Qorshihii dhoofka
Idil waxa ay raalli ku noqotay: inaan marka hore waxbarashada soo dhammeysto, kaddibna, aan aroos galno taas oo aan u arkay kala fogaanshaheenna in dhib ka imaan karo haddana jaceylka iyo kalsoonida aan ku qabo, inkastoo aan ka afeeftay waan ka oggolaaday.
- Nin jaceyl la ilmeeyay
- Ku jujuubay naftiisa
- Meelaan Idil joogin
- Jabka uu filanaayiyo
- Guusha uu jarinaayo
- Jaaniskoodu ma fiicno.
- Jugta waan qarsannaayee
- Marna maanan jecleysan
- Jowharaddii nafteyda
- Meelaanan uga jeedin
- Inaan jiifto habeenno.
Erayadaas waxa ay ahaayeen kuwa qalbiga iga damqinaaya, balse, runta cagta ku haaya, waayo, “ragna qowl ayaa xira dumarna meher” soomaalida ayaa tiraahda: teeda kalena soomaalidu been ma maahmaahdo. Wax maalmuhu is eryadaan oo maalin ba maalin u dhiibto waxaa soo dhawaaday amminkii aan dal iyo dadba aan macsalaameyn lahaa, haseyeeshee, dhoofkaan waxbasho waan ka cago jiidayaa wax kale na ma aha waa jaceylkaan laabteyda deggan ee aan waalidku ila dareemeyn.
Waalidku xaq ayey ku taagan yihiin waxa ayna rabaan wiilkoodu inuu noqdo mid meel walba ka dhisan oo adduun iyo aakhiro anfac yeesho, laguna soo hirto asiga oo magac iyo mansab leh, balse, dhallinyaro inta ay geed ka booddo ayey talo ka booddaa ee iima muuqdaan waxaas, waxaa kaliya oo ii cadna waa Idil Siyaad la jooggeeda, nin baa laga hayaa markii uu sakaraadka soo fuulay oo la yaasiiminaayo ayaa lagu yiri: Hebeloow dardaaran xaal ma fiicno ee intuu labada dhinac fiirshay oo xaaskii weynaa fiirshay oo tii yareyd fiirshay oo reer tolkiis oo ku gadaaman fiirshay ayuu hal mar iska soo jaray, ar aniga: “Laba Faadumo iyo Faajeer Garoow dhexdooda in aan joogo ayaan rabaa”. Hadda aniga tabtii ayey iga maree Idil siyaad iyo agagaarkeeda in aan ka ag dhawaado oo aan iska ur ursado oo ay dhoofka iga dhaafaan waa iska rabi lahaay, balse, waa rabaa roob ayaa lagu waayey.
Maalintii bixitaankeyga, habeenkii oo dhan waxaan ahaa maqane jooge qofkii i yaqaan waa iga dareemayay murugada iyo qadiinta iga muuqato, waxaa gurigeenna u imaanaayay asxaabteyda iyo dad kale oo dadkooda dibadda jiro oo waraaqo iyo canjalado u dhiibaayay walaalkey Maxamed yare oo ay laba da’ood noo dhaxeyso ayaa dadka ka qaabilaayay waraaqaha iyo waxa ay wadaan noocey doonaanba ha ahaadeene, laguma xisaabtamin in aan Cali mar dhoof ahay. Habeenkaa intiisii danbe aniga iyo Idil waxaan aheyn kuwa hoosta isaga jira oo nux nuxdeena kala joogsi ma laheyn waagaa dusheenna ka beryay annagoon kala bogan dardaarankii iyo wacyi galintii. Waqtigu orod badnaa markaan diyaar garoobay oo la wada quraacday, gaarigii na qaadi lahaana albaabka soo istaagay ayaa Hooyo igu tiri: waqti kuuma harin ee aad ii dhageyso wiilkeygiyoow! Dal aan dalkaaga aheyn dareen ku joog waaye ee cagta hoosteeda ka soco, ayey igu tiri: inta laabta i galisay.
- Hooyoow macaanoow
- Hanbalyo iyo salaaniyo
- Ducaan kugu hagoogee
- Hanfi iyo dabeyliyo
- Hororkiyo waraabaha
- Hooyo kuma haleelaan
- Meel walboo u hoyatana
- Iftiin lagu hirtaayiyo
- Hurmuudkiisa noqo oo
- Dadku Aaabbahaa iyo
- Cabdoow hooyadaa noqay.
Ilko ayaa dhabannadeyda kasoo dareertay waxaan xaqiiqsaday in aan Hooyadeeey macaan aan ka fogaanayo aan arkaayo in aysan ku faraxsaneny inaan ka fogaado, balse, mustaqbalkeyga ay ku soo tiir iyo tacab beeshay ay ila dooneyso in ay geyso meel sare, ayadoo hadalkeedii sii wadato ayey igu Hooyo macaan ma ogtahay nin walba mustaqbalkiisa naag ayaa dhisto mid kalana waa ay burburisaa Idil waa gabar fiican oo wanaaggaaga jecel adigeyna kuu lug xiran tahay, calafkuse waa iska halkiisa gacan la barkanaayo Alle ayaa og dadna dib la xariiriyo ma laha ee waxa uu leeyahay dibno la xariiriyo.
La soco qeybaha xiga
W/Q: Cabdulle Cabdi kariim