JANKIS KHAAN Q.2aad W/Q.Ahmed Hayow

Isbarbardhiga Mongolia Qarnigi 12aad iyo Soomaaliya Qarniga 21aad.

quotescover-JPG-81

 

Taariikhdii Jankis Khaan…………2aad.

 

Kaarlin waxaa la dejiyay teendho, waxaana adeegto looga dhigay Howayshing oo u sheegtay inay Yasogaay ayeeyadii aheyd qabiilka Ongela, asagana uu aad u jeclaa inuu guursado gabadh reer Ongela ah.

Howayshing waxay u sheegtay in dhib farabadan uu ka haystay dagaalada ay reerku la galeen Tataarka, markaana ay ka xirnaayeen wadooyinka Bari oo loo maro dadka reer Ongela, taas oo gaarsiiyay hogaamiye Yasogaay 28 sano oo aanu weli u guursan, sidaa daraadeed Kaarlin ayay ku tiri: “waxaad tahay hadiyo samada nalooka soo diray”.

Howayshing waxaa kale ay u sheegtay inay caadadooda tahay gabadha la soo dhaco inay aad qaali u tahay, Kaarlina ay tahay gabadh aad u qurxoon, adeegto Howayshing iyo gabdhihi kalaba waxay aad u amaaneen hogaamiyahooda Yasogaay inuu yahay geesi nasiibkeeduna uu fiican yahay marba haddii ay guursaneyso Yasogaay.

 

Sida caadada iyo taqaaliidka reer Kiyaan ay tahay, waa inuu wiilku ku guursadaa 12 sano, laakiin Yasogaay uma suuragelin taas duruufo la xiriira gabadha uu guursan lahaa reerahooda inuu gaarana ay ka xinibtay dagaalo dhex maray iyaga iyo Tataarka oo kaga gudbanaa dhanka Bariga mangolia oo loo mari lahaa, dhulka ay u dhalatay Kaarlin iyo qabiilka Ongela ay abshireystaan inay ka guursadaan Kiyaan, waa qiyaastii ku aadka dadka degan Norath Korea.

 

Talihotaay oo ka carooday gabadha la soo dhacay, fursadna u haysta inuu kaga takhalusi karo Yasogaay oo ka qaaday hogaaminta reerka, ayaa soo galay teendhadi ayeeyadiis, taas oo uu ku kulmiyay qabiilka kuna yiri: “idinku waxaad tihiin dhashi Khaan Ambahaar, waxaadna kamid tihiin ragga geesiyaasha ah ee caa’ilada Tayshuu iyo Zorki, sidaa daraadeed i dhegeysta oo diyaarsada seefihiina oo kaalaya ila dila Yasogaayga kibray”.

Markay isku raaceen arrintaas oo ay seefahoodi la bexeen, ayaa waxaa ku soo baxday ayeeyadiis oo ku tiri: “Talihotaay maxaad rabtaan inaad sameeysaan?”.

Wuxuu ku yiri: “waxaan rabnaa inaan dilno Yasogaay”.

Ayeeyadiis ayaa ugu caqli celisay: “wax walba waa ogahay hana igu diidina, ogowna seefta oo kali ah ma’aha tan nafta gooysa, balse Zamanka (wakhtiga) iyo dhacdooyinka iwm ayaa kamid ah, laakiin waxaan ku leeyahay hadda isdiyaari oo ka qeybgal xafladda arooska Yasogaay iyo gabadha uu soo dhacay, wixii ka dambeeyana sug”.

 

Shelingaar wuxuu qabiilkiisa u geeyay akhbaarki xanuunka badanaa ee ku dhacay walaalkii Sheleedo, reer Miyaarkina waxay isu diyaariyeen dagaal ay la galaan reer Kiyaan, wuxuuna hogaamiyahooda Tuuhituu ku dhaartay qabiilka hortooda: “waxaan ku dhaaranaa inaan u aargudidoono Shaleedo iyo ragi kale ee laladilay, waxaan kula midoobaa dagaalka reer Kiyaan ee Magool xoogaga Tataarka, waxaana soo wada dhaceyaa gabdhahooda, waxayna noo noqondoonaan adeegtayaal, waana dileeynaa midkasta oo aan ka qabano”.

Tataarka arrintaas waxay u arkeen fursad, marba haddii ay la dagaal gelaayaan qabiilka Miyaarki oo ah qabiil aad u xoog badan, taasina waa fursad reer Kiyaanka dhulka Magool looga aslaaxin karo, haddiiba ay la midoobeen Miyaarki oo ay ku heshiiyeen inay ku qaadaan dagaal mufaaja’a ah (gaadmo ah) iyagoon waxba ka ogeyn.

 

Habeenki xafladda arooska Hogaamiyaha Kiyaan oo loo sameeyay mid heersare ah iyo waxaa isku soo aaday dagaal kedis ah oo ay soo qaadeen isbaheysatadii Miyaarki iyo Tataarka, dagaalkaas dhimasho fara badan ayaa kadhacay, laakiin reer Kiyaan iyo Hogaamiyahoodu way iska difaaceen, waloow khasaaruhu uu iyaga ku badnaa.

 

Talihotaay ayaa ku dooday: “Yasogaay waxa dhiigaanu u daatay waa sababta xaaskaaga”.

Yasogaay oo careysan ayaa ku yiri: “Talihotaay aamus, miyaadan ogeyn muddo 15 bilood laga joogo Tim Zung inuu awoowgaa khayaanay, miyaadan xasuusan inuu hadda nagu waajibay aargoosi”.

 

Yasogaay is diyaarin ayuu galay, kadib tababar dheer uu siiyay ciidankiisa kana dhisay dhanka tamarta iyo tayadaba, wuxuu u jeediyay hadal dheer oo uu kaga hadlaayo sida loo khiyaanay Ambahaar Khaan iyo sida masaamiirta jirkiisa loogu kawiyay, wuxuu xusay in hogaamiyihii Tataarku uu u gacan geliyay walaayada Jiin.

 

Xagaagi 1162dii Yasogaay wuxuu iclaamiyay dagaal uu la galo Tataarka, wuxuuna ku sheegay inay cadow yihiin, maalinta ay duulaanka aadeen ayay fool qabatay Kaarlin oo markaasi ugub aheyd, markii ay labada ciidan seefohooda iyo warmahooda dhiig yeesheen oo faraha leysi saaray, xalligaana uu Yasogaay warankiisa la dhacaayo beerka ciidamada Tataarka, ayuu dhashay wiilkiisa curadka ah.

Waxaa dagaalki lagu jebiyay Tataarka, waxayna la soo gurya noqdeen guul la taaban karo, ayaga oo soo qabtay hogaamiyihi Tataarka Tim Zong.

Xafladdi iyo damaashaadki iyo fantasiyihi lagu soo dhaweeyay ciidamada, ayaa waxaa ka mid noqotay inay Howashing oo ka umulisay Kaarlin ay gacmeheeda ku soo qaado wiilki u dhashay Yasogaay, isagoo aad ugu faraxsan ayuu kala furay gacanta wiilkiisa oo isku laabneyd isagoo leh: “maxaa gacanta kuugu jira wiilkeeygoow?”.

Wuxuu arkay xinjir dhiig ah oo gacanta ugu laaban, markaa ayuu ku yiri Kaarlin oo agtiisa taagneyd: “waxaa noo dhashay wiil dagaalyahan noqondoona”.

Kaarlin oo qosleysa ayaa ku tiri: “u magacbixi wiilka” Yasogaay inuu u soo jeestay ciidankiisi oo u damaashaadaaya fantasiyaha labada munaasabadood, oo kala ah tan guusha ay gaareen iyo tan dhalashada wiilka ayuu ku yiri: “Wiilkeeyga waxaa la yiraahdaa [TIIMUUJEEN] waana Tiimuujeenki dhabta ahaa”.

Wuxuu ku amray Toluu, inuu wiilka ugu waqlalo dhiiga hagaamiye Tim zong oo markaa qoorta laga jaray isaga oo leh: “waxaa iiga kaa aaridoona wiilkeeyga”.

 

Zalinbuhaa oo ah Wiilka uu dhalay Tim Zong oo ooynaaya ayuu adeerkii ku yiri: “Zalinbuhaa ha ooynin, masiibadi ku dhacday Aabahaa Tim Zong waa mid ay cawaaqib xumadeeda eedi doonaan Maguulka gaar ahaan reer Yasogaay”.

 

La soco. ………….3aad.

SHEEKOOYIN