Indhaceel Daamey Raage iyo Weerarkii Talyaanigii Buuloburte, Maarso 27, 1916.

Indhaceel Daamey Raage iyo Weerarkii Talyaanigii Buuloburte, Maarso 27, 1916.

Qeybta 1-aad: Weerarka ka hor.

 

Xogta qoraalkan waxa aan ka soo guuriyay warbixin uu Abriil 18, 1916, Muqdisho ka diray ku-simihii maamulka gumeysiga Talyaaniga Jacopo Gasparini oo weerarka kaddib Buuloburte tagay. Warbixinta na waxaa loo diray Wasiirkii Mustacmaraadka Talyaaniga Prof. Ferdinando Martini.

Indhaceel Daamey Raage Dable waxa uu ahaa nin reer Hiiraan ah. Reer ahaan waxa uu ka dhashay beesha Xawaadle, Agoon Cabdalle, Irab. Aabbihiis Daamey Raage Dable waxa uu ahaa abaanduule si weyn looga yaqaannay dhulka Hiiraan iyo Mudug. Daamey Raage waxa uu ku caanbaxay dagaalladii dhammaadkii qarnigii 19aad ilaa billowgii qarnigii 20aad u dhexeeyay Saldanaddii Hobyo ee reer Keenadiid iyo beesha Xawaadle. Waxaanu ka mid ahaa raggii horjoogsaday damacii saldanadda ee ahaa in ay ku soo fiddo dhulka Hiiraan ilaa webiga Shabeelle.

Indhaceel Daamey Raage waxa uu ka mid ahaa raggii dhaqdhaqaaqii Daraawiisheed ku biiray sannadihii u horreeyay. Waxa uu ka qeybqaatay dagaalkii Ingiriiska iyo Daraawiish u dhexeeyay sannadihii 1903–1904. Ka mid noqoshada Daraawiish ka hor, Indhaceel waxa uu ahaa hoggaamiye dagaal oo la yaqaan. Sarkaalkii Talyaaniga Gasparini ayaa qoray sidan: “Labaatankii sano ee u danbeysay geyiga Soomaaliyeed Indhaceel waxaa looga yaqaannay mid ka mid ah colwadeennada ugu dhiirran; hoggaamiye boqol nin oo qoryo jaadad kala duwan ah ku hubeysan, oo ay kaliya mideeyeen dhac iyo boob…”

Talyaanigu waxa kale uu sheegay in Indhaceel uu mar u galay Ingiriiska, kaddib na ka tagay oo Suldaankii Hobyo Yuusuf Cali la heshiiyay, kaddib na uu Suldaanku inta ciidan siiyay u diray in uu Ceelbuur xukumo. Qiyaastii laba sano markii uu Ceelbuur xukumayay, ayuu ka goostay Saldanaddii kaddib heshiis uu la gaaray Khaliif Cabdulle Xasan, Sayidka walaalkiis, oo ahaa Hoggaamiyihii Bahgeri, Ogaadeen iyo odagii Daraawiishtii Ceelgaab iyo Hiiraan.

Bishii Meey, 1914, markii inta badan odayadii beesha Xawaadle oo uu hoggaaminayo Ugaas Rooble Ugaas Warfaa, ay Talyaaniga heshiis kula galeen Buuloburte, Indhaceel waa diiday in uu shirka qeyb ka noqdo. Hase ahaato e, bishii Luulyo isla sannadkaas ayuu Buuloburte yimid asaga oo ka soo goostay Daraawiish, kaddib dagaal dhex maray ciidankiisii iyo Daraawiishtii Beledweyne. Daraawiish waxaa weerarkaas looga dilay dhowr iyo toban nin, labaatan qori na waa looga furtay, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala madaxbannaan. Indhaceel intii uu gacansaarka la lahaa Daraawiish iyo Bahgeri, waxa uu soo hoggaamin jiray weerarradii lagu hayay Xawaadlihii koonfureed ee aan Daraawiish heshiiska la aheyn. Goosashadiisa ayaa na dhiirrigelin u noqotay jifooyin badan oo Xawaadle ah in ay dhanka Daraawiish ka soo guuraan oo koonfur u hayaamaan.

Marka uu Indhaceel Buuloburte yimid (Luulyo, 1914) waxa la socday Nabaddoon Axmed-Sandhool Guure Fiidow, oo ahaa nabaddoonkii beesha Agoon Cabdalle, mar danbe noqday nabaddoonka guud ee beesha Xawaadle. Sandhool Guure waxa uu geeriyooday dhamaadkii lixdanaadkii qarnigii 20-aad, kaddib qiyaastii 60 sano oo uu nabaddoon ahaa. Sarkaalkii Talyaaniga Mr. Gasparini Sandhool Guure waxa uu ku tilmaamay nin deggan oo aad loo ixtiraamo, oo uu Indhaceel laftiisu yiri: “Sandhool waa hoggaanka reerka, anigu na abaanduulaha ciidanka ayaan ahay!

Bartamihii 1915, ayaa la isla dhexmaray warar sheegaya in Indhaceel iyo Daraawiish u billowday xiriir uu dhexdhexaadiye ka ahaa nin lagu magacaabo Xaashi Cali Jaambow oo ahaa hoggaamiyihii reerka Aadan Warsame, Xawaadle. Xaashi degaankiisu waxa uu ahaa Miigaale oo hal maalin-socod Beledweyne koonfur ka xigta. Nabaddoonka Aadan Warsame weligiiba xiriir wacan ayuu la lahaa Bahgeri/Daraawiish. Indhaceel markii uu soo gaaray warkaas waa uu iska beriyeelay in uu damacsan yahay in uu Daraawiish dib ugu laabto, dabayaaqadii bishii Luulyo ayuu na u safray Muqdisho si uu dowladda Talyaaniga daacadnimo ugu muujiyo.

Indhaceel waxa uu codsaday in uu dago dhulkii Talyaaniga hoos imanayay, waxaana dhul degaan ah laga siiyay halka lagu magacaabo “Sixiya” oo bariga Mahaddaay dhacda, halkaas ayuu na dajistay qoyskii iyo xoolihii. Ciidankiisu waxa ay ku sii nagaadeen furinta, weliba xilliyadaas waxa uu marar weerarro rogaalcelis ah ku qaadi jiray reerihii Xawaadle ee Daraawiishta gacansaarka la sii lahaa.

Bishii Jannaayo 1916, waxaa Lababaar, Ceelgaab, soo gaaray Khaliif Cabdulle Xasan, Sayidka walaalkiis, waxa uuna billaabay guubaabo diineed oo xooggan. Waxa uu warqado u diray hoggaanka reeraha, culimada, iyo dadka magaca leh. Waxyaabaha uu kicinta dadka u adeegsanayay waxaa ka mid ahaa; hadallo ka dhan ah Kiristaanka, in uu Turkigu guulo waaweyn ka gaaray dagaalkii 1aad ee adduunka, iyo in boqorkii Itoobiya Ligg Jasu iyo boqorkii Jarmalka [Wilhelm II] diinta islaamka qaateen.

Bishii Febraayo 1916, waxaa Indhaceel Mahaddaay ugu yimid nin farriin uga siday Khaliif Cabdulle Xasan, oo lagu magacaabo Ciilow (Ilo) Guuleed oo Aadan Warsame, Xawaadle ah. Ninkaas marka uu farriinta keenay Indhaceel waxa ay isla joogeen sarkaalka warbixintan qoray [Gasparini], ninkii farriinta keenay na Muqdisho ayuu u sii kaxeeyay. Farriinta wixii ku qornaa lama sheegin, marka weerarku dhacay na ninkaasi weli Muqdisho ayaa lagu hayay.

Dhanka kale, Indhaceel si caadi ah ayuu ula dhaqmi jiray maamullada Mahaddaay iyo Buuloburte. Maalmihii ugu horreeyay ee bisha Maarso waxaa dhacday arrin loo qaadan karo in ay saameysay Indhaceel oo uu ka carooday. Maalin ayuu Kabtan Battistella, maamulihii Buuloburte, iyo ciidankii Talyaanigu u baxeen in ay ka hortagaan duullaan waqooyiga laga soo qaaday oo ku wajahnaa reeraha Xawaadle ee Talyaaniga la heshiiska ah. Indhaceel iyo qaar ciidankiisii ka mid ah Buuloburte ayaa looga tagay, hubkii inta laga dhigay ayaa lagu xiray xeradii ciidanka Talyaaniga. Markii weerarkii laga soo laabtay na waa la sii daayay, hubkoodii na waa la siiyay. Sida gadaal laga ogaaday, Indhaceel maalintaas aad ayuu uga carooday falkaas bahdilka ah, se caradii waa uu qarsaday. Weliba maalintaa kaddib dhowr beri ayuu Buuloburte sii joogay lagama na dareemin wax isbeddel ah.

Dhanka kale, maalmahaas Soomaalidu waxa ay aad u hadalhayeen dhacdadii Sarinley ee uu Sheekh Cabdiraxmaan Mursal, Sheekhii Cawlyahan, weerar ku qaaday ciidankii Ingiriiska, oo aanu Ingiriisku na jawaab degdeg ah ka bixin, arrinkaas si weyn ayay Soomaalidu ugu riyaaqeen. Warka dhulka Soomaaliyeed ku faafay ayaa ahaa in ciidankii Ingiriisku ka carareen dhammaan Jubbalandta Sare [Gedo iyo Jubbada Dhexe ee maanta inta Webiga Jubba galbeed ka xigta], Ingiriiskiina uu xeebta isku ururiyay, taas oo muujineysa in ciidankii Ingiriiska dhulkaas looga taagroonaaday.

Faahfaahin: Dhacdada Sarinley waxa ay aheyd weerar gaadmo ah oo uu Sheekh Cabdiraxmaan Mursal oo wata ciidan reerkiisii Cawlyahan ah ku qaaday saldhiggii ciidanka Ingiriisku ku lahaayeen tuulada Sarinley ee gobolka Gedo. Halkaas waxaa ciidankii Ingiriiska looga dilay 36 askari oo sarkaalkii ciidanka heystay ku jiray, intii soo hartay na dhaawac iyo firxad ayay noqdeen, saldhiggii iyo hub badan oo yaallay na waxaa la wareegay ciidankii Sheekh Cabdiraxmaan Mursal. Colaaddii halkaas ka dhalatay oo muddo sannad ah socotay ciidankii gumeysiga Ingiriisku beesha Cawlyahan ayuu si aad u arxan daran uga aargoostay.

Maalintii 24-ka Maarso, Indhaceel ayaa ciidankiisii ku amray in ay isugu yimaadaan halka loo yaqaan “Biyobax”, waxaanu ku wargeliyay in ay Buuloburte rasaas u doonayaan si ay weerar dhanka Beledweyne ugu bixiyaan. Indhaceel adeerkiis Ibraahim Goodax ayuu warbixin ugu dhiibay guddoomiyihii Mahaddaay ka hor intaaney waqooyi u dhaqaaqin.

Maalintii 26-ka Maarso, dhammaan ciidankii ayaa isugu tagay Biyobax, waxa ay ahaayeen 70 qorile iyo 60 waranle. Habeennimadii na 30 nin oo qoryo ku hubeysan ayaa waqooyi uga soo biiray. Kaddib markii ciidankii loo qeybiyay hilibka laba halaad oo ay halkaa ku qasheen, ayuu Indhaceel u sheegay ciidanka ujeedka kulanka oo ahaa in Beledweyne lagu duulayo, iyo in ciidan kale oo Aadan Warsame, Xawaadle ah uga soo biiri doonaan bannaanka Buuloburte kuwaas oo la weerar tagi doona. Wadarta ciidanka haddaan qiyaasno waxa uu noqonayaa 200 nin wax ka ag dhow; 70 qorile + 60 waranle + 30 gadaal uga soo biiray = 160 nin, markii loo geeyo ciidanka Aadan Warsame oo aan tiradooda la sheegin, waa ciidan 200 ku dhow ama ka badan.

Aroornimadii Maarso 27, saddexdii habeennimo (3:00 Am), Indhaceel iyo dhammaan ciidanku waxa ay diyaar ku ahaayeen meel Buuloburte dhowr kiilomitir koonfur ka xigta. Webiga oo maalmahaa biyo yaraa ayay ka soo gudbeen, waxaaney soo galeen meel u dhaxeysa magaalada iyo suuqa. Halkaas ayuu Indhaceel ciidankii ku shiriyay uguna sheegay ujeedka dhabta ah ee socdaalkooda oo ah in ay weeraraan saldhigga Talyaaniga ee Buuloburte. Waxa uu si gaar ah ula showray adeerradii Ibraahim Goodax iyo Guure Tifoow, ina adeerkii Cismaan Raage, iyo nin kale oo kuxigeennadiisii ka mid ah oo lagu magacaabo Isloow Muuddeey, waxaanu ku yiri: “Halkii aan Bahgeri ka weerari laheyn, waxa aan go’aansaday in aan dagaal ku qaadno dowladda Talyaaniga ee Buuloburte!”

Cidna ku dhici weysay in ay ka falceliso go’aankaas lamafilaanka ahaa marka laga reebo adeerkiis Ibraahim Goodaxoo ka biyodiiday, ku na yiri: “Ma doonayo in aan dowladda Talyaaniga oo aan isku wanaagsannahay dagaal la galo, Indhaceel waad waalatay!” Indhaceel ayaa se ugu hanjabay in uu dili doono haddii aanu amarkiisa raacin. Ciidankii waxaa loo qeybiyay unugyo aan ka badneyn min 15 nin. Waxaana la qorsheeyay in ay dhowr jiho xerada ka weeraraan.

Indhaceel oo unug 15 nin ah wata ayaa xeradii si caadi ah oo aan wax shaki ah ku abuurin waardiyaashii albaabka uga soo galay. Taliyihii ciidan Talyaaniga ee Buuloburte Kabtan Battistella oo gudaha kula jiray saraakiil kale oo arkayay in uu Indhaceel xerada soo galay ayaa baaq gacanta ah ugu tilmaamay in uu sugo. Markaas ayuu inta saraakiishii la jirtay amarro siiyay ka soo tagay oo xafiiskiisa kaligii soo aaday. Waxa uu u yeeray turjumaankiisii, waxaanu weydiiyay in ay wax akhbaar ah xalay iyo saakay waqooyi ka soo gaareen. Turjumaankii oo jawaabtii wada ayay xabbad bannaanka ka dhacday. Taliyihii ayaa ku yiri fiiri cidda xabbadda ridday. Indhaceel iyo raggiisii waxa ay sii fadhiyeen xafiiska hortiisa, markii uu soo baxayay na, wey ku soo boodeen, rasaas na wey ku rideen, balse wuu ka baxsaday. Taliyihii oo rasaasta maqlay ayaa halhaleel uga soo baxay xafiiska, markii irridda kaabigeeda marayo na waxaa ka horyimid oo ay isku dhaceen Indhaceel iyo raggii la socday oo doonayay in ay xafiiska ugu galaan.

Waxa uu isku dayay in uu is badbaadiyo balse waxa uu dhexda u galay rag hubeysan. Meel dhowr mitir u jirta irridda xerada ayuu na ku dhacay asaga oo lala helay 3 xabbadood, 15 jeer na toorrey la geliyay! Dagaalkii ayaa na sidaas ku billowday. Ugu danbeyn na ciidankii Indhaceel oo laga hub fiicnaa waa la jebiyay.

Dhanka ciidanka Talyaaniga waxaa halkaas looga dilay Kabtan Battistella oo ahaa taliyihii ciidanka heystay ee Buuloburte maamulkeeda ka masuul ahaa, laba sarkaal oo kale; Ernesto Cerulli iyo Costa, 10 askari, nin shaqaale talyaani ah (Magnani), iyo 4 shaqaale Soomaali ah.

Dhanka ciidankii Indhaceel, 42 nin meydkooda oo aan weli la aasin ayaa taallay Buuloburte marka uu sarkaalka warbixintan qoray xamar ka yimid, 10 kale na waxaa lagu qiyaasey in la dilay intii ay webiga ka tallaabayeen oo uu meydkoodii webigu qaaday. Dhowr dhaawac ahaa na dadka degaanka ayaa baacsaday oo toogtay. Afar nin na xerada ayaa lagu qabtay.

F.G. Xogta ku saabsan abaabulka weerarka iyo dhacdooyinka ciidanka Indhaceel dhexdiisa ah, waxaa laga qoray, oo ayagoon is ogeyn si isku mid ah uga warramay, raggii ciidanka Indhaceel ka tirsanaa oo weerarka lagu qabtay.

W/Q: Cilmi Faradheere, Oktoobar 28, 2021.

SHEEKOOYIN