Intii aan baroortaada maqli lahaa, Bararaqdaada aan maqlo!

Sac

Intii aan baroortaada maqli lahaa, Bararaqdaada aan maqlo!

60 sanno ka hor dadka soomaaliyeed waxey u badnaayeen reer guuraa xoolo dhaqata ah, Oo hadba meeshii uu roob ka da’o ama naq lagu sheego, u heego saarto awrtooda.

Aallaaba dhaqamada reer guuraaga waxaa ka mid ah in la kala fogeeyo digada, aqalba walibana aqalka kale waxuu u jiraa meel eey ishu qabato, Iyadoo sidaa loo daganyahay ayaa waxa dhacday inuu habeenkii dadka miro bahal libaax ah oo maryacade la yiraahdo.

Marya cadde, waxaa loogu bixiyay Soomaalidii xiligii oo ku labisanjirtay dhar cadcad oo laba good ah, farabadnida dadkii uu cunay maryahoodii cadcadaa awgeed ayaa loogu magacdaray Libaaxan.

Hooyo meel gees ah ka daganayd reeraha oo uu habeenkaa saygeedii ka maqnaa, ayaa waxaa toosiyay cunugeedii oo sideed jir ahaa una sheegay ineey caloosha xanuunaysay, Illeyn waa cunug danbar caana geel qasab lagu siiyee, Hooyadii oo uu midhaa libaaxan qalbiga kaga taagnaa ogeydna inaan banaanka la aadi karin ayaa la soo booday” “inta an Baroortaada maqli lahaa, bararaqdaada aan maqlo” Oo eey ula ujeeday, Intii aan oohintaada maqli lahaa, bankaada aan maqlo”dhawaaqa shubbankaada”

Aan u soo daadaga meesha aan diirada ku hayo oo ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinkii halkuu marayaa,? Ayeey noqotay su’aasha ugu halhayska badan, ee maalmahan Boosaaso la iska weydiiyo Xamarna lagu mashquulo, Baydhabana laga hadalhayo, Baladwaynana looga dhagtaago, Kismaayana lagu shaah cabo, Maxaa loo lahaa Dowladu wax ma qabato? nabee anaa huba ineey qabatay, qayba badan oo bulshada ka mid ah ayaa mahdiyay isjiidjiidkan, Maqaayadaha laga shaah cabo ayaa tarmuusahii si dhaqsa ah ugu faaruqmayeen, Websaytyadii Google biilka ka raadsan jiray, Ayaa saami badan ka helo, halkii eey toban kun oo ruux ku xisaabtami jireen waxaa soo booqdo 60 illaa 80 kun, Kaararka la isku xawilo ayaa aad u gadmay, Rag badan oo baagamuudanimo ka cabanayayna waxeey noqdeen mukhalisiin adeega xildhibaanada ku howlan.

Xildhibaanadii laf ahaantooda waxey iska bixiyeen daymo badan, Heer eey iyaga iskood isku xishoodaan oo yiraahdaan waa joojineenaa fowdadii, Illeyn waxa u bislaaday, dharigii dabka u saarnaaye.

Waxaasi oo dhan, waa waxqabad muuqdo oo bulshada u soo hoyatay markii tacbiirka maangaabnimada lagu cabiro, Illeeyn xilligii illdheergaradnimada la iska diidyee, Waxaa taa barbarsocday dadaalka eey ugu jirto waxa loogu yeero “Bulshada caalamka” sidii labadan nin loo heshiisaan lahaa, Nicholas key oo qandaraaska isku dhaca isaga wax ka abaabulay kadib markuu goob joog ka wada noqday, Laba heshiis oo lidi isku ah, Howshi waxey ku noqtay, Waxan dhuuso moodayay ayaa xaar igu noqday, Heer isaga laftiisii lagu amro
ay, inuu dalka isaga baxo, Walow uu markii danbe caadi iska dhigay, Haddana waxu la yaabay qaabka la isku rifayo, Illeyn waa nin aan waligiis ceel shubin, intuu madax dhoobaystaye, dadkana waxey ula muuqdeen wax waalwaalan.

Nicholas key khibrad badan uma lahan dhaqanada soomaalida, Mana ogo ineey jirto, jifo ka mid ah beelaha soomaaliyeed oo haddii eey dagaalamaan aanan maalin cad la heshiisiin karin, Waxaa la heshiisiiyaa Habeen madow wiliba 15ka danbe bisha xilli aanay isu jeedi karin ama is arki karin Muddaca iyo muddacu calayhiga, Halkaasoo eey odayo dhaqameedyada madasha yimid, deeto garta ku falanqeeyaan oo iyadoo Audia ah (Maqal) lagu dhameeyo xaal iyo xumeyna looga kala qaado oo sidaa lagu dhameeyo.

Nicholis ma oga in Soomaalida uu caalamka horey uga soo daalay, Ma oga in boqor Fahad uu kacbada geeyay oo uu Maka almukarama ku heshiisiiyay rag aad wada taqaanaan, Markey ka soo noqdeena halkeedii ka bilaabatay baas wanaagii dhaxyiilay.

Nicholis ma oga, In Col Qadaafi uu isugu yeeray shirkii Tripoli lacaga badana ku bixiyay si loo heshiisiiyo qabqablayaashii, Deeto uu Cabdulaahi Yuusuf ahaa, ninkii ugu horeeyay ee u soo gooyay ama ka soo tagay shirka, dabadeedna ragii kale eey mid mid uga soo wadatageen! ma oga mana uusan maqlin Jawaabihii uu ka bixiyay Col Qadaafi kadib markuu shir jaraa’id ku qabtay, Hoolkii oo cidla aha ee looga kala tagay.

Nicholos ma oga in Madaxweyne Cumar Geele uu abaabulay heshiiskii Carta oo xilli dheer qaatay, Maalintii danbe oo lagu soo kala dareeri rabay, Ma oga inuu Geele dhulka isku rafiyay, Oo uu tv laga duubay asoo Ilmaynayao oo marrada ku babinayo, “Ina adeerayaalow” Heer aaqirkii uu u jaakiray si uu isu dhaafiyo, dowlad maquunis ah oo 4.5 la yiraahdana uu qoorta isugu soo galiyay si eeysan dibeey ugu heshiin amaba dad danbe u dhibin.

Marka dadkan ama sida aan kor ku soo xusay Hebeen mugdi ah ha la heshiisiiyo, ileyn si kale looga xaal waaye, Rag bey banaanka iyo dabeysha u saareen oo taniyo Hoomboy illaa dhay tubaako daadsan oo keeb la yuurar ku ah, Markaaseey iyagii qabowga iyo hadhka isku qabqabsadeen!

Isku soo duuboo, waxan ku gunaanadayaa isla maahmaahda kore, Waxan leeyahay, “Soomaaliyeey, Beelodiriray Intii aan maqli lahayn, Barraraqda Baarlamaanka aan iska maqalno!

W\Q; Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.