Jahawareerinta iyo Jowrfalka Jiilka Soomaaliyeed W/:Bashiir Cali Barre

12068003_725819007550015_1370109449_n

Jahawareerinta iyo Jowrfalka Jiilka Soomaaliyeed.

Inta badan waxaa lagu qiyaasaa in 70%+ dadweynha soomaaliyeed yihiin dhalinyaro da’doodu ka yartahay 35sano, caddadka aqlabiyadda intaas la eg ayagoo ah dhallinta soomaaliyeed, ayey haddana muddo 30 sanno ka badan yihiin kuwa u afduuban danaysteyaal aan ka naxayn aayohooda iyo noloshooda toona, ee kaliya eeganaya wax ay u arkaan danohooda gaarka ah, daneysteyaashaas waxaa kamid ah: Hoggaamiye kooxeedyada beelaysan iyo Urur diimeedyada dhowrka ah ee dalkeena ka jira.

Dhimasho, dhaawac halis ah oo lagu waayo xubno laxaadka ugu mudan ee kamid ah jirka bini’aadamka, aafadan oo oogo ahaan jirka iyo maankaba saamaysey ayaa sidoo kale dhaxalsiiso dhallinta soo koraysa waxbarasho la’aan, jaahilnimo iyo mustaqbal la’aanba waa dheefta iyo natiijada laga dhaxlo ‘’Ciidan u noqoshada iyo ku xariirsanaanta hoggaamiye kooxeed ”beeleed” iyo fullinta awaamiirta hoggaamiye diimeed madax adag oo meesha uu salaad ku tukadaba ku xalaaleysta dhiig dad muslim ah oo walaalihiis ah lagana yaabo inaysan wax dhibaato ah u gaysan in yarna ALLAHA ka dhigee’’.

Ogoow waxaas is dilaaya oo lafaha isku qorraxaynayaa waa uun isla annagii dhallinyarta soomaaliyeed ahayn oo koox-koox, beel-beel iyo firqo-firqo la isaga keen horkeenay ayadoo nala ka dhaadhacsiiyay in kooxba kooxda kale ay cadowgeeda tahay ee ay xabbadda kala hor marto!!!

Intaas iyo in kaloo kasii badanba waxaa na dhaxalsiiyay u adeegista ma naxe balaayo cirka uga soo ridday ummadda soomaaliyeed, kaasoo aan la’aanteen waxba u dhibeen shacabka ku nool deegaanka uu dagaal oogahaasi ka shaqaysto, balse aan u noqono baallihii iyo garbihii uu ku duulilahaa.

Aqriste waligaa ma aragtay wiil dhallinyaro ah oo inta dagaal ku dhaawacmay ay daaweynayaan qoladii dagaalkaas galisay, ha ahaadeen koox diimeed ama ha ahaadeen koox danleey ah oo isugu sheega beelohooda inay cadow ka celinaayaane??

Iskaba daa inay daweeyaane, markuu silco oo xubno muhiim ah oo jirkiisa kamid ah ku waayo colaadaha daneed, wuxuu yasmo iyo bahdil kala kulmaa shaqsigii uu shalay xabbadda isaga dhigayey ee uu dartiis u dhaawacmay, kiiyoo laga yaabo in dagaaladii wiilkaasi ku naafoobay uu ku mutaystay derajo sarreysa iyo xasaanad.

Bal dib eeg derajada ay le’ egtahay waxa lagu dagaal gelin jiray dhallinta soomaaliyeed rubac qarnigii lasoo dhaafay taasoo aan xagga iyo xaggeer midna u dhaafsiisnayn REER HEBEL!!!!!. Ogoow dhallinyarooy soomaalidu waa hal qabiil oo la yiraahdo SOOMAALI ee ma ahan dhowr qabiil oo dal wada deggan ama uu ka dhexeeyo mana nihin dad kala diin iyo kala midab ah.

Halka anagoo hal qabiil ah, aan kala diin iyo kala muuqaal ahayn laysugu keenna diray jufo jufo iyo bah bah, kaasaa riddoobay iyo kaasbaa diinta bannaanka ka ah ee ku jano tag been ah, baddalkeeda dunida waxaa jira dhallinyaro kala qoomiyado ah, kala diimo ah kalana midab ah haddana uu ka dhexeeyo hal dal isla markaana aragti midaysan ka qaata aayaha iyo mustaqbalka dalkooda iyo horumarkiisa ayagoon eegaynin mabda diimeed, mid qoomiyadeed iyo midab toona.

Bal cabbir farqiga noo dhexeeya dhallinta sifahaas leh iyo annagoo ah dhallinyarada soomaaliyeed, maxaa kuusoo baxay??. Ma garanaayo hal beeg aan ku jimeeyo si aan u sheego kala duwanaanshaha noo dhexeeya, balse, waxaan hubaa inaan aad iyo aad u kala fognahay, xaddiga kala fogaanteenuna uu yahay mid ay isaga dhaw yihiin maalinta cad iyo caweysinka habeen! waayo habeenku marmar ayuu leeyahay caddo ‘dayax’ wax lagu arko oo qodax iyo qaniinba aad isaga eegi karto.

Dowladdaha caalamkan aynu ku noolnahay ka arrimiya marka ay si qaldan wax u maamulaan una marin habawshaan waxaa badanaaba dhaca kacdoonno iyo muddaa haraadyo looga soo horjeedo xukuumaddaas sida aan fiicnayn wax u maamushay kacdoonadaasna waxaa hormuud ka noqda dhallinyarada dadalka sifahaas yeesha gaar ahaan intooda wax baratay ama aqoonta wanaagsan leh, miyaan dhihi karnaa dhallinta soomaaliyeed kuma jiraan tira badan oo wax baratay? maya maya maya ma dhihi karno laakiin waxaan hubaa tiro ka badan 30% dhallinta soomaaliyeed inay yihiin kuwa aqoon fiican leh oo wax bartay ayna awoodaan inay hoggaanka u qabtaan dalkaan iyo dadkan daallan ee soomaaliya la oran jiray maantase ah 20ka JUFA-LANDS.

Halkaas ugama socdo mana ahan maamulo iyo dowlad ku sheegga hadda dalka ka jira ha lagu muddaaharaado oo shafka dhulka ha loogu dhufto waayo meel kuma ogi mid iyo kuwo ka wanaagsan oo noo baddali kara, kuwa hadda na hor boodaya ee waxaan uga socdaa tusaalaynta halka da’yarta dunidu marayso iyo meesha aan naalo haddaan nahay dhallinta soomaaliyeed,.

Sababta aan uga danbayno dhiggeenna dunidu maahan inaan ka garaad iyo aqoon yarnahay mana ahan inay naga sinji wanaagsan yihiin ee kaliya waxay heleen:- nabad, waqti ay aayohooda uga fakaraan iyo aabbayaashood oo ku ababiyay waddaniyad aan jufo iyo deegaan gaar ah ku salaysnayn, halka annaga na laku ababiyay abtirsiinyo aan jiritaankeeda la hubin iyo reer hebel aan sal iyo raad caddayn ah lahayn.

Wiilka soomaaliga ah ee danaystuhu ku shaqaysto, kaliya naftiisa iyo nafta kan dhiggiisa ah ee danaystaha dhanka kale kasoo jeedaa uu ku adeegto khatar kuma ahan, laakiin taas baddalkeeda wuxuu khatar ku yahay dhammaan ammaanka ummadda soomaaliyeed iyo gaar ahaan ummadda deegaanka kula nool,

Wuxuu sidoo kale dhibaato joogto ah oo maalinle ah ku hayaa waalidkii asaga dhalay waayo markasta waxay ka walwalayaan goorma ayaa dhimashadiisa lasoo sheegi doonaa ama asagoo dhaawac oo la kala sido la idiin keeni doonaa???

Waa dhibaato aad u weyn inaan nafteeda iyo nafaha kale ee aadanahaba gelino khatar intaas la eg, tiiyoo haddana waalidkeen iyo casabadeena ay ugu sugan tahay cabsi iyo wadne kurkur joogto ah, maxaa yeelay waxay ogyihiin haddaan dhimano ayaga ayaan ka dhimannay haddaan dhaawacannana ayagaan ka dhaawacannay ee ma jirto cid kaleeto oo aan ka wax yeellownay.

Dhanka kale waxaa jirta in masiibooyinka lasoo dersay dhalinta soomaaliyeed aysan ahayn oo kaliya dagaal iyo xabbad oo kaliya, ee ay jirto dhibaatooyin kale oo aad u fara badan, waxaana kamid ah SHAQO LA’AANTA & WAXBARASHO LA’AANTA..

Marka qofka aadanaha ah uusan haysan wax uu naftiisa ku maaweeliyo sida shaqo ama waxbarasho, waxaa inta badan noloshiisa saameeya walwal aad u tiro badan iyo isla hadal joogto ah, sax waa jiraan tiro aad u yar oo ayagoon shaqo iyo waxbarasho midna haysan haddana aan la kulmin wax walaac iyo culaab camal la’aaneed ah, sababta ay taasi ku dhici kartaana waa inay naftooda ku maaweeliyaan ama ku mashquuliyaan wax aan innaba halla ekaatee lahayn wax horumar ah sida:- BANOONI DHEELIS JOOGTO AH, DAAWASHO AFLAAN, AJNABI IYO DHEXTAAGNAANTA AALADAHA BULSHADU KU XIRIIRTO EE DHAWAAN GALKA AH ‘’Facebook, Snapchat, IWM’’.

Camal la’aanta iyo caadaysiga adeegga Social-media-ha oo kulansada shaqsiga dhalinyarada ah ee soomaaliyeed waxa ay soo dedejiyaan in qofkaasi si dhaqso ah go’aan u qaato go’aan kaasoo ah inuu TAHRIIBO!!!

Inkasta oo tahriibayaashu aysan wada ahayn kuwa aaladaha adeegga bulshada wada isticmaala, haddana waxaa xaqiiqadu ay u dhawdahay in kuwaas(1) iyo qaar kaloo ay lugta kusii marteen ay yihiin tahriibeyaasha aad maqlayso maalin iyo laylba.

Tahriibku waa masiibo kale oo la khatar ah ama kabasii khatar badan ku dhex jirista xabbadda, wuxuuna taahriibku u kala baxaa laba nuuc oo kala ah:-

A- TAHRIIB BIRRIYEED ‘’DHULEED’’

B- TAHRIIB BAXAREED ‘’BADEED’’

Tahriibka dhulka ah waa mid aad u khatar badan, waxaanan dhihi karnaa waa ka khatar badan yahay tahriibka badda ah, maxaa yeelay waxaad ku dhex safraysaa dadyow aan kula diin iyo kala diir ahayn kuguna dhaqan iyo dhawrsanaan ahayn, waxaa dhacday marar badan in dhalinyaro soomaaliyeed oo tahriibeyaal ah ay naftoodu sababsatay shucuubta dalalkii ay ku dhex lugaynayeen.

Tiiyoo dadkaas dhalinta soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah waxyeelaynayaa ay u badan yihiin kuwa aan lahayn dan dhaafsiisan inay dadkaas laayaan,

Hanti doon maahan oo waxaaba la ii sheegay in wiil soomaali ah oo ay jeebka ugu jirto xoogaa lacagta adag ah madaxa looga jaray meel kamid ah dalka Mozambique, balse kooxdii dishay wiilkaas waxba kama aysan qaadan, waxaana lacagtiisii u baxsaday tahriibeyaashii saaxiibbadiis ahaa oo meel aan ka dheerayn kaga dhuumanaayey dilayaasha arxanka daran.

Waddamada ugu badan ee dhibaatooyinkaas lagala kulmo waa waddamada afrika qaar kamid ah sida:- Mozambique, Zimbabwe, Tanzania iyo qaar kaloo badan.

Tahriibka baddu waa mid asna qasaaradiisu aad u badantahay markastana ay naftooda ku waayaan dhalinyaro iyo Da’ dhexaad soomaaliyeed, waxaana ogaantayda dhacdadii ugu danbaysay ee qaab nuucaan ah dad ugu dhintaan ay ahayd tii maalin dhawayd ka dhacday meel xeebaha dalka Masar kamid ah.

Dhaqanka tahriibka oo bilowday (intaan ka ogahay) markii ay burburtay xukuumaddii dhexe ee dalka soomaaliya ayaa waxaa ku naf waayey dad soomaaliyeed oo aad iyo aad u fara badan, una sii badnaa dhalinyaro.Aqoontayda diciifka ah waxaan is leeyahay soomaalida dagaallada dalka dhexdiisa ah ku dhimatay iyo soomaalida ayagoo tahriib ah ku dhintay birri iyo badba, waa kala dhigan ama inta dagaallada ku dhimatay ayaa waxyar badan.Aqriste soo kuuma muuqato in dhilintii soomaaliyeed ay si xawli ah oo macno darro ah ku dhimanayaan??

Soo kuuma muuqato in dhallinyarada soomaaliyeed inta la jahawareeriyay haddana lagu jowrfalay??Haddii warcelinnadaadu ay HAA yihiin, Fadlan wadaaji asxaabta ku xiran bartaada xiriirka bulshada (facebook & twitter).

W/:Bashiir Cali Barre

Barrebashiir2014@hotmail.com

SHEEKOOYIN