JACAYLKII RIYADA KU DHISNAA!








 W/Q: Bintu Abdillah

hqdefault

JACAYLKII RIYADA KU DHISNAA!










Weli maan arag sawracaaga, laakiin, waxaan maqlay sawdkaaga, si ka fool ka foola kuu la ma kulmin, laakiin, waxaan arkay taswiirtaada, ma aqaan xaafadda aad gasho iyo famligaaga, laakiin, waxaad uga dhigan tahay qalbigayga qof aan garanayo, waad iga fog tahay, haddana, waxaad qalbigayga uga dhigan tahay, qof habeen iyo maalin ii dhow, ku ma arkayo, laakiin, waxaa aragti iigu filan sawirkaga, saacad wal ba adiga ayaan kaa fikiraa, boos wayn ayaad ka degtay qalbigayga, daqiiqad walba waan ku xiiseeya. Inta yar ee aad iga maqan tahay waxay iga dhigan tahay adigoo sanado iga maqnaa, mashaqa tago, hawlo aduunyo ma raacdo, adiga un baan kaa fikiraa.

Naftu waxay is waydiisa, su’aalo badan, oo mararka qaar aan jawaabo u waayo. Wehel ayaad ii tahay, waan ku jecelahay, maalin haddaan ku waayo, waan is bedalaya, noloshayda fureheeda oo dhan baad tahay, qof igu qaaliya baad tahay, xushmad iyo qaderin iga mudan, laakiin, maxay iigu taal, haddaanan maalinna ku arkayn, haddaad arki lahayd ilmada dartaa iga qubanaysa, ee dhabankayga qoysay! 
Goorma ayaad gacmahaga igaga tiri doonta illinta? Goorma ayaad qalbigan kuu harraadqaba oonka ka bi’in doonta, mise jacaylkaaga godka ayaan la geli, oo iilka lay dhigi?.

 

W/Q: Bintu Abdillah

SHEEKOOYIN