JAASUUSKA. QAYBTII 3AAD Qore: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

images

 

JAASUUSKA

Qaybtii 3aad

Jaasuusku waa munaafaq Ilaahay Cazza wa Jalla \ًجٚ ػض هللا wuxuu Aayadda boqol shan iyo afartanaad ee Suuratu Al Nisaa’i \غبءٌٕا سحٛع noogu sheegay inay munaafaqiintu meesha ugu hooseysa ee Naarta gelayaan: } ُ َي ل َ ِجد َ ت ْ َن ل َ الَّناِر و َ ِل مِن َ ف ْ ْْلَس ِك ا ْ ِي الَّدر ف َ ين ِ ق ِ اف َ ن ُ ْم إ ا ) ِ َّن ال ً ِصير َ ن ْ م 145(} Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Munaafaqiintu waxay ku jiraan dabaqa ugu hooseeya ee naarta, una heli maysid mid u gargaara.” Munaafaqiinta Banuu Dubaycah \ؼخ١ظج ٕٛث ee Al Madiinah \سحٌّٕٛا خٕ٠ذٌّا waxaa kaloo ka mid ah Mucattib \ؼزتِ waana midka Maalinta Uxud \أحذ yiri: “Haddaan amarka wax ku lahaan lahayn meeshaan nalaguma dileen.” Markaasuu Ilaahay Tacaalaa \ٌٝرؼب هللا wuxuu kasoo dejiyay Aayadda boqol iyo afar iyo konto ee Suuratu Aali Cimraan \ْشاّػ آي سحٛعilaa qisada dhammaadkeeda: { ا َ َن َ ْل ل َ ى ُون ُول ق َ ي َّيةِ ِ ِىم ا َ ْج ِّق ظَ َّن ال َ ْح ال َ ْر َغي وِ َّ بِالم َ َظُنُّون ي ْ م ُ ي ُ ُس ف ْ أَن ْ م ُ ْي َّمت َ أَى ْ َد َةٌ ق ف ِ َطَائ ْ و ِر مِن ْ ْْلَم ا َ مِن ُ ْل إِن ق ءٍ ْ َشي َ َ َك ي ل َ ُون د ْ ب ُ ََل ي ا َ م ْ ِس ِيم ُ ف ْ ِي أَن ف َ ُون ُ ْخف ي وِ َّ م ِ ل ُ و َّ ُكم َ ر ْ ْْلَم ا ا َ م ٌ ء ْ ِر َشي ْ ْْلَم ا َ ا مِن َ َن ل َ َكان ْ َو ل َ ُون ُول ق ْ ُم ت ْ ُكن ْ َو ُ ْل ل ا ق َ ن ُ اى َ ا ى َ ْن م ِ ت ق ي ُ ِ ا ف َ م ُ و َّ الم َ ِي م َ ت ْ ب َ لِي َ و ْ ِيم َ َضا ِجَِ َى م ل ْ ُل إِ ت َ ْق ال ُ ِيم ْ َي م َ َب ع ِ َ ُكت ين ذِ َّ ال َ ز َ َر َب ل ْ ُكم ُوتِ ي ُ ِي ب ف ْ ُكم ُوبِ م ُ ِي ق ا ف َ َص م ِّح َ م ُ لِي َ و ْ ُوِرُكم ُصد وِر ) ُ ِت ال ُّصد َذا بِ ٌ يم ِ م َ ُ ع و َّ الم َ و 154(} Aayadda oo ka warramaysa duullaanka Uxud\ئحذ, maalintaasoo uu Ilaahay هللا mu’miniinta nucaas \ؼبطٔ oo ah gamaanyo ama hurdo fudud ku riday siday nabadgelyo u dareensan yihiin, oo qof baqaya ma gamaanyoodo oo ma seexdo, munaafiqiintuna ayanna gamaanyoon mayaan cabsi daraadeed naftooda la walwalaya, macneheedu waxa weeye: “Kooxna waxaa walwalisay naftooda, waxayna ka malaynayaan Ilaahay هللا waxaan run ahayn oo ah inuusan Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u gargaarayn, taasoo ah malaynta zamanka jaahiliyada iyo gaalnimada. Kuwaasu waxay oranayaan: “Ma waxbaan ku leenahay amarka?” 11 Waxaad tiraahdaa: “Amarka kulligiis waxaa iska leh Ilaahayهللا.” Waxayna uurkooda ku qarinayaan iyo naftooda dhexdeeda waxayan adigu kuu muujinayn, waxayna leeyihiin haddaan amarka wax ku lahaan lahayn meeshaan nalaguma dileen, oo haddaan caqli leenahay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sooma raacneen, madaxdeennana lama dileen. Waxaad ku tiraahdaa: “Haddaad guryihiinna dhexdooda joogi lahaydeen way soo bixi lahaayeen kuwa in dilo loo qoray way kasoo bixi lahaayeen waxayna imaan lahaayeen meesha lagu dilayo oo ay dhulka uga dhacayaan oo ay sidaas ku jiifanayaan. Taasna wuxuu Ilaahay هللا u sameeyey si uu u imtixaano waxa laabihiinna dhexdooda ku jira, uuna soo saaro waxa quluubtiinna ku jira. Ilaahayna هللا wuu ogsoon yahay waxa quluubta dhexdooda ku jira, ha ahaato khayr ama sharbee.” Mucattib \ؼزتِ waa isla ninka Maalinta Al Axzaab \األحضاة َٛ٠ yiri, ayadoy muslimiintu khandaqa \ذقٕخٌا waa dhufayskee, ku jiraan, gaaladuna hor fadhido: “Muxammad\ذّحِ, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu noo ballan qaaday inaan cuni doonno kunuuzta, waa maalkee, Kisraa\ٜوغش, oo ah boqorka iyo boqortooyada Furus \فبسط ama Iiraan maanta, iyo Qaysar \صش١ل oo ah boqorka iyo boqortooyada Roomaanka, hadana midkeennaa ma haysto amni uu saxarada ku fogeeyo. ” Markaasuu Ilaahay Cazza wa Jalla \ًجٚ ػض هللاwuxuu kasoo dejiyay Aayadda laba iyo tobnaad ee Suuratu Al Axzaab\األحضاة سحٛع: { ا ) ً ور ُ إََِّل ُغر ُ ُو ول ُ َس ر َ ُ و و َّ ا الم َ ن َ د َ ع َ ا و َ َ ٌض م ر َ م ْ ُوبِ ِيم م ُ ِي ق ف َ ين ذِ َّ ال َ َ و ُون ق ِ اف َ ن ُ ْم ُو ُل ال ق َ ِ ْذ ي ا َ و 12(} Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Iyo markay munaafaqiinta iyo kuwa ay quluubtooda cudur ku jiro leeyihiin: “Nooma yaboohin Ilaahayهللا iyo Rasuulkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan dhagar ahayn. Dhgar waa khayaano(12).” Ugu dambeystii munaafaqiinta reer Banuu Dubaycah \ؼخ١ظج ٟٕث waxaa kaloo ka mid ah “.اٌحبسس ثٓ حج١ت\Al Xaarithu bin Xadhib Sunnada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Erayga al nifaaqu \فبقٌٕا waxaa laga soo qaatay naafiqaa’a \بفمبءٔ oo ah xoolaha la yiraahdo al yarbuucu \عٛشث١ٌا (oo afka ingiriiska lagu yiraahdo jerboa, kuna nool waqooyiga Afrika iyo Shiinaha iyo dalalka kale ee saxrada ah ee Aasiya, waxayna u egyihiin xoolaha la yiraahdo Kanguroo ee Australia ku nool: laba addin oo dambe way dheer yihiin, laba 12 horena way gaaban yihiin, sayntooduna waa dheer tahay. Waxay u ordaan ayagoo booda siduu kanguroo u boodo oo kale, waxayna ku nool yihiin oo kulayka ka galaan godad ay dhulka ka qotaan) oo ah xoolo u eg al jarthu \جشرٌا (oo ah doolliga) gurigiisana ka dhisto meel taag ah oo qota una fura shabaakooyin u jeeda afarta jiho. Markaasuu marka jiho looga yimaado midda kale ka baxaa oo caraaraa. Gurigiisana inta muuqata oo loo jeedo iyo inta qarsoon oo uurkiisa ah way kala duwan yihiin, oo muuqaalka loo jeedaa gurigiisa wuxuu ka samaysan yahay ciid, uurkiisuna waa god maran. Munaafaqnimu waa khayaano oo qofkuu la hadlayo ayuu wuxuu u sheegayaa wax ka duwan waxa uurkiisa ku jira, siduu yarbuucu \عٛشث١ٌا sameeyo oo kale. Calaamadaha Jaasuuska lagu aqoonsado qaarkood Munaafaqo afkuu muslin ka yahay uurkana waa ka gaal, gaalada jecel oo u jaasuusa, muslinkana waa neceb yahay iyo diinta islaamkaba. Jaasuusku waa calooshiis u shaqayste, waana khaa’in doonaya inay muslimiinta dhibaato ku dhacdo. Nifaqa iyo munafaqnimada Shiikha hore ee Jaamacadda Al Azharee ee Al Qaahira \شح٘مبٌثب ش٘األص ؼخِجب خ١ش (magaciisuna, Allahaهللا u naxariistee, wuxuu ahaa Calii Jaadu Al Xaqq Calii حكٌا جبد ٍٟػ \ٍٟػ) ku taalla dalka Masar \صشِ wuxuu kitaabkay Jaamacaddu soo saartay ee cinwaankiisu yahay “Bayaanun lilnaasi\بطٌٍٕ ْب١ث” juzka koowaad bogga boqol iyo sadex iyo konton uga hadlay Nifaaqa\فبقٌٕا, wuxuu yirina waxaa ka mid ah: “Nifaaqu waxaa weeyey in la muujiyo wax khilaafsan oo ka duwan waxa uurka ku jira, xagga shareecada waxaa magacaas la yiraahdaa nifaaqa \فبقٔ caqiidada iyo nifaaqa \فبقٔ camalkaba. mid kastoo labadaas ka mid ahba waxaa jirta inuu qofku muujinayo khilaafka waxa uurkiisa ku jira, oo wuxuu shareecada ka gelayaa albaab wuxuuna ka baxayaa albaab kale isagoo doonaya inuu khayr kasbado sharna iska celiyo. Quraankuna wuxuu ku magacaabay faasiq\فبعك, sababtoo ah inuu sharciga ka baxay, siduu Ilaahayهللا u yiri: ( } َ ُون ِسق ا َ ْف ال ُ م ُ َ ى ين ِ ق ِ اف َ ن ُ ْم إ 67(} ِ َّن ال oo macneheedu yahay, waana Aaydda toddoba iyo lixdanaad ee Suuratu Tawbah سحٛع :اٌزٛثخ\ “Munaafiqiintu ayagaaba ah faasiqiinta.” Faasiq \فبعك iyo daallin \ٌُظب waa isku macne, macnohooduna waa ”Midka ka baxay daacadda Ilaahayهللا.” Erayga al nifaaqu \فبقٌٕا waxaa laga soo qaatay naafiqaa’a \بفمبءٔ oo ah xoolaha la yiraahdo al yarbuucu \عٛشث١ٌا (oo afka ingiriiska lagu yiraahdo jerboa, kuna nool waqooyiga Afrika 13 iyo Shiinaha iyo dalalka kale ee saxrada ah ee Aasiya, waxayna u egyihiin xoolaha la yiraahdo Kanguroo ee Australia ku nool: labada addin oo dambe way dheer yihiin, labada horena way gaaban yihiin, dibkkooduna waa dheer yahay. Waxay u ordaan ayagoo booda siduu kanguroo u boodo oo kale, waxayna ku nool yihiin oo kuklayka ka galaan godad ay dhulka ka qotaan) oo ah xoolo u eg al jarthu \جشرٌا (oo ah doolliga) gurigiisana ka dhisto meel taag ah oo qota una fura shabaakooyin u jeeda afarta jiho. Markaasuu marka jiho looga yimaado midda kale ka baxaa oo caraaraa. Gurigiisana inta muuqata oo loo jeedo iyo inta qarsoon oo uurkiisa ah way kala duwan yihiin, oo muuqaalka loo jeedaa gurigiisa wuxuu ka samaysan yahay ciid, uurkiisuna waa god maran. Munaafaqnimu waa khayaano oo qofkuu la hadlayo ayuu wuxuu u sheegayaa wax ka duwan waxa uurkiisa ku jira, siduu yarbuucu \عٛشث١ٌا sameeyo oo kale. Calaamadah lagu aqoodo jaasuuska Al Bukhaarii \ٞجخبسٌا iyo Muslim \ٍُغِ waxay wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: “آ٠خ إٌّبفك صالس: ئرا حذس وزة، ٚئرا ٚػذ أخٍف ٚئرأرّٓ خبْ.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Calaamada munaafaqa lagu garto waa saddex: (Kow) Markuu hadlo been ayuu sheegaa, (Labo) Markuu ballan galo wuu khilaafaa, (Saddex) Marka wax lagu amaaneystana wuu khayaanaa.” Muslim \ٍُغِwuxuu ku daray riwaayadiisa inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: “ٚئْ صبَ ٚ صٍٝ ٚصػُ أٔٗ ِغٍُ.” oo macnihiisu yahay: “Waa munaafaq hadduu doono ha soomo, uuna salaad tukado uuna yiraahdo inuu musulim yahay.” Al Bukhaarii \ٞجخبسٌا iyo Muslim \ٍُغِ waxay kaloo wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: “أسثغ ِٓ وٓ ف١ٗ وبْ ِٕبفمب خبٌصب. ِٚٓ وبٔذ ف١ٗ خصٍخ ِٕٙٓ وبٔذ ف١ٗ خصٍخ ِٓ إٌفبق حزٝ ٠ذػٙب: )1( ئرا أرّٓ خبْ، )2( ٚئرا حذس وزة، )3( ٚئرا ػب٘ذ غذس، )4( ٚئرا خبصُ فجش.” 14 Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Afar timaamood qofkay ku kulmaan waa munaafaq khaalis ah. Qofkay ku jirtana hal tilmaan oo afartaas ka mid ahna waxaa ku jirta qayb munaafaqnimo ilaa uu ka tago. Afartaas qaybood ama tilmaamood waxay kala yihiin: (Kow) Marka wax lagu amaaneysto wuu khiyaanaa amaanadaas. (Labo) Markuu hadlana been ayuu sheegaa. (Saddex) Markuu ballan iyo heshiis galana wuu khayaanaa. (Afar) Markuu murmana wuu xad gudbaa.” Waa intaas warka Jaamacadda Al Azhar \ش٘األص kasoo qaadannay, kitaabkeedana ayada madbacaddeeda ayaa lagu daabacay. Sidaan qoraalkaan ugu aragnayna, jaasuuska Ilaahay Tacaalaa \ٌٝرؼب هللا ayaa ceebta gurigiisa taalla kashifaya oo dibadda soo dhigaya iyo ceebihiisa kaleba.

la soco Qaybta 4aad

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

 

SHEEKOOYIN