ka xeeladeystay ciidankii Talyaaniga ahaa ee dhabarjebinta loo dhigay, waxaaney ka fuushadeen buuraha Buuloburte waqooyi-barigeeda ah, jihada Ceelasha Yasooman iyo Ceeldheer.

Si kasta ba Indhaceel ma aadin Beledweyn, waayo Guure Tifoow, oo uu isla maalintii weerarka Buuloburte u diray Daraawiish si uu uga warbixiyo weerarka una soo indha-indheeyo nooca soodhaweynta uu mudan karo, ayaa uga digay tagitaanka Beledweyne. Waayo waxa ay rumeysnaayeen soodhaweynta Indhaceel in ay u soo jiideyso duullaan mideysan oo dowladda Talyaaniga, Saldanaddii Hobyo, iyo Saldanaddii Ajuuraan/Shabeelle ee Suldaan Olol Diinle.

Gasparini ayaa qoray: “Markii aan ku soo laabtay Mahaddaay, waxaa isoo booqday dhambaallo na ii keenay inta badan hoggaamiyaashii muhiimka aheyd iyo wadaaddadii diinta, oo uu ku jiro Sheekh Maxamed Guuleed, hoggaamiyihii Dariiqada Saalixiyada, Sheekh Xasan Barsane, Sheekhii Gaaljecel, Sheekh Cabdi Abiikar, Sheekhii Abgaal, kuwaas oo dhammaan isku raacay canbaareynta falkii danbiga ahaa iyo tacsida dadkii la laayay, waxaaney xaqiijiyeen in ay dowladda heshiis la yihiin.”

W/Q: Cilmi Faradheere, Oktoobar 29, 2021

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.