JAASUUSKA. Qore: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

images

 

 

JAASUUSKA

Qaybta 1aad

Jaasuus Jaasuus \طٛجبعٌاwaxaa la yiraahdo qofka baara oo raadiya sirta qof kale ama dawladba, sirtaas uu helayna u geynaya qof kale ama dawlad kale si qofkaas ama dawladdaas uu kasoo qaaday wax loogu yeelleeyo, oo lagu dhibaateeyo. Hawshaasna lacag ayuu ku qaataa oo waa la ijaartay. Taxassus-na \زحغظٌاwaxaa la yiraahdaa markuu sirta qofkaas kale uu raadinayo inuu isagu ogaado, uusanse cid kale u geyneyn, sida ku xusan Aayadda toddoba iyo sideetan ee Suuratu Yuusuf \عفٛ٠ سحٛع: } ِخيوِ أَ َ ُ َف و ُوس ي ْ وا مِن ُ َّسس َ َح ت َ ُوا ف ب َ ْذى َّي ا ِ ن َ ا ب َ ي } Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Wiilashaydow, taga oo baadi gooba warka Yuusuf \عفٛ٠iyo walaalkiis (Benyaamiin\ٓ١ِب١ٕث).” Jaasuusnimadu ma bannaaana, qofka ku kacana wuxuu diiday amarka Ilaahay \هللا iyo amarka Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ilaahay, Tabaaraka wa Tacaalaa\ٌٝرؼبٚ رجبسن هللا, wuxuu jaasuusnimada ku reebay Aayadda labo iyo tobnaad ee Suuratu Al Xujuraati \حجشادٌا سحٛع uuna ku yiri: ُ { وا َّسس َ َج ََل ت َ و } Oo macneheedu yahay: “Hana is jaasuusina”. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la wariyay inuu yiri: { وا ُ َّسس َ َج ََل ت َ و } oo ah: “Hana is jaasuusina.” 2 Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo furashada Makkah \ىخِ isu diyaarinaya Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, u kacay furashada Makkah Al Mukarramah \خِىشٌّا ىخِwuxuu dadka amray in la is diyaariyo, haweenkiisana wuxuu amray inay isagana diyaariyaan. u ػبئشخ\ gabadhiisa Caa’ishah أثٛثىش اٌصذ٠ك سظٟ هللا رؼبٌٝ ػٕٗ\ Markaasuu Abuu Bakr yimid, Allaha \هللا raalli ka wada noqdee, ayadoo alaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, diyaarinaysa, wuxuuna yiri: “أٞ ثٕ١خ: أأِشوُ سعٛي هللا صٍٝ هللا ػٍ١ٗ ٚعٍُ أْ رجٙضٖٚ؟” لبٌذ: “ٔؼُ، فزجٙض” لبي: “فأ٠ٓ رش٠ ٓ٠ش٠ذ؟” لبٌذ: “)ال( ٚهللا ِب أدسٞ.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Maandhay, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wsallam, ma idin amray inaad diyaarisaan?” Waxay tiri: “Haa, ee adiguna is diyaari.” Wuxuu yiri: “Xaggee kula tahay inuu u socdo?” Waxay tiri: “Wa Allaahi \هللاٚ ma ogi.” Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu dadka u sheegay inuu Makkah \ىخِ ku duulayo, wuxuuna ku amray in si xoog leh la isu diyaariyo, wuxuuna yiri: “أٌٍُٙ خز اٌؼ١ْٛ ٚ األخجبس ػٓ لش٠ش حزٝ ٔجغزٙب فٟ ثالد٘ب.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Ilaahayow هللا Quraysh \ش٠لش araggooda iyo maqalkooda awd o warkaba ka qari inaan ayaga u soconno si aan dalkooda kedis ugu dul tagno.” Ilaahayna هللاwaa ka yeelay. Markaasay dadku is diyaariyeen. 3 Warqadda Xaadhib \حبغت ee Quraysh\ش٠لش Ibnu Isxaaq\ئعحبق ٓئث wuxuu yiri: Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goostay inuu gaalada Makkah \ىخِ ku duulo ayuu saxaabiga Xaadhib bin Abii Baltacah \زؼخٍث أثٟ ٓث حبغت (oo uu Al Suhaylii \ٍٟ١ٙغٌا yiri: “magaciisuna waa Camr\ٚشّػ, wuxuuna u dhashay qabiilka Lakhm\ُخٌ.”) Quraysh \ش٠لش warqad u dhigay uu ugu sheegayo go’aankuu Rasuulka Ilaahay, Salalaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaaray inuu ayaga ku soo duulo. Warqaddaasna wuxuu u dhiibay haweeney uu Muxammad bin Jacfar \جؼفش ٓث ذّحِ yiri inay qabiilka Muzaynah \خٕ٠ضِ u dhalatay, kuwa kalena ay ii sheegeen inay ahayd Saarrah\عبسح, ayna ahayd mawle – waana addoon uu leeyahay ama uu xoreeyeyba – qof ka mid ah Banii Cabdu Al Mudh-dhalib\تٍطٌّا ػجذ ٟٕث, uuna maal siiyay inay warqaddaas Quraysh \ش٠لش gaarsiiso. Markaasay warqadda waxay gelisay madaxeeda iyo timiheeda dhexdooda, kaddibna ay la dhaqaaqday. Markaasuu warku Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Samada uga yimid, wuxuu Xaadhib \حبغت sameeyey. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu diray Calii bin ,اٌضث١ش ثٓ اٌؼٛاَ\iyo Al Zzubayru bin Al Cawwaamu ػٍٟ ثٓ أثٟ غبٌت\ Abii Dhaalib Allaha \هللا raali ka wada noqdee, uuna yiri: “أدسوب اِشأح لذ وزت ِؼٙب حبغت ثٓ أثٟ ثٍزؼخ وزبة ئٌٝ لش٠ش، ٠حزسُ٘ ِب لذ أجّؼٕب ٌٗ فٟ أِشُ٘.” oo macnihiisu yahay: “Ka daba taga haweeney uu Xaadhib bin Abi Baltacah \زؼخٍث أثٟ ٓث حبغت Quraysh \ش٠لش warqad ugu dhiibay, uuna uga digayo amarkaan ayaga ka go’aansannay.” Markaasay ka daba tageen, oo ay ku gaareen Thuu Khulayfah \فخ١ٍخٚر oo ah degmada . ثٕٟ أثٟ أحّذ\Banii Abii Axmad Markaasay ratiga kasoo dejiyeen oo ay warqadda alaabteeda ka dhex baareen, ayna ka waayeen. Markaasuu Calii bin Abii Dhaalib تٌغب أثٟ ٓث ٍٟػ wuxuu ku yiri: “ئٟٔ أحٍف ثبهلل ِب وزة سعٛي هللا صٍٝ هللا ػٍ١ٗ ٚعٍُ ٚ ال وزثٕب؛ ٚ ٌزخشجٓ ٌٕب ٘زا اٌىزبة أٚ ٌٕىشفٕه.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxaan ku dhaartay Ilaahay \هللا inaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, been loo sheegin, annagana aan been naloo sheegin. Marka ama warqaddaad noo soo bixineysaa ama dharkaan kaa dhigaynnaa oo ku qaawinaynnaa.” 4 Markaasay markay aragtay inay ka dhab tahay ayay waxay tiri: “iga jeeso.” Markaasuu ka jeestay. Markaasay timeheeda furfurtay oo ay dhexdooda warqadda kasoo bixisay, ayna u dhiibtay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keenay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Xaadhib \حبغت u yeeray, uuna ku yiri: “٠ب حبغت ِب حٍّه ػٍٝ ٘زا؟” oo macnihiisu yahay: “Xaadhibow\حبغت, maxaa kan kugu xambaaray?” Markaasuu yiri: “Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wa Allaahi \هللاٚ anigu waxaan mu’min ku ahay oo rumeynayaa Ilaahayهللا iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,, mana doorsoomin oo ma beddelmin. Waxaanse ahay nin aan Quraysh \ش٠لش ku lahayn asal iyo qaraabo toona. Waxaan agtooda ii jooga Makkah \ىخِ caruur iyo haweeney. Markaasaan sidaas yeelay.” Markaasuu Cumar bin Al Khadh-dhaab \خطبةٌا ٓث شّػ Allahaهللا raalli ka ahaadee wuxuu yiri: “Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ii daa aan qoorta ka gooyee, oo ninku munaafaq ayuu noqday.” Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri: “ِٚب ٠ذس٠ه ٠ب ػّش، ٌؼً هللا لذ اغٍغ ئٌٝ أصحبة ثذس ٠َٛ ثذس فمبي: “اػٍّٛا ِب شئزُ فمذ غفشد ٌىُ.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Maxaa ku ogaysiiyay Cumarow شّػoo waxaa dhici karta inuu Ilaahay هللا fiiriyay asxaabta Badr \ثذس ee Maalinta Badr \ثذس َٛ٠ uuna ku yiri: “Waxaad doontaan sameeya oo waan idiin dambi dhaafay!” Maanta ma joogaa qof Duullaanka Badr \ثذس حٚغض ka qayb galay? Jawaabtu waa maya. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa \ٌٝرؼب هللا wuxuu Xaadhib \حبغت kasoo dejiyay Aayadaha kow ilaa saddex ee Suuratu Al Mumtaxinah\خٕزحٌّّا سحٛع: {بسم اهلل الرحمن الرحيم. ِ َّدة َ و َ ْم بِال ْ ِيم ْ َي ل إِ َ ُون ْق م ُ ت َ اء َ لِي ْ أَو ْ َّوُكم ُ د َ ع َ ُِّوي و د َ تَّ ِخُذوا ع َ ََل ت ُوا ن َ َآم َ ين ذِ َّ ا ال َ ا أَُّيي َ ي ُ ْخ ِّق ي َ ْح ال َ مِن ْ ُكم َ اء َ ا ج َ وا بِم ُ َر ْ َكف َد ق َ ً و ا اد َ ِجي ْ ُم ت ْ َج ْ َخر ُم ت ْ ْ ُكن إِن ْ ُكم ِّب َ وِ ر َّ ُوا بِالم ِمن ْ ُؤ ت ْ أَن ْ ُكم َِّيا ا َ و َل و ُ الَّرس َ ُون ِرج 5 ُ ت ْ َن م ْ ا أَع َ م َ و ْ ُم ت ْ ي َ ْخف ا أَ َ بِم ُ َم م ْ ا أَع َ أَن َ ِ و َّدة َ و َ ْم بِال ْ ِيم ْ َي ل إِ َ ِسُّرون ُ ِي ت ْ َضات ر َ م َ اء َ غ ِ ت ْ اب َ ِي و بِيم َ ِي س ف ْ ْ ُكم ن مِ ُ ْو م َ َْ ف َ ي ْ ن َ م َ و ْ ْ م َد َق ف ال َّسبِي ِل ) َ اء َ و َ َض َّل س َ 1 ُّدوا ل َ و َ بِال ُّسوِء و ْ م ُ َي ت َ ِسن ْ أَل َ و ْ م ُ ي َ ي دِ ْ أَي ْ ْ ُكم َي ل ُطُوا إِ ْس ب َ ي َ و ً اء َ د ْ أَع ْ َ ُكم ُوا ل َ ُكون ي ْ ُوُكم ف َ ْق ث َ ي ْ ( إِن ْ و ( َ ون ُ ُر ت 2 َ ْكف ْ ف َ ي ةِ َ ام َ ي ِ ْق ال َ م ْ َو ي ْ ُ ُكم ََلد ْ ََل أَو َ و ْ ُكم ُ ام َ ْح أَر ْ ُكم َ ََ ف ْ ن َ ت ْ ( ل ) َن ٌ ِصير َ ب َ ُون م َ م ْ ََ ا ت َ بِم ُ و َّ الم َ و ْ َ ُكم ن ْ ي َ (} ِص 3 ُل ب Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: “Kuwiinna rumeeyeyow, ha ka dhigannina cadawgeyga iyo cadawgiinna awliyo, waana saaxiibbo dhow oo aad sirtiinna u sheegtaan, iyo gargaarayaal iyo la taliyayaal aad amarkooda yeeshaan iyo waxa la midka ahba, waxaadna kula xiriireysaan jacayl, ayagoo ku gaaloobay waxa idiin soo degay oo runta ah, oo Quraanka ah, ayagaana Rasuulka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo adinkaba kasoo saaray Makkah\ىخِ, sababtuna ay ahayd oo keli ah inaad Ilaahay هللا iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aaminteen. Cadawgeyga iyo cadawgiinnana ha ka dhigannina awliyo markaad u baxdaan jihaad jidkayga, iyo doonid aad raallinnimadayda dooneysaan, oo aad markaas jacayl u sireysaan oo aad si sir ah talo u siinaysaan. Aniguna waan ogahay waxaad qariseen, oo ah jeceylka gaalada, iyo waxaad muujiseenba. Qofka sidaas yeelana waxaa hubaal ah inuu dariiqa toosan ka lumay(1)Hadday idin helaan gaaladu oo ay gacanta idinku dhigaan oo ay idinka adkaadaan waxay idiin ahaanayaa cadawyaal, gacnohoodayna idiinku soo fidinayaan garaacid iyo dil ay idin garaacaan oo idin dilaan. Waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan, siday ayaguba gaalo u yihiin oo kale. Hana la talinnina oo ayaguba idinlama taliyaane oo idinma jeclee(2)Yeeyan kuwa riximka idiin ah oo qaraabadiinna ah iyo caruurtiinnuba oo Makkah \ىخِ jooga idinku xambaarin inaad Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khayaantaan iyo mu’miniinta, oo riximkiinnu wax idin tari mayo iyo caruurtiinnuba maalinta qiyaame, markaasoo la idinku kala wadayo oo kuwa ehelu jannada ahna jannada loo wadayo, kuwa ehelu naarta ahna naarta loo wadayo. Ilaahayna هللا waxaad falaysaan wuu u jeedaa(3).” Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam jaasuus wuu dilay Wuxuu Al Bukhaarii \ٞجخبسٌا Xadiithkiisa saddex kun iyo kow iyo konton Salamah bin Al Akwac \عٛاألو ٓث خٍّع ka wariyay inuu aabihiis yiri: “Waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo safar ku jira – waana duullaanka Hawaazin \ٓ١ٕح\ْاصٛ٘ حٚغض ee kan Makkah \ىخِ ku xigay – u yimid nin gaal ah. Markaasuu asxaabtiisa la fariistay oo uu la sheekeystay, kaddibna uu baxsaday. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: “اغٍجٖٛ ٚالزٍٖٛ.” oo macnihiisu yahay: “Raadiya oo ka daba taga, kaddibna dila.” Markaasaan dilay, wuxuu sitayna la i siiyay – waana faraskiisa, iyo wuxuu alaab ah oo uu watayba.” 6 Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Muslim\ٍُغِ ح١صح, Abuu Daauud \دٚداٛأث iyo ghayrkoodba. Al Bukhaarii \ٞجخبسٌا wuxuu kaloo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyay inuu yiri: “ئ٠بوُ ٚاٌظٓ، فاْ اٌظٓ أوزة اٌحذ٠ش، ٚال رحغغٛا، ٚال رجغغٛا.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Iska ilaaliya malada, maxaa yeelay maladu waa warka ugu xun, hana is baarina, hana is jaajuusina

la soco Qaybta 2aad

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN