JAASUUSKA. QAYBTII 4AAD Qore: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

images

 

JAASUUSKA

Qaybtii 4aad

Xukunka Islaamka ee Jaasuuska gaalada Xukunka islaamka ee jaasuuska gaalada u jaasuusa waa dil. Xaadhib bin Abii Baltacah \زؼخٍث أثٟ ٓث حبغت waxa dilka ka celiyay ma ahayn inuu muslin yahay, siday culummadu isku raaceen, balse waxay ahayd inuu Duullaanka Badr \ثذس حٚغض ka qayb galay, maantana adduunka korkiisa kuma socdo nin Badr \ثذس ka qayb galay oo ay taasu dilidda ka reebeyso, marka hadduu gaalo u jaasuuso xukunkiisu waa dil. Waaba ayada ay ayamahaan socoto maxkamadda arliga Masar oo ku foorarta madaxweynihii ikhwaanu al muslimiina \ٓ١ٍّغٌّا ْاٛئخ ka tirsanaa oo magaciisu ahaa Muxammad Mursi \شعِٟ ذّحِ oo dhowaan xukunka ay ciidammada qalabka sida ee dalkaasi kala wareegeen, Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkaasna uu maxkamadda waydiistay in dil lagu xukumo, isagoo u jaasuusay oo sirta dawladda Masar siiyay dawladaha Qadhar iyo Iiraan, siduu haldalkiisa u dhigay, ayna u warisay Wakaaladda Wararka ee Masar (Misrnewsagency.com). Dambigaas uu galayna, wuxuu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dawladda Masar ku magacaabay ”Al Tajassus\زجغظٌا” iyo ”Al Khiyaanatu Al Cuthmaa\ّٝؼظٌا خٔب١خٌا” oo ah khayaanada wayn. Hadday ku caddaato oo lagu xukumana, tii Allena \هللا way u dhimman tahay. Sayyid Maxmmad Cabdille Xasan iyo Jaasuuska Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan kuwa Amxaarada iyo gaalada Soomiliyada muslinka ah usoo gelisay, oo Soomaalida waxay ku faleen ku falay, wuxuu ka yiri waxaa ka mid ahaa, gabayga Afbakayle la yiraahdo. Abbakayle waa meel degmada Laas Caanood afartan mayl dhinaca Galbeed ka xigta, waana goobtii ugu horreysey oo ay darawiishta iyo ingiriis dagaal hubaysan isaga hor yimaadeen saddexda bisha Maajo ee kun iyo sagaal boqol iyo kow. 15 Xuseenow caqligu kaama baxo (Afbakayle) Xussenow caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye Ha laguu aq balo duca san baan, kuu akhriyaaye Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu khayre Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaaye Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye Hawl kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye Alla igama qaadow adaan, kala ilaaweynee Eedaanka maqal waa Salaad, loo addimayaaye Ilaahii abuurayba kuwii diiday, amarkiisa Ambiyaalihii iyo kuwii, owliyada caayay Asxaabtii dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday Ikhyaarkooda nimankii kufriga, ugu adeegaayey Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aaneystay Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey oo Aw Cabbaas diley, dadkaan eedi kala gaarin oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey Nimankii Amxaara u kecee, Adarinuu guurey oo Mililikh aabe u yehee, u arrin qaadaayo oo Xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey lngiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey Afbakayle nimankii kufriga, uraya noo keenay Ee Oodagooyoiyo na dhigay, aydii Daratoole Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey Ragga ehelukhayrkaa warmaha, kala ajoon waayey Oo umal daraadiis girliga, ugu afuufaayey ldilkoodba nimankii dagaal, iigu imanaayey Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haystay Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig wixii joogay Ee Eeraago iyo Batalo, igu uquumeeyey Ee omoska Beerdhiga tukaha, igu ormaysiiyay 16 Nimankii ayaantii Gumburo, oboda ii dhiibay Ardaashii Jidbaale i heshee, igu unuun goysey Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba Anigoo islaamaba, ii arxami waayay Nimankaan Ilaahow lahaa, eyda iga doono Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka Nimankii iblays nagu diree, naga ajoon waayay Nimankii arlada Eebahay, naga ugaareeyey Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay Nimankii abaartii Caleed, Bari na aadsiiyey Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayey Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey Nimankii ilmada iga qubee, oohin iiga keenay Nimankaan ku alaaladay markii, uunku wada jiifay Nimankii ajuurada cunee, iibka ii bixiyay Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin Waxba yey addoomada Ilaah, nooga aargudine Waxba yaan aduun layga siin, ilintidaydiiye Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne Ashtakooda’aa iyo warqado, ku andacoodaaba Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka Iidoora Ashahaadadooiyo ma rabo, ina wallayntooda Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin Amaan aniga lay oran karayn, tanu ahaan mayso Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta. Dhammadka gabaygiisa “Dardaaran” wuxuu Sayyidku ku yiri: Dadow maqal dabuubtaan ku iri, ama dan haw yeelan Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado 17 Daw lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane Dirhankuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine Marka xiga dalkuu idinku oran, duunya dhaafsada e Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye Mar haddaan dushii Adari iyo, Iimey dacal dhaafay Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye. Gabaygaan soo socdana, oo la yiraahdo “Maqashiiya Uunka”, wuxuu u dhiibay labada nin oo la kala oran jiray Cabdalla Shixiri iyo Xirsi Afdiir, oo aqoon dheer u lahaa afafka qalaad ee reer galbeedka, ummadaha shisheeyaha dhex markooda iyo Diinta Islaamkaba, wuxuuna yiri: Maqashiiya uunka Cabdalla maan qaboobiyo, Xirsi maakib laawow Mid yar waxaad tiraahdaan, murtadiinta reer Hagar Habaryoonis madasheeda, mariya weedha aan iri Toljeclaha muraadkaygiyo, masaafadayda ula taga Maqashiiya uunkaba, miyir inuu ku soo galo Mid mid waxow tiraahdaan, nimanka mooradii furay Mawaacidada Diinkii, ma wax leysku maagaa?! Jahaadka moosinkii galay, ma wax laga maqnaadaa?! Mushaarada beenihi, ma wax lagu mannaagaa?! Loxodkii madoobaa, ma lays moogadeeyaa?! Muufada cadaabeed, maw adkaysanaysaan?! Gaal nin u midiidimay, maqaan naara inuu tegi Kutubtaa u maragee, ma wax lagu murmaa baa?! Mushrik inaad jeclaataan, amaad mudan ku sheegtaan Haddaydnaan mujrim ahayn, masala maad u haysaan?! Masala-gaabyadiinnaa, meel daran idiin dhigay Muftiga waanadiisii, idinkaa ka maagtoo Macbuudkii Rabbi ahaa, idinkaaba moogoo Maxsharkiyo qiyaamaha, idinkaa munkirayoo Muqfiradii Ilaahay, idinkaa ka maarmoo Macaankii Firdowsana, idinkaa muraystoo Muuminnimada laabtaa, idinkaa mantagayoo Minadiinna gaalowday, idinkaa muquunshoo Kufriga i mahoobbiyey, idinkow miciinoo Makaankii shareecada, idinkaa matamiyoo Muslinkiyo qusuusidda, idinkaa makalaayoo Maalkii agoomeed, idinkaa malhabayoo 18 Masxafkiyo Quraankii, idinkaa maljadayoo Waxse mowtigiin galay , ama meleg idiin yimi Markaad Maxammadkiinnii, malcuun uri ka raacdeen! Mariyoo macneeyaye, mid kaleeto wuxuu yahay Waxaan maqallay ferenjigu, inuu miiri idin qoray! Waxaan maqallay maalkii, inuu idinka meersaday! Waxaan maqallay ooryaha, mid san inaad ka weydeen! Waxaan maqallay madaxdiinna, in midiidin laga dhigay! Aan miis yar mooyee, Maydho geel la siinayn! Waxaan maqallay maahyahow, magaciin inuu ba’ay Intaasoo masiibaa, waxa igala maad badan Maska iyo abeesada, magta aad ka bixiseen! Aanad midigta fidinayn, aar hadduu ku miciyayn! Gabayyadaan waxaa kasoo qaadannay kitaabka Diiwaanka Gabayadii Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan, ayna daabacday Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, ururuntii koowaad, uuna uruuriyey Sheekh Jaamac Cumar Ciise. La dhaqanka gaalada Xukunka la dhaqanka gaalada aan kula dagaallamin ama aan dalkaaga kaa saarin, am aan ka qayb qaadan ka saariddaada iyo kuwa intaasba falay wuxuu ku jiraa labada Aayadood Aayadda ee sideedaad iyo sagaalaad ee Suuratu Al Mumtaxinahخٕزحٌّّا سحٛع. Aayadahaasi waxay leeyihiin: َ { ل َ ِي الِّدي ِن و ف ْ ُوُكم م ِ ات َ ق ُ ي ْ َم ل َ ين ذِ َّ ِن ال َ ُ ع و َّ الم ُ ُكم ا َ ْي ن َ إِ َّن ََل ي ْ ِيم ْ َي ل ِسطُوا إِ ْ ق ُ ت َ و ْ م ُ ُّروى َ ب َ ت ْ أَن ْ اِرُكم َ ي دِ ْ مِن ْ ُوُكم ُ ْخِرج ي ْ م ( َ ِس ِطين ْ ق ُ ْم ِح ُّب ال ُ ي َ و الم 8) } َّ Labadaas Aayadood macnohoodu waxaa weeye: “Ilaahay هللا idinka reebi mayo kuwaan idinkula dagaallamin Diinta daraadeed inaad u sama fashaan, una caddaalad fashaan dalalkiinnana aan idinka soo saarin, maxaa yeelay Ilaahay \هللاwuu jecel yahay kuwaa cadaaladda fala(8).”

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA

SHEEKOOYIN