Jacaylkii Aragtida Ku billowdey kuna dhammaadey W/Q: Abdiwahaab Abdulqaadir Maxamud (Carab)

image

Jacaylkii Aragtida Ku billowdey kuna Billowdey kuna dhammaadey.

Aqoon uma lahayn ogaalna warkiisa daa, waxaan ka haystay maqaale iyo sheeko dhegood badan, inta badan waa arrin laga faalloodo, haddana qofku muuqaal guud maahine uusan dareemi kareyn   culeyska iyo baaxada uu leeyahay, waxaan maqlay inuu yahay mid   sababa oo wata dhib iyo dheef, werwer, walaac, walaahoow iyo walbahaar, dhinaca kalena,   Farxad, nayaayir, filasho iyo raynrayn nololeed,   waa cudur mase jiro shaybaar sheegi kara inuu naftaada hayo, waxaana dawadiisa loo qaybiyaa labbo, mida fududi waa inaad hesho dareenka cidii sababtay ee aad jeclaatey hammigaaga qaadey, mida labaadna waa mid geed dacarka iyo sibirka ka qaraar waana calool adeyg iyo inaad ka quusato.

Waxaan aad u jeclaa dhageysiga heesaha QARAAMIGA ah, kuwooda Jacaylka ama calaacalka jaceylka ah, mobilkayga(Telefoonka gacanta) wax kale kuma jirin oo aan aheyn heeso qaraami ah, mar kastane waan dhageysan jiray sidaas oo ay tahay maan fahamsaneen dareenka jaceyl waxa uu yahay ama fannaanka heesta ku luuqeynayo dareenka uu leeyahay maan dareemeynin balse waan jecla inaan dhageysto heesaha loo yaqaan Qarramiga.

Buuggaagta ku qoran af-soomaaliga aad ayaan u jecla aqrintoda waxay doonaan ha noqdaano, inta badan waxan aqrin jiray kuwooda jaceylka. Dhallinyarada aan saaxiibada nahay waxay i dhihi jireen waxaad tahay duq, marka ay igu arkaan aniga oo dhageysanaya ama ku luuqenaya hees qaraami ah, ayagu waxay dhageysan jireen kuwa cusub ama heesaha Afka qalaad ee loo yaqaan RAPka oo.

Saaxiibkey Axmed aad ayaan isugu dhaween isku xaafadna waan aheyn labadena, inkasto uusan dhageysan jirin heesaha kuwa anigaa aan jeclahay, laakiin wuu ka duwana asaxaabteyda kale oo heesa soomaaliga kuwa cusub ayuu aad uga helaa, inta badan waxan ka saacidi jiray Afka Soomaaliga ee iskuulka aad ayuu u necbaa inuu korka ka qabto gabayada iyo erayada iyo dulucdooda, balse aniga way ii fududeyd maddadaas aad ayaan u jeclaa.

Xilliyada aan firaaqada leeyahay waxan aadi jiray MAKTABBADAHA lagu iibiyo buuggaagta si aan u soo iibsado buuga jaceyl ah ama kuwo aan is leeyahay wax baad ka kororsan kartaa, saaxiibkey Axmed wuu igu dhibsan jiray markaan ku dhaho maanta waxaan aadaya makatabadaha ee i raac wuxuu ka jecla in aan isku raacno suuqa si aan u soo dukaamadeysano ama isaga baashaalno.

Goor sheegtadu waxay abbaareysaa 1:30 duhurnimo waa xiliga ay ugu kulushahay cadceeda, waxaan isla socona saaxiibkey Axmed waxan ka wada nimi dhinaca suuqa oo aan maalinta ka soo iibsaday laba buug oo mid yahay jaceyl midna gobonnimada ka sheekenayo, nasiib daro waxan ku soo aadnay gaari uu ka dhiman yahay keliya 2 boos.

Dhinaceyga bidix waxa iga xigay dad badan oo rakaab ah laakin waxa igu dhaganeyd gabar aad u soo jiidasho badan oo qurux ilaahey ku maneystay, muddo marku socday gaariga ayaan daremay in garabka bidix layga taabtay markiiba si dareen leh ayaan u soo eegay aniga oo dhagahayga ka siibaya sameecadihi igu jiray, waxaan maqlay cod dabacsan oo igu leh ”aboowe maadan i maqal dhowr jeer ayaan kula hadlay? Waxaan ugu warceliyey               ” Abaayo kuma aan maqleyn sameecadaha dhegaha iigu jiray” ayaan ugu jawaabay aniga oo si fiican u eegaya, waxay ii shegtay magaceeda in la dhaho Ubax, halkii ayaa barasho inooga billaabatay anniga iyo Ubax, waxay aheyd qof bilicda iyo quruxda ka muuqata aad la yaabeyso, Waxaan wajigeeda ka muuqda farxad iyo qosol aan kala go’ lahayn oo aad arki karto inaanay jilayne ay dabeec u leedahay, eebana hibbo u siiyey.

Cod dabacsan ayay waxay igu tiri ”Walaal heesta aad dhagesanaysay ma i sheegi karta magaceeda musikadeda ayaan ka helaye?”, maan maqlin hadalka waxan eegayey oo keliya indhaheeda waxaan la ashqaraarey quruxda eebe u sargooyey, foolka billan ee bilicda iyo quruxda alle ku maneystey, indhaha waaweyn, sanqaroorka dheer, ilkaha iyo bushimaha markay kala qaaddo aadan ka jeesaneyn mar qudha, hubaal hab dhismeedka jirkeeda kale iyo hubqaadkeeduna wuxuu ahaa mid qof walba oo fiirisa soo jiidanayey, mindhaa waaba gabartii heesaha ammaanta loo tirinayey ee aan dhegaysan jirey?!

Mar kale ayan ka war helay ín layga taabtay isla garabki bidix , aniga oo aad moodo qof ay cabsi ku jirtoa ayaan ku iri: ” Haaa iga raali noqo abaayo, heesta waxa ku luuqeya Xasan Aadan Samatar magacedana waxa la dhaha Dhoof Caashaq” inta marki aan marinayo ayay iga codsatay in aan u yara dhageysiyo heesta anna waan ka aqbalay codsigeda, waxan dareemay dareen aan weligay dareemin, dareen aad cabsi iyo werwer maskaxdeyda oo mararka qaar ah mid fikir gasha, Ubaxa oo dhoola caddeynaysa ayaa igu dhahday ”walaal waa hees aad macaan dareena ku dheehan waxan u maleynaa in dareenkaas oo kale aad ku dooratay” waan qoslay asaan ku dhahay ”maya abaayo, waxaas ma jiran laakin aniga iska jecel heesa qaraamiga ah” kaftan yar ka dib waxa la soo gaaray halki ay Ubax ku degi laheyd waxayna codsatay in loo joojiyo gaariga way i macsalameysay ayadoo ii mahadcelinaysa waxayna ka degatay baskii.

Waxaan ahay maqane jooge oo waxay maskaxdeydu raacday Ubax, waxa i hor muuqda waa muuqalkeeda iyo dhoola caddeynteda iyo sheekadi aan is dhaafsanay ayay maskaxdeyda soo celcelinaysa, kaligay ayaa mar qosla marna aamusa, jawiga oo dhan ayaa iga qasan waxan ka warhelay saaxiibkey oo igu leh ”soo deg saaxiib xafadeeni waa la yimid” asiga oo gacanta iga haya ayaan soo degtay, qofki wejigayga arkaa wuxu dareemaya in maanta wax iga si yihiin oo xaalkaygu uusan saalooneyn, saaxibkey wuxu i waydinaaya su’aalo weliba si isdaba joog ah, balse, aniga maskaxdeyda meel kale ayay ku mashquulsan tahay oo ay su’aalo kale iska waydinaysa.

Waxana Buuggaag badan ka aqristay in jaceylku ku billowdo aragti oo ay weliba abwaanin badan ka tiriyeen tixo ama gabayo waxa ka mida (Balan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beermaa), marna wuxuuba ka dhex dhashaa laba qof oo is ag joogay muddo aad u dheer oo xataa laga yaabo in mid waliba kan kale ogaa arrimihiisa ama wehel u ahaa oon aan laga filayn inuu ka dhex dhasho jacaylku Tusaale (hibooy inaabti hadDuu hilikaygu kuguyaal ama uu habeen qudha kaa galay hunguri haka aamusine nafta baas lahadaloo haasaawi galab qudha.

Anniga iyo gabadhi Ubax aragtideeni waxaa ka soo wareegtay hal isbuuc iyo dhowr maalmood waxaan dareemaya in nafteyda ay aad u xiiseneyso gabadhii Ubax aheyd laakiin su’aasha i hor taalla ayaa aheyd xageen ka raadiya? Yaanse weydiiyaa? Qofka ii dhaw ee aan arimahayga u sheegto waa saaxiibkey Axmed, runti ma garan karo meel aan wax ka billaabo iyo qaab aan wax u billaabo waxaan ahay qof markiisi ugu horreysay dareenka kalgacaylku la soo dersay oo gacloodey, haddana aan qofkii uu gacloodey meel ku ogeyn meel uu ugu haggaagona garanayn.

Afka lagama sheegtoo
Adigoon jacayl arag
looma uur xumaadee

Aniguu i helayoo
Intuu soo abraaruu
Xadhig igu adkeeyee

Soowtan aramadiisii

Oofaha dhexdoodiyo
Adhaxduu i gooyee

 

Waxay ka mid tahay heesaha aan aniga inta badan dhageysto ee aan isku maaweeliyo, jaceylka ku billowda aragtida waxaa laysku raacay inuu yahay kan ugu badan ee aadanaha saameeya, kan kale ee is fahanka iyo is dhexgalka qofka ka dhasha ka dib markaad qiimeyso wanaagga waa kan ugu badan ee dhallinyarada asagey oo kale ah fara kulul ku hayo, meel aad u ciirsatane aadan heleynin.

  • Mid uun baa qalbiga
  • Ka maqnaanino
  • Ku dhex maaxatee
  • Kama maarmayoo
  • Markii aan arkana
  • Meel uun bay go’dee
  • Moogiyo jaceyl,
  • Moogiyo jaceyl
  • Waa maxay?
  • Waa macaan amba
  • Waa qaraar
  • Kolba waa sidoo
  • Kuu soo maree
  • Waa magaca cudur
  • Midka ugu xumee
  • Dadku moog yihiin
  • Ma moodeyn sidani
  • Bal maleeya oo
  • Maxaa lagu daweeyn?

W/Q: Abdiwahaab Abdulqaadir Maxamud (Carab)

 

SHEEKOOYIN