Iskuulka Fekerka ee Mudaniisimka W/Q: Hassan Mudane

Iskuulka Fekerka ee Mudaniisimka   

Muxuu yahay dugsiga ku dhisan fekerka Mudaniisimka?Waa su’aasha ugu muhiimsan ee uu isweydiin karo Indheergarad(Mufaker)Aqoonyahan,Maamiye(Feylasuuf),Qoraa, Arday, Barre(Macallin) doonaya in uu ku soo biiro iskuulka.Mudaniisimku (Mudanism) waa dugsi ka mida dugsiyada caalamka ka jira sida:Maaksiisimka, Libaraaliisimka, Riyaaliisimka iwm. Ujeedka ugu weyn waxay tahay in bulshada Afrika qalinka lagu difaaco, sidoo kalena la buuxiyo kaalintii bannaaneed si bulshada Afrika ay door muhiim ah oga ciyaarto aqoonta dunida taalla. Aqoonyahanada,Mufakarada, Qoraayaasha, Macallimiinta, Ardayda, iyo Siyaasiyiinta ku abtirsata qaaradda Madow (Afrika),waxa ay dhageystayaal, daawadayaal, akhristayaal ka yihiin aqoonta maanta dunida taalla.

Mar waa dhageystaal waayo aqoonta dunida taalla waxa ay ka dhageystaan ninka cad. Mar waa daawadayaal waayo waxa ay daawadayaal ka yihiin aqoonta uu ninka cad maanta dunida ku hoggaansho. Mar waa akhristayaal waayo buugaagta iyo Maqaallada ay iskuullada iyo jaamacaddaha ka akhristaan waxaa qoray ninka cad. Haddaad tahay qof leh dareen Afrikaanimo, sow xaq uma lihid in aad isweydiiso su’aalo dhowra: Maxaan kaliya u ahay dhageyste? Kaliya maxaan u ahay daawade? Akhriste oo kaliya maxaan u ahay? Maxay tahay sababta aan martida oga ahay aqoonta dunida taalla? Maxaa ka hor istaagay in Afrikaanku uu door muhiim ah ka ciyaaro aqoonta maanta dunida lagu hoggaansho? Waa su’aalo dhowra oo maankayga mashquuliyey.

Waxaaa jirta dooda badan oo aan sameynay xilliyadii aan jaamacadda joognay, doodahaas intooda badan waxay ku saabsanaayeen arrimaha qaaradda Afrika. Waxa aynu si qurxoon oga faalloonay arrimaha qaaradda. Balse, dhammaanteen waxaan aheyn akhristayaal wax ka soo xigtay buuggaagtii iyo maqaaladii uu ninka cad ka qoray dhulkii hooyo ee Afrika. Haddaba, marka aynu doonayno in aan sharaxno dhibaatada Afrika, waxaan inta badan ku eegnaa ‘Ookiyaalka cas’ annaga oo ka shidaal qaadanayno iskuulada fekerka ee reer galbeedka sida: Maaksiisimka, Libaraaliisimka, iwm. Waxaan isweydiiyey maxaa diiday in aan ku eegno ‘Ookiyaalka Madow? Bal aan si kale u dhigo, aaway doorkii ninka madow? Waxaan aamminsanahay in Afrika ay u baahan tahay iskuul dhanka feker ah oo ay iyadu leedahay, kaas oo door muhiim ah ka qaata dib u eegis lagu sameeyo taariikhdeeda, dhaqankeeda, ilbaxnimadeeda iyo siyaasaddeeda.

Markaad fiiriso mufakiriinta hoggaamisa maaddooyinka Sayniska ama Arrimaha bulshada intooda badan waa reer galbeed. Haddaad eegto aqoonta la xiriirta tiknoolojiyada casriga xerta hoggaamisa waa reer galbeed. Ujeedkaygu, maahan in aan ku ammaanayo ninka cad kuna dhaliilayo ninka madow, balse waxaa jirta wax aan tabayo taas oo ah doorkii bulshada madow. Aqoonta maanta dunida ka jirta waa sida webi socda oo kale, bulsho walbana waxay ku biirisaa aqoon dheeraad ah.

Markaad dib u fiiriso taariikhda aqoonta maanta dunida taalla, waa aqoon la soo jaanqaaday ilbaxnimada iyo taariikhda bini’aadamka, waxay bilaabatay markii Xaawo iyo Aadam dhulka la keenay.Haddaba, su’aasha aan isweydiinayo waxay tahay, sababta keentay in aqoontaasi lagu kala dheereeyey? Si kale u dhig, maxay tahay sababta keentay in aqoontaasi bulshada qaar ay sii horumariyeen halka qaarka kalena ay maanta marti ka yihiin? Ma la is oran karaa Bini’aadamku wuu kala isir duwanaa? Maya waayo dhammaanteen waxaan nahay dhashii Xaawo iyo Aadam. Ma caddaalad daro ayaa dhacday oo qaar ka mida bini’aadamka ayaa loo kordhiyey aqoontaas halka qaarka kalena wax yar laga siiyey? Maya Illaahey waa caadil mana ahan Eebbe sidaas fala. Bal eeg suurada albaqra, aayada soddon iyo koowaad, Eebbe wuxuu yiri “Alle wuxuu baray Aadam magacyo dhammaantood… .” Rabbi waxa uu inoo sheegay in Aadam la siiyey aqoon aan la siin malaa’igta. Bini’aadamkuna dhammaantii waa dhashii Aadam, bulshada Afrikana waxaa qeyb ka mida dhashii Aadam.

Waxaa jirta dood ay qabaan qaar ka mida Aqoonyahanada reer galbeedka oo oranaysa Bulshada Afrika wax badan ayay ka faa’iiday gumeysiga.Mid ka mida wax yaabaha ay ku doodayaan waxaa ka mida, in gumeysigu uu ahaa kii Afrika keenay waxbarashada reer galbeedka.Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah, haddaad fiiriso sababahii ay ku sheegeen in Afrika ay u gumeysteen waxaa ka mid ah‘Qorshihii ilbaxnimada.’ Qorshehaas waxaa saldhig u ahaa in bulshada Afrika wax la baro. Ma sida ay wax inoogu sheegeen mise sida runta ah, shaki badan baa jira oo u baahan in lagu sameeyo dib u eegis, turxaan bixin iyo qashin saar. 

Markaan leeyahay ma inay Ilbaxnimo gaar ah ina baraan ayay u yimaadeen, anigu maya ayaan qabaa, aragtideyda ku aadan ilbaxnimada Afrika marka laga reebo,Kacaankii warshadaha ee ka hirgalay dunida galbeedka inta kale waxba inama aysan dheerayn, dhinaca  aqoonta, farsamada iyo nolosha, tabcashada iyo beeraha ku sugan.  Hadaan tusaale kuugu soo qaato,  dalkeennu wuxuu 1000 sanno ka hor xiriir ganacsi la lahaa  Aasiyada fog ee ilaa shiinaha oo aynu dhar iyo qalaba ka iibin jirnay, sidoo kale waxaan lahayn,  warshado gacmeedyo soo saara dharka  taraashka iyo alliindiga loo yaqaan,  waxaan dhoofin jirney burjikooyinka iyo qalab badan oo dunida markaas laga jeclaa,  waxaana  dhammaan agabka aynu adeegsanaa ahaa mid aynu inagu samaysaney,  haddaba  saw lama dhihi karo, Ilbaxnimadii gumeysigu waxeeniina waa inaga xumeeyey wixiisiina waa noo soo suuq geeyey taasoo meesha ka saartey ilbaxnimadeenii iyo aqoonteenii bulsheed,  dhinaca kale maamulkeennu wuxuu aha mid dhisan, waxaana marag kaaga ah,  in Duubka ” Immaamka, Ugaaska, Suldaanka, Wabarka, Malaaqa,  Isimka iwm, ay ahaayeen kaalinta ugu sarreeysa, sidoo kale ay lahaayeen gole odayeed lagu magacaabo nabaddoono oo horseed ka ah bulshada, kuwaasoo dhammaantood xiriir hoggaamineed oo ka leh kaalmo iyo tixgelin ka dhaxeeyey.

Waxaynu lahayn garsoor kaasoo ahaa geedka lagu kala baxo, waxaynu lahayn qareen u dooda oo ka dooda hadba  wixii laysku hayo,  waxaynu lahayn hoggaan dagaal iyo mid nabadeed, haddaba ilbaxnimadeeniina waan ka tagnay midii laynoo soo minguuriyeyna  maynaan hirgelin.

Nin Odaya ayaa iiga sheekeeyey intaan weydiiyey goormaad sigaarka cabistiisa billowday, wuxuuna igu yiri isagoo bilaash ah ayaan bartey, Ingiriiska gobollada uu gumeystay  Sigaarka oo gasacyo ku jira ayuu u tuuri jirey, sidii dhallinyaradii iyo geeljirayaashii ugu faallaadeeyeen wuxuu noqday balwad aysan ka maarmin, taasoo keentay in lacag looga dhigey markii dambe, Ilbaxnimada Gumeysigu noo keenay waa noocaas iyo kuwa la mid ah.

Wixii ka dambeeyey sanadkii 1960, bulshada weynta Afrika waxaa u furmay bog cusub, waana sanadkii xoriyada. Wixii ka horreeyey sanadkaas, bulshada Afrika waxa ay halgan dheer ugu jireen sidii ay u noqon lahaayeen bulsho ka madax bannaan gumeysiga.Dhallinyaradii hoggaaminaysay dhaqdhaqaaqa xornimadoonka, intooda badan waxay ahaayeen dhallinyaro wax ku soo baratay dalalka reer galbeedka. Ma dhaliilayo qorshehoodii ku’aadanaa in la helo madax bannaani iyo xoriyad, balse waxaan dhaliilsanahay qorshehoodii ku’aadanaa dhanka fekerka. Fekerkii ay wateen muusan aheyn mid ka yimid qaaradda, kana turjumaayey baahida bulshada Afrika. Waxa uu ahaa fekerka Maaksiisimka oo ay dusha kaga daboolan tahay fekerka dal-jaceelnimada.Taasi in ay run tahay waxaad ku ogaanaysaa,dhallinyaradii dhaqdhaqaaqa hoggaaminaysay markii ay noqdeen hoggaamiyaasha bulshada, mid walba waxa uu bilaabay in uu dhaqangaliyo fekerka ‘Hantiwadaaga.Haddaba, maxaa u diiday in ay qaataan feker ay leeyihiin mufakiriinta Afrika intii ay qaadan lahaayeen fekerka ninka cad?

Jawaabta maangalka ah waxa ay noqon kartaa, in xilligaasi uusan jirin feker ay lahaayeen mufakiriinta ku abtirsata qaaradda,waana sababta ugu weyn ee igu kaliftay in aan dhiso iskuulkan Mudaniisimka (Mudanism). Waxaan filayaa in uu noqon doono iskuul door muhiim ah ka qaata horumarinta aqoonta ku dhisan fekerka Afrikaanimada, iyo buuxinta kaalinta ay bulshada qaaradda ka ciyaari doonto aqoonta dunida taalla. Haddaba, wixii ka horeeyey sanadkii 1960, dhibka ugu weyn ee bulshada Afrika heystay waxa uu ahaa kii gumeystaha ku haayey, balse wixii ka dambeeyey sanadkaas illaa iyo hadda dhibka ka jira qaaradda waxaa saldhig u ah feker laaan.Ma jiro iskuul dhanka fekerka ah oo ay leeyihiin bulshada Afrika, waana mid ka mida sababaha igu dhaliyey in aan bud-dhigo iskuulkan Mudaniisimka (Mudanism), oo aan filayo in uu buuxin doono kaalintaas bannaan.

Sikastaba, siyaasiyiinta Reer galbeedka waa kuwii ka shaqeeyey dhibka Afrika; mufakiriintooduna waa kuwii qalinka ku masaxay ilbaxnimadii iyo taariikhdii bulshada Afrika. Idinka Eebbe, Mudanisteyaasha (Mudanists) ayaa qalinka qaadan doona si ay ugu hiiliyaan qaaradda dulman (Afrika).  

 WQ:Hassan

Mudane
Jaamacadda Istanbul Ticaret University.
Barashada Afrika iyo Xiriirka Caalamiga.
Homar.ahmed@istanbulticaret.edu.tr
Istanbul/Turkey

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.