Isma laheyn Q3-AAD W/Q: Cabdulle Abdi Kariim “Abka Jallaato”

Maalinkii anbabixinta

Markii waaga korkeenna ka dillaacay ee aan is diyaarshay ayaa sidii qofba mar uu si gooniya iila dardaarmay albaabka markii aan ka soo baxay ayaa waxaa taagan gawaari badan tirada ehel iyo asxaab guriga gudihiisa joogtay ayaan ka yaabbanaa xaafadda oo dhan ayaa bannaanka taagan, farxad miyaa moogi naxdin miyaa moogi aniga oo dhan ayaa saaqmay waxaa igu so dhacday sheeko hadda ka hor ka dhacday magaalada Marka Caddeey Oday reer xamar ka cadcad ah ayaa wiilkiisa ka reebi waayay mooryaantii qoryaha wadatay wax walba oo uu ballan qaaday wiilkii waa diidyay, balse, waxa uu aabbihii ku xujeeyay haddaad qoray AK47 daba laab ah ii gaddo waa ka haraa.

Odaygii waxa uu ku qasbanaaday inuu wiilka haddii uu ka harayo uu u iibiyo AK47 ka illeyn NIMAAD DHASHAY KUMA DHALIN e, waxaba yaan war idinku daalin ee qoraygii wiilkii waa loo gaday  saddex maalin ayaa la naadinaayay igaarkii Aw Muriiddi ayaa xabbad ridaayo ha la soo baxooy maalin arbaca ah ayaa meel walba laga naadiyey. Markii maalinkii la gaaray ayuu bush kor u siiyay sacab iyo mashxarad ayaa is qabsaday, haddaba maxaa dhacay? Galabkii ayaa guriga Aw Muriiddi meyd la wado la soo hor dhigay oo lagu yiri: wiilkaaga xabaddii uu riday ayaa dishay, diyadiisa ayaanna kaa rabnaa haddii kale wiilkaaga u dileynaa. Aw Muriiddi oo yaabban ayaa wiilkiisu soo baxay markii uu arkay ninka meydka ahaa  ayuu yiri: Abbaa kan xabbad ma dilin Shilke ayaa lagu shaqshaqay.

Odaygu asagoo qoryooleydaan indha guduudka ka cabsanaayo ayuu iska soo jaray shib iga dheh Sheydaanyahoow waryaa xabbadda waa ku warwareegan kartaa aqyaarta ha masabbidin. Hadda waxaan ku keenay sheekadaan igaarka aay Xabiibo ayaa dhoofaayo miyaa la naadiyay, moogi waxaa la ii soo galbiyay sidii madaxweyne shir nabadeed u yimid ee ku guulleystay. Toban baabuur ayaa la igu geeyay garoonka diyaaradaha Hoomey ha dhihin languruserka toyotada iyo Koostar oo buuxo  markii la igu hubsaday gudaha ayey soo wada laabteen dadkii marka laga reebo Hooyadeey iyo soddohdeyda mustaqbalka iyo Idil Siyaad, waardiyihii ayaan ka codsay inaan Hooyooyinkeyga hal mar uu ii oggolaado waana iga aqbalyay mar kale ayaan kansho u helay inaan Hooyadeey baalkeeda galo, dadkii aan mooday xaafadahoodii ay ku laabteen waa wada joogaan ayagoo wada tiiraanyeysan waxaad mooddaa safarkeyga ineysan ku faraxsaneyn oo ay doonayaan in aan la joogo, Hooyo Xaadsan waa Idil hooyadeed ayaan markeeda isku duubay caqli iyo dardaaran waxba la iima reeban. Markaan Idil Siyaad oo ilmada dhabannadeeda kasoo hoortay ay qoysay saakadii ay wadatay ayaan si gooniya ula dardaarmay markaas bay ku luuqeysay: hees ay Hibo Nuura ku luuqeyso si la wada maqlaayo. 

  • Inta saaran dunidoo dhan 
  • Saygaan ka doortoow
  • Sabannadaan raggaa kacay
  • Sadkii aan ku yeeshoow
  • Waxaan kugu sagootiyay
  • Niyad sidiga soo jeedda
  • Sara taagan awgaa
  • Anna waan ku sugayaa
  • Soo noqo adoo nabada
  • Soo noqo adoo nabada.

Inta aan madaxa ka dhunkaday ayaan anna ku iri:

  • Naftu adiga mooyee
  • Aadmiga intaa la eg
  • Oggolaani weydoo
  • Eebadii jaceylkaa
  • Araxdaa i jabisoo
  • Olol aan dameyn baa
  • Uurkeyga jiifee
  • Sideen kugu illaabaa.
  • Idamka Eebbaheey weyn
  • Wey noo ahaani doontaa
  • Anya adoo abootiyo awoow
  • Ifka aan is duugnaa.

Hal mar ayaa sacab is qabsaday, dadkii goobta joogay waxaa ka mid ahaa Duuliyihii diyaaradda oo laftiisa markii uu na arkay xasuus iyo gocasho galay intuu garabka iga taabtay ayuu igu yiri: shan iyo toban daqiiqo ayaad heysataa inta aan caafimaadka marayo ee aashaa hana soo daahin  waa hadal yar oo kooban uu iigu muujinayo haddii uu awoodo in ka badan saacado inuu i siin lahaa inta u mahad celiyay buu dhaqaaqay. Wax yar ka dib waxaa la naadiyay rakaabkii diyaaradda aan ku qornaa in ay xaroodaan waxaan jeclaa in aan la sii joogo ehelka asxaabteyda danu tiri fadhi iima yaal safkii ayaan dhinac ka raacay  anigoo gadaal gadaal u socdo.

Duulistii bareekida

Markii aan salka kursiga la helay daqiiqado ka dib waa ay duushay diyaaraddii hosteyska oo hadlaayo oo leh ku soo dhawaada Soomaali Airlines  ayaa iigu war danbeysay waan daaday waxaan dhex maquurtay badweyn daalkii labadii maalin ee lasoo dhaafay iyo anigoo xalay aan indho isku geyn wixii i helayba kursiga ayaan fidsaday oo isku kala baxshay. Waxa aheyd: afartii galabnimo, qof walba dantiisa gaarkaa ah ayuu ku howlanaa, qof sii socda qof soo socda islaanta carruurta jiideysa, odayga bakooradda qushtaa ku hayo, saxmadda waddada ushii la tuuro dhul ma dhaceyso ilaa qofbeey ku dhaceysaa. Anigu waxaan ka mid ahay dadkaas faraha badan ee yaacayay, markaa ayaan how maalmeedkeygii soo idleeyay, waxaan u degdegsanaa si aan caadi aheyn, waan socod ruxleynaayay, hig dheh hig dheh sababtoo ah waxaan rabay inaan guriga dhaqso tago oo xoogaa yar aan nasto kaddibna soo baxo, si aan u soo indha indheeyo magaalada soona xuuraansado meelaha ay Soomaalidu isugu timaado meel gooniya oo ii calaamadeysan ma jirin, waayo, magaalada waa ku cusbahay hal qof oo Soomaali ah kama aqaan, Jaamacadda iyo guriga ayaan u dhaxeeyaa waa maalintii saddaxaad cali mar dhoofna waan ahay.

Sida aan u socdo waxaad mooddaa dhulka cabbir in la i dhahay, hase ahaatee hal mar ayaan ka war helay anigoo socda oo aan haddana socon korkeygana ay jiriiricyo ka kaceyso, indhaheyguna i taagmeen sidii qof libaax ka soo hor baxay. Libaaxne ka daran ee waxaa horteyda kasoo muuqday meel dhowr mitir ii jirto gabar aad mooddo quruxda iyo shani’ga ka muuqdo ishii aragtaa aysan ka jeesaneyn rag iyo dumar habka ay u labbisan tahay joogga iyo jamaalka Rabbi ugu deeqay maashaa Allah il xun kuma aragto ayaan hoos u leeyahay. Markaan socodkii kari waayay dan ayaanba u istaagay waaba tan ii soo qosleyso aniga naxdin gadaasheyda ayaan fiirshay qof bin’aadan ah ma socdo dhinacyada daymooday wax socdaa ma leh, naxdin hor leh ayaan sii naxay aaween dadkii tirada badnaa ee horay iyo gadaal isku dhaafaayay, yaab badanaa afkii baa juuqda i gabay. Gabadhii waa igu soo dhawaatay qof aan aqaanno waaye xalay ayaan video toos uga wada hadleynay wax caqliga diidaayo waaye waase dhici kartaa, balse iskuma ogeyn in ay soo baxeyso, waxaan is iri:

  • Malaha adigaa jecleystoo
  • Jajuubaaya naftaadoo
  • Qofaan meeshaba joogin
  • Joog dheereeydaa hayee
  • Jaceyl baa ku waalayee
  • Ka joog iyada maahee.

Runtii waa ayadii waa Idil Siyaad oo aan biyo is marin wagareey ka waasacan la yaab iyo af kala qaad bay igu noqotay, berteydaan ku qaboobay naftaan canaan dusha uga tuuray annoo leh:

  • Indhuhu waa arkaan
  • Iney idil Siyaad tahay 
  • Awooddii Allaa timide
  • Oo is keen tustaye
  • Ah wayeey addimadeydow
  • Maxaa orodka ku diiday?
  • Maxaad sidii awr dabran
  • Istaaga u miciin bidday?

Nafta anigoo canaan ku wada oo leh dhaqaaq …. dhirir ma doonaane maxaa ku istaajiyay bay isoo dul roogsatay, markaas ayaan isku  duubay muggaan waa xaqiiqsaday in ay Idil Siyaad  tahay, shakigii waa iga baxay waa ayadii  is wareysi kama gaarin ee inta gacanta ka qabtay ayaan dhankii gurigii aad degganaa la aaday waatan iska key filqeyso oo i jiljileyso yaab badanaa indhaha ayaan fag kala siiyay waxa aan ku dhagganahay waa gabar shaqaalaha Bareekida ka mid ah maxaa yaab is daba yaal weli hawada Soomaaliya kama bixin. Haddaba maxaa dhacay? Markaan daadkii  ( day dream) i sitay waan kasoo baraarugay yaxyax iyo xishood baa la yuurarsaday ceeb Allow shimbir kaa dhigana waa iga gaartay kaaga darane gabadhii weli gacantaan ku dhaganahay oo ma sii deyn, MAQANAHA JOOGAAN AHAYE MIYAAN TAA EED KU LEEYAHAY Bal adba koboheyga gasho eeg maxaad yeeli laheyd? Nin dadweynaha ka mid ah ayaa la soo booday GABAR MAQAN WIXII LOO TABO WAA GABAR JOOGTO CEEBTEED. Dee wiilka bad jaceyl buu la bukaaye baashiguu  ku boobay iyo Bogguu kugu haayay ha beylihin beddelkeeda cabsii.
Dadka inta badan waa u riyaaqeen ayadoo is difaaceyso bay tiri:

  • Ninkaan bareekida saaranee
  • Barqadiina qarwaaya
  • Baabkiisaahu ma fiicno

La soco qeybaha kale, haddii Eebbe idmo.

W/Q: Cabdulle Abdi kariim ( Abka Jallaato)

  • Naga la soo xariir:
  • laashin@gmail.com
  • FAYSBUUG:
  • Laashin77

SHEEKOOYIN