ISLAAMKA IYO KHILAAFKA W/D: Abdullahi M. Hussein

Untitledsdasda

ISLAAMKA IYO KHILAAFKA

1- Kuwa diinkoodii ku qaybsamay ee noqday kooxo iska horjeeda adiga waxba kaama galin arinkooda ilaahay bay utaal markaa ka dibna isagaa oga warami doona wixii ay samayn jireen.

2- Ha ka mid noqonina kuwa diinkoodii ku qaybsamay ee kooxo is diidan noqday xisbi kasta oo kuwaas ka mid ahna wixii ay la ahaatay uun buu ku faraxsan yahay.

Khilaafka iyo kala qoqobka wuxuu ka mid yahay dhibaatootinka ugu daran ee aadanaha soo food saara.

Islaamku waa uu ka digay khilaafka waxa uuna ku tilmaamay SHAR    الخلاف شر. 
Khilaaf iyo kalatag bulsho ku dhaca waxaa ugu daran midka diimaysan waayo kaas lagama kabto caqligana ma dawayn karo sawabtoo ah qofku wuxuu aaminsan yahay in khilaafkiisu uu jiho alle taageero ka haysto.

Diinta islaamka waxyaabaha ay ka digtay ayuu safka hore kaga jiraa khilaafka diimaysan.

Waayo alle wuxuu ku canaantay ahlul kitaabkii in ay is khilaafeen kadib markii ay heleen hanuun xagga rabbi ka yimi.

– إِنَّ الدِّينَ عِندَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ ۗ وَمَا اخْتَلَفَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ إِلَّا مِن بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ ۗ 

Diin alle agtiisa waxaa ah hogaansanaan ismana ayan khilaafin kuwii kitaabka la siiyay ilaa ka dib kolkii ay cilmiga heleen mooyee xad gudub iyo gardaro dhexdooda ah darteed.

– وَمَا تَفَرَّقُوا إِلَّا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ.

Ma ayan kala tagin illaa kolkii cilmiga uyimi ka dib mooyee gardaro iyo xadgudub dhexdooda ah darteed“.

Tusaalaha ahlul kitaabka waxaa looga goleeyahay digniin la doonayo in lagu hor istaago in ummadanu is khilaafto.

Wuxuuse alle marar kale si toos ah inooga digay inaan is khilaafno oon kala tagno.

– وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ تَفَرَّقُوا وَاخْتَلَفُوا مِن بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْبَيِّنَاتُ ۚ وَأُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ (105 )

Ha noqonina kuwii kala tagay ee is khilaafay ka bacdi kolkii ay utimi xujadii cadayd ee waxyiga ah. Kuwa kala taga ee is khilaafa waxay leeyihiin cadaab weyn.

Diintu islaamka waxay qiraysaa in khilaafku daruuri yahay oo uu imanayo lkn loo baahan yahay inaan lagu kala tagin oon laysku colaadin.

وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ (118) إِلَّا مَنْ رَحِمَ رَبُّكَ وَلِذَلِكَ خَلَقَهُمْ وَتَمَّتْ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ (119) 

Haddii alle dooni dadku hal ummad ayuu ka dhigi lahaa’kama suulayaan inay is khilaafaan ilaa in alle u naxariistay mooyee,waayo sidaa baaba loo abuuray’waxana kalimadda rabigaa ku dhamaystiran in uu jahanama ka buuxin doono jini iyo insi dhamaantood wixii dariiqa khilaafka iyo kala tagga qaada.

Mar haddii khilaafku qaratraas leeyahay waxaa haboon in laga digtoonaado in lagu kala tago

Waxaa haboon in laysugu dulqaato kala ra’yi duwanaanta taasaana mar kasta laga milicsan karaa isugaynta nusuusta diinta ee diidaysa in khilaafka lagu kala tago amaba uu sawabo nacayb iyo gacan ka hadal.

Dadka ilaahay baa sidaa u abuuray isaga uun baana kala saari doona ee adiga sidaad fahamtay uun ku soco adiga oon adyad gaysan oo afkaaga iyo adinkaaga laga nabad galay.

– قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا (84)

Waxaad ku tiraahdaa qof kasta ha u camal falo siday la tahay rabigiin uun baa og midka jidka toosan haya.

Waxaa kaloo quraanka ku badan aayadaha muujinaya in laysu dulqaato oo khilaafka laysku mari waayay rabi lala sugo. Maalinka uu dadka kala xisaabin doono.

– قُلْ يَجْمَعُ بَيْنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفْتَحُ بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَهُوَ الْفَتَّاحُ الْعَلِيمُ (26)

Waxaad ku tiraahdaa rabigayo ayaa na kulmin doona markaas ka dibna xaqa inagu kala saari doona.

– ثُمَّ إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ فَأَحْكُمُ بَيْنَكُمْ فِيمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ)﴿٥٥ آل عمران)

Intaa ka dib xagayga ayaa laydiin celinayaa markaasaan dhexdiina kala xukminayaa wixii aad isku khilaafi jirteen.

إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ .

Alle xagiisa ayaa laydiin celinayaa dhamaantiin markaasuu idinkaga warami doonaa wixii aad isku khilaafi jirteen.

Walaalayaal sida aan arkayno nusuusta diinta ee aadka oga tirada badan intan aan tusaalaha usoo qaatay waxay inoo diidan tahay inaan khilaafka ku kala tagno sidaas darteed miyaysan inoo haboonayn inaan inta goori goor tahay garano maqsadka diinteena oo aan isu dulqaadano iskana dayno nacaybka iyo colaadda. aan waxba inagu soo kordhinaynin wax ay inoo dhinto mooyee.

W/D: Abdullahi M. Hussein

SHEEKOOYIN