“Isir-wadaagga Qureysh iyo Soomaalida! W/Q: Abbdisalam mohamed Elmi .(abdul Amin)

Untitled.jpgfdsfds

“Isir-wadaagga Qureysh iyo Soomaalida!!
W/Q: Abbdisalam mohamed Elmi .(abdul Amin)

Mawduucan iyo qoraalkaaygan waxaan ku eego doona xidhiidhka iyo isu dhowaanshiyaha ka dhaxeeeeya gaaaladii Qureysh ahaayd sanamyadii ilaahay kasakow ay cabudi jireen(lata wal cuza) iyo somalida qaar  sanamyada aay aamineed ee qabiilka sida (rer qansax iyo rer quraac).

Waa marka kowaade qureysh waxaay qireen oo ogoalaayeen inu ilahay wayna jirey waxaana daliil u ahaa xajka oo aay gudan jireen sanad walba, lkn ilahay bey waxay ku lamaaniyen sanamyo ay iyaga sameysteen sida (laata iyo cuza ). Sidoo kale waxaay dayaceen diintii suubanayd ee nabi Ibrahim soogarsiyey, waxa kutashadeen in qolaba sanam gooni ah alle kasakow ay cabudaan si’aay Allahood ugu dhowaadaan.
Caabudadaas asnaamta iyo ka barakeeysiga waxaay Quraayshi u hurtay naf iyo maalba. Arinkaas waxaa daliil u ah aayadahan Qura’aanka ah ee aan ku turjumay afka somaaliga ah.

‘’Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza Iya Manaatadii saddexaad ee kale, Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigg, . Taasi waa qayb dulan ah, Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun’’.

Aayadahani waxaay ku jiraan suratu-Alnajmi.

Gaaladii qureysh waxaay nabiga usoo bandhigeen inaay wada caabudaan Sanamadii badnaa ee hoganayay Makkah, taas Nabbii Maxamed NNKHA waa u diiday waxaana kusoo degtay oo daliil cad u ah aaayadaha Qur’aanka ah ee ku jira suratuu-Alkaafiruun :

‘’ kudheh Maxamadow macaabudayo waxaad cabudaysaan/caabuudeen”’, “Waxaad dhahdaa ma waxkasoohadhay Eebaad i faraysaan inaan caabudo jaahiliinyahay.”)

Asnaamta qabiilka iyo Somaalida hadda joogta ** (reer qansax iyo rer qurac).
inkastoo Somaalidu aay leedahay caaqidada rumaaynta dhabta ah ee diinta iyo kalinimada Alle ee aan cidna lagu lamaanayan, waxaase jira khaladaad badan oo u baahan eegmo gaar ah.
Waa mida koowade somalid islaam iney yihihiin bey sheegtaan oo ilahay kaliya aminsanyihin iyo nabigiisii mohamee SCW .
laakinse taasu waa mid afka kaliya ku kooban oo  waxay leeyihiin sanamyo ay cabudaan ilahay kasakow kuwasoo ah kuwa qabiil lagana yaabo in qofkasta aay qalbigiisa ku dhigantahay.Sanamyadas waa kuwo si qalbiyan ah uga dhaadhacsan naf iyo maalba ay uhuraan, arinkaas dartiis dhiig udaadiyaan xolahoodii inta badan kubixiyaan iyagoo difaacaya sanamyadaas qabiilka ee reer Qansax iyo reer Qudhac, waxyaabaha xusida mudan waxa weeyaan dhaqaalaha iyo nafta aay ku bixiyaan qabiilka, waxa laga yaabaa Alle wayne iyo islaamka inaanay u hurin mid la mid ah, taas aay u hurayaan qabiilkam afka kasheegtaan xoolo ,dhaqalo iyo naf uma bixiyaan diinteena, qodobada cajiibka ah ee lagu arkay Somaalida waxa weeyaan marka xumaan laga sheego diinta Islaamka ugama cadhoodaan sidaay u kaarihiyaaystaan tan qabiilak ama hadii qabiilkiisa wax laga sheego, dagaalak iyo difaaca qabiilkooda waxay geliyaan naftooda iyo maalkooda hadaay Somaali yihiin, lakiin agtooda ayaa diinta iyo islaamnimada lagu caayaa.
Islaamka wuxuu diidey ama nahyiyay waa sameeyaan sida dhaca, dilka iyo kufsiga dadka taagta daran oo loo awood shegto xoolahooda ladhaco iyagoo kuraali galinaya sanamyadaay cabudaan ee qabiil aabaha u yahay .

Somaalida waxaan ugu baaqayaa inaay ka dheeradaan sanamka qabiilka ee hadheeyay nolosheena iyo mustaqbalkeena, waa inaan u ban-baxnaa sidii aan Alle uga baqi lahaayn,   una noqon lahaayn dad ka fogaada Sanamka qabiilka ee nolosheena halkaas dhigay. Alle qura’aankiisa ayuu ku leeyahay ‘’Kuwa xaqqa rumeeyow Adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa hana ka Jeedsanina idinkoo Maqlaaya’’ “Hana Noqonina kuwii Yidhi“waanu maqalay iyagoon waxba maqlayn”.
Dhul Socod waxaa ugu Shar badan (Uxun) Eebe agtiisa ma Maqle (Xaqa) ma hadle oon kasayn (Wanaagga”.

Waxaan idiin rajaynayaa inaad dardaarankaas dheegan doontaan, Alle dartiis uu adeeci doontaan soo jeedintaas aan idinla wadaagay.

 

Xaqqa iyo Tawfiiqda Alle ha ina garansiiyo

Salaama Calaykum.

 

SHEEKOOYIN