Jamhuuriyadda madaxa bannaan ee Baraawe W/Q: Borofaysar Yaxye Sh. Caammir

Jamhuuriyadda madaxa bannaan ee Baraawe


Waxaa jiri jiray xilli loo yaqiin Jamhuuriyadda Baraawe, “Barawe Republic” inta aanan taa u gudbin bal aan taariikhdeeda soo koobno. Qoraalada qaar ayaa qabo in Baraawe la aasaasay sannadkii 900 ee miilaadiyada uuna asaasay Aw Cali oo ahaa qabiilka Dacfarad ee Tunnida. Tunnida oo ka koobneyd 5-Jilib oo kala ahaa:

  1. Dacfarad.
  2. Dakhtira.
  3. Goygali.
  4. Hajuwa.
  5. Waridi.

Waxa ay lahaayeen boqortooyadii Tunnida. Waxa ay qabiilka kale ee Jiiddada kula heshiiyeen in xudduudoodu ay noqoto labada dhinac ee Wobiga Shabeelle iyo in aan cid kale la soo degin, heshiiskaas oo loo yaqiinnay: “Heshiiskii saddax Saamoodle” oo ahaa in aan lagu arag dhulkaa raad ka badan saddax oo aan loo oggolaan cid aan aheyn saddax Saamoodle oo ay ula jeedeen Tunni, Jiiddo iyo Duurjoogta oo kaliya, in kasta oo qarnigii 10-aad ay u oggolaadeen muslimiintii soo haajirtay sida Xatamiyiinta Yaman iyo Amaawiyiinta Siiriya arrimo Diineed iyo kuwo ganacsi dartood.

Baraawe waxa ay noqotay meel dad badani ay u soo doontaan barashada diinta Islaamka sida qoraalladooda ay ku caddeeyeen Ibnu Saciid iyo Al-Idriisi oo ahaa culumo taariikhda wax ka qori jiray. Waxaa kale oo ay leheyd xarumo ganacsi iyo warshado yar yar oo lagu sameeyo qalabka farshaxanka, dharka ilindiga, koofidda barawaanka, kabaha, qalabka dagaalka, sariiraha catiirka iyo kuwa kale ee raaxada.

Badmareenno iyo Taariikhyahanno Shiinees ahaa oo Sannadkii 1400 wax ka qoray magaalo xeebeedyada Somalida sida: Mugadisho, Cadale, Marko, Kismayo iyo Barawe, ayaa qoray in wakhtigaas magaalada Barawe uu darbi ku wareegsanaa ayna leheyd guryo aad u qurxan iyo xarumo ganacsi.

Shiinuhu waxa ay keeni jireen dharka xariirta ah, bariiska, maacuunta iyo waxyaaba kale, waxa ayna ka qaadan jireen: Maqaarka Shabeelka, maqaarka libaaxa, faanta Maroodiga, Xabkaha la shito ee wax lagu carfiyo iyo waxyaabo kale oo badan.

Sannadkii 1506-dii Baraawe waxaa soo weeraray ciidanka badda ee Burtaqiiska si ay u qabsadaan magaalada , qoraallada qaar ayaa leh ugu horreynba waxaa difaaca magaalada ka qeyb galay 1000-qof oo ahaa: dadkii deegaanka, kadibna waxaa u soo gurmaday dadkii degganaa hareeraha magaalada. Inta badan qoraalladu waxa ay isku raaceen in dagaalku uu socday: 3-cisho oo kaliya, in kasta oo ay Burtaqiisku isticmaalayeen hub culus, Soomaaliduna ay isticmaaleysay minddiyo, warmo iyo fallaaro, markii gudaha magaalada la isla soo galay Burtaqiiskii waa lagu jabiyay, dadkii reer Baraawena waxaa uga dhintay: 1500 dagaalyahan sida ay caddeeynayaan qoraallo ay qoreen taariikhyahannadii hore. Burtaqiisku waxa ay saddaxdaa cisho ku dhaqaaqeen bililqo iyo inay qaateen wax yaabihii qiimaha lahaa ee magaalada yiillay.

Dadka qaar ayaa aaminsan aragti khalad ah, taas oo ah in reer Baraawaha cad cad qaarkood ay ka soo jeedaan Burtaqiis taasina waa “Been”, Burtaqiis waxa uu joogay magaalada 3-cisho oo dagaal ah, Dhaawicii ay ka carareen Burtaqiiskuna waa la wada laayay, haweenkiina waa laga qixiyay magaalada intii uu dagaaku socday, dib dambena Burtaqiisku uma soo noqon, waa sida Taarikhyahanno badani ay isku raaceen.

Sannadkii 1848-dii badmareenkii caanka ahaa ee Faransiiska Mr. Guillain oo booqday Baraawe ayaa la yaabay heerka uu gaaray ganacsiga magaaladu iyo habka uu u shaqeeyo maamulka magaalada oo ahaa hab “Republic” ah iyo sida wada jirka ah oo go’aannada ay u wada gaaraan madaxda 5-ta Tunni, Xatimi, Biida iyo kuwa kale oo markaas magaalada maamulayay iyo sida ay shuruucda ay u fuliyaan. “Map” kii ama muuqaal joqoraafiyedkii hore oo ay isticmaali jireen badmareennadu waxaa ku qornaa jamhuuriyadda Baraawe “Barawe Republic” taa oo muujineeysa inay u arkayeen jamhuuriyad ka madax bannaan deegaannada kale oo kaligeed laheyd nidaam dowli ah oo ay isku maamusho.

Billowgii sannadkii 1800, Suldaankii Zensibar Sayid Barqash ayaa Zinsibar ku casuumay qaar ka mid ah madaxdii reer Baraawe sida Sh. Muxuddiin Bin Sh. Cabdullahi si uu ugala hadlo arrimo ganacsi. Dadka reer Baraawe waxa ay ahaayeen; dad diinta aad ugu dhaggan oo dhaqan wanaagsan taas oo ay ka dhaxleen waaliddiintoodii hore iyo culumadoodii dhinaca diinta ee uu ka midka ahaa wadaadkii caanka ku ahaa dalka gudihiisa iyo dibaddaba ee Sh. Aweys Al Qaaddiri. Sheik Aweys Al-Qaddiri oo ahaa reer Baraawe iyo culumada kale ee reer Baraawe oo sida aadka ah loo xushmeeyo oo ay ka midka ahaayeen: Sh. Nuuraani Bin Axmed Saabir, Sh. Qaasim Al Baraawi , Sh. Xaaji Saddiiq, Sh. Macallim Nur Xaaji Cabdulqaaddir, Sh. Mubiiddi, Akhwaan Cabdow Munye, Sh. Cumar Hiraabe, Sh. Maxamed Guduudow iyo Culumo kale oo badan dhammaantoodna ahaa reer Barawe.

Sh . Aweys Al Barwi iyo xertiisii ayaa dagaal kala hortagay Talyaaniga waxana shiikha laga guuleystay sannadkii 1908dii, kadibna shiikhu waxa uu u guuray deegaanka Biyooley halkaa oo uu ka asaasay xarun cusub oo diinta uu ka sii fidiyo, gumeysigana kala dagaalo, balse, sannad kadib waxaa halkaa ku soo weeraray ciidamadii Daraawiishta oo shiikhii halkaas ku dilay sannadkii 1909-kii labada dhinac waxaa ka dhexeeyay khilaaf dhinaca diinta ahaa. Waxaa beddelay shiikha oo xilkiisii sii waday khaliif Sheekh Faraj oo isna la dilay Sannadkii 1925-dii.

Markii gumeystihii Talyaanigu uu shiikha uga adkaaday dagaalkii, ayuu Talyaanigu Baraawe Maxmiyad ka dhigtay sannadkii 1908-dii, Laba sanno kadib ayuu Talyaanigu ku soo biiriyay Baraawe mustacmiraddiisii Soomaalida, sannadkii 1910-dii. Culumada Diinta ka sokow waxa jiray dad kale oo deegaanka Baraawe ka soo jeeda oo taariikhda iyo siyaasadda Soomaalida caan ku ahaa oo ay ka mid ahaayeen Md. Cabdulqaaddir Sakhaawaddiin iyo Maxamed Cusman Baarbe oo labaduba ka mid ahaa: 13-kii asaasey ururka SYL ee u dagaallamay xuriyadda. Waxa kale oo jiray hoggaamiyaal kale oo magac ku leh Soomaalida dhaxdeeda sida: Suldaan Aw Faqi Xaaji Aweys, Xaaji Cumar Sheegow, Xaaji Cabdulqaaddir, Xaaji Beytula iyo kuwa kale. Haweenka caanka ahaa ee reer Baraawe waxaa ka mid aheyd: Mana Sitti Xabib Jamaluddin oo badanaa loo yaqiin dada Masiti oo aheyd reer Baraawe nooleedna ( 1810-15 july 1919) oo caan ku aheyd suugaanta iyo diinta, aheydna qabiilka Ashraafta ee reer Baraawe.

Baraawe xilli ayey aheeyd magaalo dunida caan ka ah, waddamada qaarna ay u yaqiinneen jamhuuriyadda Baraawe, ” Barawe Republic” loolana macaamili jiray sida dowlad madaxbannaan.

W/Q: Borofaysar Yaxye Sh. Caammir

NAGA LA SOO XARIIR: Admin@laashin.com

SHEEKOOYIN