Isbedelka Umadaha W/Q Drs Farax Sh. Cabdirisaaq (Drs Zedra)

ISBEDELKA UMMADAHA

14542871_1662765690701182_1893761439_n

Haddii  aynu is weydiino  arrimaha maxaa keeni kara Isbedelka ummadaha ? waxaan oran karnaa waxaa keeni kara Qodobbada- soo-socda:

1) Isabadelka Ummadaha waa Sunno Rabbaaniya, ummadi markay is bedesho in Illaahay xaalkeeda bedelo, haddaaney is bedelinna la daayo waqtiga ajasheeda?

2) Isbedelka waxaa lagu qiyaasaa ummadda, ee qiyaastu maaha qof qof ka mid ah, macnaha ummadda hedey dhib ku jirto, lama bedelo xaalkeeda haddaaney ummaddu dhanka wanaagga issu bedelin,qofqof wanaagsan cibradu maaha, ee waa Ummadda guud ahaan,aayaduhuna Is bedelka waxey u tiiriyeed ummadda.

3) Ummaddu markey dhanka wanaagga isu bedesho waxey ka muuuqataa, Fekerkeeda, Akhlaaqdeeda, Xiriirkeeda, Shaqadeeeda,- Maamulkeed….

4) Asbaabaha ugu weyn ee Isbaddel Wanaagsan horseeda waxaa ka mid ah:

  • Fahamka Sunnooyinka ILLAAHAY
  •  Cibraqaadasho Dhibkii la soo maray
  •  Is bedelka Dabeecadaha Bulshada ( Caddaalad, Xsaabtanka, Shaqa wanaag, Nidaam hufan)
  •  Islaaxa Bulshada iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa (Lama helo Ummad Musuqmaasuqa la dirirta oo aan hormarin)
  •  Cilmiga qiimayntiisa iyo Barashadiisa
  •  Shaqa Walba cidda ku habboon oo loo dhiibo

5) Waxaan tusaale usoo qaadanay is bedelka Ummadaha markaan ka hadlayno, Ummado adduunka shalay faqiir ku ahaa, oo ahaa dalal sabool ah, lakiiin sannada kooban is bedel ku sameeyay, oo ay ka mid yihiin: Malaysia, Turkey, South Korea, Singapore, Rwada, Markii ay heleen Hoggaan Daacad ka ah dalka iyo dadka iney horumariyaan, bulshaduna kalsooni siiso lana jaanqaado…..

Haddaba Asbaabaha aan wax ka sheegnay ee astaamaha u noqda Ummadii iney dhanka fiican iyo horumar isu bedesho, ma innaga muuqataa si Xaaalkeenna ILLAAHAY u bedelo? Waa su’aal jawaab dhab ah u baahan?

waxaaan oran karnaa inagama muuqato waxaana nahay ummad inteeda badani (badankeed ) khaldan oo aan ALLE raali ka noqo karin waana tii lagu ciqaabay ummadihii inaga horreeyay waana laynooga sii dari hadeynaan ka soo noqon oo is daba qaban, oo aynaan helina hoggaamiye Toosan oo leh, astaamihii Haggaamiye wanaagsan lagu garanlahaa.

Qofka xanuunsan e xanuunkiisa og, haddana waxyaabihii looga digay inay halis ku yihiin aan ka digtoonaan waxaa la odhan karaa waa qof halis ku ah naftiisa sababi karana inuu naftiisa haligo.Ummad og halkii laga haleelay oo dhaawaca iyo dib u dhaco uga yimid aan ka digtooneyn waa ummad halis ku ah jirintaankeeda sababsan kartana iney haliganto.

Dadkeenu ma garasho xuma balse  waxaa weli ka maqan taladii wada jirkooda iyo ka soo kabashada jabkii gaarey.

W/Q Drs Farax Sh. Cabdirisaaq (Drs Zedra)

SHEEKOOYIN