Jankis Khaan. Q.6-7aad. W/Q. Ahmed Hayow

Isbarbardhiga Mongolia Qarnigii 12aad iyo Soomaaliya Qarniga 21aad. Taariikhdii Jankis Khaan (1162-1227).

 

Maalin ay wada joogeen Tiimojeen iyo Hooyadiis, kadib markii loo dhiibay hogaaminta Reer Yasogaay ayay Hooyadiis aragtay isagoo sii fiirinaaya Qoraxda oo sii dheceysa, waxay weydiisay: (wiilkeeygi maxaa kaaga muuqday Qoraxda?) Tiimoojeen ayaa yiri: “hooyo malaga yaabaa in aad maalin i geyso halkaas ay Qoraxdu u dheceyso?” waxay ku tiri: “galbeedku waa fogyahay wiilkeeygi, adigana waad yartahay”.

Wuxuu hooyadii ku yiri: “markaan weeynaado waxaa hubanti ah in aan tegi doono” Tiimojeen isaga oo yar ayuu ku fekeray inuu tago dhulka Mongolia galbeedka ka jira, xaalad kasta ay noqoto.

Reerka oo meeshoodi isaga dhaqan ayay ciidamo uu wato Todoo ay ka dheceen fardihi ay lahaayeen, Beligotaay ayaa u soo sheegay walaalkiis Tiimojeen oo guriga jooga, Tiimoojeena wuxuu qaatay faraskiisi guriga u joogay iyo fallaaro, wuxuuna ka codsaday walaalkiis Beligotaay iyo Hazaar in ay guriga illaaliyaan, wuxuuna ka daba baxay nimanki dhacay fardohooda, wadada ayuu ku sii arkay wiil ordaaya oo leh anigana waxay iga dheceen fardo, markaa ayuu Faraski Tiimojeen la soo raacay, si ay nimanka isula baadi goobaan.

Marka ay u muuqdeen ciidanki iyo Fardahoodi oo meel degay, ayagoo raba in ay caawa seexdaan, ayay labadi wiil ku heshiiyeen in ay dagaal kala hortegin ciidan ka badan oo ay caawa iyaguna fardahooda si xeeladeysan uga soo xadaan, kadib meel intay isku qariyeen ayay iswareysteen Borjo ayaa yiri: “magacaa?” Tiimojeen ayaa magaciisa u sheegay, Borjo ayaa markaa yiri: “ma wiilki Yasogaay ayaad tahay?” wuxuu sii raaciyay: “aniga waxaa la i yiraahdaa Borjo, Maguul ayaan ahay waalidkeeyna waa Nahaabuyeen” Tiimojeen ayaa yiri: “Nahaabuyeen anigana waa adeerkay ee mafiican yahay?” Borjo ayaa yiri: “waa fiican yahay, markii ay idinka tageen Qabiilada Taayshuu iyo Zorki, Aabeheey idinkama tegin, laakiin markuu Talihotaay nacadaadiyay ayuu waalidkeey meel gooni ah degay” wuxuu sii raaciyay: “Tiimojeen, Maguul ayaad mideyndoontaa sida Aabahaa Yasogaay oo kale” Tiimojeen ayaa yiri: “taa waan yeelidoonaa” Borjo ayaa yiri: “anigana waa kula jiraa waana kuu imaandoonaa”.

Marki la gaaray habeen barki ayay isu diyaariyeen in ay fardaha didsadaan, balse waxay arkeen nin waardiyo ah oo soo jeeda nimankaas oo uu Tiimojeen ka gartay inuu ka mid yahay Todoo, kaas oo ahaa gacanyarihi Aabihii, ugu dambeyn markuu waagu soo dhawaaday, ayay Tiimojeen iyo Borjo waxay la tageen fardahoodii ayagoo aan la arag.

Ciidamadi ayaa uga daba tegay meel dhexe ayagoo sii socda, ka dib fallaaro ayay la bexeen oo inta aan lagu soo dhawaan labadi nin ee ugu soo horeysay ayay midna dileen midna dhaawaceen, markaas ayay dib u istaageen ciidankii kale, welibana dib ayay uga laabteen Todoo iyo ciidankiisi, kaas oo gartay inuu wiilku yahay Tiimojeen, labadi wiil way ismacsalaameeyeen, Borjo ayaana ku yiri: “anigu waxaan sii soconaa Laba maalmood, laakiin Aabe ayaan waydiisanaa in aan dhankiina u soo guurno”.

Todoo wuxuu akhbaarki Tiimojeen u geeyay Talihotaay iyo Ayeeyadiis Wilbo oo ku calaacashay: “Yasogaay reerkiisi miyaa weli nool oo gaajo iyo dad la’aan uma dhiman miyaa, haddiiba ay taasi jirto Kaarlin waa naga adkaatay”.

Talihotaay ayaa yiri: “hadda ayaan soo wada baabi’inaa dhamaantood” isagoo ciidamo badan wata ayuu u soo dhaqaaqay halki ay deganaayeen Kaarlin iyo Carruurteeda.

Tiimojeen markiiba reerki meesha waa ka raray, waloow ay degeen meel aan wax badan ka fogeyn, laakiin uu Tiimojeen u sheegay hooyadii in ay berriba ka guuraayaan, sababta oo ah in ay ugu imaan karaan Talihotaay iyo ciidankiisa, Tiimojeen wuxuu ku yiri walaalkii Balitogaay: “gaajaa nahaysee noo ugaarsi tag” Balitogaay isagoo ugaarsi ku jira, ayuu arkay uurada fardo dhankooda u soo socda, markaas ayuu reerki u war geeyay in ciidan ku soo socdaan, reerkiina guuris ayay billaabeen  waxaase  ku yimid ciidanki, laakiin Tiimojeen markuu arkay in aan sina looga baxsaneyn ayuu  go’aansaday intuu faras qaato inuu gooni ugu boxo si uu reerka intiisa kale u badbaadiyo, ciidankina markay arkeen Tiimojeen ayay kadaba carareen.

Kaarlin oo murugeeysan ayaa reerkii sii rartay, Tiimojeen reerki wuu badbaadiyay laakiin isagii ayay qabsadeen oo meeshi ay deganaayeen u kaxeysteen, Tiimojeen sanada la soo qabtay wuxuu jiray 16sano, waxaana loo dhiibay nin ka mid ah Caa’ilada Tayshuu oo la yiraa Suwaar Hanshela oo dhalay Sheleween oo ay Tiimojeen isku fac yihiin iyo gabadh ka yar oo la yiraa Hidaan, reerku waxay isku fiicnaayeen Aabihii Yasogaay, taas ayuu nasteexo uga helay iyo in ay raashin qarsoodi ah siiyaan oo aanuu raalli ka aheyn Talihotaay.

10 maalin ka dib ayaa habeen xaflad loo qabtay si subaxdi loo qalo Tiimojeen, habeenkaasna waa laga soo weday reerki haayay, waxaana waardiye adag looga dhigay Todoo iyo laba nin oo kale, habeen barki ayuu Todoo ku beerlaxowsaday maadaama uu Aabihii gacan yare u ahaa inuu biyo siiyo, ka dibna intuu madaxa kaga dhubtay tiir uu garbaduub ugu xirnaa ayuu halkii ka caray.

Meel kale uu yaqaan malaha, farasna mahaysan, lugna meel kuma gaaro, wuxuu soo abaaray gurigii Suwaar Hanshela.

Subaxdi Talihotaay waxaa la soo gaarsiiyay inuu Tiimojeen baxsaday, Ayeeydiis Wilbona naxdinti ayay u dhimatay, Talihotaay wuxuu amray in si degdeg ah loo baadigoobo, ciidankiisina waxay u kala yaaceen Afarta jaho, laakiin waa la soo waayay.

Talihotaay wuxuu amray in guryaha laga raadiyo, waayoo wuxuu garan waayay cidda kaalmeeyneeysa, laakiin lama helin oo reer Suwaar waa ku dadaaleen in aan la arkin, ka dib Talihotaay wuxuu go’aansaday inuu Ayeeydii aaso ka dibna ciidan u kaxeeysto inuu soo wada laayo reer Yasogaay yar iyo weynba.

Inta uu aaska ku sii jeeday, ayuu Suwaar Hanshela siiyay Tiimojeen faras iyo sahay uu ku sii jidmaro, Tiimojeena wuxuu ballan qaaday inaanu illoobidoonin abaalka ay reerkaas u galeen, gaar ahaan gabadhooda Hidaan oo uu ka ballan qaaday inuu guursandoono.

 

7.

Markii uu Tiimoojeen ku soo laabtay halkii uu reerka ku ogaa, wuu ka waayay reerkiisi, wuxuuna billaabay inuu baadigoob u galo, isaga oo ku wareegaaya nawaaxiga oo dhan, ayuu la kulmay Zamuhaa oo ah wiilki in ay walaaloobaan isugu dhaarteen markii uu yaraa, Tiimojeen wuu garan waayay ilaa uu ka yiraahdo waxaan ahay Zamuhaa, ka dib mar labaad ayuu ka codsaday in ay isdhaarsadaan wuxuuna ku yiri: “waxaad tahay Dhashii Nubalaada aheyd (sareysay) anigana waxaan ahay Zadalaan (kuwii hooseeyay) laakiin ha’ixaqirin, anigana waxaan kaa kaalmeeynaa mideynta Maguul oo dhan” Tiimojeen iyo Zamuhaa mar kale ayay isdhaar sadeen,wuxuuna u sheegay in ay reer Maguulku ku heesaan geesinimadiisa, dadkuna ay isaga ka sheekeystaan, wuxuu u sheegay in ay reerkiisu degan yihiin Buurta Bikiir dhabarkeeda dambe, markaa ayuu Tiimoojeen reerkiisi dib u helay,waxaana soo dhaweeyay Hooyadiis iyo walaalihiis oo ku faraxsan.

Markii uu 20 jirsaday dadku waxay billaabeen in ay dhankiisa u soo guuraan, oo marba qoys soo ag dego ilaa laga maqlay in Tiimojeen iyo walaalihiis ay ciidamo Imbaraadooriyadda Jiin ah oo dhulka Mangoolka iska soo galay, kuwaas oo dadka waxay dilaan iyo waxay adoonsi u qaataan ka dhigay, Tiimojeen iyo walaalkiis ayaa la dagaalameen si ay uga badbaadiyaan 3 nin oo ay soo qafaasheen, markay ka soo furteena nin walba faras iyo Seef ayay siiyeen si ay reerohooda ugu noqdaan.

Wuxuu marba reer soo ag dego, ayaa maalintii dambe waxaa yimid dad badan oo guuraaya.

Tiimojeen wuxuu aaday degaanka Qabiilka Ongela, si uu uga soo wato gabadhii Aabihiis u alkumay Borte, waxaa dadki la soo degaayay soo dhaweeysay oo ka hor tagtay Hooyo Kaarlin, dadkaana waxaa ka mid ahaa Diikoshaan iyo caruurtiisa iyo dad kale oo soo raacay seddexdi nin oo ay naftooda soo badbaadiyeen, Tiimojeen iyo walaalihiis Zebi, Sabotaay iyo Obilaay, waxay ka mid noqdeen ciidamadi uu aruursanaayay Tiimojeen oo maalin ka dib safarkiisi ka soo laabtay isagoo wata caruusadiisi Borte.

Zalinbuhaa oo noqday Zaciimka Tataarka ayaa soo aaday dhulka Qabiilka Miyaarki, wuxuuna u sheegay Zaciimka Miyaarki Tohitowaa inuu Tiimojeen soo guursaday gabadh reer Ongela ah, oo ayna ogyihiin inuu Aabihii Yasogaay boobay Kaarlin oo aheyd xaaski Shaleedo, wuxuu kula taliyay: “soow mahaboona in aad ka aarsataan Tiimojeen, oo aad ka soo boobtaan gabadha u dhiganta tii uu hore idiinka boobay” wuxuu sii raaciyay: “aniga Aabaheey Tiim Zong waxaa la dilay anigoo 4jir ah, anigana waxaan Sun ku dilay Aabihiis Yasogaay, haddana wuxuu haaystaa xoogaa Boqolaal ah oo ciidamo ah, inta aanu xoogeysan waa in aan ku dhaqaaqnaa arrintaas, anigana wixii kaalmo aad iiga baahataan diyaar ayaan idiin la’ahay”.

Dagaal yahanadda reer Miyaarki waxay dhexda u galeen Tiimoojeen si ay ugala wareegaan Aroosadiisa Borte, marka hore Tohitowaa Zaciimka Miyaarki wuxuu u diray Shilingaar oo ah Shaleedo walaalkii inuu sahan ahaan ugu soo fiiriyo safarka ay sugaayaan, balse muddo ka dib ayuu Shilingaar keenay akhbaarki wuxuuna yiri: “Tiimoojeen waxaa lasocda Tobaneeyo ciidama ah oo ay ka mid yihiin Borte Aabeheed Diikoshaan iyo xaaskiisa iyo xoogaa ciidamo reer Ongela ah”.

Waxaa lagu murmay in lala dagaalo iyo in kale, waxaase leysku raacay haddii hadda lala dagaalo in ay Borte noqneeyso mid reer Ongela laga dhacay, laakiin haddii Tiimojeen ay xagiisa soo marto in ay tahay Gabadh Kiyaan laga dhacay, sidaa daraadeed in ay sugaan oo aanay hadda ladagaalin ayay isku raaceen.

Hogaamiye Tohitowaa wuxuu amray in bartaas ladego, isla markaana Hitaay ayuu u diray inuu soo sahmiyo halka Tiimojeen degan yahay, sidaa daraadeed arooski si nabad ah ayuu ku gudbay, ciidanki la socday ee reer Ongelana dib ayay nabad ugu noqdeen, balse waxaa ka hartay Borte hooyadeed oo xafladda arooska ka qeybgashay, waxay u keentay hadiyad dhar jildi madoow ka sameeysan oo si fiican loo hardhay, kaas oo ay ku sheegtay inuu Ambahaar Khaan uu ka codsaday ninkeeda Diikosheen inuu 99 xaraf ku xardho, waxay tiri: “waa wasiyo (dardaaran) ka soo jeeda Ambahaar Khaan oo maanta gacantiina ku soo noqotay” iyadana intay macsalaameeysay gabadheeda ayay dib u laabatay.

Tiimojeen Hooyadiis ayaa wiilkeeda kula talisay inuu u baahan yahay inuu xiriir fiican la sameysto Qabiilada xooga leh, waxayna u soo jeedisay inuu hadiyad u geeyo Khaan Toliin oo ah Qabiilka Keli si ay kaalmo isbaheysi uga helaan marki ay uga baahdaan,Tiimojeen waa ku dhaqaaqay arrintaas, wuxuuna hore u sii kaxeystay laba ladhalatay.

Markuu u tegay Khaan Toliina si aan caadi aheyn ayay u soo dhaweeyeen reer Keli, wefdiga reer Kiyaan ee uu hogaaminaayo Tiimojeen oo hadiyadda markii uu siiyay ka dib u sheegay inuu u citiraafsan yahay sida waalidkiis oo kale, isaga iyo Aabihiisna ay weligood isku xulafo ahaayeen.

Khan Toliina wuxuu uga cudurdaartay in aanu kaalmeynin markii ay duruufaha haayeen, laakiin wuxuu ballan qaaday hadda wixii ka dambeeya inuu diyaar ula yahay wax kasta.

Habeenkaas Tiimojeen iyo wefdigiisa waxaa lageeyay qolka martida si ay u seexdaan, laakiin nasiib xumo waxay noqotay habeenki ay deegaankiisa soo weerarayeen ciidamadi Miyaarki, waxay qafaasheen Naagti Aabihii ka dhintay iyo xaaska Tiimojeen Borte iyo Adeegto Howayquotescover-JPG-81shing.

 

La soco. ……..8aad.

SHEEKOOYIN