Jacaylku waa asaaska nolasha W/Q: Luul Abdi Hassan

14800725_1162551197168421_1571598823_n

Jacaylku waa asaaska nolasha

 

Maalin kaste waxaa nagu siyaado cimri iyo waqti, waxaana nooga kordho garasho iyo khibrad nolaleed, waxaana na soo maro xaalado kala duwan oo ku saabsan noolasheenna.

Waxaa ka barannaa dareenno cusub, oo qaarkood ay wanaag yihiin iyo qaar kalan aysan wanaagsanayn. Dareennadaa waa sifaad naga mid ah mar kastana aan awoodno in aan badalno qaar ka mid ah, intii karaan keen ah ama raboonno in aan badalno.

Waxaa jiro sifooyin asaasi ah oo ku xiran abuuritaankeenna ka banii Aadan ahaan sida jacaylka. Ilaaheey wuxuu ku abuuray noole kaste jacayl. Waa midka aan isku jecelnahay, sida hooyada iyo ubadkeedu isu jecelyihiin, walaaluhu ay isu jecelyihiin.

Waa mid aan ka baranno dareenka ah in aan qaddarinno ama aan ixtiraamno qofka kale ee naga aragtida gaddisan iyo afkaartiisa.

Waa sifada keenta in uu qofka uu jeclaado in uu noolaado, wax kaste ee wanaagsanna uu la jeclaado naftiisa iyo inta uu jecel yahay. Jacaylka waa hormariyaha nolasha waa midka abuura qoyska iyo lammaane is jecel. Bulshe kaste waxa ay ka billaabataa qoys, haddii uusan jacayl jiri lahayn lama heleen qoys dhisan, haddii uusan qoys jirinna lama heleen bulsho dhisan ee ku wada nool ixtiraam iyo waddan la wada leeyahay, taas waxaa ka soo horjeedo, nacaybka oo ah asaaska dhib kaste.

Nacaybka wuxuu keenaa in aad xasaddo dadka kale wuxuu abuura coqdad iyo xiqdi, waana burburiyaha noolasha, waxaana uu ka mid yahay waxyaabaha la dagay ummadeenna oo u diiday in ay ku wada nooladaan nabad iyo is jacayl si ay hormar u gaaraan oo lana tartamaan umadaha tashaday ee jecel noolasha.

Koox kaste ee ka soo horjeeda noolasha iyo hormarka dunida waxaa ay ka shaqaynayaan burbur iyo nacayb, waxayna u horseedayaan ummaddooda dib dhac iyo nolal xumo, dagaallo iyo colaad aan ujeeddo lahayn.

Nacaybka waxaa looga guulaysan karaa mar walbo in JACAYL lagu badalo, nafsadanna xasadka iyo xiqdiga lagala dagaalammo, si loo helo noolal ku dhisan JACAYL.

Nabadda iyo hormarka waxaa ay ku jirtaa in la helo bulsho jecel noolasha, isjecel is ixtiraamto, qadarisa kala duwananshaha dhinac walbo sida isirka, midabka, fikirka iyo waxyaabo kaloo badan,

Waxaad arkeysaa ummado qarniyaal ku wada nool dhib la’aan iyo bilaa mushkilad, wixii dhacana si daggan loo xalliyo, sabab too ah waxay fahmeen, in ay is ixtiramaan ayna qaddariyaan kala duwanantooda, jacaylna lagu wada noolaado sida in ay wada jecelyihiin waddankooda ayna qaddariyaan nabadda iyo isku xirnaanta ummadnimo, ayna garteen in la wada noolado, in ay tahay asaaska dowladnimo. Aan IS JECLAANNO, si aan ISUGU JEELLANAANNO, is ku JEELNA u ahaanno.

 

W/Q: Luul Abdi Hassan

SHEEKOOYIN