INTA AADAN BUUG QORIN KA HOR! W.Q: IBRAAHIN-NOLOSHA

Marka reer la rarayo ka hor, waxaa la sameeyaa xogwareysi, sahan muddo qaata iyo indho-indheyn. Sahankaasi wuxuu sahlayaa in la soo helo firin cosob ah oo reerka lagu furi karo. Markaas ka dib ayaa awrta (gaadiidka) geeddi loo diyaariyaa. Geeddiga qoraalkuna waa la mid, wuxuu u baahan yahay sahan akhris ah. Markii aad soo ogaato oo aad hubiso halka aad akhristayaasha geyneyso, ayaa tebinta la gudogalaa adigoo adeegsanaya xogo turxaan la’, tixraacyo rasmi ah, tilmaameyaal iyo tusaaleyaal cuddoon.

Haddaba, maanta waxaan jecleystay inaan halkan idinkula wadaago qodobbo kooban oo ku saabsan: qorista buugga. Waxaa jira tallaabooyin muhiim ah oo ay tahay in la raaco marka dhigane la qorayo. In kasta oo ay badan yihiin oo aan la kala gaari karin, haddana waxaan jecleystay in aan soo koobo qodobbada ugu muhiimsan ee aan u arko in ay ugu mudan yihiin:

1. Wax badan akhri: Haddii aad dooneyso in aad buug qorto, waxaa lagamamaarmaan ah in aad wax badan akhriso, markaas ayaad wax (tayo) badan qori kartaa. Waxaa sidoo kale muhiim ah, in aad si gaar ah u naawiso xogo badan oo ku saabsan mowduuca aad rabto in aad wax ka qorto, sida: buugaag, maqaallo iyo tixraacyo hore. Hal buug oo tayo leh oo aad akhriso ayaad ka heleysaa fikrado kuu sahlaya in wax nuxur leh ay kaa soo maaxdaan.

Akhriska oo aad sii badiso waxaa ku badanaya qoraalkaaga iyo tayadiisa. Virginia Woolf (1882-1941) oo aheyd qoraa Biritish ah, qortayna buugaag 10 gaaraya ayaa tiri: mar ay ka hadleysay xiriirka ka dhexeeya akhriska badan iyo qoraalka: “Kun buug akhri, ereyadaaduna waxay u qulquli doonaan sida wabiga oo kale.”

Kuma qasbanid in aad akhriso tiradaas (kunka) la sheegayo, balse, buugaag badan oo tayo leh inaad akhriso waa muhiim, si aad fikir, xogo iyo tusaaleyaal wanaagsan uga hesho.

2. Habqoraalka: Waxaad xoogga saartaa sidii aad u kala baran laheyd astaamaha qoraalka, sida loo adeegsado iyo goorta la adeegsado. Sidoo kale waxaa iyana muhiim ah in aad  si fiican u dhuuxdo qoraallada laga qoray: hab-qoraalka toolmoon. Mowduucan si weyn ayuu kuu anfacayaa, waana mid barashadiisu ay kugu soo kordhin doonto astaamo dadka kale kaa soocaya; in aad si la xiiseeyo oo aqoomeysan oo qaabeysan wax u qorto una gudbiso.

3. Magacbixinta Buugga: Billawga horeba ha ku wareerin waqtina ha isaga lummin magaca uu buuggaagu yeelanayo. Magacbixinta ugu fiican waxa ay timaadaa marka qoraalka buugga la dhammeeyo ee la tifaftiro ka dib. Inta badan, tifaftirayaasha buugga ayaa keena magaca ugu habboon ee dhiganaha loogu wanqalo. Magacyada la bixiyo tifaftirka buugga ka dib ayaana aad u saameyn badan.

Weydiin muhiim ah ayaa waxa ay leedahay: sidee baan u qori karaa buug magac la’aan ah? Marka aan leeyahay magacbixinta buugga dib u dhigo, waxaan ka wadaa: magaca rasmiga ah ee buuggaagu yeelanayo. Ka hor se, waxa aad adeegsan kartaa magac kumeelgaar ah oo ka turjumaya xogta aad werineyso ama mowduuca aad ka hadleyso. Waxaaba maangal ah, in hadhow isla magacaas laftiisa la naashnaasho oo aan howl badan laga marin, balse, ku talogal in wax laga beddeli karo ama gabi ahaantiisba la beddeli karo.

4. Ha Degdegin: is weydii, “Tee baa macaan badan cunno si degdeg ah oo ka-gaarsiis ah inta digsi loogu shubay boobsiis lagu kariyey iyo mid si aayar ah loo diyaariyey oo loo dhammeeyey wixii lagu macaaneyn lahaa iyo wixii lagu dhanaaneyn lahaa?” Tan dambe, waqti, hubin badan, dhadhamis iyo feejignaan ayey u baahan tahay. Sidaas oo kale, isku dhadhan ma aha akhriska qoraallada degdegga lagu qoro iyo kuwa aadka looga fiirsado ee waqtiga iyo dadaalka badan la galiyo.

Inta aad qorista buugga ku jirto, iska ilaali degdegga iyo laab-la-kaca. Maalintii hal bog ama dhowr sadar haddii aad qorto xitaa ha is dhihin: waad gaabisay ama awood qoraaleed ma lihid. Bogag tiro badan oo aan tayo laheyn waqti badanna aan lagu bixin, waxaa ka wanaagsan hal bog oo nuxur badan, dulucna leh oo waqti badan la galiyo.

5. Tifaftir kumeelgaar ah: Marka aad qoraalka buugga dhammeyso ka dib, hubi dhadhanka wixii aad qortay iyo suurtogalnimadooda. Waxaad noqotaa bulsho dhan, sida: qof iska aqoon badan, qof isla aqoon eg iyo qof naftiisa ka aqoon yar, maaddaama bulshadu isugu jirto, in kaa aqoon badan, in kula aqoon ah iyo in kaa aqoon yar. Is-meeleyntaas ayaa ku tuseysa siyaabaha kala duwan ee loo arki karo nuxurka wixii aad qortay.

Tifaftirka aad buuggaaga ku sameyneyso, wuxuu kuu yahay hubsiimo iyo hal-adeyg, marna adiga ayaa is tabobaraya oo bare isu ah. Ku noqnoqo tiro aan badneyn misana aan yareyn intii awooddaada ah. Ugu yaraan tiro 2 jeer in aad ku noqoto akhriska buuggaaga iyo toosintiisa ayaan kugula talinayaa. Tifaftirkan waa mid kumeelgaar ah.

6. Tifaftir rasmi ah: kolka buuggu  gacantaada ka soo baxo, waxaa xigaya tifaftir kale oo rasmi ah. Waa tifaftir ay sameeyaan tiro dad ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo u leh qorista dhiganeyaasha iyo xogta aad qoreyso aqoon ahaan.

A) Haddii aad dooneyso in si aad ah looga fiirsado tifaftirka buuggaaga, ayna yaraadaan dulduleelladiisu, ha tifaftiraan ugu yaraan: (3) seddax qof:

 B) qof aqoon u leh afka aad wax ku qoreyso, xulashada ereyada, habqoraalka cuddoon iyo astaamaha qoraalka.

T) Qof ama labo qof oo aqoon diineed iyo mid maaddi ah u leh mowduuca aad wax ka qoreyso.
J) Qof aqoon u leh is haleeshiinta dhacdooyinka, suurtogalnimada sheekooyinka iyo humaaggooda.

7. Gudaha Buugga: Waxaa jira buugaag badan oo sheekooyin wanaagsani ku jiraan, haddana aan laheyn qaabeyn gudaha ah. Taasi waxa ay meesha ka saartaa nuxurka buugga. Waxyaabaha dhiganeyaasha ceebaha u yeela waxaa ka mid ah: qoraallada gudohooda ku jira oo isku dhex yaacsan. Sida jaldiga buugga loo naqshadeeyo ayaa gudaha buuggana loo naqshadeeyaa, waana muhiim in aad hesho qof howshaas xirfaddeeda leh oo qaban kara.

Toosinta, qaabeynta iyo isku aaddinta qoraallada buugga ku jira, waxa ay ka qeybqaataan in aan akhriskiisa la nicin lagana caajisin. Tani waxa ay akhristayaasha siisaa amateed ay ku dhuuxaan dheefta dhiganaha dhex tuuran. Marka, waxaan kugula talinayaa in aadan fududeysan naqshadda gudaha buugga.

8. Jaldiga Buugga: Gabogabadii, buugga aad qoreyso wuxuu u baahan yahay oo lagamamaarmaan ah, jaldi ama garbad ka turjumaya xogta gudihiisa ku qoran. Jaldiga buuggaaga ama sawirka buugga aad xulaneyso, ha isku howlin billowga horeba. Howshaasi waa mid ka sii dambeysa tifaftirka buugga. Waxaa qumman in aad shaqadaas u soo jeedsato markii howlaha kale la dhammeeyo ka dib.

Jaldigu wuxuu u baahan yahay koox ka doodda muuqiisa, muunaddiisa iyo in uu buugga ka turjumi karo. Kooxda aad howshaas u xulaneyso ha noqdaan:
A. Xirfadley aqoon u leh naqshadeynta, qaabeynta iyo midabbeynta jaldiyada.
B. Dad kuu kala sheegi kara sawirka iyo farta ku habboon jaldiga, macno ahaan iyo muuq ahaanba.

“Hadal nin badiyeyna ma dhammeyn, nin yareeyeyna waxba kama tegin.” Intaas ayaan ku soo koobayaa talooyinkii koobnaa ee aan uga hadlayey, qorista buugga iyo tallaabooyinka ugu muhiimsan ee la qaado. Waxaan rejeynayaa in qodobbadani ku anfici doonaan.  Guuleyso.

W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

SHEEKOOYIN