Inta lay dhacaybaa Dhimashona laygu xukumay! W/Q: Maxamed Mukhtaar “ Fu’aad Yare”

Peloton-Execution-Vingre

Inta lay dhacaybaa Dhimashona laygu xukumay! 

Taajir ama faqiir ahaw noloshu waxay kuu dhadhameysa markaad xoriyad heysato waxaan ka mid noqonay asxaabta bilaa xoriyada ah aniga iyo koox kale , waa meel aadan go’aan qaadan karin, naxariis aadan dareemeyn, mugdi iyo xanuunkana wehel unoqneyso, waa halkii lawada garanayey ee xabsiga aheed “jeelka”. Waxaan maqli jiray xabsiga rag baa loo sameeyey, markaasan ka dhaga adeegi jiray anigoo nafteyda usheegaya inan kamid noqon doonin raggaas, balse maanta waqtiga iyo nasiibka ayaa inakeenay .

Dhowr kooxood   ayaanu aheen midba meel ayaa laga keenay , qof walbana dambi gaar ah loosoo xidhay, midba midka kale aqoon gaar ah uma lahan daruufta jirta uunba iskeen bartay. Waa xabsi weyn meesha la inagu xidhay, waxaa loogu talagalay dambiilayaasha waa weyn ee dilka iyo howlaha culus fuliya. Aniga waanba is aqaanay waxaan sameeyey balse raggaan ayaan ka shakisnaa billowgeeni hore waxaan ku tuhmaayey mid walba inuu yahay xariif weyn oo adduun soo liqay. Qolka la inagu xidhay waa mid ciriiriya tirada aynu nahay iyo booska qolku ismalahan, nolosha xabsiga inaan idiin sharaxo waqti badan iskagama luminaayo waayo qofwalba wuu sawiran karaa inaysan aheen mida gurigiisoo kale.

Halkii ayeynu cabaar joognay anigoo ah qof afka laga falay hadal u billaabay waayo isku qol ayaanu ku jirnay. Nafteyda ayaan baray halkan ka imid,magacageyga,shaqadeyda iyo dambiga la iisoo xidhay, waaba yaabee raggu ma dhagoolaa mid ila hadlay mabuu jirin. Dhowr maalin ka dib waxaan usoo baxnay halka ay ku kulmaan maxaabiistu, cajabay runtii goobtan ma xabsibaa mise waa magaalkeenii, qofwalba qofkuu ka xoogweyn yahay ayuu addoonsanayaa qofba qofkuu u arko nacas iyo fulay wuuba ishaartaa. Maalintii markaan ku soo noqonay qolkii cidhiidhiga ahaa ee uraayey ragii dantaa ku qasabtay midwalbaa inuu iska wartamo si aynu garabka isku qabsano raggaana aysan na ugaadhsan .

Waa la wada hadlay oo la iska warramay sideydoo kale laakoin midbaa inaga ooysiiyey oo hadalkiisu xanuun inagu noqday run ahaantii dhammaanteen waynu wada ilownay xanuunkii gaarka inoo hayey waaba mid guud . sheeko ayuu inoo billaabay isagoo xanaaqsan waxaaba loo maleeyaa inuu hortaagan yahay dadkii ugeystay ficilka. “aniga miyey isoo koriyeen mise ogyihiin xaalkan kusoo koray dhabar adeega aan usoo maray inaan ku nasto nolosha, xaq ayaan ulahaa inan raaxeysto, qoslo oo farxo waxaan doono sameeyo, maxaa yeelay, yaraanteydii baa igu dambeysa nololba, anigaa gacanta ku sameystay Allena igu caawiyey nolol aan khayaali aheen.

Waxaan ahaa wiil yar markaan aasay aabbahey iyo hooyadey maan ogeyn cida sababta u aheyd dhimashada labadeyda waalid xitaa iskumaan dayin inaan raadiyo maxaa yeelay kali ayaan ahaa waxaana raadinaayey halkan nolol ka heli lahaa, guri kaliya ayaanu laheen kiina waa la qaatay oo reerkeygii baa iibsaday aniga meel layma geyn oo waaba lay tuuray, iska iloow sheekadaas ayaan is idhi oo u haajiray dhul aan anigu aqoon, dhaxalna u laheyn, dadkiisuna aysan i garaneyn, dhabar adeeg,dulqaad,dadaal iyo raganimo ayaan sannado badan kaga soo gudbay anigoo yeeshay hanti nafteyda ku siman, markaan dib ugu soo laabtay magaaladeydii soo dhaweyn ayaan kala kulmay dad aan aqoonba u laheyn laakiin waxay sheeganayaan inaan ahay qof iyaga ka dhashay ana waan kufarxay mar hadaan helay dhiigeygii.

Dhowr maalin kadib soo dhaweyntii wey dhammaatay, maalinba maalinka ka dambeysa hareeraheyga waa laga sii baxayey ilaa aan noqdo kali markale, balse, hadda cid uma baahni waxaan heystaa isku filnaasho. Waqti yar kadib waxaa ii yimid dad badan oo sheeganaya inay amaah “deyn” ku lahaayeen waalidkey weliba amaahdaas aniga laygu soo koriyey . waxaaba lay dhahay hantidan adiga xaq uma lihid ee iska soo wareeji. Odaybaa iigu darnaa dadkana iigu dhawaa oo ay wakiisheen dadkii beenaalayaasha ahaa, wuu iga hadhi waayey odaygii, maalinba qeyb ayaan siiyaa ileen ma diidi karee waa sheeko waalid, aniga shaqo maan sameysan mana jirin shaqo waqtigaas hantidii yareyd aan isku haleenaayeyna qeyb wey dhammaatay inyar oo aan xitaa aniga igu filneen baa hartay, markaasan fikiray oo isweydiiyey tolow waalid dhintay miyaan ogahay wax lagu lahaa,armayba dadkani been ku sheegayaan, ugu dambeyn waxaan ka codsaday inay iga daayaan maadama waalidkii dhintay badhna bixiyey, nasiib xumo wey iga diiideen ana waan diiday inaan bixiyo.

Sheekadii waxay gaadhay in lay dacweeyo maxkamadana layga yeedho dhowr jeer, marmar badan waan ka badbaaday oo cidna igumay adkeen, maalin beynu isku buuqnay iyagoo jooga gurigeyga odayaashii, maadama ay odayaal yihiin waan ka xishooday mabaan lasii wadiin murankii laakiin mid aan isku da’nahay gacan iiqaaday dareenku wuu ii ogalaan waayey inaan udulqaato gacan aniga ila mid ah halkii ayeynu isku gacansaarnay odayaashiina wey inagu daawanayeen ilaa aynu kala tagno, habeenkii uunbaan maqlay yarkaad dagaalanteen wuu geeryooday iyo Allaha unaxariisto. Tuhunbadan mabaan ka qabin arrinkaas balse mucjiso rabaaniyaa ayey igu noqotay isla subixii askar ayaa igu timid gurigeygii igarba duubtayna sidii qof dilaa ah.

Anigoo jahwareersan ayaan ka war helay inaan joogo maxkamada sare ee dalka, hore dhowr jeer waa layga dacweeyey markana maxkamadu tuhunweyn ayey iga qabtaa, tolow maxaa laygu eedeyn rabaa markanse dambigeen galay.                                                                                                                                         Afkiiibaa aamusay ninkii mar kaliya, wuu ooyey ilaa ay ilmadu qoyso wajigiisa sidoo kale inaga weynu la ooynay ilaa aan la mid noqono, cabbaar ayuu aamusnaa.         wuxuuna yidhi “ Waxaa laguugusoo eedeeyey dil aad ugeysatay wiilaad shalay dagaalanteen xalayna aad khaarijisay maxkamadu waxay kugu xukuntay dil toogasho ah, anigoo lay xumaya ayaan ka war helay”..

Oo hadda miyaad sugeysa malakul mowdkaaga?? Ayaan weydiinay inagoo naxsanba wuxuu inoogu jawaabay “ haa laakin waxaan ka xumahay dadkii sidaa ii galay dunida inay iiga dambeeyaan iyagoo faraxsan dhulkeygii, hantideydii dhammaanba wey qaateen Dalkeygana Caddaaladdu wey ka dhimatay oo goormaan wax dilay aniga, Waxaan ahay Meyd idin la jooga dhawaana loo galbinayo Godkii lagu ridi lahaa ”..

Dhammaad

W/Q: Maxamed Mukhtaar “ Fu’aad Yare”

SHEEKOOYIN